site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

WIIL AYAAN UDOONANAHAY HADANA ISKU UNIVERSITY BAAN DHIGANAA MARKA ARAGEENII BA BATAY MAYKASTA AHAA OO WAXAAD MOODAA SIDII LABO QOF OO ISU XALAALA INAANU NAHAY ? OO WALAAHAY KHATAR BAANU KU SUGANAHY EE TALO KEENA!!!!!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Sept. 2000): WIIL AYAAN UDOONANAHAY HADANA ISKU UNIVERSITY BAAN DHIGANAA MARKA ARAGEENII BA BATAY MAYKASTA AHAA OO WAXAAD MOODAA SIDII LABO QOF OO ISU XALAALA INAANU NAHAY ? OO WALAAHAY KHATAR BAANU KU SUGANAHY EE TALO KEENA!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAAHIR IYO MUNA

Unrecorded Date
SALAMA ALAYKUM WALAALAHAYGA SOOMAALIDA AH MARKA HORE WAXAA MAHAD LEH ILLAAHAY MARKA KALENA WAXAAN DOONAYAA INAANU IDIIN SOO BANDHIGNO ARINTAN OO AH ARIN MUHIIM AH . WAXA JIRA INAANU INAN WADA SHEEKAYSANAY KUNA HESHIINAY GUUR OO UU REERKA YAGA IGA DOONAY REERKUNA ISIIYEEN WAXAAN NANAHY LABO QOF OO IS JECEL OO IS IXTIRAAMA OO ILAAHAY YAQAANA LAKIIN LATELY WAXAAD MOODAA IN XISHOODKII IYO KALA BAQIDII YARAATAY WAAYO MAR WALBA WAANU ISLA JOOGNAA SCHOOLKA GURIGUU YIMAADAA , LIBRERYGAAN ISU RAACNAA MARKA INTA BADAN WAANU IS ARAGNAA WAXBA YAAN DHEERAANINE WAXAAD DHACDAY VALENTINE DAYGII INAANU ISKU DHIIRANAY OO AY NAGA DHEXDACDAY DHUNKASHO OO WAAN NAXAY MARKAASUU IGU QANCIYEY HEY IAM YOUR PRE-HUSBAND OO WAAN KU GUURSANAYAA OO DEE MARKHAATI UUNBAA NAGA MAQANEE WAX ISQABAAN NAHAY EE JOOG OO HANIXIN MAALINTAA KABACDI WAXAAN CAADO KADHIGANAY KISSING EECH OTHER ATLEAST ONE'S A DAY MARKAA TAASI MAXAARAANBAA MISE WAA SIDUU SHEEGAY OO MEHERKU WAA SUNO MISE ILLAAHAYGII NA ABUURATY BAANU KA FOGAANY? HADAY XAARAAN TAHAY MAXAANU KAGA HORTAGI KARNAA (XUSSUNAADA WAXAANU ISU GUURSAN WEYNAY DHAQAALO AANU KU AQALGALNO MAHAYSANO IYO ANAGOO DOONAYNA INAANU DHAMAYNO SCHOOLKA ) PEACE BROTHERS AND SISTERS

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdalla

Unrecorded Date
By Cabdalla

To Mahihir iyo Muna

Waan idin salamay walaalayaal,ILAAHAY baa mahad iska leh ina siiyey aaladan casriga ee aynu Talo iyo tusaleba isku dhafsanayno keena Mashriq iyo Maqrib joogaba.

Tan kale waxad sameyseen Adigaba la yaaban! marka Alle uga toobadkena,hana u noqonina waxase ii muuqata in ay waxwalba idiin dhamaadeen,lakin aad ka fekereysaan sidii lacag badan oo xaflad iyo aroos lagu dhigo aad ku heli lahaydeen!! Taasina waa nolol khayali ah waayo hadba waxa tabartadu tahaa lagu tashadaa waxadan awoodin laykuma dhibo haddana xaalku wuxuu qarka u saaranyahay in aad sino weyn ku dhacdaan wal ciyaadu billaahi!! walashey yaan waxba ku dheeranin waxan idin oranayaa xaflad dadka islaamka dhigtaan sameysta,iskana aqal gala si aydin xaaraan ugu dhicin walow sariir keliya aad haysateene ALLAA idin qaniyeynaya. Aniga Arooskeygii xaflad ay ku baxdey 600 dollar baan samaystey dabadeedna waan aqal galney kadib ALLaa kheyr na siiyey. marka walaalayaal ha biqina intaad shar ku dhici
lahaydeen Kheyr ku dhaca!

Midda ah inaan iskuul dhameyno ididnkey idin ku xirantahay haddaad ku heshiisaan sidaad reerka u maareyn lahaydeen. Yaa yiri Guur baa baa waxbarasho u dhimi! aydoo leysqabo miyaan wax la baran karin????????????
w/calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To: Maahir iyo Muna

Walaaley marka hore bal tooba keen oo ka tooba keen "macdii-hore" marka xiga waxaan idinkula talin laha inaad Just Ninkaax samaysataan, waayo ma aha wax saas u wayn oo looma baahna kharashka badan ee aad shegeysiin.

Ninkaaxu waxuu idiin sahli inaad dhowr "Valentine day" is dhunkataan.Waxaad i soo xasuusisay 'war maxaad iga dhunkan ma kutub jamac baad i moodi go'e" "war calyada iga duw" ah ah. Koleyba idinkulama taliyeen maalmaha gaalada inaad bood bodaan sida "V-day".

Qaata talada walaalken Abdalla waa the best one.

Wabi Laahi towfiiq

Kusow
Safiirka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shabeelnaagood

Unrecorded Date
...To Maahir...
Walaal, Walaashaa maxaad kula talin lahayd haday kuu sheegto arintan oo kale?...

....To Muna...
Maxay kula tahay...Gaaladaa la yiri waxay ku maahmaahdaa...Easy come, Easy Go...
Keebaad jeceshahay?..Dhunkasho...Maxaa ku xiga?
Haddaba haddaad ragga sirtooda kaa maqantahay inuu kawaanka ku saaraa ku xigta..Maalinkaasna umalayn maayo nin banaanka kugu arkay inuu guddaha kugu kalsoonaan doono...
isdaba qabo qofyahay...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
by:Ikhlaas
To:Shabeelnaagood.

Walaal waxaan aad uga Mabsuudaa sida yar ee kooban, ee bilaa naxariista ah ee aad dad runta ugu sheegtid. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, "biyo meel godan bay isugu tagaan" markaa magacaagaa ii cadaynaaya Jawaab bixintaada. If you know what i mean.

Haddaan usoo noqdo Maahir iyo Nuna, tallo walaalkeen shabeelnaagood ayaa idiin soo boobay mid ka wanaagsana mahayo, soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa "Runi rag way ka nixisaa waxse mayeesho" ama "Runtu mafantaa."

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DR.TRUTH

Unrecorded Date
Muna:
Hadaa run sheegeysaan is mehersada. haba yaraatee wax kharash oo idinkaga baxaya ma jiraan. Talo hadaa rabtid ninka meherso ama ka fogoow. Qofka baniaadamka oo caafimaadka qaba dareen ayuu leeyahay labadiinuba waad kacsanaysaan markaad kaligiin tihiin.

Buugga directory-ga ka raadsada masaajidka idinkugu dhow (khasab maaha inay soomaali leedahay) ayadoo haba yaraatee one penny idinka bixin ayaa la isku kiin meherinayaa.

Waxaa kaloo ogaataa in nimanka ay haday naag mac siiyaan aad u kacsadaan hadday diidana ay mid kale u dhuuntaan. I am a man and I am talking from experience! Marka intii ama aad xaaraanamaysan lahayd ama naag kale dhediina imaan lahayd ninkan ka dheerow ama meherso.

Midda kale ani qof ahaan waxaan u malaynayaa inay arrintu ka weyntahay just simple an innocent kiss ee busaaraco meesha ka dhacday laakiin aad xishoonaysid inaa nala qaybsato. Busaaracadu ama wrestling-ku noocyo badan ayey leedahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muna

Unrecorded Date
salama alaykum dhamaantiin waanad mahadsantihiin talada aad isiiseen laakiin waxaan rabaa inaan idiin sheego inaanu nahay dad dhowrsan oo dambi yari kadhacay ee hamoodin labo ba ay inaanu nahay waxaan kaloo idiin sheegayaa meher waxba maaha waan ogahay laakiin hadaan mehersado waxaan kabaqayaa inuu ii dhigi waayo xaflad aroos oo ah mid aan jeclahay amaba weligay ku hamiyi jiray oo niyadayda ku qoran oo dhaqaalo xumo darteed aanu awoodi la nahay laakiin hadaanu schoolka dhamayno waxaanu dhigan karnaa aroos qurxoon oo weyn ileen markaa diplomada yadii baanu ku shaqaysanaynaa . ee maxaa ka khaldan maahir isagu waa u qushuucay oo caawaba waa diyaar laakiin aniga ayaan ku faraxsanayn meher cidla ah iyo dream kaygii oo baaba aaya marka bal taliya oo gooya waayo hadaan mehersado wuxuu dhahay meel iga dagi maysid haddii taasi dhacdana umalayn maayo inuu aroos dhigayo ee waa sahal arintu

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaaban

Unrecorded Date
Sheekada bugta ah meesha kala tag.......laga jecli laakiin xeyrta ma raba... yeah right...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaaji

Unrecorded Date
isu mehersada sida ugu dhakhsaha badan. Meherku wuu isu kiin xalaalaynayaaa. Hadalka badan intaana idiin dhaanta

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ukht muslima

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum

Walaal muna haddii aad Ilaahay ku uuntay ka baqayso, is nikaaxsada adiga iyo maahir.

Walaal waa XARAAM inaad nin la socoto aanan ku qabin, ogowna sidaad u tiri waxba masamayno kuma aha difaac, waayo gabar iyo wiil keligood waxaa sadaxeeya shaydaan.
Marka macsiyad baa ku dhici kartaa oo laga yaabe Allah(swt) inuu ku xanaaqo oo aad dhib kala kulanto xiriirkan. Walaal haday run kaa tahay raac dariiqa saxda ah, haddii kale iska daa lugooyada aad lugaynayso walaalahaa oo kula talinaya. wabilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shabeelnaagood

Unrecorded Date
Salaam dhamaan...

lol@Ikhlaas....."Ikhlaasna maxaa dhinacaas baray!"

Waxay ila tahay inaan sheekadan xirnay...
Waxaana soo gabagabeeyay Ukht Muslima!....

W/salaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

tala yaqaan

Unrecorded Date
To Muna

Aan kuuu sheego Runta ee Gabadh yahay Aroos wayn ayaad kufekeray saa ee armaygu dhacdaa in laba qofba isugu kaa imanwaydo arooskaaga
Sirta ragu waxa weeye anigu ugu horeeyo inaanu inanta ka helo wax layidhaahdo dhunkasho marka hore kadibna buraashka kadibna in gudaha laysugu celiyo oo ladalooliyo

hadaba weli sida hadalkaga kamuuqda laba kuu dhiman ee iska sug marka buraashka uu kagudbo ee uu kaa dhexbo sidii diriilki ayaa aroos wanaagsan laguu dhigayaa
hadaad runta rabto soomali badidoodu talo kusiiye oo kusiiye hadaad heshay wiil kujecel oo diyaar kuulaa ah inuu kumehersado yaanu kaa fakan hadii kalase Maahirkaa kudoonay ee kujecel walee sidaan filayo hadii mar kaliya uu kaadhexbaxo isagoon kuqabin way adagtahay tiduu kugu kalsoonado oo naagtiisi kunoqotid
hadaba adigaaba jaanis iyo wax kuraba helaye hakudiidin waxla aanta in aad guri gashaan

Runtana shabeel naagood iyo anigaa kuusheegnay bal ila tahay
ee inta ceelkaaga yar lagaa dhooqayn oo dhalfo lagu dhexdhigin xaaraana iska yeel oo guurso ninkaa kurabo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kadra

Unrecorded Date
Nayaa muna get real!

Wallaal dream kaas iyo aroos wayni anniga waa ila khiyaali. Malaa adiga reerkiinii oo dhan baa dibadaha ku noole!(meaning you don't have to support relatives in overseas). to be honest with you anigu aroosyadan soomaalida ee hablihiina is macshashuurayaan, wiilashiina dibada tuban yihiin
oo ay shunkaansi daydayanayaan, cuntadana garbage bags lagu gurayo, 3hours late na la imanayo. naag walbanana aad moodo iyada AROOSADII i mean trying to steal your show anigu u maan qushuucin siiba canada ayaan arintan ku dersay. waxaan ku odhan lahaa sidayada is mehersada isku raaxaysata, use precaution till you guys are ready for a family.
HEY! work hard and save a huge down payment for your home to be and a great honeymoon to CUBA,CARABEAN, or why not go and visit the old homeland (somalia) beer iyo muqmad iyo ehel , dad idiin jajaban baad heleysaane. meherkana sheekadiisa soo gaabi , don't make such an extravaganza! goodluck girl and enjoy your man post marraige. kadra

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tala yaqaan

Unrecorded Date
Alaaya cisak khadra
waa tala yaqaan oo kule bulshada doorfiican ayaad kahaysa ee halkaa kasiiwad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdikaafi

Unrecorded Date
Kadra runtii aad baan uga helay talada aad u soo jeedisey.ala hakaa abaal mariyo.

OO muqmada qurbaha malagu sameeyaa kadra?

bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khadra

Unrecorded Date
To Talo yaqaan mahadsanid wallaalo!

To Cabdikaafi aamiin wallaal, waadna ku mahadsantahey amaantaas. Haa muqmada qurbaha waa lagu sameeyaa, laakiin waxaan innanta iyo innankan u tilmaamayey wadankii (the kind of honeymoon and hospitality available in back home).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Marwo

Unrecorded Date
Walaal,
What is the problem????
Hadaad wiilka isu doonantihiin oo la isku kiin ogyahay waa maxay mushkiladu????
Hadaydaan kala joogeen dee is mehersada oo is xalaalaysta waxna wada dhigta......markaad dhamaysataan tacliintana gurigiina dhidibada u dhisa oo kolba sidaad ka yeelaysaan ku dhaqaaqa.
Anigu problem halkan yaala ma arko walaal.
Take care.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muno

Unrecorded Date
waxaan mahad u celinayaa allaha awooda leh iyo walaalahayga muslimiinta ee sida daacadu ku dheehantahay inoo siiyey taladooda wanaagsan hadaba waxaan idiin hayaa news wanaagsan oo ah kaad ku taliseen aniga iyo maahir waanu is mehersanay habeen hore waxaana isku meehersanay masaajid waxaana nooga baxay lacag gaadhaysa $200 oo aanu siinay wadaadkii oo aan na weydiisan ee aanu anagu u garanay jimcahana waxaan rabnaa in aanu 50 qof qado siino si aanu u helno markhaati waayo wax walbaa dhici kara waad taqaanaan sida soomaalidu u hadasho marka waxaanu ka afeef dhiganaynaa in nala dhaho iyagoon isqabin bay is haystaan xalay ahaan ayaanu isagu baydhnay hal apartment waayo kirada ayaaba noo raqiisaysa . Runtii wax weyn baa iskakeen badalay oo aydan garankarin labadeenuba waxaanu isku mar dhahanay ma intanaa mudo kabaqaynay runtii waa arin khary badan illaahaygii na haleelsiiyey mahadi haka gaadho walaalahayga soomaaliyeed ee tala fiicanoow halkaa ka wada waayo haddii qaybi diido qaybaa qaadan oo qasaarimayso taladiina

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umhaanim

Unrecorded Date
Salam calaykum

TO MuNA & MAAHIR

MASHA'AllAh, BARAKA'ALLAHU LAKI WABARKA CALAYKUMA WAJAMACA BAYNAKUMA BIL KHAYR..

Arag habibti haddi aad Allah kacabsano, maqraj ayuu ufuraa adoomadiis, sida uu kugu fudeeday arintaadan,and insha'allah wax qalad haday dhaceen waa The Most MERCIFUL, so have hope that Allah has forgiven U as he said,"YA AYUHALADIINA AMANUU INTATAQULLAH YAJCAL LAKUM FURQAANAN WA YUKAFIR CANKUM SAYI'AATIKUM WAYAGHFIR LAKUM, WALLAHU DUL FADHLILL CADIIM" MEANING "O you who believe! if you obey and fear Allah, He will grant you Furqan a criterion [(to judge between right and wrong), or (Maqraj,i.e making a way for you to get out from every difficulty)] and will expiate for you your sins, and forgive you, and ALlah is the OWNER OF the GREAT BOUNTY."
Habibti, allah has shown u the Haq, so turn to Him, and be greatful.

Salamu calykum to U all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guurdoon

Unrecorded Date
To: Muna


Asalaama caleykum


Walaal waxaan ku faraxnay Meherkiina Allaah ha idiin Barakeeyo, mida kale qofka markuu mehrsanayo waxaa jira shuruudo oo ah in Waalida ama Masuulku joogo meesha hadii kale Meher majirayo sidaas ula soco, Waxaan ka loo ku lee nahay Dee Bariiska lana soo socodsii meesha lagu Qaban aan wax ka cunee lol.

To: Somali Sister

Guurku wuu fududyahee meesha ka kaca oo hana dhibinin, ku dayda sis Muna lol.

Your's Guurdoon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kadra

Unrecorded Date
Dear Muna and Munir
MABRUUK!
BAARAKALLAAHU LAKA WA BAARAKA CALLAYKA WAJAMA BAYNAHUMAA FI/BI KHEYR. AAMIIN.
Wallaal aad ayaan idiinku farxey meherkiina.
waxaanaan idinkula sii talinayaa inaad waxbarashada dhameysataan ka dibna aad u shaqeeya si aad guri iyo aayo fiican u samaysataan markaad diyaar u noqotaan family. si aad caruurtaada koritaankooda uga qaybqaadato. you will have the oppurtunity to pick and choose your hours of work, in other words you don't need to struglle with fultime job and rise a family at the same time. Establish ahead and best of wish to both of you!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Runsheeg

Unrecorded Date
To muna and mahir

Baaraka laahu fiikum
waxaan kahadlaayey hadaadgarateen nolosha waad dhadhaminaysaa sidaa iyo khayr aa idiin rajaynayaa
waxaa sidaa kutualinayaa gabdhaha

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shabeelnaagood

Unrecorded Date
..Salaam dhamaan...

M&M Mabruuk...
Ma xaq iyo baadil baa isleh!
Ma mugdi iyo iftiin baa isleh!
Ma meher iyo magaalayn baa isleh!
Ma MACBUUDKA iyo motown baa isleh!
Laakiinse, M&M ismudan....

Talada dadka isqaba:

Waxaa haboon marka laba qof isguursanayaan inay go'aamadan islameeldhigaan:

1. Waxwalba oo yimaada (muran, dood, iyo iwm) in lagu xalinayo WADAHADAL!

2. In sheekada reerka aan marna looga sheekayn ama lagu sheekaysan qof ka baxsan labadiina!

3. In Gabadha haday markay carooto ay xaafad kale aado inay go'aankeeda gaartay ah inay rabto in la furo...

4. Xaalada markay qaraaraato in la qaato..time-out..isla guriga dhexdiisa...

5. Dadka markay inii yimaadaan inaan la murmin..ee waxwalba laga hadlo markay baxaan...

--------------------------------------------------

Salaama...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdalla

Unrecorded Date
By abdalla

To muna iyo maahir

Alle haydin barakeyo aamin. Nin baa maalintii xornimada la qaatey gabay dheer oon ka xasuust"allow yaa Darwiishii salaan debecsan garsiya oo yiraa Dadkaagii Xornimo qaadey"marka guul iyo masuuliyad wacan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUNA

Unrecorded Date
SALAMA ALAYKUM DHAMAANTIIN WALAALAYAAL MAHAD AYAAN MAR WALBA IDIIN CELINAYAA WAAYO WAXAAD NOLOSHAYDA KABADASHEEN WAX WEYN ANIGA MARKAAN XUSUUSTO JAH WAREERKII IYO FOOLXUMADAAN KU DHEXJIRAY WAAN OOYAAA OO ALAA II NIMCEEYEY IDINKANA SABAB IIGA KIIN DHIGAY WAAD MAHAD SAN TIHIIN AND GUESS WHAT WIIL MAAHIR SAAXIIB YIHIIN OO WADAAD AHA AYAA NOOFIDIYEY XAFLADA OO KUQABTAY GURIGIISA OO UU ISAGU YEEDHAY DHALINYARO BADAN OO WADAADO U BADAN WAALA MUXAADAREEYEY LANA DUCEEYEY HADALADII WIILKA WAXAA KA MID AH " MAANTA IYO IYO DHOWR CASHO KAHOR WAXAA IDIIN DHEXEEYA FAKHRI WEYN IDINKAA ISKA KAAYA XIGA " WAXAAN UMAHAD CELINAYAA DHAMAANTIIN WAXAAN KALOO GO AAN KUGAADHANY INAANU SCHOOLKA DHAMAYNO ANIGU WAXAAN DHAMAYNAYAA AFTER YEAR MAAHIRNA AFTER YEAR AND HALF WAAYO ANIGU REERKA YAGAA IGA BIXIN JIRAY SCHOOLKA ANA WAAN ISKABI JIRAY ISAGANA ISAGAA REERKIISA BIILA OO LACAG U DIRA ANIGU WAX DHIBAATO AH UMA ARKO WAAYO WAX WALBA WAKHTIGII ILAAHAY KA DHIGO AYEY KU DHAMAANAYAA HOOYAADEEY AABAHAY AAD BAY UGU FARXEEN WAAYO GABADHOODII OO KA DAGAN GOBOL KALE OO WAXAY KUSUGAN TAHAY LA OGEEYN BAAN AHAA OO KOLEY WEL WEL MA YAREEN WAAYO DA'DAYDA OO KA YAREEYD MAAHIR WAAYO MAAHIR WAA 29 JIR WHEREAS AAN ANIGU KA AHAY 21 LAAKIIN TRUST ME WE UNNDERSTAND EACH OTHER WAAYO ANIGU WAXAAN LAKORAY WALAALAHAY OO KA UGU YARI IGA WEYN YAHAY 4 YEARS AND I AM THE BABY OF THE FAMILY AND ALSO THE ONLY DAUGHTER . LOVE YA ALL SIDAAS IYO TALO WANAAGSAN AND TALO SIIYA HANI OO MAQAALKEEDU YAHAY TALOW MUXUU IGA YEELI DOONAA PLEASE SHE IS IN THE MIDDLE OF TROUBLE .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdikaafi

Unrecorded Date
To Khadra
Adigaa mudan walaal!
Laakiin aniga waxay ila tahay in aan wadankii Honeymoon loo aadi karin.sababtoo ah Honeymoon waxa loogu tala galay in ay labada qof isku cidlaystaan,ay waqti isu helaan.Haday wadankii aadaan eheladii iyo qaraabadii ayaa wareerinaysa.Marka anigu waxan ku talin inay West indian iyo melahaas honeymoon u aadaan:)
Hadii dhaqaaluhu u saamahayo:)

Bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdikaafi

Unrecorded Date
Muna and Maahir

Labadii hodmee hooy wada galee hoodale noqda,hibo iyo iyo ducaba nag hooya.

bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KADRA

Unrecorded Date
TO CABIKAFI
WAAN KUGU RAACEY! KADRA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
asalamu alaykum

adigaa best advise sii yay gabdha intaa wixii ka badan waa waqti lumis and poring.
jazakalahu kheyran to abdallla
adgoo kale ilaahay muslimiinta ha kubadiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

TROUBLEGIRL

Unrecorded Date
MAAHIR & MUNA....

Conquer-the-rats. U have just won the LONGEST TITLE IN THE FORUM AWARD....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Live is too short, so have as much fun you can get

trouble bitch

you're nuts

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

TROUBLEGIRL

Unrecorded Date
Anonymous.....

COME BITE ME...LOSER

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
HEY YOU ARE SEXYHOLIC SO PLEASE DON'T TELL ME YOU DID NOT HAVE SEX WHICH YOU PROBABLY HAD WITH IDIOT DUMB YOU ARE A CHEAP WOMAN SO DOT'N MISS LEAD THE OTHER SOMALIAN MUSLIM GIRLS.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.