site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MAXAAD YEELI LAHAYD HADII LAGU YIDHAAH CARUURTAADA MID KAMIDA MA'AADAN DHALIN ilataliya walaal

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Family Matters - Arimaha Qoyska: MAXAAD YEELI LAHAYD HADII LAGU YIDHAAH CARUURTAADA MID KAMIDA MA'AADAN DHALIN ilataliya walaal
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NIN YAABAN

Monday, April 09, 2001 - 06:44 am
waxa aan rabaa talo aad u wanaagsan si aan u bad-baadiyo dumida reerkayga.

Arinta igu dhacdayna waa sidan.

Waxa jirtay in ay wiil iyo gabadhi is yaqaaneen,gabadhu wiilkaas aad bay u ixtiraami jirtay,(aynu nidhaahno magaceega HABOON isagana ALI.)
Ali waxa uu ahaa nin aad u xun oo naftiisa iyo cidkaleba aan u danayn, mashaqayste,habeen iyo maalinba khamri caba.
haboon waxa ay taqaanay Ali mud aad u dheer xataa waxay taqaanay intii uunan sidatan noqon,
waxa u suurto gashay Ali inuu gabadhii usoo dho-dhowaado.
aduu waxay sidii isku yaqaanaanba Ali waa la mastaafuriyay, waayo sharcigii ayaa loo diiday oo somaaliya ayaa lagu celiyay.
qiyqqstii markii uu sii maqnaa mudo ku dhow laba bilood ah ayaan ana gabadha is baranay.
Haboon waxa ay tahay gabadh dabeecad wanaagsan dulqaadna leh, waxa aanan ogaaday gabadhani inay tahay tii aan dumar ka rabay.
mudadii aan is naqaanay labadayaduba waan is jeclaanay,waxa aanan ku tashanay inaan is guursano.

sidii baan isku guursanay,reer kayaguna waxa uu jiraa shan sano laba caruura ayaan leenahay.
maalin hada laga joogo lix bilood ayaa waxa dhacday in uu yarkayga ugu wayni wax qalada sameeyey,ana waan ladiriray yar kii sidii aabe kastaaba sameyn lahaa mase aan dilin, inta ay Haboon halkaas ka soo booday aya igu qayliday oo tidhi ha igala diririn inankayga adigu maad dhaline kaad dhashay ladirir oo naga tag,
anigii yaab ayuu ilaahay ii keenay,mase aan fahmin u jeedadeeda, markaas waxa kaliya oon idhi naa maxaad ka hadlaysa,
waxa ay iigu jawaabtay sida aad ula dhaqantid kaaga ula dhaqan kana oo hantigaada ka yaree.
markaas baan idhi naa shaydaanka iska naar,caruurtu waa caruurtaydii midna sigaara ulama dhaqmo waana isugu kay mid, markaasay tidhi waxba ha dafirin waan ku arkay sida aad u kala fadisho waxa aad og tahay inaadan kani dhalin,aduu waxa aan murana u danbayn waan fahmay waxa ay ka hadlatso aad baanan uga xumaaday.

waxa aynaii sheegtay in uu kii hore lahaa ilmahan (oo isaga laftiisu hada ku geeryooday soomaliya).
mrkaa wax ay waliba ii sheegtay inay ilmaha yar u sheegi doonto inaanan aabihiis dhaba aanan ahey.
waanse ka diiday waayo as far as i concern he is my son i that is final.
laakiin wxaxa iga lu may aaminaadii.gabadhuna gabar xun ma'aha maba rabi qalad kaas ay gashay mar kaliya inaan nolosheeda iyo noloshayda iyo nolosha caruurtayda ku cinqaabo. ila soo taliya.

waad mahadsantihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Monday, April 09, 2001 - 07:59 am
Arrintaani waa mid dhici karta, waana dhacdaa sidaas darteed baan ka oranayaa intii aan ku oran lahaa qofkasta oo arrintan oo kale qabsato. Dumarkuna aad bey ugu dagaal galaan arrimahan oo kale, oo waxaa jira dad badan oo sidaas oo kale looga rarey aabbayaashii runta ahaa, roona rarey kuwa kale, qaarna ka dhigeen nasab la'aan, taasna waa danbiyada ugu waaweyn oo lagu muteysto Cadaabka Alle ee xanuunka badan.

Haddaba laba arrimood baa kuu furan: (1) Marna yaan aaminimadu kaa tagin, oo waa in aad carruurtaada u aragtaa sidii hore iyo si ka sii fican, xaaskaana xasuusi inay nafteeda ka adkaato markey carooto oo xaq dhowrto taada, waayo hadalka xun wax kasta waa uga daran yahay qofka damiirka leh, doqonna waa sheekadeed. (2) Waxaad kaloo hoos u baartaa sida howsha wax uga jiraan iyo waxii cadeyn ah oo dib loo raaci karo. Haddii la helo wax caddeyn ah iyo inay uur laheyd markii aad is guursateen, la kaasho culumada oo wiilka u magacaaba aabihiis uguna walqala mar kale, adiguna u noqo aabihiisii labaad oo mas'uuliyad dheeraad ah isa sii saar. Haddiise wax caddeyn ah la waayo iyo waxii intaas ka soo hara wiilku waa wiilkaagii oo iska halmaan hadal dumar.

Ilmaha inaan dhalney iyo in kale Rabbi baa garanaya ee annagu waxaan iska raacnaa intii ku eg aragtideena iyo ogaalkeena. Yaa ka warqaba inay ku badelmeen isbitaalada iyo in kale?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sister

Tuesday, April 10, 2001 - 05:04 am
Nin yaaban iyo AM, Walaahi, you make me proud of Somali men. I respect and admire the iiman and patience you are showing.

Nin Yaaban, AM bay hadal dhameeyey ee waanadiisa qaado. Wiilka waa wiilkaaga, waxaan rajeeynaayaa Haboon inay garato inay aad uu nasiib badan tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

VANCOUVER MAN

Tuesday, April 10, 2001 - 08:03 am
ABOWE MUSHKULAD WAMN AA KU HASETA ,
GABARTUNA WAX LA AAMINI KARO MA'AHA
MARKA WAXAN KU DHIHI LAHAA KA TASHO MEESHA
GABDHO SOMALIYEED WAA BUUXAN YIHIIN WADANKA
ISKA ERI GEEDAN FAAIIDO KUUMA LAHA,

VANCOUVER MAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NIN YAABAN

Tuesday, April 10, 2001 - 09:40 am
A/CALAYKUM
DHAMAANTIIN WAAD MAHADSAN TIHIIN
WAXA AAN RABAA INAAN SI GAARA UGU MAHAD CELIYO
MR.AM OO SI AY WALAALTINIMO KU JIRTO IIGU TABARUCAY WAKHTIGIISA INUU NIN WALAALKIIS AH TALO SIIYO .
WAXA FARXAD II AH IN AY WALI JIRAAN OO LAHELI KARO MASKAX CAAFIMAAD QABTA OO SI FIICAN U TALO CELISA WALAAL AM WAAD MAHADSANTAHAY
TALADAADIINA WAAN QAATAY ALAHA KAA JISAAI SIIYO,

WALAASHAY SISTER ADIGUNA WAAD MAHADSANTAHAY


NIN YAABAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Thursday, April 12, 2001 - 10:41 am
Assalaamu Caleykum

Nin yaaban iyo Sister

Horta aad iyo aad baad ugu mahadsan tihiin wanaag jaceylkiina iyo dhiiri galintin aad ii soo gudbiseen, taasna waxaan ku gudayaa inaan meesha ka sii wado talada iyo waanada aan u gudbinayo inta taladoonka ah, annoo markasta Illaahey ka baryaya inuu igu hogaansho talada toosan ee xaqa ah.

Mid kale waxaan hadalkiina ka dareemi karaa inaad rajo yari ka qabtaan inay wali jiraan dad wanaagsan ama toosan oo bulshada ku harsan. Figradaan dad badan baa idin la qaba, taasna waxaa sababey ayadoo dadkii wanaagsanaa iska quusasteen oo aamusna u bateen. Waxay aamuskooda sabab uga dhigeen inaysan jirin dad wax loo sheego maantey. Runtii annigu waan ku diidanahay arrintaas, waayo haddii lala aamuso kheyrka, waxaan lala aamuseyn xumaanta oo waataas meel walba lala yaacayo, bal fiiriya bogga Islaamka loogu talo galey iyo qoraalada badankooda waxaad moodaa in lagu xayeysiinayo shaneemowga iyo waxa ka socda.

Marka waxaa iga waano ah: inaan lala aamusin kheyrka ee qof walba u gudbiyo ummada waxii Rabbi barey ama fahamsiiyey, waayo waa sadaqo lagaa abaalmarinayo adduun iyo Aakharaba.
---------------- ------------------- ----------------------
Fiiro gaar ah:
Haddii aad waqti u heysaan waxaa jira qoraalo aan uga hadley Guurka, Aasaaska Qoyska, Ababinta Ubadka iyo La Macaamilkooda, Waxii Xal U Noqon Kara Dhibaatooyinka Qurbaha iyo waliba dhowr jawaabood, waxaanad ka heli kartaan: SOMALINET FORUM: ISLAM(RELIGION), NOLOSHA ISLAAMKA: "Geeridu marbey ka sharaf badan tahay nolosha!"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali

Saturday, April 14, 2001 - 09:34 pm
TO/AM

Waxa aan akhriyay qoraalada kor ku dhigan,waxa aad
ii farax gashay sida wacan eed ugu jawaabteen adiga iyo sisterba,adigoo islamarkaa kala talinaya arinkiisa uu soo bandhigay walaalkeen.

Runtii wiil aan saaxiibnahay ayaa igu la taliyey inaan ku waydiiyo arin ila soo gud boonaatay.
Arintaasina waxa ay tahay waxa jira wiil aan aad u saaxiibnahay mudo badana aan is naqaanay,
wiilkaasi xaas ayuu leeyahay mudo ku dhow sadex sano gabadha uu qabana aad baan isku naqaan,
waa gabadh edebleh diinteeda ku fiican soo dhowayn wacan, isagana aad u jecel.
waxa dhacday inaan shaqo kahelay meesha uu ka shaqeeyo saaxiibkay,aad baan ugu farax nay labadayaduba inaan meel kawada shaqayno,
mudo markaan wada shaqeynay ayaan waxa aan arkay arima aana ku ogayn saaxiibkay oo ah waxa uu hoosta kala saaxiibay gabadh soomaaliyeed oo nagala shaqaysa meeshan.
runtii aad baan ula yaabay waanan qaadan waayey waxa uu ku kacay saxiibkay,
waanan waydiiyey waxa uuna iigu jawaabay waa iska caadi wax ku jaban majiro besides gabartani waa ka war qabtaa inaan xaasleehay umana aan sheegin been iyo balanqaad ama wax axdi ah oo naga dhexeeyaa majirto.
Isla markaa anigu waxa aan u sheegay inay danbi tahay waxa uu sameynayaa oo uu iska dhaafo waa uu qoslay iigamana jawaabin waxa aan markaa ku idhi waa igu foolxumo inaan ku taageero arintan uu ku jiro oo aanan u dul qaadanaynin waayo aad baan u aqaanaa xaaskiisa xaqna igu ma aha anoo og waxa uu samaeynayo inaan u xil qariyo.
isla markaa waxa aan joojiyey inaan tago gurigiisa
wali waan wada shaqeynaa ma rabi anaan saaxiibtinimadiisa aan jaro isla markaana ma rabi inuu ku sameeyo gabartaa walaashay ah waxa uu ku hayo,mana rabi inaan iyada u sheego waayo reerka inaan baabiiyo marabi,
gabadhiisu markasta way isoo garaacdaa oo ay i waydiisaa waxa igu dhacay eenan u iman gurigeeda noo kaaley ayay igu tidhaa.
markaa xaal xagaas ayuu taaganyahay.

ali

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Monday, April 16, 2001 - 07:43 am
Ali

Ugu horeyn waad salaaman tahay, salaan ka dib aad iyo aad baad ugu mahadsan tahay su'aasha qiimaha badan ee aad soo gudbisey.
Runtii aad iyo aad bey ii taabatey su'aashaadu, waxaana ku tilmaami karaa inay tahay mid aad ugu culus qofkii dareen iyo xishood ku harey. Mida ugu daranna waa gabadha xaaska ah, oo maalintey ka war hesho gabadha lala saaxiibey u qaadan doonta inaad arrintaas ku lug laheyd, oo aad waxaad fashay awgeed la gagabaneysey, in kastoo aad adigu hadda walwal iyo talo doon ku maqan tahay.

Haddaba saaxiib talo:
1- Marna ha u saamixin naftaada inaad ka raali noqotid wax kasta oo dambi ka imaan karno amase damiirku kuu diidayo, hana ka yeelin xataa naftaada, waaridkaa iyo saaxiib toona.
2- Meel dagan iyo waqti habboon kula sheekeyso saaxiibkaa oo dhuux ujeedadiisa dhabta ah ee uu ka leeyahay gabadha uu la socdo sida guur, macsi, sheeko jaceyl iwm. Gabadhaas lafteeda la sheekeyso oo hel sidey u aragto xariirkey la leedahay saaxiibkaa. Haddaba intaas waxii kaaga soo baxa, u gee oo ku shaandhee waxii aad muuqaal, caqli iyo dareen ah ee aad xaalkooda wax uga fahmi kartid, si aad go'aan cad u gaartid.
3- Go'aankaaga u soo jeedi saaxiibkaa, hadoo fahamsiinaya sida aad ula jeceshahey kheyrka iyo wanaagga naftiina, tan qoyskiisa, gaar ahaan tan xaaskiisa iyo xiriirka saaxiibtinimo ee aad qoyskiisa la leedahay. Haddii uu kaa ogolaadu, arrinta u ula taga cidii aad isleedihiin way idin caawin karaan sida waaridkiis, saaxiibada kale iyo culimada.
4- Haddii intaas wax ka soo bixi waayaan, bal ku fiiri inuu la socodsiiyo arrintiisa xaaskiisa, si loo eego bal inay raali uga noqoto, taas oo wali buuga kuu sii fureysa inaadan wali ka samrin saaxiibkaa oo aad talo siintii meesha ka sii wadid. Haddiise uu taana diido, waa inaad caddeysaa mowfickaaga oo aad soo hordhigtaa.

Waxaana annigu yeeli lahaa: (A)Waan jooji lahaa saxaabnimadiisa, kaliya salaanta ka dhaxeysa shaqaalaha baa naga dhaxeyn laheyd.
(B) Xaaskana waxaan u sheegi lahaa haddii laga maarmi waayo, in anniga iyo ninkeedu nahay isku shaqaale oo kaliya, sidaasna aan go'aansanay annagoo ku faraxsan.

FG: U arag naftaada sidii qof saaxiibkiis ku dhacey bad ama wabi, oo badbaadi intii karaankaaga ah, balse ha dilin adiguna naftaada.

Waxii su'aal ama faahfaahin ah waad ii soo sheegi kartaa, haddii Allah Idmo, oo waan isla eegi doonaa.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.