site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SIDAAN NINKAN NAFTAYDA UGA SAARA??????

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Ila Tali Walaal - Ask The Experts (Current): SIDAAN NINKAN NAFTAYDA UGA SAARA??????
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DURIYO

Saturday, March 10, 2001 - 06:24 am
Waxaan ahay gabar rabta talo wax ku ool leh. Anoon aad ugu dhaadhicin ama u falanqayn arinta ayaan ku soo koobi sidee naftaada looga gooyaa nin aad jeceshahay aadse ogtahay in aydaan is hanan doonin? Wuxuu ku jiraa arin anuu dhamaynayn oo uu jiidayo ana maalin walba waan isku dayaa in aan iska gooyo, intaanan arakayn way dhib yar tahay markaan arko se kama tegi karo. Ila taliya walaalayaal. Mahadsantihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Haboon1

Saturday, March 10, 2001 - 10:04 am
Ku dadaal wax kasta aad sameyneyso aad runta ku lifaaqdo..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LATALIYE

Saturday, March 10, 2001 - 02:57 pm
Abaayo, maxaa ka qaldan ninka uu sixi la'yahay? Asagu ma ku jecelyahay? Labadaas markaad iiga jawaabtid ayaan kula talin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hanad

Friday, March 16, 2001 - 04:42 am
wow
waxaad ku jiraa arin uusan dhmmaynayn adna waxaad ku jirtaaa sidii aad uga takhalusi lahayd...
aduun waalan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, March 16, 2001 - 04:44 pm
Walaal lataliye waan ku salaamay aad baana ugu mahadsantahay sida aad walaalahaaga soomaliyeed u caawisid. walaa anigana arin ayaa ihaysata sida duniyo ookale, walaal nin baan jeclahay sidaan u arkayna waxa waaya in uusan ijecleyn laakiin isagu wuxuu iyiraahdaa waan ku jeclahay, ok hadana si fiican iilama dhaqmayo oo waan sidaan ugu arkay inuusan ijeclayn markaan ku iraado ninyahow maxaad ka damacsantahay xirriikeena ima siiyo jawaab,markaan ku iraahdana walaalo ama aan kala harno ama si wanaagsan iila, dhaqan dhana ma,ogola aniguna waa jeclahay oo naftayda ka ma, gooynkaro, marka walaal bal talo fiican isii aad baan confuse u,ahaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

luul

Sunday, March 25, 2001 - 02:08 pm
aslama calykum
to duriyo
abaayo horta arintaadu waa arin culus hadana
runtii hadii aa dareentay intaad jeceshay in uusan ku jeclayn ama uusan jawaab sax ku siin karin abaayo isku day in aad ka fogaato meelaha uu joogo naftaadna waxyaalo kale mashquul uga dhigtid si aa uga fakarin waayo haduu runtii ku jecel yahay waxaan aamin sanahay in saa diyaar ugu tahay isna kuugu ahaado hadii kale uma qalmo jacelkaaga ee iska daa, waxaan hubaa mid kuu qalma inaa helaysid ,abaayo naftaada waxaa la siiyaa qofkii tiisa ku siiya hadalna wax ma taro haduusan xitaa kuu quurin jawaab sax ah
I hope in ay intaa yar ku caawido
take care yourself

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sagal

Sunday, March 25, 2001 - 06:15 pm
salaan dhamaan
to duriyo iyo gabadha kale walaalayaal anaa soo maray jidkaa dheer afar sano ayaan ku jiray ninkana sidaan u jeclaa qof bani adam ah uma jeclaan waligay, sheekadayadu waxay gaartay heer guur oo reerkayga layga soo doonay laakiin markaan wax is badal ah arki waayay cidhibtaan ku dhuftay intii aan ka tagi lahaa markaan guursado waxaa igala qurux badnaatay inaan anoo single ah ka socdo, walaahay aad ayay u adagtahay qof aad jeceshahay isna ku jecel inaad saas uga tagto laakiin hadaad habeen walba murugo ku seexatid waxaa kuu dhaanta inaad samirtid, wali waan jecelahay wiilkii laakiin hadaad ilaahay u samirtid kaa mid dhamaad heli who would treat you the way a lady should be treated. good luck sisters and inshalaah things would be bater.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KILLE

Monday, March 26, 2001 - 02:48 am
WAA KU SALAAMAYA ABAAYO MARKA HORE
ANIGA WAXAAN KU ORAN LAHAA IN AAD ISKA ILOOWDO
NINKAAS,
WAXAAY DOONTO HA KUGU QADATO. KA FOGOOW MEESHA U KU NOOLYAHAY WIILKA AAD JECESHAYA. WAXAAD ISKU DAYDA IN AAD LA XIRIIRTO WILASHA KALE EE SOMALIYEED, AMA WAXAAD QADATAA FASAX LABO WIIG OO TAGTA MAGALOOYINKA KALE, SI AAD ULA KULANTO AMA AAD XIRIIR KALE OO CUSUB U BILOOWDO AMA XASIIBO CUSUB U SAMEYSATO.
WAXAAN KU WEYDIYAYA MA WAXAAD KU NOSHAHAY TUULO ABAAYO??

JAAW ABAAYO
LYCKA TILL!! OM DU VILL TRÄFFA NÅGON ANNAN KILLE
SKRIV TILL MIG EMAEL:kille@hotmail.com
HEJ DÅ

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.