site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

WAXAAN UBAAHANAHAY TALO WALAALAYAAL??????

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Sept. 2000): WAXAAN UBAAHANAHAY TALO WALAALAYAAL??????
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

deeqa

Unrecorded Date
Waad salaamantihiin.

Waxaan ahay inan somaliyeed da.daydu waa 22 yrs
waxaan kunoolahay wadankan maraykanka,reerkayaga
kaligay ayaa u soomaqan cidkalana uma maqna,wadankana waad ogtihiin sida nolashiisu tahay qofkaliyana kama dabaalankaro waliba gabadh ah,markaa waxaan dhigtaa iskuul waxaana tagaa shaqo fuul time ah si aan naftayda iyo reerkayagaba wax u taro,waxa aan kunoolahay guri hal qol ah waxaan bixiyaa $580+++++,
bilkastana waxaan diraa biil reerkayaga hadaba waxaas oo dhan culays iguma hayaan, waayo hooyaday iyo reerkayaga waan jecelahay.
hadaba waxaa dhibaato igu haysa qurbahan waayo hadaan maalin bukoodo waxan kafikiraa yaa kirada kaa bixin doona, markaa waa caydhi ma bukooto ayuun baa kujiraa,hada heerbaan gaaray aan iskuulkaygii daayo oo aan shaqo labaad bilaabo si aan reerkayaga kusoo dhoofin lahaa,marhore ayaan risboonsor u iibiyay laakiin lacagtii ayaa layga dhacay risboonsarkiina been noqday,walina lacagtaydii la iima soo celin waanan ka samray
waayo maalin maanta ahayn ayan helidoonaa,
markaa waxaan ubaahanahay talo waxaan ahay inan dhaqankeedii wali haysata waayo cidi ima ilaaliso ilaahay mooyee wax xumaan ahna kuma dhaqaaqo, hada waxaan isku hayaa laba midkood.
1)In ann iskuul ku xaroodo ama
2)iyo inaan wadankan iskaga noqdo oon reerkayagii utago,
waayo labadaa wax iigama dhaxeeyaan,
waana igadhab ha uqaadanina qof iska ciyaaraysa
waxaan ubaahanahay talo .....

soomaalidu waxay ku maah maah daa nimaan dhulmarin dhaaya...

mahadsantihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aw Malaakh

Unrecorded Date
deeqa
God help u sis, i'll pray for u

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shabeelnaagood

Unrecorded Date
Salaam Deeqo,
Marka hore Allaah dhamaanteen waddada saxda ah hanugu toosiyo...
Waxyaalaha deg dega ah eed samayn kartid waa:
Adigoo la degga dad aad qaraabo ama ehel tihiin oo wanaagsan (yacnii allaah ka cabsanaaya!)....
Ma wayday gabar wanaagsan ood la qaybsato kirada guriga?...

Waxaan ku leeyahay walaal USA waa duur (kayn) qofkii cidla u leexdana habar dugaag oo dhan baa ku gooban (isugu tagin)...Marka isku day bal inaad dadka dhexgashid....

Amaa tan laabashada........eeeeen....mmmmmm.......hmmmmmm..
Waxaan si fudud kuu dhihi karaa noqo, laakiinse waxaan ogahay inaad dhibkaaga adiga iga ogtahay..

Walaal soomaalida oo dhan waa qaraabo, waxaanan hubaa haddaadan qaraabada saxda ah helin inaad heli kartid...Gabar abtigaa dhalay dumaashigeed, gabar uu dhalay, habaryarteed..iwm...

Salaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

deeqa

Unrecorded Date
To shabeelnaagood.
waad mahadsantahay sida aad wax iigu soo kordisay
laakiin sida aad ku hesho qof daacada oo ilaahay ka xcabsanaya way yartahay, waayo qofku siduu kuuladaganyahay ayuun baa la oranayaa magaalodaas ayaa wanaagsan kadibna waxaad arki isagoo wax notice ah ku siinin oo guuray,markaa waxaan go aan saday inaan kaligaydago oon ilaahay ku sugo
waayo waxaa layiri dad iyo duurba waxaanad filayn way kaaga soobaxaan,dadka wadankan dagan maraykanka waxaad ku arki wax yaabo kaa yaabiya
sida ruumaydka qaarkood aanay wax ixtiraana u lahayn waxaa laga yaabaa adoo shaqo ka yimid oo u baahan nasasho inuu tv daa wado ama taleefan ku jiro oo aad qayladiisa ka seexan kari waydo ama
asxaabtooda kuu keeno, markaa waxaan doorbiday kaligay intuu ilaahay reer kayagii isku kaaya keenayo ilaahayna xaqa toosan ha ina waafajio ,
aadbaadan u nahadsantahay,

macasalaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kadra

Unrecorded Date
wallaalo Deeqa
waan ka xumahey arinta ku haysata,laakiin dad badan baa kula qaba. wallaal waan kaa sii darnaa
oo waxaa i sponser garaysay united baptist church
waxaana lay geeyay for foster family. cid iyo ciirsi toona canada kumaan laheyn. waxaan muddo 5yrs ah ku noolaa eastern canada albert county NewBrunswick, somali iska daa ee immigrants kale meesha may joogin. calaa kuli xaal goal kaygu wuxuu ahaa sidaan reerkayaga u soo dhoofin lahaa
waxaan isku bilaabey volunteer, work and schooling. xataa gaaladan la joogey baa isku deyay in ay iga caawiyaan keenistooda laakiin income kayga oo yaraa, iyo iyagoo qaxoonti joogay oo address lagala xiriiro laheyn, 9 qof oo tiradoodu badnayd iyo xag ilaah baaney ka suurta gelin. waxaan markii danbe ku noolaan jirey room and board wuu jabanyey takale dad baad la nooshey. Anigu dhibtii waxaan kaga baxey markaan u soo guuray halkii soomaalidu ku badneyd guur xallaalana helay oo uu ila qaybsado duruuf walba.
iminka oo aan professional career haysato income kii laygu xirayna aan double the amount sameeyayna
weli reerkayagii maan keenin oo iminka india ayey ku sugan yihiin xilligii alle qoreyna way ii iman
hooyaan keenay wayna noqotey oo way la qabsan waydey nolosha qurbaha caruurteedii oo ka maqan daraadood. markaa wallaal cidladu ma wanaagsana,school kana ha ka bixin as long as you complete a diploma or decree in a career that can get you to earn enough income to support yourself and family. xataa hadaadan soo dhoofin karin wadankii baad bussiness, guri, gaadhi xamuula IWM uga samayn kartaa si aad heerka noloshooda sare ugu soo qaado. adna u soo booqbooqan karto.
shaqadana ha joojin you can do it both working fulltime and going to school at the same time. I did it so can you. xataa markaan ilmihii iigu horeeyay uurka ku qaadey waan naxey oo waxaan isdhi that is it i won't be able to support my family, hadana happiness iyo emotional stability baa iisii korodhoo reerkayagiina waan uga sii badiyay waxtarka. soomaalia waxan ku odhan lahaa
inaad soo booqato mooyee haddii aad permenant ula noolaato waxaa dhici karta in aad isku heer noqotaan oo dreams kaagii shattered noqonayaan iyagiina aadan waxbadan u qaban karin. markaa walaal your goals depend on allah, education and money. markaa ilaahey tallo saaro priotisize goals kaagana do them as A,B,C. goodluck sis kadra

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shabeelnaagood

Unrecorded Date
Salaam Deeqa.......
Arinta aad ka hadashay ee dadka isla degga dhibaatada ka timaada waa arin run ah oo jirta...
Laakiinse walaaley lama quusto....Sababtoo ah marwalba dadka wanaagsan baa badan...Laakiinse isku day arimahan in qofkaas dumarka ah uu kula waddaago:

1. Qabiilka illaa 10 oday inaad kala tirsataan ugu badnaan (soomaali badan waxay iska dhigaan dad arintan neceb laakiin dhabtu waa sidan!)

2. In Qoftaas aad isku heer tihiin (xagga waxbarashada, shaqada, iyo Quruxda...Arintana way jirtaa ee la soco waxaad ka badbaadin xintan, xaasidnimo, xan, iwm)

3. In Qoftaas aysan ahayn mid rag wadwad badan (ogow kullu fidna cinda Geel waa rag...)

Haddaad qof intaas kulansatay aad heshid mahad Allaah leh...Haddii kalase..:

Isku day inaad daris la noqoto dad aad isku dhowdihiin oo qaraabo kula ah...Taas waxay kuu kordhinaysaa in kalsoonidu kuu badato...Midda kale abkay Duufloo dhan wuu kaa leexan laakiinse Hadda xaaladan aad ku jirto adigoo dhibkaas ku haysto baa haddana waxaa kuugu sii darsamaya in abkay Duufloo dhan kula soo hadlo, guriga lagugu soo garaaco, shaqada lagaala hadlo, iskuulka...iwm....

Arinta kor ku xusan Qodobka 1aad ee Qabiilka waxyaalaha ay ka hortagayso waxaa ka mid ah:
In adiga iyo qoftaas aydaan isaga hor imaan wax ku saabsan...waxa waddankeenii burburiyey!....
Marka waa ka hortag iyo dadaal!

Salaama!......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
thank you so much khadra sis
thank you so much shaheelnaagood bro
i m so happy now guys thankxx bro or sis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amiir

Unrecorded Date
Dear sis deega,
The problem you are facing is a real one and that probably any one who came abroad will have to face. The difference is if you succumb to the temptation of the way of life here or if you keep yuor goals and objectives in perspective.
Coming back to the 2 options you outlined, first of all discard the one about you going back and joining your family back home, because that does not help in anyway but compound the problems, but what I would say to you.. education is the key. Sister educate yourself and let the family do with whatever little help you can for now and Inshaalah, once you are through with your education you will be of much better help for them, but without education you are stuck with some poor paying jobs that will keep you in the present problem forever. Educate yourself.
And May God Help Us All.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cumar

Unrecorded Date
BY cumar

To Deeqa

W/calaykum walaashey waxan ilaahay ka baryayaa in dhamaanten ilaahay dhibka inaga qado qolo walba waa iska dhibbantahay weliba dumar haddii layahayna waa layska dhibanyahay,lakin anigu talo aad u fiican baan ku siinayaa qofkuna kaga baxayo dhibka haduu alle u toosiyo waa inaad guursataa mid ku dhowra oo ku xafida daalka iyo werwerkana
kaa bi'iya oo hooyo iyo Aabe kuu noqda Masuuliyada culusna ee reerka kaa qaada waayo qofka caynkasa hadaad hesho aad baad u nefiseysaa waana kugu raacsanahay keli degida somalidaa tiraa Banaankii mare maradiisa Geed ma qabsado anaa arkey dad la degida dhibkey leedahay wax walbana waxa la siisan karin xoriyadda iyo Nadaafada. Arinta aan kuu sheegeyna anaa kaa caawinaya hadaad u baahatid. W/calaykum sis.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suad

Unrecorded Date
Deeqa hala degin qaraabo..
aniga oo ah 21 sano, ayaa magaala kale school ka bilaabey...islaan oo ay hooyadey ilma-adeer run yihiin ayaa hooyadey u soo jeedisey inaan la dego iyada instead of living by myself. I agreed to the idea, laakinse waxaey noqotey in maalin walba hard time leey siiyo, ley ximiyo, sidee aay tahey i used to pay my rent, because i didn't want Charity..anyways, ma fiicna in qaraabo lala dego, intii aad kale fog tihin ayaad is jeceshihiin. arinta qaraabata my best friends ayay ku dacdey too.
aniga waxaan ku soo jeedinlahaa inad raadsato guryo oo subsidized ah, ama family da'(seniors) ah raadso oo basement ka, ama qol ka ijaaro,..intaas waxaan ku sii dari lahaa keep looking for cheap rent in the News Paper, ask your friends if someone is moving out in their neighbourhood...
intaas ka dib,,,good luck...all the hardship is gonna pay off one day trust me!!!dont give up..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aweys

Unrecorded Date
aayadii alif ka habowdo albaqro kama toosto
waan ku salaamay deeqa salaan ka dib waxan ahay soomaali ku nool sweden dhibaatada aad sheegeysona waa jirtaa laakiin waxan kuu sheegayaa xalka keliya ee aad uga bixi karto waa adoo guursada ama reerkaagii dib ugu noqda maxaa yeelay in gabar keligeed ah ay iska safarto iyadoo aanay la socon ehelkeeda waa arin markii hore qalad aheyd. calaakulixaal soomaaidu waxay tiraahdaa ( ileyn hooy kuma bogsiiso hamigu wel wel kaama bi,iyo calaalacal wax kuuma keeno aduun howli kama dhamaato ) kolka caqligaaga kaasho hadii kale your life is at stake

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

c.sangawi

Unrecorded Date
calonel sangawi

To Aweys waar nin yahaw adaa xaajadii gunaanadey Garyaqaan baad tahay ALLANA ha ku anfaco walaashen deqa amin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed

Unrecorded Date
Asalaama calykum walaashayda qaaligaa ah deeqa
Abaayo dhibta ku haysta waa dhib aad u wayna haystana dad badan oo soomaliyed alle na waxan uga rajaynayaa adiga iyo inta kaleba in ilaah uu faraj khayr u furo.
deeqo waxa tahy gabar aad u cajaa ib ah mudana in lagu daydo, deeqo abaaye marka hore diinta iyo alle isku xir si uu alle wax kuula qabto waana hubaal maalin yaad ka baxaysaa dhibta ku haysata
deeqo waxan kugula talinayaa hadaad soo gelinkarto qof kamid ah reerkiina xooga saar si alla saad suubinkarto ba hana is ku dayin aad aad hal mar dadkaago dhan soo kaxayso maxaayeelay way adagtahay waqti iyo lacagba waa ay kaa luminaysaa
alaha ku garabglo walaal waxa tay gabar aad iyo aad u dadaalaysa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jafar

Unrecorded Date
asalamu alaykum,
walaal waxaad ii soo sheegtaa meel lagaala sooxiriiri karo, sida E-mail ama phone iwm.
wixii intaa kabadan ilaahay hakuufudeedeyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohammed

Unrecorded Date
To Deeqa
Walaal waxaan kuu rajaynayaa in ilaah kaa saaro dhibta ku haysata lakiin waxaan ku waydiinayaa wali ma isku dayday ama ma ku fikirtay in aad guursato walaalkaa soomali ah si aad uga kaashato cidlada ama dhibaatada ku haysta maata.
waxayna ila tahay in aad arinkaa ku asturmayso kuna wanaagi doonto insha alaah.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.