site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Walaalyaal bal arintan ila eega oo talo iga siiya fadlan

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Family Matters - Arimaha Qoyska: Walaalyaal bal arintan ila eega oo talo iga siiya fadlan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

walaashiin muslimad ah

Tuesday, March 20, 2001 - 03:57 pm
ASALAAMU CALAYKUM WALAALAYAAL WAXAAN IDIN WAYDIISANAYAA TALO WALAALNIMO IYOMID ISLAANIMO ARINTAAN MAXAAD IGA ORANLAHAYDEEN
WAXAAN AHAY XAAS WAXAAN KU NOOLAHAY QURBAHA HADA WAXAAN HAYSATAA 5 CARUURAH DA DAYDU WAA 27 SANO WAXAA DHACDAY IN 1996 UU NINKA I QABO AADAY SOOMALIYA XILIGAA WAXAN HAYSANAY LABO CARUURAHOO MIDINI YAHAY 1 SANO IYO BAR MIDNA AAN UMUL KULA JIRO WUXUU SOO GUURSADAY NAAG AY ISX IGAAN WAXBA IIMA SHEEGIN MARKII UU YIMI 4 BILOOD KADIB BUU FURAY ANOON WALLI OGAYN MAALINTII DANBE BAAN JEEBKIISA KAHELAY WARQADII FAXKA HAYD EE UU U DIRAY OO UU KU CADAYNAYO IN UU FURAY WAAYAABAY WAXAANA WEYDIIYAY 3 SU AALOOD OO KALA AH
1 MAXAAD U GUURSATAY 2MAXAAD IIGA QARISAY MARKAAD GUURSAYANSAY 3WAAYO AAD UFURATAY WUXUU IIGU JAWAABAY 1 WAXAAN U GUURSADAY IN AAN CARUUR KA HELO 2 WAXAAN KAAGA QARIYAY IN AAD MASAYRTO BAAN KABAQAYAY 3 WAXAAN U FURAY SIDAAN MOODAYAY ILMA NOQONOO ANOO AN SHAQAYN OO CAYR QAATA KAMA MASRUUFI KARO CAYRTEENA MARKA XAQEEDA MAQAADI KARO WAALA JOOGAY SANADKII 1999 BUU SHAQO FIICAN HELAY KADIB SUMARKII 2000 BUUAADAY HADAN SOOMAALIYA MAXA SUGE HEE NAAG KALE BUU SOO GUURSADAY INTII UUXAGA JIRAY BUU HADALKII ISOO GAARAY MARKII UU YIMI WAXBA ISMAWALIN WAAYO WAAN OGAHAY ILAAHAY 4 BUU U BANEEYAY MARKA WAXAAN KU FAKARAY HADII UU RAGANIMADEEDA LEEYAHAY HA ISKU KIIN DHAQADO INKASAT OO NAAGAHA WADANK AAN JOOGO AY IGU SHEEKAYSATAAN OO DHAHAAN WAA DOQON HADAN ANIGU WAXAAN AHAY NAA ISOG KITAABKA ILAAHAYNA WAA U JEEDAA OO KAMA BOODI KARO ,ARKA CAAL KULI XAAL HADA WUXUU SOOROGAY NAA ADIGU KU LAABO SOOMALIYA OO CARUURTA OODHAN KAXEE ANA XAASKA YAR BAA ILA JOOGAYSA ANIGU WALAIGAY MA MARAG MEESHA UU LEEYAHAY AAD WAAYO WAXAAN KASOO TAGAY XAMAR ANOO YAR CARABAHA BAAN JOOGI JIRAY KADIBNA YURUB BAAN IMI MARKA WALAALYAALOW WAY ILA ADAGTAHAY IN AAAN SOOMAALIYA AADO XILIGAN XAADIRKA AH OO NABADI KAMA JIRTO CARUURUNA WAAWADA YAR YAR MIDA U GU WAYN AY JIRTO 7SANO OO ISKU NUUG AH ISAGII WUXUU ILEEYAHAY HADAAN LAABANAYN WAAN KU FURI WALAALAYAALOW MAXAAN SAMEEYAA MAR MAR WAXAAN KU FAKARAA ADAA TUSAY DOQONIMADA INTAA LE EG EE HADIIAAD KULULAYN LAHAYD WAA HORE SIDAABA KUULA MAHADLEEN MAR MARNA WAXAAN KU FAKARAA HEEDHE KUMA RABO TAN YAR BUU RABAAA MARKA WALALYAALOW FADLAN ILA TALIYA MAXAAN SAMEEYAAAA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axmad

Tuesday, March 20, 2001 - 05:01 pm
ABAAYO HADII AAD WADANKAAGII AADO WAXAY ILA TAHAY WAA CAADI OO TAAS BAABA KUU FIICAN WAA HADII AAD RABTO ADIGA MAXAA YEELEY HADA SOMALI WEEY HESHIISEY OO HADA LAGUMA DILO DAAROOD XAMAR DADKU WEY IS AG SOCDAAN HAWIYE IYO DAAROODBA MIDA KALE DIINTU WAXAY FASAXDEY NINKU INUU AROOSI KARO AFAR NAAGOOD HADUU AWOODO, OGOWNA TAAS WAXAA LAGA WADAA HADII UU AWOOD U LEEYAHAY OO UU MAALFARABADAN ALE UU SIIYEY,

TAN KALE ABAAYO NINKAADA WAXAA TIRI CAYRTA BUU QAATAA MARKA FIGRAD AHAANTEYDA ANIGU WEY ILA QALDANTAHAY NIN CAYR QAATO INUU AROOSO NAAG KALE ASAGOO CARUUR HORE ULAHAA.


SAMEE WIXII UFIICAN OO FIICAN FAMILKAADA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waaniye

Wednesday, March 21, 2001 - 12:37 pm
Asalaamu Caleykum

Walaashey arrintaadu waa mid talo u baahan, waxaase fiicnaan laheyd in ninkaagana laga dhageysto doodiisa, waayo waxaa la yiri: Haddii aad aragto nin calooshu ka soo jeedo, kii kale(ninkii caloosha ku dhuftey) dhimayaa ma ogid.

Marka horta ku wad arrinta samirkaas, waayo wax aad maantey badbaadineysid waa carruurtaada ee maahan ninkaaga oo kaliya. Taasna waa muhiim oo waa meeshii laga yiri, Dantaad maqaar eyna waa loogu seexdaa. Aabbaha xumi waa ka roon yahay, nin wanaagsan oo hooyadood qaba, oo kaliyaa waxaa laga yaabaa markey cayaarayaan in hooyadu ku fakarto in ninku dhibsanayo oo ku disho maalin kasta inaysan cayaarta ku badan agtiisa, taasna waad garan kartaa sidey u xannuun badan tahay.

Haddaba: 1- Isku miisaan aqoontii aad ninkaaga u leedahay iyo fikradihiisa cusub. 2- Ma jecelyahay adiga iyo carruurtiisa oo ma doonayaa horumarkiina? 3- Celintani ma mid la xiriirtaa diintooda iyo mustabalkooda danbe, mise waa mid dal jeceyl iyo dhaqaalo ku dhisan? 4- Arrintiisa u bandhig culimada iyo caaqiliinta adin ka ag dhow.
5- Yeel waxay ku taliyaan ee u roon adiga iyo ilmahaaga. 6- Haddey noqoto inaad isku raacdaan inaad dalkii u noqotid, ku ballama oo qoraal ka sameeya sida noloshiina iskugu xiri kartaa, sida waqtiyada uu idiin imaan karto iyo inta uu joogi karo, haddeysan wax dhibaato ah soo dhexgalin.

Waxaase hubaal ah, haddii aad Ilaahey baridid oo wax kasta oo kula soo guboonaaada u talo saaratid inaad kheyrkeeda heleysid, oo meel kasta ku badbaadeysid.

Cibaadada Alle badi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

amaani

Wednesday, March 21, 2001 - 01:03 pm
abaayo ha aadin xamar.qabiil laguuma dilayo laakiin xabad wiifato ah baa iska socota. ma ka fakartay mustaqabalka caruurtaada, school ma lahan. maxay bari samaynayaan. haduu ku rabo muxuu kuu dirayaa, abaayo nin ku raba iskama kaa fogaynayo.diintana dumarka kuma qasbin inay aqbalaan in lala guursado laakiin taa markii horay ahayd inaad ka hadasho laakiin hada furiin wax ma kuu tarayo oo waxaad tahay hooyo 5 caruura leh. laakiin u sheeg maxaa iskaga kiin xiran haduu rabo muu keensado tan kale.abaayo ilaahay ha kuu fududeeyo ani waaba iga dul badantahay'e. laakiin waligaa ha ogolaan in lagugu kor socdo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

king

Friday, March 23, 2001 - 08:48 am
gabadhta dhiban
walaal intii lagu xadgudbo ayuu kugu xad gudbay oo sidaan u arko ah,somaliya ma'inaad ku soo dhimatuu doonaa?wuuba iga yaabshaye.allah ayaa wax ku siiya ee adiga aad dheh.adigu ha aqbalin waxyaalahaas oo kale....intaas ay iga tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdi

Friday, March 23, 2001 - 02:38 pm
salama calaykum .

walaal marka hore salaan kadib ,waxaa aad ila fiicnaan lahayd in asaga warkiisa lamaqlo markaa waxaa lagaran lahaa waxii qalad wata .
tan labaad waxaan adiga kugula talin lahaa marka hore in aad illaah ka cabsato ood ogaato waxa xaquuq ah ooillaah kugu leeyahay iyo tan ninkaaga kugu leeyahay markaa walaal illaah baa ka abaalmarinaya hadii uu ku dulmiyo .
walaal arinta waxaan umalaynayaa waxa uusheegay walaalkay waaniye baa ila hoboon anigu waxaan kaloo kudari lahaa in aad u waaniso si uusan dareemin in aad asaga ulajeedo waanadaas sida adigoo sooqaadaya cajalado kahadlaya dolmiga ama xaqa kadhexeeya labada isqabat iyo guud ahaan alla kacabsiga ugu dambayntii waxaad iska illaalisaa in asaga aad kucadaab galabsatid lakiin asaga haduu doonaya hakugu cadaab galabsado mar walbana waxaan kuu dardaarmayaa in aad sabirto waayo sabirku waxaa uu ku siiyaa waxaan kusiin waxyaabaha kaloo dhan ugu dambayntii waxaad iska ilaalisaa sheydaanka dadka hadal kooda in uu raad kugu yeesho .
hadaad wax warbixin ah oon qalad ufahmayna iska kaaya cafi hadii alla idmo.
sidaas iyo ilaah ha kuusahlo dhibkaaga .
salaama calaykum .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abqo

Saturday, March 24, 2001 - 07:08 am
naa hoy imaqal waan necbahay naagaha is jilciya
ama raalinimo ka doona waxaan aakhiro& aduun
faa ido u lahayn

ninka ku leh ama soomaaliya aad ama waan ku furin
maxay tahay faa iidada aad ku haysataa

ninka kuu sheegaya naagtayda yar baan keensan
ee iska galbo oo aragaaga iga qari maxay tahay
faa iidada uu kuu leeyahay markaad soomaaliya
tag to......
caruur aad la carartana ma haysatid
ee imaqal,,
soomaaliya hadaad aadayso yaan tarxiil lagugu
geyn,,ee xoriyo ku aad aan khasab ahayn??????

tan labaad haduusan ku raacayn maxaa kaa horeeya
waxaad dhahdaa waan tagin laakiin iraac
haduu diido dee haku furo ma ilaahbaa xarigii
kuufuray mise jahanamaad tagaysaa,,,
ilaah kaama tagine tasho nacnac uma baahnine
ilaahoow yaa ikaa tusa maxaan dharbaaxo kugu
waali lahaa waxay la soo taagan tahay
markaasuu guursaday markaasaan iri walaalow
maxaa iiga qarisay markaasuu hadana guursaday
markaasuu hadana iyiri waa ku tarxiilin....
naa ma shaar uu dukaan ka soo gatay baad tahay
haduu ku furana biil&daawo &guri ilaah baa
kaaga sooqaaday adoomadiisa ee waryaa ama bax
ama joog dheh naagtana hadaysan dhib kugu heyn haqabo,,caruurtaa ila korso dheh haduu diidana
asaga laad intuusan ku laadin

naga daa waxaan cuntamayn

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ILAAHOOW ADIGAAN TENEG IGA DHIGIN

Saturday, March 24, 2001 - 08:42 am
HADII AAD LEEDAHAY AQLI OO AADAN EHEEN TENEG
WAXAA TALADII UGU FIICNEYD KUSIIYEY AQBA
AQBA ILAAHOOW AADAN UDHIMAN SILAC ILAAHEY AQLI BUU KU SIIYEY AQBA
GABADHAAN WAA GABAR DEGEN AAD U DEGEN BALSE HADII AY QAADAN LAHAYD TALADA AQBA WAXAY NOQON LAHAYD AMA DAREEMILAHAY GUUL
ANIGA TALADA AAN KU SIIN LAHAA WAXAABA KUU SHEEGTEY AQBA MARKA NASIIB WACAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISLA ANIGII

Saturday, March 24, 2001 - 08:45 am
WAXAAN ULA JEEDEY INAAN IRAAHDO ABQO NOT AQBA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maxamad

Saturday, March 24, 2001 - 07:59 pm
ASC
Abaayo wiilka kuqabo aad iyo aad ayuu kaa qaldanyahay. Ilaah xaqaada ha kaasiiyo.
Abaayo wali gabar yar ayaad tahay.
Abaayo i dhageyso si wanaagsan.
abaayo waa qalad wayn in uu kuu hanjibo maka ugu horeysa.
Abaayo u fiirso wana oo kudhahay asaga
"waan kufuraa hadii aan Somaali aadin"
abaayo ufiirso Somaaliya maxaa kaa horeeyo
abaayo ilmahaaga Somaaliya ha'isgageenin.
abaayo ilmahaaga gafigir ee daraad dood ujoog.
wadan oo doolad lahee hageynin. EE wax faa'ido magahelaysid.
Waxaa lagayabaa marka aad somaliya aadid in uu gabdho gale kula soo arooso.
Abaayo gabar yarbaat tahay. Nin alaalo nin kaa rabtid ayaad kuursan kartaa.

ILAAH HA KUU KAALMEYO
NABAD GALYO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

vancoover

Thursday, April 05, 2001 - 04:43 pm
gabadha dhibaateysan.
kabax sheeko carbeedkan iyo waxaad wadid talo hadaad u baahantey joog meesha aadjoogtid ninkana dib ha u aaminin,kaligiisna maahe baryahan dambe waxaa soo baxay niman gar dhaadher anigu garanmaayo meeshey diintan ka keenene ninkani wuu ku qaldey dhowr goor sidaad u hadleysidn waxaa iiga cad inaad tahay gabar aad iyo aad u da,yar markaa waxaad sameysaa la tasho dadka aad isleedahay weykuugu dhawyihiin, xamarna ha isku tagin caruurtaasna ha ka gaxeynin meeshay ku dhasheen,furitaana ha ku dag dagin sababtoo ah uma wanaagsana caruurtada markaa dhexda xidho oo ha arko in aad ka maarmatey oo la aantiis aad noolan kartid.
marka dambe ee soomaaliya iyo dumarkan marba uu mid guursanayo ii gasoo laabto gaxee oo soo baar inuu cudurkii aids-hiv- uu qabo.
hadaad taas sameyn weydo,ilaahey baad leedahey,iminka wax ka qabasho ayey taagantey.
laakiin haduu cudurkaas kuu keeno faraha ayey ka baxdey.

adigoo kaliyana maahee dumar badan ayaa koley dhibaatadan kula qaba,nimankani diin, iyo salaamu caleykum yaaney idinku qaldin.
talo waa iga intaas.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ragiihore ee talinjiray

Saturday, April 07, 2001 - 10:59 am
salaan bacdi
waxaan kugu latalinlahaa inaad iskajoogto
meshaad jogto ood caruurtada xooga saarto sidii
ay wax bara sha dooda u dhamaay san lahayeen ninkana waxaba has ku mash quulnin ee hadu sifican kuguladhaqmana arag hadi kalan kol ba
dhan ku dono ayaa nukujidanin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BUSHAARO

Sunday, April 08, 2001 - 10:00 pm
WALAAL MARKA HORE SALAAN HOO
MARKAXIGA WAAN KA XUMAHAY IN UU ODAYGAAGI SIDAA KUGU SAMEEYEY,MAGACII RAGANA MEEL KAGA DHACAY.

HADII UU NIN RAGA YAHAY MARKII U HORAYSAY EE UU QALDAMAEY {{guurka labaad isagoo caruurleh dhibna aanan kugu qabin in uu guursadaa waa qalade}}EE AAD CAFISAY INTA UU CAGAHA KAA DHUNKADO AYUU REERKIISA ISKA WADAN LAHAA.

TAASISE MUU SAMAYN HADANA WAXA UU GUURSADAY GABAR KALE,
INTAA KUMA UU JOOGINE WAXA UU KEENAY IN UU WADANKII KUGU CELIYO, ADIGA IYO CARUURTABA,
WAXA II CAD WALAALEY NINKANI IN AANU DAN KA LAHAYN ADIGA IYO CARUUTABA WAAYO MEEL INTII JOOGTAYBA AYNA NABAD KU HAYSAN, CAAFIMAADKU ISKA LIITO, WAX BARASHANA LAHAYN, IDINKULMAMA TALIYEEN INAAD U GUURTAAN.
WAXA AAN FILAYAA INUU YAHA KUWA KA FIKIRA NAFTIISA OO KALIYA EEN CID KALE AAN U DANAYN.

MARKAA WALAALEY WAXA AAN KU ODHAN LAHAA ADIGA AYAA NAGA YAQAAN NINKAAS HADA INTA AAD HALKAN JOOGTO AYAAD CHANCE HAYSATAA,KA FIIRSO AINAAD KA TAGTID NOLASHAN AAD DHISATAY IN AAD ISKA BAABIISO WAAYO HADII AAD TAGTO MAGARANKARTAA WAXA UU KAAYEELIADIGA IYO CARUURTABA?
ISKA KORSO CARUURTAADA SIDA AAN FILAYO MARKA HOREBA ADIGA UUN BAA SOO KORIYAYE, WAA YO SIDA AAD TIDHI WAA BAXAY DHOWR JEER,IN UU MICIIN KUU AHAANA INTA UU JOOGO MA FILAYO .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, April 09, 2001 - 09:58 pm
Asalaamu Caleykum,

Walaal waxaan isku dayayaa inaan kuula taliyo sida gabar ila dhalatay ee hadalkeyga si wacan u dhuux.

Marka hore, ka xumahay in reerka uu SHEYDAAN soo dhexgalay balse lagu baraarugsaneyn shayaadiintana ogoow inay leeyihiin dad iyo jiniba marka waxaa laga maarmaan ah sidii horeyba aad u sheegtay inaad iska ilaalisid dumarka/ragga qaabka shayaadiinta u dhaqmaya kugulana talinaya in aad gurigaaga dumisid. Diintu waxay qabtaa in labada is qaba la isku qurxiyo lana heshiisiiyo xataa beenba la sheegee, waa mararka kaliya ay banaantahay in been la sheego. Sida kaa muuqata Ilaaheyna ha kuu kordhiyo waxaad tahay gabar diin leh hadii aad la kulantay nin xun ogoow in Ilaahey ajarkaada uu kuu labalaabayo oo aad adiga tahay akhiyaarad. Ninkaaga khalad weyn ayuu kaa galay balse khalad khalad laguma saxo ee adiga ka roonoow, ogoow waxaad xaq u leedahay iyo wixii lagaaga saxan yahay. Sheekada intaad inooga sheegtay hadaan ku xukmiyo, wadaadka wuu ku khaldan yahay inuu furiin kuugu guulguulo balse wuxuu mudnaa inuu sagaha kuu dhaqo kuuna masaajeeyo waa haduu ogsoon yahay dhibkaad ka heysid iyo noloshiisa wanaagaad u gashay. Bal sidii horey laguugu yaqiinay marakan SABIRKA daa'im asagaa dahabka ka fiican. Soomaaliya meel lagu laabto maanta ma aha, noloshana ma suuroobeyso, hadii ay tahay waxa la rabo in la badbaadiyo diinta iyo tarbiyada Ilamaha ha la aado carabaha ama afrikada kale balse soomaaliya maanta qabiil ma jiro balse fitno kale ayaa jirta haba ahaato xabad iska wiifeysa. Culumadu waxey sheegaan in ay dumarku yihiin SIXRUL XALAAL, sixirka xalaasha ah, ragga way yar yihiin inta aanan dumarka sirtooda ka keeni karin oo waxey doonaan ka dhaadhicin kara ayadoon dagaal jirin. Miyaad waanisay ninkaada, se miyaad meel cidla la tagtay arrintaana si hoos ah ula sheekeysatay, waqtiga sariirta ma ku soo qaaday afkaartaadana ma ka dhaadhicisay? Waxaan u maleyanyaa inaad xanaaq la aamustay ee wadaadka ha ka daalin ee xaqaada tusi, una sheeg in aad adiga priorit-ga leedahay ilmihiisana ah yihiin kuwa dhibta ay heysato, hadii aad ka fursan weydo wiilasha kula dhashay hoos ula tasho xalkana marnaba yuusan noqon furiin at least haduusan Ilaahey qadarin. Gurigaaga ka dhig mid daacada Alle had iyo goor ka muuqato Ilaaheyna isku xir dhibka jira Ilaahey ayaa qaadi kara bal adiga marnaba yaan lagaa soo marin furiin iyo wax kale, communication lack yuusan dhicin.

PS. Soomaaliya ma waxey noqontay been gabdho, kii tagaba wax ma soo heli, aniga iyo inta ila midka ah maxaa meesha na dhigay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

saacid

Tuesday, April 10, 2001 - 02:56 am
gabdha dhibaateysan.....


soomali baa kula talisay, soomaliduna dulmiga waa sameeyaan laakiin dulmiga ma jecla, waxa aad ka hadleyso wax qof lugula dhaqmo ma ah. anagu hada taada un baan maqalney. Ninkii dhiniciisii waa noo dhimantahay marka waxaan u maleynayaa haddii uu asagu markii hore ku keenin in uusan xaq kuugu laheyn inuu meel aadan raali ka aheyn aad ku yiraahdo.

Marka intii aadan tiisa yeelin bal la tasho dadkii adiga markii hore meesha ku keenay iyo waxa ay ka qabaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xoogsade

Tuesday, April 10, 2001 - 04:03 am
walaal waxaan ku oran lahaa ha ku noqon xamar
waayo waxaad ka fekertaa mustaqbalka caruurtaada,
fasilitiga aad halkan ku haysato ka heli maysid halkaas, hadaad ka heshidna waxaa ku filan hal dagaal oo mar dhaca.
markaa waxaan ku dhihi lahaa iska joog wuxuu doono ha sameeyo hadii uu ku rabo isagaa kuu soo noqonayee,
ta kale ninkani ka fekerimaayo mustaqbalka caruurtiisee wuxuu ka fekerayaa inuu la raaxaysto naagtiisa cusub oo uu iyana nici doono, markaa dembigan uu kaa galay isagay ku soo noqon doontaee ha u bixin.
Soomaaliyana ha aadin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fatuma

Tuesday, April 10, 2001 - 06:24 pm
walaaley talo hoo abaayo aniga waxaan guursadey nin 1994anigoo kenya jooga naagbuu horey uqabay aniga ma ogayn waan soo baxayay ioo imanayay usa kadib markaan joogay sanad ayaa waxuu yimid yurub oo ciyaal iyo naag qortay kadib mudo sanad kale ka bacdi xaaskii hore ayaan maqlay iyadoo soodhoofayso kenyana joogto oohabeendambe falayd kuqoran tahay uuna fiisaha isaga udiray lagac ayuu iwaydiyay oo uu bug uga yimaado usa ileyn markii horana anigaa yurub keenaye kadib udiray 3000 oo doolar oo aan ubaahanahay reer keenana ubaahan calaa kuli xaal gabadhii ayaan wacay oo hubsaday in arinta dhab tahay iina sheegtay inay isqabeen 5sano intuu anigana iqabo yahay 2sano kolkaa ayaan iri isug leynkii ayaan ku xirey hubsaday in arintii dhabtahay una sheegay sorry anigaa reerkiina kadul imid hadana idinkaga bixi una sheegay inaan maanta kenya joogin una baahnayn eeadiga intaad ka imaanaysid samir halkiina isaga furey isagii ooleh iyadaan furi oo ilmay ii dhaliweyday anigana iri kol hadaad iyada saa u gashay ana waad iigeli kukula tagnay gabadhiina timid meeshuu joogay gabarna ilaahsiiyay kalana tegeen ileyn qofku qiyaameeyoweligaa ma iaaminaysid isagiina naag kale guursaday hada anigiina nin kale hadana lee yahay 4ciyaal markaa waxaan ku dhihi lahaa haduu kuqiimayn waayay ilmahiisa xitaa kugugu qiimayn waayay tan uu leeyahay iyadaa ila joogina sidaada oo kale loo geliye oo samir oo soomaali kuguma ogi inaad aado in uu ku duugo ayuu dooni mooyee dankale maleh ninmeeshaan wax kuugu tari waayay somaali kuguma teraayo oosamoirkaagaan kuigu ogahay hana tegin joog meeshaada nabadeeyyyyyyyyyy

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, April 11, 2001 - 10:42 pm
TO. SAMIRBADAN WAXAAN KUGULA TALINLAHAA MEESHA AAD JOOGTO MARNA HA U DHAAFIN DHINAC QOFKA AADKU SHEEGAYSO NINKAAGANA KUUMA AHAN NIN EE WAA CADOWGAADA MARDANBE HALATASHAN HADII UU WADAAD YAHAY WADAANI HA UGO.DEE XAGEE BUU KAKEENEY NAA AMA BAX AMA WAAN KU FURAYAA.SIKASTA OO AAD UGA YEESHO WAXA UU RABO MARNA XALKUMA HELEYSID WAAYO NIN MEELI UCADAHAY MEELI KA MADOOW.ISKA ILOOW NIN IYO WAREERKIISA OO KORSO CARUURTAADA ADIGII BUUBA CARUUR KADHIGAYE OGOWNA ILAAHAY BAA RISIQABIXIYEE WAXAAD SAMAYSAA SALAAD INTAAD YUKATO ILAAHAY TALOSAARO OOBARI IN UU KUGU AADSHO TALOFIICAN.ISAGAA DAACAD LOONOQDAA EE QOF SHEQSIYAD XUN OOBAHAL AH IN YUR LAYIRAAHDAA MAAHAN DANBI ANIGU KU ORAN MAAYO ISKA FUR INKASTA OO UU ASTAAHILO LAAKIIN WAXAAN KU ORAN LAHAA USHEEG BAL IN UU AYAAN KU SOONASTO MEELAHAAS BAHAL KAASI INTA UUSAN IDIN CUNIN0.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wir

Thursday, April 12, 2001 - 04:48 am
To: Gabadha dhibateeyseen ee boogga furta; naaya dhareerka iska duu! Ma sawir baa tahay, waa maxay waxaad ku hadleeyso. Naa joog meeshaadda oo ilmaahaagga caafiimaadkoodda iyo waxbaraashaadoodda ka fakar. Ninkaan caandhaadiisa uu taaliiso ha la tasheen, waa hadaad wax isku faaleeyso.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.