site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Igala tali si aanan marlaabaa Jacayl ii dhaawicin

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Sept. 2000): Igala tali si aanan marlaabaa Jacayl ii dhaawicin
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

L.D.LOVE FEAR

Unrecorded Date
Salaammu Calykum dhamaantiin.


Waxaan intaanan arinka u gudoo galin rabaa inaan idiin sheego dhaawac horay ii soo gaadhay oo aan ku eedeeyo inta badan anigo jacayl fog gobalo ka mida Maraykanka kala tagnay kadib markaan horaanti gobalkaan jogay isku baranay. Laakin laba sano kadib jacaylkii burburay eeda inta badan waxaan dhakada kasaaraa (long distance relationship)xidhidhka oo aan jognay kala meel. Kadib waxaan niyadayda u sheegay inaan marlaab xidhidh fog aan samayn doonin. Bal waayaaba hadana faraqa ayaan la galay kadib markaan kii horee ka bogsaday oo gabadh gobolkalee ku nool ayaan wada jognay gobolka aan ku noolahay kadib markay soo buuqatay oo laba bilood ayaan meel wada jognay waxayna ku laabatay gobolkii ay ku noolayd. Waxaan ka codsaday inay soo guurto laakin way ka maagtay oo waxay tidhi horta si fiican han isku baranoo islamarkaana wax han isla meel dhigno ilaa sanad iyo dheeraad. Runtiina waa gabadhi niyadi jabtay bogsiin karta. Oo aad ayaan uga helay waanan cabsanayaa inay sidii oo kale igu dhacdooo. Maxaa taloo ah??????

THANK U FOR YOUR ADVICE!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ayman

Unrecorded Date
To. L.D

S/kadib:

Dadaalkaagaa wax ka dhiman yahay ee dhamaystir talada ha isku koobin ee tan allana ku dar dabadeedna everything is gonna be......... markaa don't hesitate with....... relation. Trust in Allah 100% Insha'allah you...........succeed on your target.

wa- billaahil towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

L.D. Lover Fear

Unrecorded Date
TO AYman


I do realy apperciate for your advice. Yes, sometime we human think we doing everything by our ability where the truth every think under the control of our great ALLAh(s.w.) Illahay ayaan iska talo saaran kadib markaan Istiqaar tukadoo


Haddi talo kalee oo ii sii caawisa dhinaca farsamad long distance relation uu jiro fadlan
wakhtigaag qaaliga ah daqiiqadi iga sii
thanks

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeq

Unrecorded Date
Saaxiib annigu figradayda uma arko arintaadu mid tallo u baahan, ee wallaaca iska saa!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Marwo

Unrecorded Date
L.D
Walaal hortu ilaahay aamin oo isku xidh waayo si kastood wax u qorshaysato hadana ta ilaahay uun baa socota....imisaa walaal qaar magaalo kaliya wada jooga oo dhowr sano wada socday markii arooskoodii loo dhaqaaqay ay ka burburtay waayo ilaahaybaan qorin....calafkuna waa halkiisee wax qaybkiisu kaa maqanyahay ha isku mashquulin walaal.intaad dadaali karto dadaal hadii alle qoray inuu isu kiin keenona way dhici oo cidi ama meeli idin kala celin mayso.. hadii aan alle qorina dee dhici mayso. xaga jacaylkana adigu mar baad ka cabanaysaaye dadbay dhowr jeer ku dhacdaa oo hadana soo taagan...cidina jacayl uma dhimato walaal....Markaa taladaydu waa caloosha adkee oo ha isku mashquulin wax qaybka alle ku maqan...hadaad dadaashona ma xuma ileen labadii is rabaa wado ay isu soo maraan waayi maayaane...idinku wadan baabad wada joogtaane maxaad ka cabanaysaa walaal...haday u badato waa dhowr saacadood oo diyaarad ah ama gaadhiba e.
Take care of yourself and remember every problem has a solution. (don't let your feelings defeat your sense... Good luck bro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

L.D LOVE FEAR

Unrecorded Date
To Marwo


Marka hore mahadsanid waanada marwo nimaddada iyo dadnimadaada xariirta ah cadaysay sidaas ayaaan yeeli haddii ilaahay idmo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaaji

Unrecorded Date
saxiiboow adiga jaceelkaaga afkuu saaran yahay i wish in aan adookale noqon karo mid aa yaad ka raysatay hadan midkale ayaad lugaha kula jirtaa anaguna waxaan raa dinay naa kuu uguhoreeyeey ok

maxaad jaceel ka ilaalin adigaaba raadsaneey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, August 10, 2000 - 06:50 pm
to l.d.love fear
walaal salaan kadib waan ka xumahay walaaca ku heysta tana labaad aboowe ha wal walin sow ma ogid in xitaa kuwa isla jooga ay iska wal walaan ama ayba kaa daran yihiin,calfna waa uu jiraa shakiga abdana sheydaan ayaa ku soo gabada ee aboowe illaahey talo saaro.
aniga waxaan xiriir la leeyahay wiil aan kala dheernahay wuuna i jecel yahay ana sidoo kale mana jecli in xiriirkeena kala dheeraansha heena uu sabab u noqdo aboowe jaceylka runta ah waa kuwa kala dheey anigaana qiray
aboowe sidaad jeceshahay allha kaaga dhigo
bye sis luula

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Awdheere

Monday, August 21, 2000 - 02:48 am
To i.d.love fear:
ugaas waxaan filayaa inaad fikrado heshay fikradahaasoo ay ugu waaweynaayeen arimihii ku saabsanaa inaad ilaah talo saarato oo aad shakiga badan iska saarto....balse waxaan filayaa inaad yara milicsaneyso xaga distance-ka oo lagaa siiyo wax qibrado ah.

Hadaba waxaan aniga dhinacaas kaa oran lahaa, inaadba uba guurtid meeshey ku nooshahay hadii ay suurto gal tahay! maxaa yeelay marka hore waa gabar aad jeceshahay oo hadii aadan ka ag dhaweyn waa dumare weerarkeeda ayaa iska badan, taasina waxay keeni kartaa daciifnimo ku timaada xiriirkiina... marka xigta waxa aad dooneysid waa guur iyo wanaag ayaan filayaa(horta meesha ka saar "jaceyl digaag"), mida 3-aad hadii aad u guurtid meeshey degen tahay waxaad fursado u heli doontaa waxyaabo badan oo aadan hada awoodi karin sida: "isbarashada dheeraadka ah ee ay kugu xirtay iwm".

Waaqicaas jira awgii ayaan anigu fikrad ahaan kugula talin lahaa inaad gacalisada ka ag dhawaatid.

Awdheere

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, September 03, 2000 - 10:45 pm
walaal waxaan aniga kula talin lahaa in aad ilaahay iska talo saarato gabadhaa aad jeceshayna ilaahay kuu fududeeyo aan ku daadaashid sidaa u xariirin lahayd reerkeeda
because hadii aad tahay qof ehelkeeda xariirinayo hadana diinta ku xiran ama akhlaaq wanaagsan wax walba way kuu suura gali
waa walashaa oo kuleh ilaahay ha kuu fududeeyo wixii wal wal ah oo ku haysta waxaana jira adkaaro ama ducooyin la akhristo ee bal isku day in aad noqoto qof ilaahay talo saarto.
salaamu calaykum

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.