site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Su'aal to All Somalis

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Ila Tali Walaal - Ask The Experts (Current): Su'aal to All Somalis
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fardowsa

Friday, March 16, 2001 - 11:06 am
Walala yaal waan idin wada salamay,salan ka dib
waxan idin wediyey maxa wilasha somaliyed ay been
u shegan oo ayna dacad naftoda iyo qofka ayla socdan ugu ehen,mida kale maxay somalida u jecelyihiin in ay dadka ka hadlan oo ay u cayan oo
qofka wuxuna u ehen oga shegan,maxay u jecelyihin
in ay qof dhan mustaqbilkisa oga ciyaran,nimanka
nagaha leh maxay dumarka kale inay been u shegan u jecelyihiin,maxay kalo u jecel yihin in ay carurtoda xata qariyan,ma dabecad bay ka noqotay
mise wax balashar ah ayey ka helan bal yaa ka jawabi kara su'asha si dacad ah oo aan been ku jirin,waxa kalo idin wediyey qof marku qalad galo
ma somali buu ka galay mise naftisa iyo Ilahay,oo
cafi yuu wedista ma Ilahay mise dadka,maxan u jecelnahay wax aan business kena ehen in aan fara gashano,maxan u jecelnahay in aan dad lug iyo laba
ka goyno,maxa u jecelnahay xasidnimada iyo qabilka
bal iiga soo jawaba.

Qof kasta oo aqrista waa ku mahadsan tahay.


Salama Calekum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Biibto

Friday, March 16, 2001 - 04:37 pm
Asalaamu caleykum
Walaal Fardowsa waxaad so sheegtay oo idil waa wax dhacaa ah dadkeenana ku kacaan balse waxaad ogaataa in ay afcashaan xun aysan dadkeena un ka soo asaasmin carab ayaan ka so dhaxalnay dabeecadahan xumi. Afcaashan xuna tan iyo waagii aduunyada la aasaasay ayee so jirtay xitaa waqtigii nabigeena waxkalena ma ay aha sheedhaan ayaa ku lug leh.

Race waliba dunida hadii aad eegto wax yaabahan iyo wax yaabo kadan ayee qabaan. simple answerna waxa weye bani'aadamka isku mid ma ay'aha Ilahay subxaana watacalaa ma uu wada simin faraheena siduu faraheena uwada simin ayee dadkana uwada sineen saa awgeed nooc waliba waad ka heli taana waa mid umada lagu imtixanaayo oo xag Alle ka so dhamaatay laguna egaayo hadii ay nafsadooda celin karaan iyo hadi kale. Ibliis waa tuu balan qaaday in uu haligo inta uu haligikaraayo oo ay naarta islagali karaan, tii ayaa socoto Ilahay hana bad baadiyo. Rasuulkeena (scw) markii nin asxaabta ka mid ah weydiiyay oo uu yiri "yaa rasuulu laah maxaa ugu badan oo naarta lagu galaa markaas ayuu rasuulka yiri qofka afkiisa & farjigiisa. waana run afka waa tan lagu hadlo oo wax waliba oo xun & wanaagsami so maraan qofkii controolo cadaab waa ka badbaaday. taan aad sheegtayna walaashiis dadkii ayaa afka ka adkaan la'a. (Ilahay hanaga dhigo kuwii ka adkaado afkooda & farjigooda {Amiin ya rab}).

Mida dadkeena ku kacaan oo ay ka dhigteen dabeecad xun oo ah in ay qofka nolashiis laso faragalaan mise ay wax ka sheeg sheegaan. Walaaleey walaahi anigaba taa waan la yaabay oo wax aan ka sheego haba yaraate ma ay jirto. Horta is weydiin ma ay laha in uu sheedhaan qasaayo iyo wixii aan kor ku so sheegay. Xan ayaa la yirahdaa ficilkaan oo kale Waa tuu Alle subxana watacalaa & rasuulkiisa nooga digeen. Waa tii qur'aanka noolugu sheegay qofkii wax xantaa wuxuu la mid yahay asaa cunay hilibka walaalkii taa maxaa ka cadaab daran walaashiis. Umadana wey ka dhaga la'yihiin (Allow qatumada no suubi). mida labaad waxaan u maleen jaahil nimo & aqoon daro ayaa u geyneyso, waa gii hore somali waxey aheed umad xoolo dhaqato ah oo isku faanto jecelna qofka kale amuurihiisa daneyaan, tii ayaa bacdo mudo socoto ilaa waqti xadirkaana lagama dalacin.

Tankale oo aad sheegtay oo ah qofka haduu xunyahay in ay suuqa dacaayad u galiyaan oo ay qarka ka siituuraan. Taa waa tan ay ku dhereyaan wax kalena uma geyneyso oo aan ka aheen jaahilnimo iyo heblaayo & hebaloo caruurtooda faraha wey ka baxeen sifiican ma ay u abaabin oo ku laaban kuweeyga ayaa ka wanaagsan oo ay iyaga is weyneynayaan. dhaqan xumo, jaahilnimo, xaasidnimo & Alle kacabsi daro ayaa u geeysay.

Walaashiis umad dhan ma lasixi karaayo hadii ay sax mayaan Ilahay hadaladiisa ayee ku saxmi lahayeen. Adiga lee nafsadaada ka adkoow & Ilahay haduu wax ku siiyo intaas un ku dadaal in aad afcashaan xun katir tiri laheed mise ugu digi laheed. Hadii aad maqasho hadaladaan oo kale ha sii daneen ee iska dhagati hadi kale shedhaan ayaa ka hadalsiin oo waxaad ka mid noqon kuwii xata ku tarax tagay. mida kale waa in aan xasuusanaa Ilahay hadaladiisa & rasuulkeena taa ayaa nagu filan.

Waa iga intaas hadii aan qaldamay cafis & masaamax. sorry na waan dheereeyay. Wasalaamu caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, March 27, 2001 - 10:48 am
THEY TRYING TO FEEL GOOD
SEX IS GOOD SIS

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.