site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Sideen ula xiriiraa hablaha soomaaliyeed ee 30-jirka gaarey.

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Ila Tali Walaal - Ask The Experts (Current): Sideen ula xiriiraa hablaha soomaaliyeed ee 30-jirka gaarey.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aamin A. A.

Tuesday, April 10, 2001 - 04:42 am
Salaan ka dib:
Walaalayaal igala taliya sidaan u awoodi lahaa inaan barto gabar/gabadh/innan soomaaliyeed oo dadeedu gaadhey 25-40 sanno kuna nool Iswiidhen.
annigu waxaan ahey 40-sanno jir ku qurxoon dadiisa oo aan wali guursan, caruurna laheyn, oo aad u shaqeeya.
waxaan jeclaan lahaa innaan la noolaado inta cimriga iiga hartey gabar/gabadh/innan soomaaliyeed oo aan wax caruur ah laheyn, aan buurneyn, aan qabiil ku dhaqmin, daacad nolosha aduun iyo aakhiro u ah, aan foolxumeyn, aan codweyneyn, aan qaadka cunin, aan gudneyn, aan aad u dheereyn, aan qeyl badneyn oo aan beenleey ahayn.
Saaxiibayaal igala taliya sidaad u helilaa macaantaas.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, April 10, 2001 - 06:39 am
Markii hore waan u riyaaqey yaboohaaga iyo sharuudaha qaarkood oo suuragal ah, waxaase hadalkaaaga cayaar cayaar ka dhigey "... aan gudneyn", waayo da'da aad raadineysid intooda badani waxay ku dhasheen Soomaaliya, halkaasna wey kadkeyd in hablaha looga tago, taasna waxay aheyd dhaqan ka jira meesha, dhaqankuna ceeb kuma noqdo meeshiisa.

Mana u jeedo wax lagu diido gabar gudan, waayo fac ka fac bey hooyooyinkeen soo gudnaayeen mana dhalin waxaan aheyn awlaad qulux badan sidaada oo kale.

Hadda 40tan jirow: Sugo hablaha ku dhashey dibadaha intey ka soo gaarayaan da'daas, adiguna ka gaareysid 60ka.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.