site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Qabiilneceyb reer maloo burburinkaraa

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Ila Tali Walaal - Ask The Experts (Current): Qabiilneceyb reer maloo burburinkaraa
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaliimo

Friday, March 30, 2001 - 11:37 pm
walaal waxaan idin leeyahay dhamaantiin waad mahad santihiin intii ilataliso waxaan ahay islaan jirta 28 leh 4ciyaal ninkayga iyo aniga kala qabiil ayaa nahay balse waa nin islaan ah ooijecel ana jeclahay qurbahaan isku guursanay reerkaygii waan usheegay qabiilkiisa balse ii ogolaadeen reerkiisana maqleen qabiilkayga hadaba sanado kadib ayaa reerkiisa iyo kuwaygana imaadeen hadaan reerkiisa eego way igudirdiraan oo waxaanan dhihin xitaa la iyiraahdaa waydhahday reerkaygan a gabdhaha walaaladay oo ciyaalka leh ayaa la iga jecel yahayoo even la tixgeliyaa nimankooda iyo caruurtooda anigana waa lagu qayliyaa la habaaraa loo gefaa waxna dhihikaro ilreyn waa hooyo iyo aabo qofkale go aan baan kagaadhi lahaaye ta ninkaygana arinta reerkooduu dhagaystaa isagoo dhihin sidey wax udheceen ayuu iaflagaadeeyaa iina gefaa isagoo igu halqaadayo reer hebel baadka keentaye ceebtaada ma aha waana mahadsantihiin aqriskan dheer aan qoray sida aad uaqrisaan waxaan sugaa talo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

suad

Saturday, March 31, 2001 - 12:36 am
To Xaliimo

Macaaney waan ka xumahay dhibka ku haysta, si kasta uu ninkaaga kuu jecel yahay haday meesha family problems yimaadaan, jacayl majiro sida aad sheegtaana la isku dilaa, kolay wixii dhacay dhaceen hada dib samaanka looma celin karee, waxaan ku dhihi lahaa abaayo sifiican ufakir intaadan gurigaaga bur burinin, intay adiga xumaan dhinacaaga ka imaan lahayd axsan dhinaciisa ha ka timaado ee usheeg sida ay wax ujiraan kana wada hadla sida reerkan loogu danayn lahaa, ileyn meesha ciyaal ayaa ku jira oo labadii dhinacba aan laga help garayneyn.

Waxaan kuu rajaynayaa nasiib wanaagsan, ilaahayna hakula garab galo sis.

Salaamaat.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somalida wali u maleeso inuu Qabiil wax tarayo ama ay qabiil dhan wax isku yihiin

Saturday, March 31, 2001 - 07:03 pm
TO: Xaliimo

walaaleey maxaa kaa galey hadii uu ninkaagu caayo dadkale oo eydaan waxbana isku eheyn
ma-ogtahay qabiil wax aad isku tihiin ma'ayjirto

Xaliimo waxa aad wax iskutihiin waa inaad barataa walaal bal aanku baro waa sidan

awoowgaagii labaad iyo ayeeydaadii labaad wixii ladhashey iyo wixii aydhaleen ilaa adiga laga soo gaaro oo ah labada dhinac ah

Xaliimo adigu waad ku qaldantahay inaad iska dhaadhiciso inaad wax isku tihiin qabiil dhan oo laga yaabo iney yihiin 1 milyan tiradooda ama waxkudhow

figradaada waxaan u arkaa anigoo iri waxaan wax isku nahay Eithopia, maxaa yeeley dadka Ethiopianka ahi waa dad noo eg-eg laakiinse dadka kale ee kunool Africa waxbo maiskunihin.

tusaalahaasi waxaan ula jeedaa waxba iskuma tihiin dhamaan qabiil dhan oo uu Ilaahey badiyey

hadii uu caayo ninkaada qabiil
waxaad ku dhahdaa walaal caay hadii aad rabto qabiil dhan adigeey ku jirtaa
laakiinse hacayn awoowgeey iyo ayeeydeey wixii kasoo farcamey oo ah labada dhinac

una sheeg ninkaada inaadan qabiil dhan eeydaan adigu waxbana isku eheen oo ay qaldantahay inuu kugu xumeeyo dad aydaan haba yaraatee aydaan waxba isku eheen oo xataa aydaan is aqoonin

waxaan walaal kuu rajeynayaa inaad sida anaga oo kale u fahantey sheekada qabiil qabiil oo maanta laga bilaabo u aragto qabiil iyo waxku saaabsan been been iyo tuugo ku qaraabato magac qabiil qabiil sida (worlords)ka

abaayo Xaliimo qeer aan isku ognahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XALIMO

Thursday, April 05, 2001 - 10:07 pm
TO SUAD WALAALEY AAD BAAN UGU FARXAY SIDAAD IILAHADASHAY BALWAAN EEGAYAA WIXII DANBA OO SOO KORDHA WAANA KULA SOCODSIINDOONAA MAHADSANID


TO INANKANAAN GARANAYMIN MAGACIISA WALAAL ARINTAYDA MA AHAN MUXUU UCAAYAYAA QABIILKAAGAYGA EE WAA MUXUU OGYAHAY INANKAN YAR EE LAGU ORANAYA MEEL AAD KA KEENTAA LA OGYAHAY MACNAHAYGU WAA QADARIN AYAA JIRTA WALOW DADKU COLAAD SOO DHEXMARTAY BALSE XUSHMAD AYAY KAA MUDAN YIHIIN WEEYE MACNAHAYGU ILMAHA YARI MUXUU ISLEEYAHAY MA MEELXUNBAA KA DHASHAY MAXAA SI AH ILEYN MEELKASTUU KU DHASHAY QABIIL WAA LAWADA BARTAY
MAHADSANIN FIKRADAADANA WAAN ARKI

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.