site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Waryaa cid curad onoqonjiray oo hooyadi iyo aabahiis balaayo kaheysaa

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Ila Tali Walaal - Ask The Experts (Current): Waryaa cid curad onoqonjiray oo hooyadi iyo aabahiis balaayo kaheysaa
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

haaraaye

Sunday, March 25, 2001 - 04:27 am
walaala yaal waxaan ahay nin walidkii ay kucurteen yaraanteydiina walidkeey wey iibuuxiyeen kalitii walidnimo lakin kolkaan sooweynaaday ooy tahay inaan mustaqbalkeyga kashaqeeyo baa walidkey isdagaalkoodii igubatay ismana xushmeynayaan midwalbana kankaloolidi kuyahay anaana uweyn waxay dhaleen wana kuwareersanahay emaxaad igulatalilaheydeeen

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hoobiye

Sunday, March 25, 2001 - 06:24 am
acuudu bilaahi,,,,,,
warmaxaa tiri???????
war ma dagaaladii baa wax u dhimay
halkeese joogaan hada
haday joogaan qurbaha dhakhtar gee
waayo caadi maahan oo waa waalan yihiin
xiligii waxay joogaan xubigoodu bilaami lahaa
mar hadii caruurtii u kortay,,,,,,,
ha dhowrine dhakhtar gee...........
haday labo qabiil kala yihiina kala fogee
yey isku qarxine siiba side hawiye &daarood
ama isaaq &daarood,,
isaaq&hawiye ismaba geeyaan oo markii horaba
gardaraa isku geysay waa khasab inay hada is......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

haaraaye

Wednesday, March 28, 2001 - 05:22 am
To hoobiye
hobiye hota mahadsanid lakiin adigu waxbaad kucayaartay ookaliya wayo talooyinkaaga watlooyin mooryaan nimo kudhisan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Wednesday, March 28, 2001 - 07:09 am
Haaraaye

Dhibaatooyinkaasi waa kuwo ka jira meel kasta, haba kala darnaadeene. Dadka intiisa badanna (waarid iyo ilmaba) waa isla waashaan, waayo arrimahaasi waxay keenaaan in carruurtu noqdaan caasiyaan oo necbeystaan waaridkood, kana qalbi jabaan horumarinta mustaqbalkooda sida ugu yaraan waxaa culeys ka fuulaa waxbarashada, waxaa ka guurta naxariista, qaarkoodna waxayba ka dhacaan wadada nolosha, kadibna waxay isku arkaan DAMBILAYAAL ka gaabiyey dhinac walba.

Mid kaliya oo aad uga gudbi kartid, waa adoo taada daryeela oo gacanta ku dhigo waxuun dhaqaalo ah, shaqo yarna ka noqotee, kadibna taakuleeya waaridkaa. Markaas wax wey kaa maqlayaan oo wey tixgalinayaan taladaada, oo waliba waxay wax kaaga maqli doonaan sey kuu kala xigsadaan, balse adigu markasta waajibkaaga gudo, oo ula tali sidii xaq ah ee Alle kula ogyahay, markastana Alle u bari inuu soo hannuuniyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

haaraaye

Sunday, April 01, 2001 - 03:44 am
To am
walaal marka hore waxaad iga gudoontaa salaan iyo mahadnaq aan kaaga mahadnaqayo taladaada cilmiga iyo waya aragnimada kudhisneyd runahaantiina maxuma inaan yeelo ssad sheegtay

lakin mida meesha taala baa waxeytahay hadaan iraahdo goonibaan uistaagayaa mid walba waxaw isleeyahay kan kale baakadanbeeya marka hadaan dhiblakulmana waxaa imaaneysa meeshii waxleyqaban lahaa inleyskukeytuurturo taa ayadaa horaan isugudayay lakiin marleyxiray baawaxaadhacday inaan 3 bilood xabsi jiifo aydoo mid walbaa leeyi adaauwacane kasooda
tankale oomeesha taalna waxaytahay aabhey hantidiisa hadaanan ilaasha qaraabo farta baxsada ayuu gacanta ugelinayaa
marka walaalow bal waxidheh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

soofe

Monday, April 02, 2001 - 02:34 am
haraaye

war anigu hadaan kula taliyo, waxaan ku ordhan lahaa, dadkan soomalida ah oo da'doodu 40ka ka weyn tahay waa dad qariban dhamaantood. Haday waalid yahiin iyo hadii kale. Sidaad isu leedahay kanaa loogu qaataa baad maalinta danbe waxaad arkeysaa isagoo doobo qasaya, marka inta iska dhaaftida dantaada ka raaco meeshay rabaan ha iskala dhaceene. Haday hishiiyaan iyo haday diriraanba ayagaa sida isku doortay adigoon dhalan, ma mid la soo qasbay miyaa jira?

adigu taada ka adkow, ayagay toodu u taalaye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Monday, April 02, 2001 - 11:01 am
Haaraaye

Saaxiib adaa mudan.

Aad iyo aad baan u dareemi karaa xannuunka uu leeyahay dhibka aad ka hadleysid, oo waxay ka mid tahay dhibaatooyinka qoyska(Family problems).
Dhibaatooyinka qoysku waxay raad iyo xidido adag ku leeyihiin:- koritaanka nolosha oo aan, xaaladaha waqtigooda, dhaqanka bulshadooda, intay le'egtahay iyo sidey ugu dhaqmaan bulshadaasi caqiidadey heystaan iyo wax kasta oo soo mara ummaddaas.

Haddaba way adag tahay in intaas oo dhan, halmar laga tirtiro shaqsiyaad, ayadoo aan bulshadaas oo dhan la saameyn. In la badalo iska dhaafee, annaga la yaabani si dadban baan uga guurineynaa ama uga qaadaneynaa in badan oo aan kula yaabeyno maantey, waxayse naga soo baxaysaa ama soo siyaadeysaa kulama aan u sii durugno xagga cimriga.

Marka sidaas owgeed, waa in aadan gubin maskaxdaada, oo aad ogaataa in arrimahan soo qaangaareen waa hore. Laakiin haddana faraha ha ka laaban ee dadaalkaga wad, adoo xasuusan in lagugu abaalmarinayo sidaad ula dhaqantid. Waxaan ula jeedaa markasta xasuusi xaqa adoo faraxsan, markay kugu soo boodaanna xaggaaas u sii bood adoo leh: "Illaahey jannadda idin ku koor!". Tani waa mid naftaadana ka yareyneysa haaraanimada, ayagana ka yareyn karta xanaaqii badnaa, oo laga yaabo inay intey qoslaan sida waaridkoo dhammi sameeyo, kugu yiraahdaan hadal kaas la mid ah, xataa haddey ugu yiraahdaan mid badelkiisa ah, waxay raacinayaan qosol macnihiisu yahay uurka ma jiro.

Tusaale haddaan ku siiyo: Maalin tijaabi dhibkastey sameeyaan qosol ka buuxi, oo waxaad ku tiraahdaa, aabbe ama hooyo waxaan caqli ah xaggee ka keentey, kaliya waxaa kaa dhiman inaad ku eegtid mid Alle sidey ugu aadan tahay iyo wax la mid ah. Laakiin yeysan is maqlin gooni gooni u kala ammaan. Kadib waxaad arkeysaa ayagoo kuugu yeeranaya marqaati oo ku ayidsan. Marka la kala saaxiib oo la sheekeyso. Haddiise aan ka hor nimaaddo waxay sheegaan oo aan isla markiiba farta ka saarno qaladkooda iyo dambeygey ku jiraan, waxay kororsanayaan caro iyo lugtow ku sii walaaqaan wax kasta.

Intaasi waa waxii talo guud iga ah, haddeyse jiraan arrimo gaar ah, oo u baahan in isla hadda laga hortago: wax ka soo taataabo si aan waxii karaankeyga ah kaagala taliyo.
Baryada Allahii ku abuurtey badi, oo ka bari Inuu adiga iyo waalidkaa iyo muslimiinta oo dhan maslaxo iyo naxariis qalbigooda ku soo dumo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

haaraaye

Wednesday, April 04, 2001 - 08:13 am
To soofe
walaal marka hore waan kusalamaya marka labaadna waan kaaga mahadnaqayaa taladaadi lakiinsaaxiib maygula talin laheyd inaan inaan is iraahdo somali wixii afartan kaweyni faido maleh oo aan aniguna dhib sedexaad abuuro
mahdsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

haaraaye

Wednesday, April 04, 2001 - 08:17 am
To am
Walaal am marka ugu horeysa waxaan kusalaamayaa salaan kal iyo laaba marka labaadna waxaan kuugu mahad naqayaa 100%
walaal waan gartay waana qaatay lakiin dhibku intaa kuma eka oo wali waxaa meesha yaal mustaqbalkeygii eetaas maxaad kadhihi laheyd meshaan joogana waa afgrica
mahadsanid

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.