site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

HELP!!!!!!!!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Ila Tali Walaal - Ask The Experts (Current): HELP!!!!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SADAQ

Tuesday, April 03, 2001 - 05:28 am
Asalamu caleeykum !

WAXAA JIRTA INAAN MARKIIN AAN EUROPE IMID MAGALADAN DEGENAA QABIIL QABIIL LOO KALA BAXAY. WAXAAN SHEEGTAY QABIILKII AAN AQOONTA FIICAN U LAHAA. WAXAA DHACDAY IN NIN ODAY AH OO QABALIKAN SHEEGTAY KA MADAX AHAA GABADHIISA AANU IS JECLAANEY, HADAL IYO DHAMAANTIIS WANU IS GUURSANAY OO HADDA WAXAANU LEE NAHAY 3 CARUUR AH. SANADKAN BILAWGIISA AYAA WAXAA WADANKA YIMID NIN AANU CARUURNIMADII IS NAQAANAY OO I YAQAANO. WUXUU IIGU HANJEBAY INUU I SHEEGI DOONO INAAN QABALIKAAN AHEYNIN, WAXAAN KA BAQAYAA WAA XAASKEYGA IYO CARUURTEYDA, HADDII XAASKEYGA ABAHEED IYO QABIILKOO DHAN O GADAAN INAAN BEEN KU NOOLAA OO AAN SHEEGTAY QABIIL AAN QABIILKEYGA AHEYN WAA LA'IGA FURAAYAA XAASKA,!" SIDEEN WAX KAYEELA WAAN JECLEHAY XAASKEYGA IYO CARUURTEY. FADLAN WIXII TALO AH IISOO GAARSIIYA .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, April 06, 2001 - 05:11 am
iska hadloow ina igare.
did u understand wat i mean?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, April 06, 2001 - 05:34 pm
war runta sheeg
waxaadna dhahdaa berigaas ma'aanan aqoonin qabiil qabiil mida kale usheeg inaad jeceel aad uqabto xaaskaaga aawadiis aad u aroostey ee aadan u aroosin qabiilkeeda
labadoo saacadood bey ayada iyo qabiilkeeda buuqbuuqayaan kadibna arinta caadi bey noqoneysaa

mida kale qabiil waxlayiraa majiraan waxna ma'isu tihiin qabiil oo dhan ee waxaad wax isu tihiin awoowgaa iyo ayeeydaa labada dhinacbo waxay dhaleen iyo wixii ay sii dhaleen

wartaasi waa fudeed
dad kala qabiil run oo ah White and Black ah baa intey is aroosaan baa labada famil heshiiyan

NASIIB WANAAGSAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, April 07, 2001 - 01:59 am
asalaamu caleykum
sideed been ugu nooleyd intaas dhan mida kalese noloshu waa trust cidaad doonto ahow balse gurgaag been bad ku dhistey runtuna waa tan raagta allaha talo saaro reerku kuu joogo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

As

Monday, April 09, 2001 - 10:25 pm
Asalaamu calaykum
Walaal waad salaamantahay salan bacdigeed haddii aad waxaad sheegayso runyihiin marka hore inagu dad muslimiin ah ayaynu nahay oo qabiil iskuma guursanno ee diin ayaynu isku guursannaa waxaa qabiil isku guursada dadka cawaantaa ee aan diinta haysan diinteenuna waxay ina farraysaa ninka naagta guursanay waa in lafiiriyaa diintiisa akhlaaqdiisa rasuulkeeni(csw)ma oran hala fiiriyo qabiilkiisa,midda kale walaal waxaan aamisanahay naagtaadu haddii ay ku rabto in aysan jirin waxkaa qaadikara,marka walaal khayr ayaan kuu rajaynayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SADAQ

Wednesday, April 11, 2001 - 06:43 am
TO: AS IYO ASXAABTA KALE

WAAD KU MAHADSANTIHIIN WANADIINA. QASATAN AS - WAA RUNTAA QOFKA MUSLIMKA AH WAA KHALAD IN QABIILKIISA LO FIIRIYO. LAKIIN WAAD TAQANAA SOMALI BEYNU NAHAY OO QABLIILKA WAXAN KA HOREYSIINAA DIINTA ANAGOO OG INEY KHALAD TAHAY. WALAHI MA AQANI WAXAAN ARRINTEYDAN KA SAMEY LAHAA?????? QOLADA II MALEYSO IN ARRINTANI TAHAY WAX BEEN ABUUR AH MA FAHMI KARAAN XAALADA AAN MAANTA TAGANAHAY ILAHA WEYN EE CASIIS KA AH UUN BAA OG - HADDII AYSAN DIINTA ISLAMKA DILKA DAMBI AHEYNIN WAAN DILILAHAA NIN KAA ISAGA AH, WAAYO WAXUU BAA'BINAYAA OO UU GUBAYAA WAA MUSTAQBILKEYGA IYO KAN XAASKEYGA IYO CARUURTEYDA.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.