site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maxaan gabdhaheena u guursan waynay?

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Sept. 2000): Maxaan gabdhaheena u guursan waynay?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHAALID

Unrecorded Date
Waxaan dhowaan kula kulmay hoteel ku yaal bangkok, seddax wiil oo soomaali ah, da,doodu waa 22, 23, 26, waxay ka yimaadeen gobol ka mid ah USA
inay u yimaadeen si ay u guursadaan, gabdho thai ah oo muslim ah, waxay ii sheegeen in dhalinyaro badan oo soomaaliyeed ay jiraan , oo guursaday ,naago u dhashay hindia, malaysia, iyo thailand, markii aan waydiiyay waxay yiraahdeen, waqti dheer ayaan shaqeynaa maalintii, gabdhaha soomaalidu waa eray badan yihiin, marka aduunka ayaad ku cadaabnaaneysaa, hadii aad shaqo dheer iyo eray isku darsato, waxaan u sheegat inaan ahay aabo seddax caruur ah leh, waligeyna aanan xaaskeyga is qabanin, waxaan kula taliyay inaay dib u laabtaan oo ay raadsadaan gabar soomaali oo ahlu diin ah.MAXAAD KULA TALIN LAHEYD ADIGU?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caa´sha

Unrecorded Date
asalaamu caleykum
walaal anigaa raliyo unoqona usheeg iyaga! ma hadal kaliyabaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cajabo

Unrecorded Date
Salaamu calaykum

Walaal Khaalid,

Tan guurka ajanabiga la guursanaayo runtii dhib uma arko mar hadii ee gabadhu Islaam tahay. Laakiin dhibatoyiin way leedahay dabcan. Guur walba ayaa leh.

Tan dumarka soomaliyeed ayaa eray iyo murun badana, dee taas jawaab ma leh. Waxaan qabaa inay dumarku wax walba leeyihiin. Nolosha North America mid sahal ah ma aha. Ruuxa dumarka ama aqal ha joogto, ama ha shaqayso, ama wax ha barato, mar walba hawsha guriga, caruurta iyo xaajiga iyada bay sugaysa. Noloshii Soomaliya ama Afrika inta ma taal.

Waa run way jiraan, dumar badan oo murun iyo shido badan. Waan arkaa. Weliba waxaan arkaa waxyaalo iga yaabiyay. Sida dadka hortooda la isku qabsanaayo. Laakiin mar walba waxaan iraahdaa runtii RAGEEDI ayaa la la' yahay. Rageedi waxaan u aqaan:

1 - Ninka marka u horeesa og inuu isaga reerka ka masuul yahay

2 - Ninka u diyaarka ah inuu u dulqaato xaaskiisa iyo awlaaduu Rabbi siiyo

3 - Ninka og inay fawaaxish tahay inuu gabadhiisa la tirsado

4 - Ninka caloosha adag oo ragganimo leh oo dhibaato walba uu la kulmo u diyaar ah inuu xaliyo

Marka waxaan intaan u sheegay wax kale ma aha: ragga yidhi gabadhihii soomaliyeed waxaanu ooga cararnay qaylo... dee waa rag aqoon u laheen habka dumarka loo dhaqo. Wadan walba aad tagtid lagama waayo rag dumarka qayladooda ka eed sheeganaya. Weligeed bay jirtay. Laakiin ninka RAGGA AH ayaa yaqaan sidaa loo dhaqo xaaskiisa.

Nabi Maxamed (SCW) ayaa yidhi: Dumarka waa feer qaloocda, hadaad damacdo toosi way jabi ee sideeda u daa. Ha la iga raali ahaado hadiiska hadaan si fiicaan u saxin.

Ragga waxaan odhon lahaa, gabadh walba uu Ilahay idin siiyo, Islaam iyo wanaag ha lagu dhaqo.

Peace

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MR looking to BRO khaalid

Unrecorded Date
BRO KHAALID
ANIGAABA SOO SOCDEE MAAD I SIISID CINWAANKAAGA SI AAN KUULA SOO XIRIIRO PLEASE IM SERIOUS
TEEDA KALE WAA JOOGAAN GABDHO BADAN OO SOOMAALI AH WANAAGSAN UNA QALMA IN NOLASHA LA LAWADDAAGO BUT BRO THE PROBLEM IS CONNECTION WITH OUT IT MAN waxay qaadanaysaa muddo
MARKAA QAALIDOW HADDII AAD I CAAWIN KARTID PLEASE LET ME KNW....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wehliye

Unrecorded Date
NO MEN WHO MARRY OUTSIDE THERE RACE IS SUCCESSFUL IN THIS WORLD POLITICALY, CULTURALY, EDUCATIONALY, FINANCIAL AND ABOVE ALL THERE IS NO PRIDE IN IT! ONLY OUR WOMEN CAN MAKE US PROOD ON THIS WORLD!! "JAQ-JAQ" NO MEN OR WOMEN WHO MARRIED OUTSIDE IS HAPPY NO MATTER FROM WHICH COUNTRY! EVERY WOMEN MAKES "JAQ-JAQ" NO MATTER FROM WHICH RACE, LET ALONE "INDHO YAR".. WE HAVE NOTHING IN COMMON.! HEY MAYBE, MEELAHAAS IN LAGU TUNTO AA LOO TAGAA, ODAYAASHA SI REER MAGAALNIMO LEH AYEY KUUGU WARAMEEN ADIGANA RUN INTAAD MOODEY AYAA LA SOO SHIR TAGTEY!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yusuf

Unrecorded Date
By Yusuf

To Cajabo

Walaal waan ku salaamay,Cajaboy waad iga cajiibisey! waxan ahay ilaahay mahaddii nin intaas aad tilmaantey ku sifeysan faanna ma'aha allaa yiri NICMADA RABIGAA SHEEG,laakin sis Dumarka somalida illaa mid alla u naxariistey mooye nolosha Galbeedka sirtey si kastood dulqad ula timado ama aad isu mujiso inad mas'uul tahay taloba horta gacanta yay ugu jirta waxyar haddii laysqabto waa Bolis ha la waco hadaad maslaxad tiraa waa dab basin lagu shubey!!! Allow na hanuuni Dhamaantayo. AAMIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HOROR

Unrecorded Date
SALAAMAD. DUMARKA SOMAALIYEED WAXAY ISKU DARSADEEN DABEECAD XUMO IYO WASMO XUMO MARKAA RAGAA URAADSADEY THAILAND DUMARKA WAA KU SAXSAN YIHIIN,NIN WALBA ISAGAA OG WIXII NAFTIISA RAALI KU TAHAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cajabo

Unrecorded Date
Salaamu calaykum all!

Walaal Yusuf lagaa qaad salaanta. Waad iga qoslisay walaahi! Horta walaal, waxaan qabaa waxwalba waqti bay leeyihiin. Ilahayna ramxadiisa lagama quusto. Yacni waxaad khayr moodo oo shar kuu ah ayaa jira. Waxaad shar moodo oo khayr kuu ah. Marki Rabbi ha inoo sahlo oo umadiisaa meesha ku haboon ha marsiiyo.

Tan aad ka hadashay oo ah hablihii waxay qaateen fekrado badan oo galbeed ka yimid waan la socdaa. Runtii ilama haboona sababtoo ah waxaan ogaaday labadii diinta isku doorata oo ku dhaqanta ayaa guul gaaray. Binuu aadin baanu nahay oo waa la qaldami karaa. Nabi Maxamed (SCW) waxuu yidhi ninkaa aan cadhoon umadayda ma aha. Kan aan ka soo noqona umadayda ma aha. Marka dabcan waa la is qaban. Laakiin waxaan qabaa ragga ayaa waxay is dheeryihiin habka loola macaasho dumarka.

Tan ah askarta iyo dagaalkana walaal waxaan qabaa runtii waxii xun baa la maqlaa. U fiirso, Soomali hadii ee meel isugu timaado intaa belo bay ka hadashaa. Inta yar oo is jiidjiidaysa ma aha wax lagu mataali karo waxii qoys soomaliyeed oo qurbo jooga. Imisaa nabad ku wada joogta oo kala dambeeya?

Nin ayaa gabadh guursada oo isagaa reerka dejinkara. Waxaan iminka la sheegayo oo ah dumarkii soomaliyeed nacnacdooda baa badatay ma aha wax lagu naco hablaheena. Waxaan ku caqliyaystay Hooyo oo intaa wax sheeganaysa walaahi kan i dhalay inuusan weligii la tirsan inuu yiraahdo mooyee walaal macaan is deji. Hooyoday nolol aan iminka niyaysan karin ayay ku nooleed. Dumarka ku nool qurbaha waa in loo naxariistaa.

Rageena waxay istaahilaan badankood bilad sharaf sababtoo ah walaahi markaan u eego ragga ajanabiga wax ka fiicaan ma jiraan. Cadaanka hablaha soomaliyeed ee moodeen inuu wanaagsanyahay, xaaskiisu uma garaabo hadii ee walac tahay, oo umul tahay, oo xoogeeda iyo badhkeeda bay la timaadaa. Nolosha la qaybsanayo ma aha macaan iyo malab, waa nolol rafaad miidhan ah. Madoowga warkooda daa. Nin madoow oo weli aabe soo korsaday waa dhif. Isna intuu wax ka dhalo ayuu dhaqaaqa. Hindida iyo Pakistaanka oo nala diin ah xataa isma af garan karno. Ma gabadh soomaliyeed ayaa ogolaan karta sedooh ha kula joogto aqalka siday doonaysana ha kuu adoonsato? Carabta waa dad naga dhaqan adag oo xataa dumarka inay shaqeeyaan ama dibada u baxaan ma jecla.

Ninka soomaliyeed dee kan wax garadka ah, isagoo qurbo jooga ayaa lagaa helaya dahab, cadar iyo dirac shalmad faransaawi ah wata! LOL. Markaas ayaa laga yimaadaa aroosyada aroorta oo ragga baa caruurta sii heeya. Walaahi rageena waxaan jeclahay siday dumarkooda ugu kalsoon yihiin, gaal ha yeelo "Honey, I am going out tonite see you in the morning" oo joogta ah! Rag xun way jiraan laakiin badankood ma xuma ayaan qabaa.

Marka walaal Yusuf, waan ku rumaysan hadaad i tiraahdid gabadh qiimahayga garata ma arag. Sababto ah inan walba iminka waxay rabtaa ubax iyo "candlelight dinner". LOL. Laakiin ha ka quusan. Ayaar ooga dhaadhici. Rageedi waxaa lagu yaqaan, ma hadhaan ilaa ee soo qabtaan tan la haboon! Marka walaal insha Allah khayr.

Peace

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHAALID

Unrecorded Date
To:weheliye
saaxiib weheliye, raga aan kula kulmay bangkok, ma aysan ahayn rag tumasho u yimid, markii aan la taliyay waxay ku laabteen meeshii ay ka yimaadeen, mid ka mid ah ayaana guursaday gabar soomaali ah, waana wada xariirnaa.
to: yusuf
saaxiib waan kugu raacsanahay in inta badan qaladka qoysku uu ka yimaado hooyada, laakiin arintu yaysan noqon wixii xun xaawo ayaa leh, waxaa jira rag markaad aragto sida ay xaasaskooda ula dhaqmayaan ilimo kaa imaanayso.
To: CAJABO.
Walaal fikradaada waan u bogay,waxaana rajaynayaa in dumarka soomaaliyeed ay u fakaraan sidaada oo kale, waxaan kuugu dari lahaa, cunug hooyadiis tahay( ka timi) wadan kale waligiis wuxuu ku noolaanayaa cunsuriyad, hooyadaa ayaa indha yar, hooyada futo cad,xabashbaa ku dhashay, iwm, waa hadii aan runta isu sheegno----------soomaalida ayaa tiraahda wiilkaada halmar ayaad u hiilisaa, waa markaad hooyadiis doonayso. it means ka fiirso qofkaad guursanaysid____________tan kale hadii aan walaashey soomaaliyeed fahmi waayay ,ee afsoomaali igula hadlaysa, igu diin ah, igu dhaqan ah, ma waxaan fahmayaa mid from south east asia , ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yusuf

Unrecorded Date
By Yusuf

Wasalaamu calaykum intii muslima!

walaal cajabo waad ku mahadsantahay figradda iyo tusaaleynta wacan aad na siisey ilaahayna jidka kheyr marwalba ha nagu toosiyo aamin.

walaal markaan lahaa Dumarka somalida nolosha galbedka kedisey ma'ha in dumarkoo idili isu dhiibeen noloshan qofba in bay u joogta qaarbaa isu haysta in ay Gumeysi ka xoroobeen markey Galbeedka yimaadeen wax yar oo mar marsiinyo ah raadinaya si ay u aarsadaan maadaama maanta ay heshay awood ay ku aarsankarto. Qaarna markey caroodaan bey kula taraaraxdaa! waxay ahaataba qof alla u naxariistey mooyee waa yaryay qof ka nabad galay aafooyinkan socda.

Tan ah sida dumarka loola macaasho walaal ma jiro cid macaasho Dumar uga aqoon badan Nebiyulahi Maxamed SALALAAHU CALYHI WASALLAM asagana maalintey hooyooyinka mu'miniintu u shireen siduu ilaahay uga jawaabey waa la'ogyay waana kan ALLE YIRI SUBXAANU WATACAALA HADAAD NEBIGA (SALAWAATULLAAHI CALAYHI WASSALLAM) ISU KAALAMAYSATAAN WAXA GARGAARIHIISA AH ALLE,MALAKUL JIBRIIL,SAALIXUL MU'MINIINTA, MALAAIIGTUNA MARKAA KA BACDI WAy U GARGAARI.SUR-TAXRIM4 bal inta heegan la geliyey fiiri sis ma'aha arinta Dumarku
in ay sahlantahay bal kuwaasi waxay ahaayeen hooyooyinkii mu'mininta maxaad ka sugaysaa kuwo
tan ugu rooni jirkeda asturtey shalayna Galbeedka timi sheydaanna dhegta ugu ridey adigaa awoodda iska leh!!

Midda aad tiri waxa inta la shega shar uun walaal somalidaa tiraa "shar u tow hay kheyr waxba kama dhibee" waa arin weyn arinkan ha fududaysanin! khidada dumarku waa mid halisa tan sheydaankana ka
weyn waa kan ALLE SUBXAANU WATACALA LEH DHAGARTA SHEYDAAKU WAA DACIIF,DHAGARTIINUNA(DUMARKA)WAA WAYNTAHAY marka waa mushkilad aad u weyn muslimiinta oo dhan haysata maha somalida oo keli ah in laga wada hadlo oo xooga la saaro sidii loo
xallinlahana waa waa jib.

Midda ah masuuliyadda reerka waa laysku haystaa sidi galbeedka loo yimi,waanse kugu tahniyadeynaya
hadaad aaminsantay adigu in ninku uu reerka ka masuul yahay.

Ukhtii waxad tiri ninka waxgaradka waa kan hawentiisa ugu dulqata in ay aroos aaddo habeenkii
aroortiina u timaada asagoo caruurta haya!!! kaasi
nin raga maha sis ee waa DAYUUSKII Nebi maxamed shegay salawaatulaahi calayhi wasallam ninka reerkiisa ugu dulqaadanaya xumaanta, goormaase dhaqankeenu noqdey in hooyo ilmaheeda ka baado!
sheekadu say u wanaagsanayd sis halkanaad ka kharibtey. Waxase ka daroo dimi dhal noqotey markaad meesha soo gelisey Ubax iyo candle light
bey inan walba rabtaa baayey goorma/xaggee baynu
ku naqaanay waxaas taasi waxay iiga markhaati kacaysaa in nolosha galbeedka Gabdhaheenii qaar ka
mida ay been u sheegtey.

Waxaan ku soo gunaanadayaa gabdhow maad is darqabataan,dantiinna garataan dhaqankii hooyooyinkii wanaagsanaa iyo Hagoogtii u noqotaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SIGALE

Unrecorded Date
WAR MEESHATAN MA LAYSLA TALINAYAA MISE WAXAA KA SOCDO SOMALI CHAT NIMANKAN LA LEEYAHAY WAA GUUR DOON MEE? ANIGAA LA TALINAYO GABDHO WANAAGSAN ILLAH
U DHAMEEYAY NASAB IYO NIDAAM DHAN WALIBANA KA
RAALIGALISO NIN KII CALFADA ANAA MEEL KU OG WALIBA WAXAA INTAA U DHEER DA'YAR IYO BIKRO NIMO
WAR BADANB WAX MATARO EE TALO HALAYSKA MAQLO'

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anon

Unrecorded Date
Sigale adiga muukhalas miyaa tahay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

swq

Unrecorded Date
sigale armaa adiga aad ku dhufatey sigada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BARQAB

Unrecorded Date
TO:KHALID

SALAAM DHAMAN

WALLAALO KHALID MARKAAN DHUUXEY SHEEKADAADII KU SAABSANEYD 3 NIN EE U.S.A. KA TAGEY EE THAILAND U GUURKA DOONTEY WAXAAN QABAA INEY AHAAYIIN 3 NIN OO LUMAY,SABABTOO MARKA HORE GUURKU MA AHA ALAAB MACDAAR LAGA SOO IIBSANAYO,OO HADDII AAD KA HELI WAYDO LAGAA CELINAYO,GUURKU WAXAA WAX YAABAHA UGU QIIMO BADAN EE UU QOFKU KU DHAQAAQO INTUU NOOLYAHEY ISAGA OO U JEEDADEESU TAHEY INUU QOFKAA LA QAYBSADO INTA NOLASHIISA KA HADHEY.
HADABA 3 NIN EE U.S.A. KATEGEY EE 22-26 JIRKA AH WAXAAN KA JECLAA INAAD TIDHAAHDO WAXEY KA TAGEEN CARABTA SABABTOO AH 22 YEARS OLD WHAT DOES HE KNOW ABOUT MARRIAGE AND SOMALI WOMEN,I WOULD TELL THEM STOP SHOPING FOR MARRIAGE TRY TO EDUCTATE YOURSELF ABOUT THE GOOD SOMALI WOMEN LIVING IN YOUR NEAR YOU.


P.S. WAXAAN 99% KU RAACSANAHEY WEHELI TALADUU U SOO JEEDEYAY RAGAA LUMAY,BY THE WAY REGARDLESS WHERE THE WOMEN CAME FROM THEY ALL WANE,THAT IS HOW THEY EXPRESS THEMSELVES,BE A MAN AND DEAL WITH IT,I'M TALKING ABOUT FOR EXPERIENCE THERE NO PLACE LIKE HOME'WHAT A RELIEF'

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SARKAAL

Unrecorded Date
AQLIGA Alla kaaqaad Barqab war talo nasii ayaa laguyiri mahee in aad af ingaris wax ku qori karto
noosheeg laguma oran adiguse hadii lagu bar baar shay in add hooyadaa la noolaato intaad afartan ka
gaarto ood ciraysato inaadan guursan war bar baarta soo korayso ha ka faaiidaystaan waqtigooda
oo yaraan ha kuguursadan aniga waxaan ahay wiil somaliyeed oo 26jir ah waxaana leeyahay gabar 9jir ah iyo wiil 7jir ah hadaba dhaliyarada guurka kufikirtay yaraantooda nasiib bay leeyihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Enough intelligent

Unrecorded Date
To:dhammaan,


Anigu layaabi maayo ragga guursanaya habllaha lagu fogeeyey inaysan soomaali ahayn! Waxaadse ogaataan inay Islaam yihiin dadkaasi.
Midda kale ee soo raacdaa waxay tahay in, waxaan ognnahay in aan Soomaali haddii aan nahay aan yeelan kari wayney itaal aan isku hogaaminno, laakiin aan dhibaato uun abuuraynno waagii beryaba. Maxaa hadaba lagu diidanyahay in aan guursanno habllaha kale iyo ragga musllimka ah si aan dad maskax kala duwan leh u helnno si aan isu maamullo illeen Soomaali Soomaali xukumi kari waaye?!
Raggaas anigu waan taageersanahay waayo dumarka soomaaliyeednna waan ka guursaday N America-na waan arkay sigale-nimada ayaana runtii naag Soomaaliyeed inta badan dhaanta, wakhtigan hadda lagu jiro; waayo ayadoo wax walba og ayey hadana ku eedaynaysaa, markaa rabbi talo ku filan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SIGALE

Unrecorded Date
ENEUGH ENTELLIGANT HADII AAD TAHAY NIN MAGACAAS KU SIFOOBAY MAXAAD U GARAN WAYDAY BIYO ABAYDAA U BAAHAN BOD LAGUMA DAADIYO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sister

Unrecorded Date
To: barqab
<22 YEARS OLD WHAT DOES HE KNOW ABOUT MARRIAGE> barqab how smart you are brother.
I agree with you 100% that 22 years old need to edicate him self in steed he will worry about marriage

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BARQAB

Unrecorded Date
TO:SARKAAL

WALAAL MARKA HORE WAAD KU MAHADSAN TAHEY ILAAQDA,LAAKIIN WAXAAN HADALKAAGII KA DHADHSADEY INEY KU SOO KORISEY HOOYO WANAAGSAN OO SINGLE MOTHER,LAAKIIN AY NASIIB DARO TAHEY INEY KAA MAQAN TAHAY BARBAARINTII AABUHU,WAXAAD NOO SHEEGTEY INAAD TAHEY 26 JIR GABADHAADA WAYNINA AY TAHEY 9 JIR(YOU BECOME A FATHER AT AGE OF 17 ), MARKA UGU HOREYSA WALAAL WAXAA LAGAA DHACEY CARUURNIMADAADII SIDEY HOOYADAA KUU LAHEYD ADIGAA REERKA U NIN AH,MARKAAD 17 GAADHANA REER SAMEYSO, MARKAAD LABA CARUURA KA DHASHANA,REER KALE SAMEYSO AND SO ON,LAAKIIN WAA DHIBAATO AAD LA QABTO CARUURTA HOOYADU KALEYE SOO KORISO,WAANAN KA XUMAHEY,LAAKIIN NASIIB WANAAG WAXAA I SOO KORIYAY AABO IYO HOOYO MID WALIBA WAXII LA GUDBOONAA II SHEEGEY.
MY BROTHER SARKAAL TRY TO BE A FATHER TO YOUR CHILDREN,MAY BE THEY WOULD HAVE THE CHILDHOOD YOU NEVER HAD,AND STOP BELEIVING WHAT YOUR MOTHER USED TO TELL WHENEVER SHE IS DOWN"YOUR ARE THE MAN" WHAT SHE FAILED TO TELL YOU IS THAT A MANHOOD COMES WITH A REAL RESPONSIBILTY.
HOWEVER NO DISRESPECT TO YOUR MOTHER,I'M SURE SHE HAS DONE HER BEST,BUT YOU HAVE MISSED VERY IMPORTANT PART OF YOUR LIFE,AND I'M SORRY FOR YOU.

THANKS BRO.

TO:SISTER

CONGRATULATION SISTER YOU SEEMS TO HAVE A GOOD HEAD OVER YOUR SHOULDER,AND I'AM SO GLAD FOR YOU.
THANKS SIS.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SARKAL

Unrecorded Date
BARQB WALI MA WAXAAD WADAA HADALKII AAN KAA CANAANTAY EE AHAA AFKA INGARISKA WAX HA NOOGU SHEEGIN,KOLKAAD KU HADASHO AFKII ABAHAA KUGU BARBAARSHAY YAAN WAXAAN KUU SHEEGIDOONAA IN AAD TAHAY WIIL AABAHII IYO HOOYADII SI WANAAGSAN U SOO BARBAARIYEEN OO TALADOODA QAATAY LAAKIN WALI WAXAAD U EG TAHAY WIIL KATAGAY DHAQANKII WAALIDIINTA SOO BAREEN MARLABAAD JOOJI AFKA QALAAD MARKAAD LA HADLAYSO AMA TALO SIINAYSO WALAALAHA SOMALIYEED
WAA WALALKA SARKAL***

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AUSTRALIA

Unrecorded Date
TO HOROR

HEY HA U KHALDIN NAAG SOOMAALIYED FIRST WAY KU DHASHAY, WAY KULA DHALATAY OK THUMA ADIGAAN AQOON SI WAX LOOWASO XAYAWAANYAHOOW DIDN'T YOU HERE WHEN OTHERS SAY SOMALI GIRLS HAVE CLEAN AND NICE PUSY!!!!!!!!!!! AND THEY DIE ON THEIR SEX,ANYWAY YOU MAKE YOUR SELF LOW RESPECT SO DON'T F----IG AROUND HERE UNDERSTOOD EDIOD!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BARQAB

Unrecorded Date
TO:AUSTRALIA

INKASTOONAD U QALMIN IN LOO JAWAABO,HADANA YEELKADEEDII WAXAANU KAA CODSANEYNAA INAANAD NAGA WASAKHEEN WAX IS WAYDAARSIGA IYO KALA FAAIIDEYSIGA DHEX MARAYA DHALINYARDA WAX GARADKA AH, INKASTOONAD JECLEYSAN FIKRADII HOROR OOD LA QABTO DHALIN YARO BADAN OO FIKRADOODA DHIIBATEY,HADANA WAXAAN KUGU GUUBAABIN LAHAA INAAD IXTIRAAMTO FIKRADIISA,SIDAN ADIGABA AAN U JECLEYN LAHEEN IN LA IXTIRAAMO FIKRADAADA INKASTOONAD WAXBA NAGU KORDHIN CEY MOOYEE,YOU DO NOT HAVE ACCEPT HIS VIEW POINT ON SOMALI-WOMEN,BUT YOU MUST LEARN TO TOLERATE.THNKS BRO/SI

TO:SARKAL

WALAAL SARKAAL INKASTOOD KA TAGTEY MOWDIICII HADALKA SALKIISU AHAA,OO AAD ARINKIIBA KA DHIGTEY AFKA HOOYO DEE WAXAAN KULA DOODAABA MAYAALAAN,WAXAAN HAD IYO GOOR JECELAHEY IN WAX LAYS WEYDAARSADO,LAAKIIN SHEEKADII QOQOBAAD GALISEY,OO WAXAAD ARINTIIBA KA DHIGTEY AFSOMALI QOR,LAAKIIN MOWDUUCU KAA MUU AHEY,HADDASE KA DHIGTEY WAAN KU SEEYAY LIBINTII,WAAYO WAAN KUGU RAACSANAHEY AFKA HOOYO,LAAKIIN ISKU DEY INAAD MASKAXDAADA BALAADHISO OOD MOWDUUCA KA HADASHO.WAAD MAHADSANTAHEY WALAAL.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SARKAL

Unrecorded Date
WALAALAHAY SOMALI WAAD SALAAMANTIHIIN, SALAAN QAAS AH WAXAA IGA MUDAN WALALKAY BARQAB; WAXII AAN ORAN LAHAA NINKA LAYIRAAH HORAR ADIGA AYAA YIRI, HADII AAN U SOO LAABTO MOWDUUCII AAN KA WADA HADLAYNAY WAXAY AHAYD WIIL 22,23AMA 24 JIR AH WAX MA GUURSANKARAA ADIGA WAXAAD KU DOODAYSAY MAYA'ANA HAA HADABA DOODAYDA WAXAY KU SALAYSANTAHAY ISLAAMIYAN, DIINTA ISLAAMKA WAXAY QABTAA IN LA GUURSADO INTA DHALINYARADA AAD TAHAY,SIDOO KALE CULUMADA SAYNISKA WAXAY XAQIIJIYEEN ILMAHA AY DHALAAN WAALIDIINTA DHALINTA YAR IN AY KA CAAFIMAAD BADAN YIHIIN KUWA KALE HADABA HADII AAD DOONAYSO DALIILO CAD CAD EE ISLAAMI AH DIB AYAAN KAAGA SHEEGI DOONAA.TEEDA KALE ANIGA HOOYO IMA SOO KORIN WAXAA ISOO KORISAY EEDO IYO AABE TALADA AH IN AAN KU GUURASODO YARAN WAXAA LAHAA AABAHAY,WANAAGEEDANA WAXAAN OGAADAY MAANTA. CIDII HAYSA FIKRAD KALE SOO DHAWAADA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BARQAB

Unrecorded Date
TO:SARKAL

WALAAL SARKAL WAAD MAHADSAN TAHEY,EE KU RAACEYSO NOLASHAADA WANAAGSAN,LAAKIIN WAXAA KULA SOO TALIN LAHAA ASALBA DIIMAHA AAD HA ISAGA DABA RIDIN,MARKA HORE ISTICMAAL CAQLIGAAGA,MAR LABAAD ISTICMAAL SAYNISKA,MARKA SADEXAAD ISTICMAAL DIINTA.(TAY DOONTO HA AHAATEE).

EDADAANA ILAAHEY HA KA ABAAL MARIYO KORINTA AY KU SOO KORISEY,LAAKIIN AABO WAXUU KUULA DEGDEGEY CABASHADEE EDDO AYAA KU BADATEY.HAHA KAFTAN WEEYE.
WALAAL SIDAA IYO NABAD GALYO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHANGAANI

Unrecorded Date
TO HOROR

WARYAA GABDHAHA SOOMAALIYEED MEEL WEYN AAD UGA DHACDAY SABABTOO AH WAXAAD KA HADLLEESID MA TAQAANID SO YOU BETTER SHUT YOUR MOUTH AND SNAP OUT OF IT. HADAAD ADI XUMMAATEY DADKA HA HALAAJIN.ADI HADAAD RABTID THAI UREESO WALI ALEEY BAARARKA BUUXAAN EE AAD WHERE U BELONG!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebe

Unrecorded Date
aawaye hee labo labo aanbo uguursan lahaaye?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shapiro

Unrecorded Date
la talin.

Khaalidow, berri baa nin mareekan ah oo dhakhtar ahi uu u dalxiisey wadankaas kor ku xusan(magacaaban). Qof dumar ah oo wadankaas u dhalatey ayuu soo bartay waxayna ku heshiiyeen iney is guursadaan kadid markey muddo wada socdeen, mareekan ayuuna keenay sharcina waa ku qaadatey. ninkii muddo kadib ayuu wuxuu soo xansadey(ogaadey) in naagaha wadankaasi kala badh(nus) ay yihiin lab ama rag qaliin isku sameeyey!!. shaki ayaa ku abuurmey wuxuuna u kuur galey in uu wax ka ogaado tan uu qabo. Wuxuu ogaadey in qofka ey isqabaana uu yahay nin qaliin isku sameeyey!!!!!. Dhakhtarkii wuxuu goáansadey in uu iska furo masuubadii la soo deristey. bal yaabka yaabkiise masuubadiina waxay kaga dooday maxkamadii in ay jeceshahay dhakhtarka, dhakhtarkuna isagoo ka cabsanaya in xoolihiisa badh(1/2) la siiyo naag iska dhigaha, ayuu wuxuu ku doodey in u guursadey in uu caruur ka helo. waxba yaanan ku dheeraan dhacdadan runta ahe, gartii waxaa xaakimku(qaaligu) siiyey dhaqtarkii, waxuuna goáan ku gaadhey in aanu dib dambe u aadin dhulkaas. waxaa hubaal ah in soomaali badan oo carabaha ka shaqeysaa jirtey iyo carabtuba ay tumashada u aadaan wadankaas. waaba habeen walba nin la baashaal miyaaney masuubo ahayn. saaxiibadiina la tali hadaad tel. haysid.

mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHALID

Unrecorded Date
shapiro
wALAAL WAA ARIN LAGA NAXO, waxaas wax la mid ah ayaa ku dhacay wiil soomaaliyeed oo london dagan, laakiin kama sheekeyn karo.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.