site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MURAARA DILAAC ILEEN LOOMA DHINTO

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Relationships - Shukaansi: MURAARA DILAAC ILEEN LOOMA DHINTO
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ayaanle

Sunday, March 11, 2001 - 07:15 pm
SALAAMA CALAYKUM
akhiyaarta akhrisato bogaan waxaan ka codsanayaa
inay talo kagaystaan arrin ila soo gud boonaatay
waana sidan:
waxaan ahay wiil somaliyeed oo jira 28,waxaan hadeer ku sugunahay USA,waxaan ka imi carabaha
halkaas oo aan ku noolaa intii kandanbaysay
dagaaladii kadhacay muqdisho 1990.waxaan jaamacad kaga soobaxay carabaha,USA waan shaqaystaa waxbarashadiina waan sii wataa.
saakaa ayaa anoo gurigayga jooga waxaa ii soo dhacay telephone wuxuuna ahaa aabahay oo soomaaliya igala soo hadlayey, salaan kadib aabahay wuxuu isheegay in hebel oo ah nin aan aqaano oo isaga markaa somaliy lajooga inuu gabadh
aniga isiiyey,markii wax jawaab ah kama bixin arrinta oo igu adkaatay oo geed. saaxiibayaal
gabadhu wax barasho dugsi sare gaadh siisan malahan, nolosha magaaladana way ku yar tahay,waxaa intaa kasii daran,wax sheeko ah oo naga dhaxeyso majirto gabadhaas iyada ah (ilaahay inkaar haku ridee) marka sideebaan ugu sheegaa aabahay in aanan diyaar u ahayn inuu nasiib kaygu noqdo gabadh.war raqba (maydka)waa ku rageedee ila taliya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, March 13, 2001 - 04:44 am
KU:AYAANLE
Uugoreentii saaxib ku salaamay marka xiga markaan aqriyaya qoraalkaadii aad ayaan ula udhacay waa hadey run kaatahay bal aan waxs yar kuugu darsadee saaxib
horta waad qaldantay oo gabadha ha ceey waxba kuuma dhiminee waalidkaadaba uma quurtit inkaaree laga yaabo saad u yaabtay iney iyaduna u yaaban tahay ninaadan garaneen sidee ku guursataa
saaxib maahan wax sidaa u ween mustaqbalkaaduna waa mid adiga kuugu xiran ileen abahaaba asagaa girigiisa ka adkaa oo asaa yaqaan siduu hooyo ku soo guursaday abahaa saaxib horta waa abahaa oo marawliba wanaagaadu ayuu kataliyaa marnana xumaan kuuma rabo wanaagaadu un buu kataliyaa ee taa horta ogoow saaxiboow hana fududaaninee latasho abahaa hadaad kayara xishooneesana lahadal bal horta gabadha laguu dhisaayo ee aabe kula jaclaaday oo dhan walibva kala sheekeeso ha u arkin qoraal alaa nta o goow caqliga waa loo dhashaa ee liiskama keeni karo laga yaabo iney hadaladeeda ku qan ciyaan mar kaad lasheekeesato hadii ey ku anfici weydo waad oran kartaa abahaa aaaboow anigu hada diyaar maba ihi laakin waxba haka nixin saaxib runtiina nin nasiib leh ayaa tahay ruuxii abahii kaduceesta ayaa wanaaga lala raadsadaa marka adiga waxaad ila muuqwataa wiil abahii kaduceestay uu abahaan kaaga dhigaayo abaal gud aadadiga keensatay ee ha u arkin xumaan iyo arin aad ula yaabto saaxib hadaad caasi ahaan laheed yaaba kula raad san lahaa gabar inkaar ayaa laguula daba taagnaan lahaa ee ilaah intaad tawakal saaratit abahaa qanci gabadhana lasheekeeso hadaad awoodo hadaladeeana miisaan wanaag inuu kuugu jira ilaah ayaa og adigu ma ogid ee dheh ilaahoow haduu wanaag iyo aawlaad baari ah aan kahelaayo ii fududee dheh hadii an dhibaato kala kulmaayana ilaahoow iiga badbaadi dheh saaxib k7uugu dheereeyi hadal kee qeer ayaan kuu rajeen nabadey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NASRIINA

Saturday, March 17, 2001 - 09:59 am
TO:AYAANLE
SALAAMA MARKA HORE. HORTA WALAALKIIS DHIBKA AAD SHEEKANAYSIT WAX SAAS U SII DHIB BADAN MAAHAN OO ADI LEE KUGU XIRAN TAHAY KARTIDAADA IYO RAGANIMADAADA MAXAA YEELAY QOFKA NOLOSHIISA MA FIICNO IN LOO SOO XULO EE WUXUU KU KALSOON YAHAY IN UU XUSHO SIDA UU HOREYBA KUULA SOO TALIYEY SXBKAA SAMEE WAXAA JIRO GABADHA AAD DHAHAYSIT WAXBARASHO HEER MAYSAN KA GAARIN WAXAA LAGA YAABAA KUWO JAAMACADO DHAMEEYEY IN AY KA WANAAGSAN TAHAY AMA ILAAHAY CALAF KAAGA DHIGO WAXAAN KU DHIHI LAHAA HA INKAARIN MASKIINTAAS IYADABA WAXAA LAYA YAABAA IN LA SOO QOOR QABTEY OO AYSAN KU FARAXSANAYN SIDA DAD BADAN LOO SOO AFTUUBAY OO KALE KOLAYBA HADII WAALIDKAA KUU DUCEEYEY WAA HELEE NOLOSHA QOFKII AY KU QANACSAN TAHAY ILAAHAY ISKA TALO SAARO NASIIB WACAN AAN KUU RAJAYNAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ilhaan

Saturday, March 17, 2001 - 10:33 pm
walaalayaal waad salaaman tihiin salaan kadid ayaanle arintan aad sheegayso waa arin layaableh waana dhacday inkastoo aniga ay igu dhicin balse waa arindhacda waxayna kudhacday walaaaalkay oo iga wayn waayo gabadha la siiyay waxna qori karin mana aqrinkarin laakiin gaabadh garanaysa diinta nasiib wanaag walaal key wuxuu sugayay muda dhan 7sanadood sanadkii 8daad aqirkiisa ayay timid imean 1998 way aqal galeen inkastoo aan hadalka aanan wada rabinaan idinku dhee rado waa waxaa dhacday in sharcigayga lagu soo kaxeeyay laguna paris halkaasna uu sharcigaygii ku kansalmay nasiib daro ayanan iscalfan markii aytimid usa ay isfahmiwaayeen igagoon weli aqalgelin maxaa yeelay way adag tahay dadka aan is aqoonin la isa siiyaa aniga iyo walaalkayna sharciga uu ga qarxiyay madaxiisa iskula hadlin inkastoo mar walba wallaal key yahay iina soo duceeya somalaay in ilaahh sharci ii sahlo oo marlabaad baan isdhiibay waxaan kugu talin lahaa kafiirso intaadan falin ileyn magaranaysid qofka wuxuu noqon adigoo weliba waxbadan uxayirnaanaaya ilaah hakuu fududeeyo asalaamu -calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAYSAL

Monday, March 19, 2001 - 06:34 am
WARAA DUQA GABARTA UU KUU KEENAY QAAADO,WAAYO KUWA LA XUSHAA DHIBKOOD AYAY LEEYIHIIN.WALAAHAY TALADAYDU WAA RAAC GABADHAAS LAGUU KEENAY JECLOOW WANAAJINA,LAAKIIN HADDAAD TIDHAAHDO WAAN XULANAA WALAAHAY IN BADAN BAAD KA SHEEKAYN.....ANIGA IWAYDII

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AYAANLE

Wednesday, March 21, 2001 - 05:57 pm
AKHIYAARTA WAAD MAHADSAN TIHIIN WAXAANA
WAALALO LAGU YAHAY IN DHIBTA LAWADA QAYBSADO
WAANA KU MAHADSAN TIHIIN TALOOYINKIINA IYO
DHIIRI GALINTA AAD ISIISEEN.
WALAASHAY,ILHAAN,ILAAHAY WAXAAN KAA BARYAAYAA IN ILAAHAY
SHARCI KUUSOO SAHLO, WALAALKAANA ISKALA HESHII
RUNTII AAD BAY UXUNTAHAY QOFAN SHARCI KULAHAY USA.
HOWSHAASNA ANIGOO ADEEGSANAAYO FIKRADAHA AAD IGU
SOO BIIRISEEN DIB AYAAN UGA FAKIRI DOONAA

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.