site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Talo

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Sept. 2000): Talo
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saeed

Unrecorded Date
Waxaan course wada qaadan jirnay gabar Soomaaliyeed oo la qabo laba caruurana leh. Qoftii ayaa markii dnbe farxadii ka tagtay iskuulkiina aad uga hor imaaday. maalintii danbe intay isoo wacday ayey ii sheegtay inay jaamacada dhan iska dhaafayso. waan la balamay kadibna iskuulka meel kamida ayaan coffee ku wada cabnay. Dhibaatadu waxay aheyd ninkeeda oo ay mar walba isdagaalsanyihiin. ma oran karo wuu gar darnaa sababtoo ah sheekada hal dhinac ayaan ka maqlay. Waxay aheyd gabar jaamacad dhigata laba caruur iyo nin-na leh. Ninkeedu wuxuu ahaa tagsiile habeenkii maalintiina waa hurdaa. Waxaa dhacday inay dhaqaalo xumo dhacday ayna u sheegtay hadii uusan shaqo 12 saac ah uu caruurtiisa ka biili karin inuu iska daayo oo uu mid sideed saaca ah raadsado. sheekada yaanan idinku dheereyne gabadhii waxay ii sheegtay inay cadaab ku nooshahay aduunkiina ka hor imaaday. Waxay tiri waxaan ahay 33 sano caruurna waan leeyahay inaan xaaraamtimaystana marabo sidaa daraadeed ninkaan kama tegi karo. Waxaan u sheegay quruxdeeda iyo caqligeeda marka la fiiriyo in ninwalba uu jilbaha qabsan lahaa. Waxaan u sheegay inaan xataa anigu ahaan lahaa nimanka ugu horeeya oo soo raajiciya.

Sheekaa meeshii ka bilaabantay kadibna gabadhii ninkii way kala tegeen waxayna igu xujeysay inaan tukado hadaan guursanayo. Salaad ayaan bilaabay waana guursaday. Hadda diinta ayaan xoogaa soo fahmay waxaana ogaaday in naag la qabo ay mamnuuc tahay diiniyan in la shukaansado.

Suaashaydu waxay tahay danbi intee le'eg ayaan galay markaan qof nin ku mehersan ku iri hadaa ninkan iska furto anaa ku guursanaya? maxaase hada waajib igu ah inaan sameeyo.

Saeed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
English please

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saeed

Unrecorded Date
Anonymous - What if i am English challanged? I assume that you are very interested in the above story which means you understand Somali - at least some.

This is a great chance for you to learn Somali:) If you don't learn Somali, you'll always have trouble with Somali Internet web-sites such as this one.

As I said, English is not my mother tongue, therefore, I cannot express myself using it.

Saeed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdalla

Unrecorded Date
cabdalla

To saeed

waan ku salaamay,haddey dhabkaa tahay arrintani waa arrin diini ah ee dadka ehelka ah ula tag
sida bogga islam/culumada ee somalinet. Haddey kaa
tahay sheekko xariireed furna! tani saxib soconmayso kuwo horaa naloogu khatalay. marka mar i dage alla ha dago,mar labaad i dagse ani alla ha idago ok walaal.

Midda kale waad ku mahadsantahay soomaaliga aad mowduucaaga ku soo gudbisey. Maca salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Salaamu calaykum

Walaal Saeed kolay aniga diinta si fiicaan uma aqaan laakiin waxaan filayaa waxaad cilmi u laheen markaa inuu Ilahay kaa dembi dhaafi karo. Tan kale walaal waxaan filayaa inaad ogeed mar walba inay kuugu dembi aheed inaad la hadasho naag la qabo ama diinta aqoon u yeelo ama ha u yeelan. Laakiin waxaan ku odhon lahaa mar labaad Ilahay dembi dhaaf ka codso. Xaaskaagana dhaqo.

Salaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

token guy

Unrecorded Date
walaalayaal waxaan qabo waa dhibaato dhanka luqada oo ah hadii aan qof soomaali ah uu english igula hadlo english uguma jawaabi karo xishood dartiis inaan soomaali ugu jawaabo ma'ahee hadaan isku dayana waxaa noqonayaa qof shik shigaaya oo kale marka walaalayaal hadaad somaali tihiin maxaad igula talin lahaydeen?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fg

Unrecorded Date
Saeed sxb, Horta waa mid eh marka ugu horeysa in aad naag la qabbo afka u taagto ma ay ahayn oo taa waa kuu dadnimo xumo. Oo adigaba ma aadan jeclaan lahayn in adigoo inantaadii isku yara kacsan tihiin nin kale kaala sheekeysto oo kaa qaaddo.
Si waliba ha ahaatee waa inaad ku dadaashaa sidaad gabadhaa u dhaqan lahayd oo aad cadhada uga ilaalin lahayd, Ileyn wax kastaa wey iska dhici karraan eh... Dadaal odey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamud

Unrecorded Date
SAEED,
Marka ugu horeeya waxaan kuugu mahadcelinayaa, sidaa aad ugu jawaabtay,ninka ku jiri english ku hadal, waxaa jira ajinabi ka kaluumaysta xeebaheena-------waxaase taa inoo dheer qaar inagi naga kaluumaysanaya, waxaan ula jeedaa intuu iska soo dhigo soomaali ayuu ku caaynayaa.
---Tan gabadhana, ma haboona in la yiraahdo diinta ma aqaan laakiin waxay ila tahay. waydii culimada saxda ah........mohamud

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

eheludiin

Unrecorded Date
saeed walaal marka hore runtaad sheegtay marka xigtana qofbaad ku xadgudubtay muslim ah mida sedexaad arrinkasto oo dhacdo oo xumaan ah waxa ay leedahay danbidhaaf ilaahay xagiisa midan aad sameeysayna arrin aan aniga aad ula yaabo ma'aha maxaayeelay kuwa laqabo oo waxaan aragney nin kale
guri ugu jira marka arrintan walaal inta ilaahay ula noqotid adiga iyo gabartaba hadii ay jiraan eedo uu ninkii tirsanaayo ooy gabarta ka gashay ama adigaba ula noqda hadii ay idiin la muuqato inaad ula noqotaan mida kale misaajidka arrimihiina kala tashada culumada joogto gabartana ha'ku xad-gudbin oo dhaqo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

eheludiin

Unrecorded Date
saeed walaal marka hore runtaad sheegtay marka xigtana qofbaad ku xadgudubtay muslim ah mida sedexaad arrinkasto oo dhacdo oo xumaan ah waxa ay leedahay danbidhaaf ilaahay xagiisa midan aad sameeysayna arrin aan aniga aad ula yaabo ma'aha maxaayeelay kuwa laqabo oo waxaan aragney nin kale
guri ugu jira marka arrintan walaal inta ilaahay ula noqotid adiga iyo gabartaba hadii ay jiraan eedo uu ninkii tirsanaayo ooy gabarta ka gashay ama adigaba ula noqda hadii ay idiin la muuqato inaad ula noqotaan mida kale misaajidka arrimihiina kala tashada culumada joogto gabartana ha'ku xad-gudbin oo dhaqo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohamed ibrahim

Unrecorded Date
saeed qalad weyn baad sameysay wadaadona kaama saari karaan ee ilaahada iyo aaqiro xisaabteeda sug. naag la qabo in la raajiciyo qald weyn weeye, saaxib tasho nin weyn baa tahee!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

saaxiibkaa

Unrecorded Date
SACEED
Saaxiib waad gaftay, laakiin waxaan kugula talinayaa inaad xamar timaado si aan kuugu dhiibno sheekh cali sheere oo lug iyo gacan lagaaga jaro , ah aha hahah ah , gix gix gix
KAFTAN saaxiib muqdisho

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wehlka

Unrecorded Date
meeqo sano ayaa jirtaa? its very important to know. saeed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CAAISHA

Unrecorded Date
salaamu caleykum walaal
waxaan u arkaa inay gabadha xumed waayo yaa dhahey nin afka u taag aan qaabin haddiiba la qabey waxaa dumarka la farey in ay hadal jiliC SAN AYNA KULA HADLIN NIN KA AJAANIBKA AH.

ADIGUNA WAXAAD DUMISAY GURI MUSLIN AH!!
ADNA KAAGA WAA LA DUMIN KULEE NIN, WAAYO QOFKASTA WUXUU LEEYAHAY HOR MARSADAY!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saeed

Unrecorded Date
Walaalayaal aad ayaa u mahadsantihiin dhamaantiin. su'aalihii la isoo weydiiyey hadaan isku dayo inaan intaanawoodo ka ka jawaabo.

Da'daydu waa 28 xaaskaygana 33 ayaa Febraayo u buuxsamaysa.

Guriga dumantiisa anigu sabab uma ihi laakiin sababo badan oo aan ka mid ahay ayaa keentay. anigu qof aan aad isugu fiicanahay oo dhibaataysan ayaan garab istaagay. dhibaatadu waxay bilaabatay aniga hortay heer waxayna gaartay igu tiri inaan isdilo ayaan ku fakaray. Qofku haduu mar heerkaa gaarana wxuu ubaahanyahay in si gooni ah loogu gurmado.

Ninka furay, cideeda iyo iyo asxaabtayda midna ma oga siday wax u dheceen ee waxay u arkaan cid isku kacsanaa waqti dheer kadibna is furay. Sababta aan arinkan idiinla qaybsaday waa aniga oo hadda diinta islaamka indhaha iigu furmeen oo raba inaan maro dariiqa saxa ah.

Su'aalaha ku saabsan maxaa u samaysay ama gabadhaa khaladka leheed kama jawaabi karo sababtoo ah bani aadam ayaan nahay qofku khalad waa galaa laakiin qofka xumi waa kan aan khaladkiisa arag. Ma rabin inaan nin naag ka qaado ee waxaan aad uga xumaaday qof aad u sharaf badan oo aduunkii ku soo yaraaday sababtoo ah ninkii oo ku xun iyo ayadoo laga dhaadhiciyey qof nin danbe inuu waligi guursanayn maadama ay 30 gaartay isla markaana caruur leedahay. Jawaab uma raadinayo sababtaan u sameeyey laakiin waxaan u raadinaya dariiqa diiniga ah ee igu haboon inaan maro.

Ma u malaynayo in la igu xukumi lahaa in gacan la iga gooyo sababtoo ah ma xaaraamtimaysan.

Arinta ah inaan sheik masaajidka u tago waxaa igala haboon sheikhyadu Internet-ka waa imaadaane inay meeshan iigu soo jawaabaan sababtoo ah shiikhu waa bani aadam waxaana laga yaabaa intuu bixin waayo inuu dhowr shiikh oo kale lasoo tashto oo la iiyeero kadibna mid kamia uu xaaskiisa ma qof kale arinta u sheego. Sheekadu haday laba qof dhaaftana dab weyn ayaa dhacaya oo ninkii ay kala tegeen iyo cidiisa ayey sheekadu gaaraysaa waxaana laga yaabaa in dhibaato weyn ay dhacdo. anigoo ka fiirinaya xaga aaminaada ayaanan awoodin inaan face to face aan culumo u hor fariisto arinkana kala sheekeysto.

Saeed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nin maseyrsan

Unrecorded Date
ilaaheey hakuu gargaaro walaaloow mashaqo kaa fogeyd baad lugta la gashay, ninka aad naagta ka qaaday ishiisa waaba kaa soo baxeysaa.
ilmaha aad aabahood hooyadood ka xoogtayna iyagaaba ku dilaya goorta eey weynaadaan, ama odaygaaba taksiga ku jiirsiin si lagaaga taqalusu.
waxaan kugula talin lahaa in laguu geeyo wadaadka Xamar ee sheikh cali dheere si guska lagaaga jaro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rashiid

Unrecorded Date
dhamaan walaalahayga soomaaliyeed ee halkan dooda
isku weydaaraday,waad slaaman tihiin.
aniga sida runtiiya ma aqaan xukunka denbigaa,
wxaana loo baahan yahay in dib loogu noqdo,
kitaabka quraanka ah iyo xadiisyada rasuulka"S.C.W.
wxaanse maqlayey denbiga illaahay laga galo iyo
denbiga qof bani aadmi ah laga galaa wey kala duwen yihiin.
markaa walaal hadii ay dhabtahay waxaan ku odhan lahaa ha sahashanin,ee la tasho culimada ku dhow.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleiman

Unrecorded Date
Walaal waxaad booqataa homepage Masaajidka
Khalid Binu Walid kalana xirii Sh Bashir Shiil
Wixii Diin ah arintu ciyaar Maahee.

http://www.khalidmosque.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wehlka

Unrecorded Date
there are some compelling reasons to beleive that you are not in such a possition saeed:
1)the probability is very remote that somali man at your age will marry such an old woman with children while he can easly have beautiful girls.
2)no man in this world have time during this period to raise up such children which are not his! unless you are over rich! and taking to account that you are still student, this cannot happen.
3) she is mainly concern of financial statues than having another man, because she is worrying of raising her children, so there is no reason, that she should marry you since you are not financial stable than former husband.

out of these reasons i came to conclusion such problem cant exist within the somali community in states or else where.

out the religion point view, brother, if this did happen, you did nothing wrong because you married according to religion statues without breaking any laws!. good luck

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

0wkulub

Unrecorded Date
Waxa kaliya oo aankuleeyahay waxaad fashay fashaye, hadaad hada diinta fahantay, tilaabada koowaad ood qaadid hano qo to inaab naag taas kataqalustid waayo aadkir keeda mid kale ayaa ganta qabsandoona.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anis

Unrecorded Date
to saciid and all the other brothers who are part of the discussion about saciid's situation...

brothers this is a serious event that took place however, this is not a hard question to answer it is very simple. we have to keep in mind that allah forgives when a person does a crime while in sleep, forget, and there is no '' danbi at all if the person doesn't know'' i hope saciid you didn't know this. if you didnt know ask allah for forgiveness and more importantly, never do it again and you will do just fine.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caafi

Unrecorded Date
Saciid


Macalinka ani ma ku fahmin ilaa hadda..... adiga si kastaba ku guursee, hadda qoftii waa qabtaa. Danbi haddii uu jirayna waa gashay marka u jeedadaadu waa maxay?

Qoftii maa kugu soo xumaatay marka marmarsiinyaa radineysaa ood ku dhahdid guurkeenii qalad uu ahaa ee iga ganbiso.

Haddii arintu saa tahay. iska dhaaf sheekadan badan ee noo sheeg waa kaa fureynaa. Wadaad ma loo baahna aniga oo diin wax ka aqoon aa dhameyn karee.


Pssssssssssst
Raali ahow haddii aad tahay "born again muslim" oo raba iinuu qaladaadkiisii hore saxo....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fg

Unrecorded Date
Walaahi Caafiyoow ishaa ka durtay sxb.
Waxaase qasaare iyo cuqubo danbi badan lahaan doonta hadduu walaakeen saciid sida aad soo sheegtay u fakarayo...
Qasaaro iyo niyad jab weynaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wardere

Unrecorded Date
saciidow anigu cilmi badan malihi lakiin waxaan maqlay in ilaah dhaafo danbiyada uusan dhaafin in cidkale lala barbardhigo.
waxaan uga jeedaa hadii aad hada diinta fahamtay rabtidna in aad kaqanacdo danbigaagii culumada sida aad mooday waa ay kafiican yihiin wax dadka ay usheegtaana dumarkooda iyo dad kaleba uma sheegaan ee lafariiso culumada una sharax sida ay wax udheceen hadii aadan garanayn culumada noosheeg Magaalada aad joogto anagaa kuu sheegaynee kuwa lagu kalsoonyahay oo aad utagaysid
hadii wanaag raadis ay kaatahay ilaah hakuu fududeeyo.
hadii kalena iska daa waa intaa soo masiibadaa kugu dhacdaaye wabilaahi Towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaaji

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum!

saciid

walaal marka hore ilaahay toobad u keen danbiga aad ilaahay ka gashay cafis ayuuu ilaahay u balan qaaday qofkii adoomihiisa ah ee si munaasab leh u barya inuu cafiyayo e. Marka labaad walaal dhaqo xaaskaaga xalaasha ah ee aad adiguna isu arkaysay inaad iyada oo isdilaysa badbaadinaysay. mida sadexaad sxb hadii aad awoodo walaakagii xaaskan qabay dambi ayaad ka gashay markaa kolayba kula dagaalamimaayee siday wax u dhaceen u sheeg oo dambi dhaaf ka codso adigoo dhulka isu dhigaya oo aan wax qab iyo isla wayni ahi ku jiran.

mida afraad oo ugu dambaysaa waa marnaba ha dhihin gabadha nin xun ayaa qabay waayo taasi macnaheedu waa inaad la safatay xaaskaaga oo aanad isagii waxba ka qoraynin!! iska ilaali hada wixii ka dambeeya dambiyadan oo kale sxb.

adigana cafis ilaahay ayaan kuu rajaynayaa Ninkii islaameedna xitaa waxaan kugula talin lahaa inaad xaal mariso, mid lacageed iyo mid ixtiraamba waayo waxaad qayb libaax ka qaadatay duminta qoyskiisa, sababtuna waa gabadh dhibaataysan oo ninka yari u sheegay anigaa cagaha kuu maydhaya hadaad iska furto nacaskaan inay iska furayso waa hubaal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

E3

Unrecorded Date
Waar ninyahow adiga iyo qoftaasiba aad ayaad u gefteen oo ah inaad reer taagan dumiseen adiguna aadan maskaxdaada ka shaqaysiin arrintiina hadda meel laga qabto majoogto'e sida ugu wanaagsan yeela oo culimada meesha idinkula nool latashada.
Wabillahi towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fataax

Unrecorded Date
Wixii talo siin ah,lagaray balse, waxa soo haray waxaan u akhaan edeb daro
waa sidaaaaas

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shabeelnaagood

Unrecorded Date
Salaam Saeed......
Sidaad la socotid alle dambi oo dhan waa dhaafaa (marka laga reebo SHIRKI!)...provided toobadkeen sax ah....
...Waxaadse moodaa inaan xoogaa u jilcay kaftanka Caafi..(kor akhri!)...
...Malaga yaabaa inay bari kaa raacdo ninkale oo kaa dhalinyar, kaa qurux badan, kaa cilmi badan, kaa lacag badan!??........
Caruur ma kuu dhashay adiga? uur ma kuu leedahay?
...Hadday MAYA! MAYA! tahay.....
Plankaaguna ahaa sida Caafi sheegay in lagaa fasaqo!...soo sheeg waa laguu sameyn e!....
Waxaa cajiib ah Qofta ku leh Tuko (oo tusaysa inay wanaagsantahay!) haddana... diyaar u ah inay nin shukaansato ayadoo la qabo....!!!!

Qoftaas dumarka ah hal abaal ayey kugu leedahay oo ah Alle ayaa wuxuu ka dhigay waddadii aad diinta ku fahantahay (mahad allaa leh!)....

Mase laga yaabaa inay wado xun oo kale oo laga soo noqdaan ah kuu horseedo???

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaamilo15

Unrecorded Date
SAEED PAPICHULO AYAA TAHAY...lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SARKAL

Unrecorded Date
Dhamaan walaalahay Somali waad salaaman tihiin;
talo waa tii Alle,sida dad badan sheegeenba Alle danuubta oo dhan wuu dhaafaa ilaa Shirkiga balse waxaad moodaa Saaed adiga dambiga intiisa badan waaxaad ka gashay aabaha ilmaha adeerka aad u tahay,taasna isaga mooyee cid ku cafin kartaa ma jirto hadaba hadii uu noolyahay walaalkeen waa in aad waydiisataa dambidhaaf tan labaad jahliga iyo aqoon darada ma aha cudurdaar balse gaf aqoondaro kaaga dhacay waxuu lee yahay cafis bini aadamka oo idil waxaa kadhaca khalad ku khaldama waxaa u qayr badan kuwa ka tooba keena , adiga iyo gabadha aad qabtaba waxaan talo idinku siinayaa in aad dambi dhaaf way diisataan walaalkeen;
waa walaalkiin SARKAL***

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

T-GIRL

Thursday, August 10, 2000 - 05:27 am
Asalama Caleikum....Every 1

SAEED
I would advice U to ask Allah 4 forgiveness maxaayeeley dambi aadan ogaan u laheen ayaad gashay laakin dambigi intaadan galin qeyr ayaad bilaawdey....which is salaada. Salaada being one of the most important pillars of ISLAM. Whoever asks Allah for forgiveness, Inshallah wuu helaa so bi'niyah duceyso kuna shukri Illahey aqoonta iyo xaaska kugu soo kordhay.
Maca salama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IISHO

Saturday, October 21, 2000 - 03:00 pm
TO SAEED MARKA HORE ILAAH HAKAA CAFIYO DANBIGA MARKA DANBASE WAY FIICAN TAHAY IN QOF SIDAADA OO KALE DHIIG LEH RAGA KUJIRAAN SABABTOO AH WAXAA JIRAAN HOOYOOYIN BADAN OO DHIBTAAS KUJIRA AANA MAANTA ISKA SAARI KARIN WAXAASE FARXAD LEH IN AAN OGAADEY WAXWALBA IN AY XALISMAAYEN AYNA WAQTI KUXIRAN TAHAY ONLY ILAAHEY QAYR HAKAA SIIYO SIDA AAD GABADHAAS AAD USHARAFTEY KEEP UP THE GOOD WORK BRO

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.