site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Jacayl aan marna qalbiga ka goyn karin ee ila taliya,,,,,,,,,,,,,

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Ila Tali Walaal - Ask The Experts (Current): Jacayl aan marna qalbiga ka goyn karin ee ila taliya,,,,,,,,,,,,,
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qorane

Friday, March 09, 2001 - 11:02 am
waxaan ahay wiil soomaaliyeed leh xaas&sadex carura,,dagan waqoyiga ameerika
waxaan is jeclayn oo qadar&calafnakala
kaxeeyey gabar la yiraahdo????????????????????
ayaduna hada waa xaas leh afar ciyaala
da deedu waa 27.sano ana 30,,sano
waxay ahayd qof aan marna caadi ku noqon karin
qalbigayga ayna kolayba waxaan rajayn inaan
wali saas ku ahay qalbigeeda
calaa kulixaal gabadhii isku magaalo ayaan
daganahay markay iga soo hor baxdo oomararka
qaarkood aan arko ayada iyo ninkeeda ama
caruurteeda oo wada socda bacdal salaan
waxaan galaa gaarigayga oon ooyaa
waxaan is tusaa iyadoo ooridaydii ah
caruurtaasna i dhashay kay la socotaana aniga
ahay mase dhicin...
maalinkii aan arko jiro ayaa igu dhacda
xaaskayga iyo caruurtayduna iima muuqdaan
mararka qaarkoodna waxaan ilaah ka baryaa
inuu ninkaasu furo si aan u helo fursad labaad
waayo habaynkii iigu dan baysay ka hadalka
jacaylkayaga ayaan balan qaaday hadii aan
gabarnimo kugu waayo ilaah haygu kaa siiyo garoob
mararka qaarkood markaan xaaskayga la joogo
sariirta waxaan dhahaa alow ii kas inaan sidaan
ugu helo xalaal heblaayo waa aduune hadii
jaanisku isiiyo mar labaad xataa haday noqoto
dhalma days walee inaanan ruux kale u danayn
hadaba walaalayaal ila soo taliya hadaad
ii haysaan waxaan isaga daweeye jacaylkaa
cayduna waa reeban tahay,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, March 09, 2001 - 01:32 pm
xaaskaaga ka fakar? cadaalad miyaa inay la noolaato nin qalbigiisa naag kale la jiro. qof hadaad jeceshahay waa inaad u faraxsanaataa, yacni aad jeclaataa inuu gurigeeda taagnaado, laga yaabee hadaad guursan lahayd nay noloshaada xumaan lahayd.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maslaxo

Friday, March 09, 2001 - 02:02 pm
mi qorene walaalo waan ku salaamay salaan dabadeed waxaan ku leeyahay waxa aad ka hadleysid ma dhabay kaa tahay mise waad iska hadashay haday dhab kaa tahay walaal jacaylku waa wax jira lakiin sida aad isku tustid uun buu noqdaa intaan jawaab ku siin waxa aan ku weydiinaya dhor su aaladood oo ku saabsan hadalkaad qortay ;
waa marka ugau horeysee walaalo markaad guursanaysay inanta hada kula nool oo xaaskaga ah
maxaad u guursatay haday nafsadaada jeceshahay meelkale? mise waxa ay kaa ahayd dabaa ku haysee wax uun iska dhal sidiiawoowayasheena udhaqmijireen?
tan kale mo ogtahay marwalba oo aad u oydo in ay denbi kugu tahay maxaa yeelay waa xaas naagtas?
ayaduse makuu ogtahay intaas xanuun ah oo aad mareyso?
intaas waxaa kaaga wanaagsan in aad jeclaato xaaskaaga caruurta kuu korisa sheydaan ayaa inta xun kaaga dhiga oo qalbigaaga gala eeiimanka isku sug naag waa naag waxa ay is dheeryihiin baarinimo iyo midii ilaahay wanaajiya ee anigu waxa aan ku leeyay jacaylka aad la oyneysa sii tan kula nool niyadaada ka saar taas salaada tuko oo ilaahay bari intaas baaku kaalmeyn doonta insha alaah
kheyr,>>,>';;;;;.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qorane

Friday, March 09, 2001 - 03:17 pm
TO MASLAXO
WALAAL WAAD KU MAHADSAN TAHAY WAANADAADA
ILAAHNA WAAN KA BARYAA INUU GABADHAA
QALBIGAYGA IIGA REEBO
TAN LABAAD WALAAL XAASKAYGA MARKAAN RUNTA KUU
SHEEGO UMA GUURSAN JACAYL AAN ISLA MARNAY
RUNTII ANIGU WAXAANJECLAA INANTAA KALE
WAXAY AHAYD TII KOWAAD OO AAN U NIYEYSTO
INAY NOQOTO OO RIDAYDII
WAXAY AHAYD QOF AGTAYDA AAD QAALI UGA AH
ANA I QADARISA BALSE WAXAA BAAS NOO NOQDAY
WAARIDKEED OO IIGA DARAY NIN LACAG LAHAA
ANA II ARKAYEYWIIL BIDHIKAALAA
DEEDNA IDAN LA AAN AYAA LAMAHERIYEY MARKII
LOONA SHEEGAY DUCO IYO HABAAR IYO AABAHEEDOO
QABAY DHIIG KAR UNA DHINTAY OOY ILAALINAYSAY
HABAYNKII AY IISHEEGTAY IN ARINKAA DHACAY
ANIGA IYO AYADUBA WAAN ILMAYNAY MUDANA ISKU OOYEY
NAY DEEDNA AAN U SHEEGAY ILAAH INUU II SAHLO
HADAAN GABARNIMO KUWAAYO AYADOO GAROOBA
MUDO YAR KADIB WAY AQAL GASHAY
ANA WAAN ISKU YAR BUUQAY MARKAASAA LAYGU DARAY
XAASKAYGAAN OO ABTIGAY DHALAY GURIGANA IGULA NOOLAYD SAAS AYAYNA KU NOQOTAY XAAS KAYGII
DOOKHAYGIINA AAN KU WAAYEY
TAN LABAAD EED LEEDAHAY MA KUU OGTAHAY CADAABKAA
KU HAYSTA MAALIN AYAAN GURIGEEDA U DIRAY
TALEEFON CODKAYGA MARKAY MAQASHAY EEN IRI
ASLAAMA CALAYKUM OY TIRI WACALAYKUMU SALAAM
AYAN IRI ABAAYO HEBLO IIDHIIB WAXAY TIRI WAA AYO
WAXAAN IRI WAA WIIL QORONE LA YIRAAHDO,,,,,,,,,,,,
OO HIN WAY ILA HADLI KARI WEYDAY ANA AAN
KU BAROORDARSADAY WAXAAN IRI HEBLAAYO WAXAAN
UQABAY INAAD I HALMAANTAY WAXAY TIRI QABRI UUN
BAAN KUGU ILAAWIN DEEDNA NABADEEY AAN KAGA TAGAY
JIRIDII AAN CAGAHAYGA KU RAAD SADAYNA AAN U IILAY
MUDO XAASKAYGUNA WAA LA SOCOTAA INAAN GABADHAA
JECLAA WALINA JECLAHAY WAAYO BERYIHII HORE OO
DHAN WAXAAN UGU YEERI JIRAY MAGICII QALBIGA
OOLA GAARAY HEER LAYGA QURAANSAARO
ALOOW ADAA DEEQA BIYEE SAMIRBAAN DUGSANAYAA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muna

Friday, March 09, 2001 - 06:28 pm
S/caleekum Qorane walaal waxaan ku idhi maxaad beenta noogu sheegeysaa ama aad xaaskaaga ugusheegysaa ama aad naftaada ugushegysaa waxaan ku odhanlahaa mid iska fasax gabadhaad qabtid imika waayo inaad kusugto maaha intaad kaheleyso naag laguusoofuri doono wali makafakirtay hadayba dhacdo in lasoofuro gabadhaas waxaad ku odhan lahayd caruurtaada hooyadood bal iskuday inaad kafiirsato waxaad ku hadlayso walaal S/calaakum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qorane

Saturday, March 10, 2001 - 06:11 am
to/muna walaal been igama ahan
jacaylkuna waa wax jira
teeda kale hadii xataa jaanisku isiiyo
inantaa marna ma dayacayo ama ma furayo
xaaskayga kamana tagayo caruurtayda
laakiin waan wada qabilahaa
anoo ku dalbaya caafimaadka naftayda
xaaskaygana maahan arin ka qarsoon ee
way og tahay inaan gabadhaa jeclaa walina
jeclahay xataa aan u gaaray xaalad xun
oo igu reebtay nabar qbatima sida gaastariiga
oo kale,,markaan arkana igu soo kaca

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

suhuur

Saturday, March 10, 2001 - 08:36 am
qorane hadaan hadalkaaga u fiirsado you are very lucky because xaaskaaga aad ayey kuu jeceshahay. laakiin selfish ha noqonin xaaskaaga ka fakir. xaq miyaanay u lahayn in la jeclaado. ka guur magaalda nolol fiicana kula nooloow xaaskaaga. jecaylku waa sida geed oo kale hadaan la waraabin wuu dhimanayaa yacni hadii aadan sii wadwadin waad ilaawi kartaa. xaaskaaga waa super aad ayeyna kuu jeceshahay nabsi yuuna ku qabsanin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qorane

Monday, March 12, 2001 - 01:37 pm
to/suhuur
walaal bacdasalaan iga raali ahow
waan ladaahay jawaabta
marka xiga walaal waad ku mahadsan tahay
waanadaada qaymaha xanbaarsan
takale......walaal
hadaan helo inantaa oo dee calaf waa cajiibe
ilaah wax iigu daro walaal maahan inaan
xaaskayga dayacayo ama aan nacayo
laakiin waan isku dhaqan lahaa
iyana raalay iiga tahay waayo waxay
ogtahay inay tahay daawadii naftayda,,,,,,,,,,,,,
ee su aashu waa ma helayaa????????????????????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qarad

Tuesday, March 13, 2001 - 12:09 pm
qorone waan ku salaamey waxaan rabi lahaa hadii ay suurtagaltahay in aan helo meelaan kaalasoo xariiro waad mahadsantahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MARWO

Wednesday, March 14, 2001 - 02:33 am
TO QORANE WALAALO SALAAN QAALIYA KADIB WAAN KUU GARAABAY WAAYO QOFKII JACAYL WAX KA ARKAY UUN BAA GARANAAYE RUNTIINA MARKAA AQRISTAY WEEDHAHAAGA WAAN OOYEY WAAYO WAXAD MOODAA INAYNU ISKU BAAB NAHAY LAAKIIN DHIB MAAAHA WIXII KUSOO MARAABA WAA ILAAHAY MAHADII MARKAA TALA AHAAN WAXAN KU ORAN LAHAA UGA GUUR MAGAALADA OO MEELKALE U GUUR BAL INAY QALBIGAAGA KA GODO WAXANA KUU RAJEYNAYAA IN ILAAHAY KUU YASIRO OOOOO SIDAAD NIYADAADA KA JECESHAHAY KUU QAADO BYEEEE WALAALO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qorane

Saturday, March 17, 2001 - 06:49 am
to/qarad walaal waad mahadsan tahay
anaana ku soosiinaya meel aad igala soo xiriirto


to/marwo walaal waad ma hadsanatahay
waana runtaa oo waxaa ii ga raabi kara
ruuxii dhadhamiya dhinbilaha caashaqa?
tan ka guurida magaaladana
hada ka hor ayaan wada daganayn magaalo kale
waan ka soo guuray kolkaan adkaysan waayay
arageeda,,,,,wayna iga soo daba guureen
mana waydiin sababta keen tay inay u soo
guuraan magaaladayada hase ahaatee
waxay ii sheegeen dad isku kaaya yaqaanay
inay weydiiyeen ooy tiri ara giisaas ayaan
daawo ka raadshaa ana ma doonayo inaan ka
qariyo aragayga waayo waxaan ogahay waxay
dareemayso jir taayo anigu inaanan arag
ayaa mararka qaarkood daawo ii ah
waayo markaan arko waxaa i qabta nabar sida
gaaska oo kale mudana aana la kacayn hadaanan
aragna ima qabanayo dhaqaatiirtuna waxay
yiraahdeen gaas kuma hayo ee waxkalaa jira
ana waan o gahay waxa jira,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

marwo

Monday, March 19, 2001 - 12:48 am
To/ qorane salaan qaaliya kadib walaalo
horta waa arin adag maadaama aad is doon doonay saan oo laba diina baahi caynkaasi idin kayso; waxan se aad ula yaabanahay anigu koley hadaan maanta helayo qofka sidaada oo kele calooshayda ku ah nin ima qabeen ee mayninka iskaga tagto si aad isu heshaan hada ninka iyada qaba iyo naagta aad qabto labaduba waa dul man yihiin oo sheekadiinu waa nina way qabaa midkalena qalbigaan kala qooqoyaa koley aniga taladaydu waa inaad ka guurto ama aad ka qaadidi ninka marlabaad tijaabi isba kaa qaad ye ma asxaan baa idin ka dhexeeya anigu koley wixii is jecel baan jec lahay qasab ku ma fiicna..

bye mahad sanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qorane

Monday, March 19, 2001 - 04:21 pm
to/marwo walaal bacdal salaan
walaal kolyba ra yigaaga ayaad hadashay
barigii ninku iga qaaday iimay mehersanayn
dee ana waygu danbi inaan kala baxo nin xilihiis
inaan calafkayga sugto mooyaane,,
waxaan aad ugu rajo weynahay hadaan iraahdo
ii soobax inay saacadaa ninka iska daaye
caruurta dhigayso laakiin walaal waa xaaraan,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salma

Monday, March 19, 2001 - 07:03 pm
qorane iska sug calafkaaga ilaahey waxuu kuu baneeyey four wife waqtiga hada ka faker xaaskaga iyo caruurtada kana guur meesha ay joogto naagtu ileyn hadii aad argeeda aragto markasta qalbiga baa ku jabayee waad ogtahay hada naagtu waa xaase marka ilaahey hakuu barakeeyo xaaskaga iyo caruurtawaxaana somalidu ku maahmaahda miro gunta ku jira miro geed saaran looma daadiyo warka naagtas waxay ka dhigantahay sidaas oo kale geed bay saarantahay ilaahey waxad taas ku jeclaatay taada hakuu marmariya byyyyyyyyyyyyyyyyyyyy

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

marwo

Tuesday, March 20, 2001 - 12:38 am
To qorane salaan ka dib dee walaal si aan ku idhaahdo garan maayee miyaan kula oo yaa ana
ilaahay hagaaga soo qaado aaamiiin walaalo waxaba laga yaabaaa inaanay ku qanac sanayn laakiin aanay adiga kal sooni kaa qabin oo isleedahay hadaad in kaaga ka tagto sow ku diideeee markaa sidii roon rabaa oge iska samir itaalkaaaa..


bywe

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, March 26, 2001 - 01:47 pm
ala qoranoow ilaah hakuu gargaao

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ceelbuur

Thursday, March 29, 2001 - 12:22 pm
TO: Qorane

sxb dhibka ku heesto waxaa usabab ahaa sadex waxyaalood oo kala ah sidan

(1) waxaad sameesey qalad maxaa yeeley barigii hore ee intan ka yareed waxay aheed ineysan kaa fakan ayadu oo aad hore ka aroosto
taasbaad ku qaldaneyd

(2)waxa ay sameeyeen qalad waalidkaa oo kuu guuriyey gabar aad tihiin ilmo habreed waxa ay aheed iney ayagu talada adiga kuu daayaan oo yiraahdaan gabar aad jeceshahay lakaaley

(3) waxaad tahay MASAMRE iga raali noqo inaan kuugu waco
ma-ogtahay marmarka qaarkood waa inaad samirtaa oo aad iska iloowdaa
wixiina aad niyada kasaartaa waligaa

Qorane hadii aadan kasamri karin ayada oo aad jeceelkeeda u dhimanrabto ama aad uwaalan rabto balsamee saan bal iney ku caawiso oo xoogaa aad roonaato

Qorane kawaran hadii aad soo iibsatid gabadha aad jeceshahay farafuunka ay isticmaasho noociisa oo kale kadibna aad marwalbo marso tiraahdo naagtaada

Qorane kawaran hadii aad weeydiin karto gabadha aad jeceshahay iney ku siiso qaar kamida dharkeeda kadibna aad u galiso naagtaada

Qorane kawaran hadii aad weydiinkarto iney kuu soo dirto warqado ay ayada qorqortey oo ku saabsan berigii hore wax ku saabsan iyo waxyaalo ku saabsan salaan uun
kawaran hadii aad weydiinkarto iney kuu soo dirto sawiradeeda


waano kale iska ilaali sheydaanka yuusan kaa tanbadin oo hasameyn sino sxb


nasiib wacan walaalkaa Ceelbuur

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qorane

Thursday, March 29, 2001 - 12:37 pm
to/ceelbuur
walaal bacdalsalaan waad ku mahadsantahay
qoraalkaaga laa kiin haba yaraatee
kumaan arag figradahaaga wax i qan ciya,,
bl wax kale oo yar dhaama soo qor

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, March 29, 2001 - 05:49 pm
TO:Qorane sxb waxad yeeshaa jecloow naagtaada iskana iloow tan kale ee aad jeceshahay saas baana kugula talinlahaa maxaa yeeley ayadaa caruur kuu dhashey
salaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, March 30, 2001 - 06:47 am
bro


runta ana kushegayee iska ilow naagtaas kale. marka hore adunka riyo kuma socde ee run ayuu ku socdaa. marka labaad waxa aduunka ugu fican waad haysataa oo waa caruur iyo xaas. waxaa kugula talin lahaa inaa maskaxdaada ka saarto naagtaas kale. waan soo maray taas oo kale oo waxaan jeclaa qof isla markaa qofkale ku xirnaa. waa ogaladatay oo way iga soo tagtay, hadana waxaa arkay inay ku wanaagsan tahay inaan faraha ka qaado waana ka qaaaday. waqti kadib qoftii oo dhan hada niyadeyda kuma jirto.


mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hodan

Wednesday, April 04, 2001 - 08:24 am
walaal waxaan kugula talinayaa inaad raadiso sidii aad ku hilmaami laheyd, hadana waxaan ku weydiiyey xariga ale ma heysataa oo ma dukataa,hadaba aniga waxey ila tahay hadaad talada ale saarato inuu ilaah kuu gargaari doona.
Iimaanka alaah kuu sugo naag fiican baad qabtaa ee iyada yeysan kaa fakan, waxaad wadaa luqda jecli nafta jecli.
Intaas waa iga talo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maandeeq

Thursday, April 05, 2001 - 08:07 am
to qorane walaal waad salamantahey waxan aqristay qoraaladaadii iyo talooyinka dadka kusoo siyeen but someone is good so this my idei walal wax walba jecelka ayaa kaweyn caruur naag iyo aduun qoftaas aad jeceshahey waxwalba hakuku qaadtee kala bax ninkaas nolasha aduunka waxaaweeye only jaceylkaaga dhabta ah oo aad la nooshahey .is better to love and lost then ever loved before.so good luck bro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hodan

Monday, April 09, 2001 - 08:44 am
Naa maandeeq maxaa inanka u lumineysaa marka alle miyaadan ka bqeyn, ka dib teeda kale adiguba ma aadan jeclaan leheyn inay kuugu dhacdo, marka walaal soo weji xumo maahan waxa aad wiilka walaalkeen kula talineyso, isku shiix oo alle ka cabso waxaas oo kalena kala xishoo inuu afkaaga ka yimaado.
Intaa waa iga talo, oo ha ka xumaan walaal waa iga fikrade,nabadeey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismail.

Thursday, April 12, 2001 - 03:04 pm
To Qorane.

Walaalkiis horta sida kaa muuqata dhib-baa
ku haysta dad badan oo wax garad ahna way kula
taliyeen, Caafimaadkana Ilaahay unbaa haaya, mana
kula yaabani oo Jacaylku wuu jiraa; waxaadse
ogaataa calafku inuu ka qoran yahay ilahay xaggiis
ogoow inay is waayeen dad badan oo is jecel,
ogoow inay jiraan dad badan oo wax jecel in looga
tagay meel cidla ah oo aan aniguba ka mid ahay,
ogoow inay dad badani ilmaynayan Jacayl dartii,
laakiin waxaa la isku dhaafay samir iyo dul-qaad,
anigaas kula hadlaayo wallahi heer waxaan gaaray
Gabadhii aan jeclaa aan la raadiyo ninkii ay iga
raacday, markastoo aan arko waan u dhoolla caddeeyaa, waan u qoslaa, waxaana u sheegaa sida
aan ugu farax sanahay waxa ay iyadu ku faraxsan
tahay iyadoo og ina weli jeclahay doqonimo iyo
dareen la'aan i haysana ma ahayne waxay iga ahayd
samir iyo dulqaad uu ilaahay i siiyay.

Marka aan u soo noqdo arrinkaagana waxaan ku
oran lahaa:-
Midda Koowaad Gabadhaas aad jecesha-
hay ha wicin, Haddii ay jiraan masawirro ay
leedahay oo aad haysana haddaadan tuuri karin
iska qari oo oo iska dheeree waxaad kaloo ka fogaa
taa inaad gabadhaas meel isugu imaataan adinkoo
kaligiin ah sababtoo ah wax kastaa dhici kara,
Labadii-nuba ilaahay ka xishooda oo qofba qofka
kale yaanu ku soo hadal qaadin inuu Aqalkiisa
soo dumiyo, Maajidka tag, School aad, Shaqada ha
moogaanin, Saaxiibadaada banaanka u raac, Caruurtaada iyo
Xaaskaaga soo war-wareeji, wax un samee waxaa la
la arkaa inaadan helin waqti aad kaga fakarto
Gabadhaas, inkastoo ku oran lahaaba magaalada aad
isla joogtaan ku kala guura.

Midda Labaad: Xaaskaaga waa "One of the most
precious people in the world" you wanna know why?
sababtoo ah iyadoo xaaskaagi ah, oo og inaa ruux
kale jeceshahay ay habeen kasta kula seexanaysaa,
wax kuu karinaysaa, kaa wal-walaysaa,oo weliba
caruurtaadi xanaanay-naysaa, waana yartahay Gabadh
intaa sameyn lahayd mise wa beenteey?? please ha
dhaawicin fiilitaankeeda, don't leave her behind,
u muuji inaad ku farax san tahay inay noqotay
xaaskaagi, u muuji how much you love her and be
proud of her, u naxariiso, hadala dabacsan oo
qalbiga u roon ugu dhawaaq, ku labiso oo banaanka
u qaad ileyn xaaskaagu waa shaatigaagi oo kale'e.

Aboowe waan ka xumahay inaan hadalkii kugu badiyey bale waad ku mahadsan tahay waqtigaaga qaaliga ee aad ku aqrisay war qaaddaan.
bye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

haboon

Thursday, April 12, 2001 - 06:37 pm
Wow! what a wonderfull advice,Ismail Jazaakalaahu kheyran si wanaagsan ayaad ula talisay walaalkeen.
Qorane warka ismail mid ka wanaagsan ma,hayo ee take his advice and good luck.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waayeel

Thursday, April 12, 2001 - 11:15 pm
Asalaamu Caleykum

Ismail, Fikrad aad u fiican ayaad soo jeedisay saaxiib maxaad ku soo qadeysay :)

Qorane,

Saaxiib koley hadaad ku qanceysid talooyin badan ayaa lagu siiyay inkastoo aad go'aanka adiga leedahay balse wax isu sheegu waa mid na dhex taal, anigu waxaan kugu ayidi lahaa inaad iska hilmaantid jecelyka aad sheegeysid aadna ku badashid xaaskaada maxaa yeelay ma jeclaan laheyd in nin aadan aqoon in uu xaaskaada ku yiraahdo amoore hore ayaa jira ee inanta anigaa kula qeybsanaya ama uu u fal galo siduu reerkaada ku dumin lahaa......jawaabtu waa MAYA, hadaba jecelykaada yuusan noqon mid dumis abuura ee ha noqdo kii nabiga sheegay "XUBI LI'AKHIIKA MAA TUXIBU LINAFSIK." La jecloow inanta bari ay sheeko inaka dhexeyn jirtay inay reerkeeda happy ku ahaato gurigeeda uu ahaado "Happly ever" maadaama aad adiguba taas jeceshahay. Sheeko hada ka hor isoo martay, aniga oo gabar wada hadal inaga dhexeeyaan heshiisna gaarnay ayaa waalidkeeda damceen inay rag kale siiyaan balse gabar caqli badan ayey aheyd weyna ila tashay ayadoo igu kalsoon ogna in jecelykeenu xad dheer yahay cid kalena soo dhexgali karin qadarta Alle ma oyee. Dhab ahaantii, hooyadeed iyo aabaheed ayaa ku amray inay taladooda raacdo laakiin waxey ku fakareysay inay diido oo xageyga soo marto, Ilaahey wuxuu qadaray inaan uga soo baxay meel aysan iga filaneyn oo aan iri waalidkaa adeec, aniga boos uma hayo gabar hooyo iyo aabe ku gacan serytay ee adeec waalidkaa. Runtii wey ka naxday waxeyna i tiri hadaan ogahay inaad saas dheheysid kulama tashadeen, anigu waxaa ii muuuqday mustaqbalka iyo dhibta uu leeyahay guur aanan asaaskiisa afarta waalid raali ka aheyn, jecelka la isu qabona uu dhamaanayo marba hadii waalidka ay caro wajiga ka saaran tahay, wuxuu Ilaahey qadaray in aan wadaadkeeda ku soo dhaweeyay mar uu magaaladeyda marti ku yimid markuu laabtay ayuu yiri hebel ma taqaan markaasey tiri si wacan sheekadiina ayey uga sheekeysay, wuxuu hada ii qadariyaa sida seedi camal inkastoo aanan la dhalan xaaskiisa balse daacadnimo iyo wanaag isku baraney, gabadhana waxey ii aragtaa iilna dhaqantaa sidii walaal oo kale, marka qoranoow, barrito ayaad heleysaa jawaabta ee ha ku fakarin in aad inanta reerkeeda dumisid ama macsi ku fakartid ee saaxiib iska iloow dad ciid lagu rogay ayaa la hilmaamaayee. Ugu dambeytiina, markii horeba waxaan u maleynayaa inaad ku khaldaneyd maxaa yeelay gabar waalidkeed kuu diideen xageed adiga geyn......wixii lagu faraxsan yahay ayaa meel mara......hadana hadii aad is leedahay reerkeeda iyo ninkeeda iyo ciyaalkeeda ayey kaaga tagin...ogowna barrito inay saas ka suurtowdo ee hadaba ka digtoonoow inaan meel aad ka shalayto ku dhacdid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, April 13, 2001 - 03:36 am
dear,qorane
arinkaaga ma sahlana laakiin ,waxaa laga yaabaa
inaad gabadhaad sheegaysid hadaad heshid iney
sheeko sidaad moodeysid,aheyn waayo
gabadha waxaad weli ugu daba xerantahay waa
in ninkale kaa qaaday maahe belief me.
i know what i am talking about,waxaa jira
waxyaabo badan oo dadka iska dhaadhiciyaan
horta waxaan hubaa naagtaada inaad jeceshahay
waayo qofaadan jeclayn maalina nolol lama qeybsan
kartid,tan kale talada aan ku siin rabo waa mid-
adiga kuu fiican laakiin ma ogi ilaa iyo heerka
aad diinta ku xiran tahay.
waxaana laga yaaba iney taladeyda dad badan ay ka
careysiiso,waxaan idinka codsanayaa dadka aqrista
iney isla markii jawaab la fududaanin ee hore
ka soo fakara horta.
hadaan kuu soo laabto qorane, adigoon cid ku ogaan
oo aad gabarta balansato oo aad feelingkaaga tijaabiso,waxa u badan tahay inaad gabadhaas sidaad moodeysidba aanad u rabin 100% waa sure
oo waxaad ogaan doontaa how precious is your
wife,makra go for it.
qorane hadaad qalad u fahamtay taladeyda raali-
noqo,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismail.

Friday, April 13, 2001 - 05:41 am
To: Anonymous.
I am very sorry to say this, but, taladaadi
ma waxay noqoty inaad ninkaas xaaska oo weliba
xanuunsan gabdhaas uu jecel yahay oo iyana nin
kale uu qabo inaad tiraahdo:-(Meel cidla ah ku
ballanso oo tijaabi fiilitaankeeda) to me wallaahi
that Hurts more than anything else...
Bal fiiri halkan: Meeqa qof ayaad dhawacaysaa
kuwo og iyo kuwaan ogaynba???...Taladaada darteed
adoo weliba hadda dambi ku jira, haddana hadday
sameeyaan sow ilaahay kuu caroon-maayo??...On the
otherhand, how would you feel haddii xaaskaaga ama
gabadha aad jeceshahay saas lagu sameeyo?!!!
BE NICE TO YOUR SELF, AND TO OTHERS, THAT
IS THE WAY WE CAN BE GOOD TO ALLAAAAH!!.
HANA IGA XUMAANIN, I'LL NEVER SAY ANYTHING MORE
BEHIND YOUR BACK.
Bye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ladan

Saturday, April 14, 2001 - 05:20 am
walaal waan kusalaamay,salaan kadidwaankufahmay waxa aad kahadlaysid balse waxaan kudihilaa waxtega gadaal haugu noqanee move on.si aad u ilooywda uga guur magaalada hadii aysuurta galtahay .iskuna day sidii aad xaaskaaga uga kasbanlahayd midkaas ookale ama kafiican kiihare sababtoo ah tusi xaaskaaga inadtahay mid uhaya niyad iyokalsooni dhabah.waawalaashey waxba matareyso .sababtoo ah maaha xaaskaag antibain ookuiloowsiinaysa wixiihare

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.