site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ma u sheegaa doctorkiisa mise farahan ka qaadaa?

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Family Matters - Arimaha Qoyska: Ma u sheegaa doctorkiisa mise farahan ka qaadaa?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, March 29, 2001 - 05:58 pm
Somaliyey talo ayan idin weydiistey:
Waxaan ahay gabar ardayed ah oola degan walaalkeed oo aad iyo aad uga weyn. Waa nin jirin oo had iyo jeer aan hospital ka marmi karin. Problemka meesha yaalo waa khamri yacab doctorkana kuma oga in uucabo qamri. Qof og maleh ani xitaa wuu iga qarsan jirey. Cabidiisa faraha badan beerkiisa ayaa daciif noqdey hada. Ila taliya in aan dhakhtarkiisa u sheega qurunkan uu walaaqanayo iyo in aan iskaga ceebqariyo koley isagaa gacantiisa isku gowracaye? Asalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali-shabab

Thursday, March 29, 2001 - 06:09 pm
Asalamu aleikum warahmutulaahi wabarakaad/

walaalkaa hadii uu yahay qof aad kaga weyn stop babysiting him. Let him die and let him drink to his grave. aakhiro wax uma jiran aduna waa isweydarshey. ilahey hakadhigo mid asturan adiga oo aan santiisa raciin. aamin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ladan

Thursday, March 29, 2001 - 11:39 pm
salamu caleykum, walal dhib ayaa ku heysta, marka xigtana waxaan ku shegi laha in ad ku firsan tan, walaal wani waa leysku leyahay, ee wax usheeg oo la tasho in dekhterka uu tago uuna usheego sidee wax ujiraan inu toba keno wax ugu fican majiran, waxa laga yaba inu ku tix galiyo uu talo qato, ee ku cawi taas,
nabadey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Biibto

Friday, March 30, 2001 - 01:48 am
Asalaamu caleykum
Walaal talo Alle subxana watacalaa ayaa hayo. walaahi wax aan ka iraahdo garan maayo lakin marka aan aqriyay ayaan ku qashuucay my heart goes for you sis. waxaan ku oran lahaa walaalkaa in uu cawinaad u bahan yahay shaki kumaba jiro, lakin sidee lagu cawiyaa yaase gargaari karo ayee shaki ku jirtaa. walaal waxey iila tahay aniga hadii uu aad kaaga weynyahay wey adagtahay si uu war kaga dhageysto mise waano ka qaato waayo wuxuu ku arkaa in aad tahay walashiis kayar oo aan asaga amrikarin mise hagi karin oo wuu ku yasayaa, si waliba ey xaalka ahaato dhag yalaq ku siin maayo. mida kale nin arimahaan oo kale ku dhaxjiro si uu waano u qaato wey adagtahay oo waxaa u cad xaraantaa oo uu bartay sheedhaana wuu sii waali. waxaan ku oran lahaa arintaan la kaasho qof adiga ka weyn walaalaha, walidkaa, waalidiin kale hadii ay jogaan, qaraabo & qof aad is leydahay wuu gar gaari karaa.

Arintan waa arin serious ah dhaqtar haliya sheeko ma ay joogto, waayo lababo gooro mar un ayee nafta ka dhici hadii uu qamri daradii u dhinto mise asbaabo kale. sheekada waxey tagantahay sideen ugu badbadinaa ninkani xaraantan oo uu ku taraxtagay ileen wax waliba waxaa ka daran asoo xarantani ku dhaxjiro oo tii Rabi ugu timaado. Walaal raxmada Alle lagama quusto Ilahay agtii wax kuma aha in uu so hanuuniyo, Ilahay u bari in uu baladani ka saaro. Adigana isjir hanoqon mid wadadiisa raacdo dhibatooyinkaano kale dhibaatoyin farabadan ayaa ka yimaado xitaa waxaa laga yabaa inta aad is leydahay gar gaar in aad adigana dhankiisa u badato oo aad balada la dhaxwalaaqato ee isa jir (waa hadii aadan adigana xarantaa aadan iminka ku dhaxjirin). sida aan ku iri yeel
1- dad ka weyn la kaasho
2- Ka dheyroo kuma ay roona ag joogiisa, waayo healthy ma ay aha nin xaraantaa ku dhaxjiro in aad adigana kula dhax noolato waayo qamri guriga uu ku dhaxjiro xaraan ayaa ku jirto xitaa cunada aad cuneyso ayaa shaki ku jiraan in ay tahay xalaal waayo qamri meel uu so galo sida xalaal aroundigeeda loogu dhigilahaa ayaa adag. Adigana gabar ayaad tahay environment kaan oo kale in aad ku dhax noolaato ma ey kuu roona siwaliba waayo environmentka ayaan aheen mid Islaami ah (if you know what i mean).
3- Marna haka quusan Alle raxmadii oo u duucee marwaliba, wax waliba oo dhaca.
4- Wax waliba oo dhaca walaaltnimadii uu kamudnaa haka inkirin oo waa walaalkaa wax waliba oo uu noqdo lakin xuduud kooban ku ekee.
5- ku dadaal in aad u raadiso dadka especialist-ka ah oo caawiyo dadka alkahoolika ah si uu iskaga dhaafo.

Walaal Ilahay ha kuu gargaaro waayo arintani arin sahlan ma ay aha runtiina walaahi wax laga qaban karo ayaaba iska yar siwaliba ay arinta ahaatana Ilahay ayaa la talo sartaa waana la dadalaa. i wish you all the best may Allah bless you. aniga intaa ayaa iga talo ah hadii aan qaldamay cafis & masamax. Runtii wax aan ka iraahdo arintan garan maayo lakin sidii aan aniga yeeli lahaa ayaan ku sheegay culimana la tasho. Wasalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Awil

Friday, March 30, 2001 - 03:03 am
Salama Alayku, walaal aad iyo aad ayaan uga xumahay arinta ku haysata, marka labaadna waxaan ilaahay kaaga bar yayaa inuu ilaahay kuu fududeeyo arimhaaga.

Run ahaantii waxaad iila muuqataa qof aad iyo aad u maskax furan noloshana fahamtay, balse dhib haysto. Walaashiis waxaa ogaataa in adduunka oo kaliya lagu walaalo yahay qofkaaguna kaliya uu kuu baahanyahay markuu dhibaataysan yahay. Waxaan ku dhihi lahaa u sheeg walaalkaa waji ka waji inaad Takhtarkiis au sheeygayso arintan, run ahaantiina runt wax ka fiican ma jiraan.

Iska ilow dadka ku leh waxba ha u qaban ee u aamus, waayo iduguba ma jeclaateen in wax xun lagugu sii daayo!

Waxaan kuu rajaynayaa in ilaahay kuu fududeeyo---
Guuul--- iyo ---- Waxqabad

Awil Nabadeey.............

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bereal

Friday, March 30, 2001 - 05:36 am
Anonymous, fadlan uu sheeg Taqtarka siday arrinta uu jirto. Ceeb maxaa kaa galy walaakaa baaba caafimaad xumo la liitee!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.