site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Cilmi doon

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Sept. 2000): Cilmi doon
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Waxaan ahay nin kubarbaaray miyi ilaayo dadaydii labaatanaa kadibna magaalo yimid, nasiib daro umahelin jaanis inaan barto cilmiga aasaasiga ah kadib imaan shahaygii magaalada. Waxaan kamidnoqday dad ka qurbaha usooqaxay mudo sadexsano iyo barlagajoogo, ase ahaatee hada ayaan kubaraarugay in irid kasta ay iga soo xirmayso hadaanan go aan gaarin. Waxaan kujiraa "hasha labada geel jecel" ama" lagana jecli lugtana jecli" Sodon sodon ayaan jiraa reer na waan leeya hay dad kalana waaiga danbee yaa. Hadab walaal mashaqa daydaan wataa mawaxbarashaan kow soobilaabaa mase waxkalaad igulatain.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sista

Unrecorded Date
Cilmidoon, marka hore halkee degantahay? Fursadaha shaqadda iyo waxbarashadda waa ee ku kale duwanyihiin wadamaada galbeedka.

Tan labaad, caruur ma leedahay? meeqa qof baa wax ka sugiisa? Waqtiga aad haysato iyo dhaqalaha aad uu bahantahay inaad sameeyso si aad uu kafiiso waxa lagaaga bahanyahay baa inoo sheegi kara sida ee sur gal kugu noqoneesa inaad wax barato.
Marka, na soo wargeli, aan kuu waranee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faisal

Unrecorded Date
Cilmidoon:

Halka wax oo aad u baahantahay waa inaad waqtiga ku xisaabtantid. maalintii waxay leedahay 24 saac dhakhaatiir badan ayaa isku raacay in lix saac oo urdo ah ay qofka ka badantahay maalintii. Waxaa sameyn kartaa inaa seexatd maalintii shan saac Sabti/Axadna min sideed saac.

Waqtiga markaa qorsheysatid, inta hurdada kasoo harta waxaa meel dhigtaa 10 saac oo ah shaqo, intaa u socotid iyo intaa kasoo socotid.

Waxaa kuu haray sagaal saac maalmaha caadiga ah. Kadib markaa hubsato inaad sagaal saac meel dhigi karto, waxaa tagtaa iskuulka dadka waaweyn oo kuugu dhow, waxaana la tashataa qofka la taliyaha lagaaga dhigo. Qofkaas iyo waxyaabahaa jeceshahay inaad ku takhasusto ayaa dariqa saxda ah kuu sheegaya.

haddaa rabtid inaad si degdega nolol fiican ku heshidna waxaan ku oran lahaa dhamaan waqtiga firaaqada ah luqada wadankaa joogtid ku baro kadibna waxaa barataa ingiriis oo khasab ah hadaa rabto inaad combutaro iyo internet-ka fahamtid. Luqada kadib waxaa barataa koorsooyinka xirfadda ah sida MCSE ama CISCO routers.

Si'aad waqtiga uga faaiideysatid, asxaabtada aad waqtiga la qaadatid u sheeg inaad hada kadib mashquul noqonayso, wax walbana ka hormari sidaa meel isaga soo saari leheed.

Faisal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jamac

Unrecorded Date
BY jamac

To Faysal

Good Faysal!

warninyahaw waad asiibtey, waan ku faraxsanahay in somali laga helayo dad saa wax u qorsheya Haddey talada noogu dhiibi lahaayeen Faysal oo kale maba aanu soo qaxneen. War ninyahaw waxan aniga laftigayu rabey inan xirfad computara barto oon ku shaqeysto marka waxan modi jirey in computarka
xisaab sare laysaga baahanyay waqtina waan isaga lumiyey(xisaabta) markii aan arkey dad iiga horreeyey oo bilaabey ayay waxay ii sheegen in wax xisaab la yirado aanay meeshaba ku jirin! Loojic mooyee ayadana maba qadan oo waa hore baa iigu dameysey. Marka bal ninyahayw ila soo tali ma xisaabtan sii wadaa mise Luuqadda(Eng) ayaan xoogga sara. w/calaykum.

Mahadsanid,

BY:Jamac

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cilm doon

Unrecorded Date
To
sister
faisal
Ugu horaytii waan idiin kamahad naqayaa waqtigiina aad iihurtee.
Waxaan daganahay Sedny Austaralia, runtii fursado badan ayaan haystaa sida inaan shaqeeyo full ama part lakiin dhinaca waxbarashda waxaad moodaa inaan aniga laiigu talagalin macnaha dadka loogu talagaly waan kala baahiduwanahay.


Runtii faisal taladaadu waa macquul, balse faisl suaal ayaan qabaa.
1)Mawaxaad leedaha aqoon kororsi caam ah gal adigoo shaqadaadana wata?
2)maiifasiri kartaa micnaha CISCO iyo MCSE?.

marlabaad aad iyo aad baad umahad santihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
salaamu calaykum

TO cilmi doon;

marka hore waxaan Ilaahay kuu baryayaa in uu arimhaaga uruuriyo oo sida kheyrka leh ku waafajiyo.

Tan kale ma jirto meel cilmigu ku dhamaado ama da' gaar ah oo cilmiga loogu talagalay. Arinta aan aad u jeclaa in aad u fiiriso waxay tahay ARINTA Mas'uuliyadda ku saaran. Reerkaaga ayaa ah waxa ugu wey eelagu raaciyey laguna weydiin doono maalinta Qiyaame. Ma doonayo in aan mowduuca meel kale ula kaco balse in aan arinta dhinac walba ka eegno... Af soomaaliga si fiican ayaad u taqaanaa qoritaankiisa iyo akhriskiisaba, luuqadda labaad ee aad u baahan tahayna waa ENGLISH. ok.

Waxaan aad u jeclahay in aad noo soo gudbiso Qaabka ama Nidaamka Waxbarasha ee Wadanka aad joogtid ee Australia?, Haba Gaabnaadee wax Dugsi waxbarsho hore ma soo martay markaad Australia timid? Maxaad aad ugu fiican tahay? akhriska, xusuusashadda, xisaabaadka, farsamadda gacanta laga qabto? Maxaad Jeceshahay?.

Waxaan aqaana nin wadankan nala degan oo iminka ka soo qalan jabiey/soo dhameeyey waxbarashadda sare ee Dhaqaalaha LAAKIIN waxa taageero hiil iyo hooba siiyey XAASKIISA oo hore wadankeenii Siidam uga soo qalan jabisay. Marka Xaaskaaga Heerkeedda waxbarashada ka waran? Reerkaagu taageero noocé ah ayaa kaaga baahan yahay? Hadaad Waxbarsho bilowdu malaga yaabaa in uu dayac iyo dhibaato soo gaarto reerkaaga? su'aalahaas iyo qaar lamid ah ayaan jeclaan lahaa in aan horta jawaabo u helno, markaas ka dib waxaan Ilaahay ka rajaynaaa in uu Faraj noo furi doono.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

osmanaden

Unrecorded Date
waan ku salaamay saaxiib.
marnaba ha ka caajisin inaad waxbarato waayo ceeb mahan in waxlabarto .
mahadsanid .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
by gabadh soomaaliyeed.

to:Cilmi doon.


Walaalo marka hore waanku salaamay. Marka xigtana waxaad tahay inan aad u figrad wanaagsan, hase yeeshee, nin reer miyi ah inaad tahay laguma moodo, maxaayeelay afsoomaliga sidaad oqorayso waxaalagu moodaa nin hore wax ubartay. Markaa walaal waxaan umalaynayaa in aad iska ciyaarayso. Haddii kalese, sida komboyuuterka loo isticimaalaba iyo sida wax loo taabgareeyo ba waataqaanaaye, baro shaqo komboyuuterka kusaabsan.
salaamad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
caado doon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
war ninyahow fartaadu wanaagsanaa?
ma naga hubtaa in markaad yarayd farta lagu gelin?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hebla

Unrecorded Date
Lol@@@@@@@@@@@@@@@Hebel.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
hebla ma ka heshi?
ani xitaa Lol@

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
TO cilmi doon sidaad sheegtay miyi ayaad ku barbaartay waqtina kaa lumiyey, waxaad moodaa in aynu isku wado ahayn waxaan uga jeedaa sidaada oo kale ayaanan waxbarasha aasaasiga ah usoo helin , laakiin waxaan ogaa in aan wax barasho iyo shaqo isu dhigmin waxaanan dhab ahaan ujeclaa wax barasha umana baran waxbashada in aan ku shaqo tago jacayl aan uqabo ayaan ubartay intaan maanta aqaano alxamdullilaa waxaan hadda dhameeyay oo aan shahaadadeeda lay gudoon siiyay darajada waxbarasho ee masdarka waxaanan takhasus ku ahay nuclear physics waxaan uga jeedaa hadaad wax barashada dhab ujeceshahay meeshaad doonto waad gaaraysaa dadaalkeedna latimaado wax lays barabrdhigana maa cilmi barasho iyo shilin raadis inta aad yartahay ee aad fursada haysato ka faa,iidayso sidii markii hore oo kale yaanu dhaafin wasalaama calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Omar

Unrecorded Date
To Cilmi doon,
Ugu horeyntii waxaan ka xumahay inaadan helin fursad aad wax ku barato yaraantaadii. Wallaal taasi kaligaa ma ahan ee Soomali badankood ayaa kula qabta. Markaan maqlo qof adoo kale ah oo sidaa waxbarashada u jecel, misna xaqiisii waxbarasho yaraantiisa laga dulmiyay runtii aad ayaan u xanaaqaa. Taas waa inay fahamsiisaa inta fursada u heshay inay waxbarato iyo inta dibada timid ee jecel inay wax barasho bilaabaan inay caawiyaan Ilmaha soomaaliyeed ee tobankii sano ee lasoo dhaafay aan waxbarasho fursad u helin inagoo indhahayaga shan yihiin. Shaqsi ahaan schoolaad wadanka ku yaala ayaan caawiyaa waxaana jecelahay innaan kuwa aysan degaankooda wali school uga furneeyn aan ka caawiyo sidey u heli lahaayeen. Runtii ma dhib badna wadno ayey u baahan tahay, qarashku waa yaryahay.

Cilmi doon aan taladaada u soo laabto, Aniga adiga haddaan ahaan lahaa waxaan is tusi lahaa runta oo ah: inaadan fursad waxbarasho aadan horay u soo helin ( qaladka waan ognahay cidii laheyd- Maamulkii wadanka, adiga ma lihid), inaad xaas iyo caruur ku sugayaan, inaad si aad nolol fiican aad ugu noolaatid waddankaad joogtid aad wax baratid. Intaas kadib ayaan waxaa qorsheyn lahaa go'aan ah in ay adag tahay inaan waxbarasho sare oo aad hadda kadib bilaawdaa eey qatarteeda leedahay, ha ahaato dayacaada reerkaaga iyo in haddii aadan aasaas xoogan laheyn ay dhici karto in intaad bilaawdo oo aad xoog iyo hanti galiso eey suurtogali weydo inaad dhameysato..

Marka waxaa haboonaan laheeyd inaad inta tabartaada dib isugu laabato aad qorsheysato xirfad macquul ah oo aan dhaqaalaha & waqtiga reerkaagana aanan wax u dhimeyn, iyadana aad aqoon ahaan u hormariso, aqrinta guud ee general knowledgekana aad badsato (30 daqiiqo oo aad habeen walba aad "history of the world" aad u aqrisataa sheeko ahaan waxay ka anfac badan tahay degreeyada jaamacadaha qaarkood), employarada qaarkood ayaa koorsooyinka kaa caawin kara si aad xirfadaas iyaga iyo adigaba idiin anfacdo ha ahaato Computerada ama waxii la xiriira shaqadaada oo kale.
Ciilka aad waxbarasho sare u qabto waxaa kaa hagar bixin doonna ilmahaaga oo aad dareenkaaga oo kale aad ku abuurto, alxamdulilaahna fursad waxbarasho haysta. Laakiin haddii aad iyagiina dayacdid adigiina aysan wax kuu suurta galin heerkaad jeclaan laheyd inaad gaarto waxaan ka cabsanayaa in ay niyad jab kuu keento.

Nasiib wanaagsan

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.