site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Af Soomaaligu ma hodon ba? Si caddaalad ahse ma loo Qoray?

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Sept. 2000): Af Soomaaligu ma hodon ba? Si caddaalad ahse ma loo Qoray?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhiblaawe

Unrecorded Date
Walaalayaal Ummad aan af laheeyn waa ummada aan jirin.Kolka madaama aan leenahay af aan isku afgaranno oo qoran waxaan isleeyahy waxyaabo badan oo loo baahnaa in laga fekero marka luqad la qorayo ayaa laga tegey, kolka waxaan isweeydiiyaa waa kee afka dhexdhexaadka ah? Mise dadyoowga kala ee nagula dhaqan "Somaaliya" ee nala sheegta Soomaali afka aay ku hadlaan wax qiimo ah ma leh miyaa?
Waxaan isleeyahay guddigii "Afka soomaliga" qoray waxeey suubiyeen khaladaad iyo caddaalad darro.
Kolka waxaa sixi kara khaladaadkaas iyo caddaalad darradaas in la soo xulo guddi cusub oo dib u qora "Afka Somaaliga" mar kale.
Maxeey idin la tahay mudeneyaal iyo marwooyinkoow?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hantiwadaag

Unrecorded Date
>>Kolka waxaan isweeydiiyaa waa kee afka dhexdhexaadka ah qoray,
(jawaab)Saaxib waa afka gobolada dhexe looga hadlo
siiba mudug
>>Waxaan isleeyahay guddigii "Afka soomaliga" qoray waxeey suubiyeen khaladaad iyo caddaalad darro.
(Jawaab)Hadaba saaxib gudugii qoray afkayaga ma uusan samayn wax qalad ah waxayna runtii naga mutaysan yihiin in aan xusno gudigaa ka hor waad
la socotaa in Soomalidu ay wax ku baran jireen afafka gaalada wadankana dhaaqalihiisa ay lahaayeen dad Asian iyo reer galbeed,

>>Kolka waxaa sixi kara khaladaadkaas iyo caddaalad darradaas in la soo xulo guddi cusub oo dib u qora "Afka Somaaliga" mar kale.

(Jawaab)saaxib markii Afkayaga la qoray wax caddaalad daro ahi maysan jirin, balse haday jirtaa waxayna ka muuqataa qoraalkaadan, waayo waad ogtahay in Dowladii Madaxweyne Siyaad Barre ay si wax ku ool ah Soomaliya wax ugu qabatay, Waxbarasho, warshado, iyadoo Hantida shacbiga oo laga qaaday kuwa aanan somalida ahayn, hadaba waxaad mahad diiran usoo jeedisaa gudigii iyo dowladii somaaliya meel ka soo saartay
fikradahaada foosha xun lehna kuwa 60s-70s la yimyid miiskana lagama qaadin iyadooy ugu wacantahay afaaro qabiil iyo musuqmaasu owgood

Saaxib hadaba gebegebodeeydu waa somaaliga Mudug ama Central somaliya looga hadlo ayaa somaaliga saxda ah,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
war ala maxaa la isku cabaa soomali ragii gabyi jirey ee afsomaligba ayaga laga soo gaarey nin reer mudug ah kuma jiro ee naga daaya beenta walalayaal. halkana yaan isku qabsan meesha afsomali rich ku ah taasi uma baahna in la sheeg sheego, bal eeg dadka gabya, heeso, alifa iyo wixii la mid ahba wax reer mudug ah ma jiraan, uma jeedo qabiil laakin kuwa asalkooda xataa mudug yihiin eeg meesha ay ka soo baxeen. yaan lis indho tirin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

saxe

Unrecorded Date
To dhiblaawe
Af soomaaliga dhexdhexaadka ahi waakaa aad qortay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Dhilaawe, Dhibka-da;
Wax kasta oo wanaagsan markii aan isku deyno in aan cilad iyo iimo u raadino, waxii qalanaa oo sixitaanka u baahnaa sideynu u sixi doonaa?
Waxaan uga jeedaa Afka somaliga qoraalkiisa waxaa ku baxay waqti aad iyo aad u badan. Dad somali ah ayaa maskaxdooda iyo waqtigaba ugu deeqay umadooda. Mahad ay kaa helaan daaye;daco ayaad usii heysataa;;;;; Waa yaabaye dadyow meyla yaabteen? Waxaanse ku weydiiyey adigu maxaad bedeli laheyd? maxaadse ku bedeli laheyd?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ali

Unrecorded Date
MUDUG AA!!!!!!!!!!!! R U OUT OF YOUR MIND?

WAA IGU WALEE MEEL AY haberyoonis, ogaden, ciidagale, dhulbahante iyo haberjecelo ka maqan yihiin walee inuusan afsomaali oolin...... ee runta ha lisku sheeg ragiina mudug ku andacoonayow bal taabta nin baalyo ka dhacdey oo reer mudug ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

RADAMIR

Unrecorded Date
Please,sheekada yeysan nala fogaan reer hebel iyo reer hebel haddii aad weli joogtid, I am so sorry to say it,but you are soo stupid....to maintion that names after what they have done to u.
habar ...ogd,;;;;iwm.......
si aan kuula hadallo doodaadu haku ekaato Gobol ama shaqsiyaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

godogode

Unrecorded Date
saaxiib marka hore waa ku mahadsantahay rayiga aad soo bandhigtay balse waagii hore waxaa la isticmaali jiray CISMAANIYIINTA balse 1974 wixii kadambeeyay gudi meel dhexaad ah oo ka kooban soomaaliweeyn oo dhan ayaa loo xil saaray ineey ka shaqeeyaan qoraalka afsoomaaliga kadib gudigii wuxuu isku afgartay in lahjada soomaaliya ay noqoto CISMAANIYIIN laakiin qoraalka uu noqdo laatiin af soomaali ah iyadoo weliba gudiga madax looga dhigay alaha unaxariisto YAASIINCISMAAN KEENADIID oo u dhashay mudug marka saaxiibayaal qiimo iyo wanaag bey nagu leeyihiin gudigii qoray farta mideeda kale walaalayaal markii lahelo soomaali weyn ayaa aruinta laga doodi karaa laakiin nasiibdaro way adag tahay si loo helo marka aniga rayigeeyga waxay ila tahay ineey cadaalad sameeyeen gudigii isku taxa lujiyay qoraalka af soomaaliga waxaa xusid mudan inaan idiin sheego in qoraalka CISMAANIYIINTA in laga isticmaalo JUBBALAND IYO PUNTLAND sidaas daraadeed waxaan hadalkeyga ooga bixi lahaa gudigii qoray afsoomaaliga cadaaalad bay ahaayeen waa mahad santihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qadan

Unrecorded Date
ali run baad shegtay walaal ani intaa soo shegtaa markay hadalyaan ila luqad wanaagsan waxa kale waxaad modaa inay ciyayaan sidii xoolaha.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hantiwadaag

Unrecorded Date
Waxaan jeclaanlahaa Sida Qoraaga,RADAMIR u hore u soo sheegayba, in doodu ay ku ekaato Gobol oo kaliya, Qabiil iyo wixii la mid'ah lagu soo darin dooda

To: Qadan

Saaxib waxaad ka caytantay afkaada foosha xunleh,
Soomaalina antay adigoo kale ku jiraan waxba u hagaagi mayaan ee sidaa garo,

doodina furan>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
hantiwadaag iyo ramadiir walaal aad ayaan idiinku raacsanahay dadka qabiilka wada in runta loo sheego, waa dad cudurqaba wax daaweyana la, markaa waxaan idiin qorayaa dadow daawo ee sifiican ula socda(marka hore 5 waqti tukada,kadibna quraan badan aqrista hadiikale wadado idin saara u yeerta oo muda badan idinsaara ilaa cudurku uu idinka baxo)teedakale qabiilada aad aqrinaysan anaa ka imi waxay somalida kale uga af fiican yihiin majirto,ee shaydaan baa ugu shee keeyay waad af fiican tihiin mana fahmaysaan somalida kale, hadaad fahamteen gaaladan aad la joogtaan magaranayo saad ku fahmi wayseen somali kale ,qofka QADAN labaxay waxaan oran lahaa maskaxdii baa qabiil ku qalajiyay ee quraan ku qoo quraan fara badan is your daawo ps qabiilka halaga saaro dooda,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
ramadiir ka raali noqo waxaan kawaday RADAMIR. S/CALAYKUM ALL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Radamir

Unrecorded Date
Waad mahadsantihiin dadka sida fiican ufakarayow.
Waxan haboon in aan isla fahano maka hore CUDURKA na asiibay,dabadeedna aan daawadiisa isla raadino.
cudurku waa; Q A B Y A A L A D.

Dagaalkii civilwarka waxaan ka baran inaysan jirin qabiil..qabiilkale shafka ugaraaci karo.
Haddii uu jiri lahaa waxaa noo sahalanaanlahayd in intuu naqabsado wax uun uu nagu qasbo(maamul).

Daawada qabyaalada iyo sidii aan u meelmarinlaheyn waxay u furantahay dadweynaha waxgaradka ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ali

Unrecorded Date
(Copy/Paste)
Muuse (Galaal) can be regarded as one of the founding-fathers of written Somali, and in the cultural history of Somalia he occupied a position comparable to such men as Sheikh Yuusuf al-Kowneyn, Sheikh Uweys or Cismaan Yuusuf Keenadiid.

ref: http://www.anaserve.com/~mbali/letter19.htm

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nazriina

Unrecorded Date
Godegode run baad sheegtey taariiqdii runta ayaad ka hadashey.Waxwalbana tariiqda ayeey ku xusan yihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

•••

Unrecorded Date
Taariq somaali iyoafka laqoray iyo wixii qoray
iyo qabiil. they can suck my dick
guu adigana dhibka daa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kalax

Unrecorded Date
uguhoreyntii salaan,
dhigmooyinkan kore qaarkood maaha kuwo loo bogi karo.

Gudigii afsoomaaliga dhigay wuxuu inaka mudan yahay sharaf aan lasoo koobikarin, dhigmada afsoomaaliga iyo ololihii faafintiisana waxaan qabaa in ay tahay waxa kaliya ee lataaban karo een qabsanay ilaa iyo xornimadii.
markaa waa khalad in aan gudigii eedeyno.

waxaan xusid mudan eebe haw gargaaree XAAJI MUUSA GALAAL,YAASIIN CISMAAN KEENADIID ,SHIRE JAAMAC AXMED,dhamaan gudigii iyo hawshoodii,ee maaha in aynu reer hebel iyo gobol hebel kahadalo.

nabab iyo naxariis.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAJEERTEEN

Unrecorded Date
Af Soomaaligu wuxuu uqoran yahay si cadaalad ah.

Waxaa inoo cadaynaya sida aan isku fahmayno iyo sida aan isula wadno sheekada.

AFSOOMAALIGA SAXDA AH WAA KAN LOOGA HADLI JIRAY XAMAR DAGAALADA KA HOR IYO KA DIB. TUSAALE AHAAN WAXAAN DAGANAA WAABERI, CIYAALKA XAMAR DAGAN BADANKOOD AFSOOMAALIGA AY KU HADLAYAAN WUXUU AHAA ISKU MID, lama garan karin QABIILKODA inuu yahay DAROOD,HAAWIYE AMA ISAAAQ.

Lahjad iskuwada mid ah ayaan ku hadli jirnay, waxaana aheeyn WALAALO.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.