site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Af Soomaaligu ma hodon ba? Si caddaalad ahse ma loo Qoray?

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Sept. 2000): Af Soomaaligu ma hodon ba? Si caddaalad ahse ma loo Qoray?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhiblaawe

Unrecorded Date
Walaalayaal Ummad aan af laheeyn waa ummada aan jirin.Kolka madaama aan leenahay af aan isku afgaranno oo qoran waxaan isleeyahy waxyaabo badan oo loo baahnaa in laga fekero marka luqad la qorayo ayaa laga tegey, kolka waxaan isweeydiiyaa waa kee afka dhexdhexaadka ah? Mise dadyoowga kala ee nagula dhaqan "Somaaliya" ee nala sheegta Soomaali afka aay ku hadlaan wax qiimo ah ma leh miyaa?
Waxaan isleeyahay guddigii "Afka soomaliga" qoray waxeey suubiyeen khaladaad iyo caddaalad darro.
Kolka waxaa sixi kara khaladaadkaas iyo caddaalad darradaas in la soo xulo guddi cusub oo dib u qora "Afka Somaaliga" mar kale.
Maxeey idin la tahay mudeneyaal iyo marwooyinkoow?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
qaladaadka la sameeyey maxey yihiin saaxib inoo sheeg, tan kalena af ay wada fahmayaan from saylac to hargeisa to bosaaso to galagacyo to hobyo to baladweyne to xamar to kismaayo dee yaa kale ayaa laga tagey war afku waa sax loomana baahna in la badalo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Saxi Dhiblawe waa jirtaa in arinta aad shegeysid
sababtoo ah umada somaliya la yirahdo waa umad
is ku timid oo aan is ku af ama dhaqan aheyn waxa
ana tuasaale ua uah sida ay ugu kala duwanyihin
dhinaca nolosha mesha kan galkacyo ka yimid ku
fikirayo inuu wax bobo kan afgoye ama balcadna ku
fikirayo inuu shaqeyso oo xaranta ka cararo marka
waan is fahana maahee isku af manihin ragii af soomliga qorayna waxey qoren koodi am kii lagu amray ee walal haku dalin gudi cusubna
waxey sameynayan tii ookale

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aa3ai

Unrecorded Date
Marka uguhoraysa salaamu calaykum dhamaantiin. Sida ay ilatahay, aniga oo soomaaliweeyn kalo qaad-qaadayn, afka soomaaligu waa af leh xaruufo sida 'a','b', iyo sidaas.Waa af dad ilaahay yaqaan oo soomaali ahhi, sida Muuse Galaal, iyo ajinabi, sida A. Lewis, ayqoreen. Waa af lagu tijaabiyay in lagu qoro af-carabi laakiinse la oggaaday in uusan carabi dabooli karin af soomaali. Sababtoo ah carabigu waxa uu leeyahay kordhoow, hoos dhaw, godin iyo reebid- taasina waa afar shaqal. Af soomaaliga maantayna waxa uu leeyahay 'a', 'e', 'u', 'o', 'i'-kuwaasoo ah shan oo laga soo qaatay laatiin. Marka, sida dadkii qoray oo aad iyo aad iskugu taxluujiyay in ay ummada soomaaliyeed oo dugaag ahaa in ay kadhigaan dad afleh yaan ladulaysan oo laga dhigin xaasidiin exanaya. Soomaali waa iskuwada mid ana soomaali baan ahay, dadkaygana kajecli waxkasta. Waa run oo soomaali lahjado kaladuwan wayleedahay, laakiinse lahjadna malaha ama kamaxigto xaruufaha soomaaliyeed oo qoran lahjadahakale.
YAAN BEEN LAYSKU SHEEGIN
SOOMAALEEYNU NAHAY
DADSIMAN BAYNU NAHAY
SUMADEEN SUNADATAHAY BAYNU NAHAY.
ANA SOOMAALIBAAN AHAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
dhiblaawe dhibka dhaaf odey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LIBAAX

Unrecorded Date
waxaan ku raac sanahay AA3AI suu usheeagy weeyaan dadkii afka soomaaliga qoray waxay ahaayeen dad aad iyo aad wax uyaqaan oo soomaali ah oo aan qabiili ahayn sida OSMAN KEENADIID, YASIN OSMAN IYO MUSE GALAL odaayaash soomaliyee u maleen mayo dad kabidiyay afkeen afsoomaaligana ma aha wax hada la iska qortay wakhti badan baa lasoo aruu rinayay dad wax yaaqaana kafiirsanaa yeen waana arki kartaa siduu u hirgalay marka mahaaha wax ay beelkaliya ay iska sameensatay ama uu Siyaad ku amray waxaan hortiis ayaa lasoo waday. garan maayo aniga qof soomaali ah oo aan afsoomaali ku hadlin oo afkale leh anoonan kahadleen dadka afka soomaaliga katagy oo af shisheeye qaatay sida ku dibadaha soomaliya ku nool.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
dhiblaawe iyo anonymous hala yaabina
Maadaama aanay school dhigan wiilashu waxay dhegaysan jireen odayaashii waxa xun sheegi jiray
kuwaas oo aan iga waxba dhaamin,sida waa laynaka eexday, waxba laynooma qaban,waa layna cadaadinayaa, iyo wax lamid ah, ma garanayaan lewis waxa weeye nin english waxayse moodayaan nin qabiilada qaar ka eexday ninman ku horta ma fahmayaan waad usheegaysaan oo dhan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mk

Unrecorded Date
waad salaamantihiin dhamaantiin
Marka dib loo eego waxyaabihii ugu muhiimsnaa ee Soomaliya ay hirgalisay ama ay soo saartey 40kii
sano ee la soo dhaafey waxaa hubaal ah inuu ahaa luqada luqada af Soomaaliga. Ma u maleynayo in cid laga eexday ama cadaalad daro ay dhacdey

marka saaxiib dhib-laawe dhibka jooji

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mudanesom

Unrecorded Date
mudane soomaali ah.
Waalayaal markaan akhriyey qoraalada aad samayseen waxaan aad ula yaabay heerka aad ka joogtaan saqaafada ama wax akhrinta, waalayaal idinkoon iscaayin oon isu afbuurin, isku xad gudbin ka shaqeeya sidii aynu u kobcin lahayn afkeenna hooyo, ee hadda ha dhexdabaalanina inaad kala fadishaan odayaashii soomaaliyeed ee usoo dadaalay ummadda garan weydey inay halkii ka sii amba qaadaan. midi waa talodaas guud.

Midda kale waalayaal hadduu afku dhutinayo aynu toosinno, hadduu dhimman yahayna aynu kaamilno, aynu noqonno xubno soomaaliyeed oo iskuudan , kana tanaasula inaad hadda inagoo dalkeennii muddo toban sano ah burburay aynu taagannahay anaa afkaa leh iyo anaa af leh, kan wax isbidayow walaalkaa dulman caawi, kan cuqdaddu haysowna qalbigaaga hagaaji.

WAXAAN KUSOO GUNAANADAYAA ODAYAASHII AFKA QORAY WAY DADAALEEN EE CIDNA KAMA AYSAN EEXANNIN, BALSE HADDUU HABKOODII INALA KHALDAMO AYNU TOOSINNO INAGOON CIDNA DHAAWICIN, WIXII LAGA TAGAYNA AYNU KU KAAMILNO.
MAHADSANIDIIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAJEERTEEN

Unrecorded Date
By MAJEERTEEN on Thursday, May 4, 2000 - 06:25 am:

Af Soomaaligu wuxuu uqoran yahay si cadaalad ah.

Waxaa inoo cadaynaya sida aan isku fahmayno iyo sida aan isula wadno sheekada.

AFSOOMAALIGA SAXDA AH WAA KAN LOOGA HADLI JIRAY XAMAR DAGAALADA KA HOR IYO KA DIB.
TUSAALE AHAAN WAXAAN DAGANAA WAABERI, CIYAALKA XAMAR DAGAN BADANKOOD
AFSOOMAALIGA AY KU HADLAYAAN WUXUU AHAA ISKU MID, lama garan karin QABIILKODA inuu yahay
DAROOD,HAAWIYE AMA ISAAAQ.

Lahjad iskuwada mid ah ayaan ku hadli jirnay, waxaana aheeyn WALAALO.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.