site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

WADANKII MARKII AAN TAGAY AYAA WAAGII II BARYAY

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Sept. 2000): WADANKII MARKII AAN TAGAY AYAA WAAGII II BARYAY
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

saciid yare

Unrecorded Date
1990 ayaa ka soo tagay wadankii,ilaa maalintii aan europa soo galay, waxaan awooda saaray sidii aan reerkeyga oo sabool ah wax ugu qaban lahaa,--aabahay mar hore ayuu dhintay, waxaa nool hooyaday iyo wiil iyo laba gabdhod oo dhamaantood xaasas ah oo ila dhashay----wixii aan helo iyagaan u diri jiray, sanadkii 1996-dii ayuu walaalkay yimid nairobi, waa ganacsade dharka, waxaay walaalahay iyo hooyo i dhihi jireen biil nagu filan noo soo dir si aanan u biilan lafaha, lacagta aan ku ganacsano , dhamaantood aniga ayaa biili jiray.......waxaan go,aansaday inaan tago muqdisho bal si aan u soo fiiriyo hooyo iyo gabdhihii,, waxaan soo arkay waxaana filanayn .reerkii aan kasoo tagay oo taajiriin ah , anigu waxaan ahay aabe saddax caruur ah leh , maanta ticket uma heli karo caruurtayda aan ku celiyo. waliba waxaa iigu daraa in la iyiri wiilka kale ayaa kaa fiican waayoo wixiisii wuu dhaqaaalaystay. waxaanse u dacwooday alaah sida la iiqiyaamay. soomaaliyeey maxaad igula talin lahaydeen. ma dacwo ayaan ku furaa mise sharafta ayaan ka xigaa-F.G ilaa hada ma aysan dareemin inaan ka xumahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AQBAAL

Unrecorded Date
WALAAL AAD BAAN UGU FARXAY INAD TAHAY INAN REERKOODA BIILAY OO WELIBA KA DHIGAY ANIGA WAXAAN KU DHIHI LAHAA WAXAAD QABATAY SHAQO WACAN WAAYO IYAGOO GAAJOONAYA AYAA KAAGA CALOOLXUMAAN BADNAYD LAHAYD EE WAXAAN KU DHAHAYAA GOOD JOB AND BE HAPPY ATLEAST DADKA QAAR INTA LABIILO AYEY WAXBANA QABSAN OO WELIBA KU CEEBAYNAYAAN ILEEN WAA DAD AAN AQOON SI WAX LOO MAAMUSHO WAXBA HADAC WEYN EE SHARAFTA KA XIG TAN KALE ALLE AYAA KU SIINAYA AJARKAAD SHAQAYSATAY EE ADUUNKA WAXBA MAAHAN TAN KALE HOOYADAA HADAY TAAJIRAD TAHAY WAA INAADAN KA DAYSAN XOOLAHA EE HADDII AAD AWOODO U TUURTAA AMABA KAGA FARXISAA WAAYO DUCO WAALID WA LAGA MAARMAAN . TAN KALE GABDHAHA WALAALAHAA IYAGA WAA WALAALADAA OO HORUMARKA AY GAADHEEN WAA MIDAAD GAARSIISAY SO BE PROUD OF YOUR SELF . ABOOWE WAXAAN KALOO KU XASUUSINAYAA WAA SOOMAALI IYO DHAQANKEED WAXAAD SIISO OY MOODAAN INAY KAADHACEEN AMABA KAA CAQLI BADIYEEN MARKA HADDII AY KUU QORNAYD IN QOF KU DHAHO ERAYADA AM MA DHAQAALAYSAN TAQAANID LET IT BE YOUR FAMILY ATLEAST KU FOGAAN MAAYAAN OO RUNTA MAALIN UUN BAY ISU SHEEGI. WAXBANA HADAREENSIIN WAAYO IYAGAA AH DADKAAGII EE U DULQAATO ADNA CARUURTAAD KA HELI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
saaxiibow taajirnimada wax kale maaha xamar waxaa intad maqneed la dhacey wax alaale wixii xoolo daarod iyo isaq lahaa u lagu raaxeystaa hada guryihii, beerihii iyo baabuurtii ee doqon ha noqon marka nabad dhacdo waxaas oo dhan la soo celiyo reerka jig-jig meeshaada joog uu noqonaa markaas aa laguu baahanaa ee hada iska aamus waxaadana meel dhigo. macalinka!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xooga

Unrecorded Date
to siciid yare
aad ayaan ugu faraxsanahay hadalkaada in dad
taajir ahi joogan xamar cade ama xoolo darod horey uga dhacay oo dib loo soo dhacay ha,ahato ama xoolo ganacsi lagu keenay ha,aatee waad iga farxisay
taa haddii aan inta uga baxo
waxaan kugu la talin lahaa iska daa in aad
dacwoote yaanay ku fahmin in aad ka xun tahay iskana daa ilaahey ayaa meel kale kaa siin doone
waxaana ku weydiinaya hadda ayaan raba in aan tago xamar oo aan ka soo maqnaa muddo
sagaal sano ah ee ii soo dir email aad
iiga warantide

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xooga

Unrecorded Date
waa xooga oo kuleh this is my email afeey@aol.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SACIID YARE

Unrecorded Date
to:AQBAAL
Walaal ilaah hakaa abaal mariyo, taladaadii waana ku qancay, runtii dad badan oo westren ah laguna magaabo WISE waxgarad, ayaanan taladaada oo kale bixin karin. mahadsanid
to:anonymous
Walaal ilaah caafimaad haku siiyo waad xanuunsanaysaa,e cuqdada iska saar, waxaan tegay berbera iyo boosaaso, iyaga laftooda nolol iyo ladnaan ayaa ka muuqatay, dadka aad u haysato inaay wax dhaceen soomaali waligood iyagaa ugu lacag badnaa. Hadii aad xamar tagto farta ayaa laguugu fiiqayaa ninkii wax dhacay oo la isu gaban maayo, ragii bililiada waa duke cambaar leh.
TO.XOOGA
Walaal adigoo mahadsan waxaan kugula talin lahaa
inaad tagto dalkii oo aan lagaaaga sheekayn.anigu markaan tagyay waxaan islahaa waa lagu qafaalan armaalagu dilaa, laakiin waxaan ku soo arkay rag ka soo laabtay caalamka o idil oo meherado ku haysta, waxyaabihii iigu yaabka badnaa waxaa ka mid ahaa dhalinyaro ku jira xabsiyada maxkamadaha oo la iyiri waxaa laga soo celiyay n.america iyo europa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shabeelnaagood

Unrecorded Date
Saciid Yare...Salaam...
Nasiib darro anigu ma arko meesha aad ka dacwoonaysid...Reerka lacag ayaad u diri jirtay...so what? meeqa sanno ayaa lagu soo korinaayey?....Markii kuugu dambeeysay sabool(poor) bay ahaayeen...Haddana way dhaqanyihiin...soo inaad Illaah u mahadceliso ma ahayn!....
Mise xoogaa xun ah! (qiyaas $300 bishii ilaa 1996 = $21.600) ayaa wax kula noqday? Waryaa meeqaa lagu soo korinaayey!...Isku xishood! ....
Waxan akhlaaq xumada ah waxaa nabaray waddamadan aan joognee na hilmaansiiyey mas'uuliyadii naga saarnayd waalidkeen, walaalaheen, ehelkeena, iyo dhamaan ummada somaaliyeed iyo muslimiinta kaleba.....Shame on you! adoo nin ah inaad waxaas lasoo shirtagtid.....(wallee yaqyaqsi baan dareemay!)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SACIID YARE

Unrecorded Date
to.shabeel naagood
Mahadsanid walaal , laakiin waxa aadan fahmin waxa aan ka xumaaaday in la iyaahdo" waxaa tahay wax ma tabcade", waxaan reerkayga taray ilaah ayaan ajir uga sugayaa. laaakiin waxaan dareemay, "labadii walaala ah ninki lacag leh ayaa wayn"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shabeelnaagood

Unrecorded Date
Salaam Saciid Yare.........
Arinta ah in lagu yiri "Wax ma tabcade ayaad tahay".....Haddaan iska dhigo qof yaqaan dhaqanka soomaalida, iyo dadka waaweynba...Waxaan u malayn ama qiyaasayaa in arintaas lagaaga waday dhiiri galin ah...War meesha ka kac oo shaqayso..Waakaas oo walaalahaaba waad u jeedaaye...
.....Fadlan xasuuso dhaqanka siduu ahaan jiray...
Marwalba isku day inaad haddalada dhinac kasta ka fiirisid....mar gadaalgadaal u akhri...midda kale...Ogow waalidka soomaalida badankood hadday ku caayaan dhab ma ahee waa digniin ama dhiirigelin....Nasiib darro dhaqankeena ayaa sidaas ah...Mana ku amaana mana ku cayna...
Laga yabaa dad wanaagsan hadday soo baxaan in ay iska badalmaan si tartiib ah....
Salaama....

p.s (waxaa ka mid aniga weerarka aan ku weeraray oo laga yaabaa inaan kugu xadgudbay inuu ka mid yahay taas...!)

Sarbeebta soomaalida waa inaad barataa...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUHUUR

Unrecorded Date
Saceed, they should atleast say thanx to you, if they didnt why bother giving them the money anyway?

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.