site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ILA TALI

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Sept. 2000): ILA TALI
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
WAXAAN QABAY XAAS AAN AAD U JECLAHAY LAAKIIN MARKII AAN USA NIMI AYAY DHAQANKII KA TAGTAY CARUURTAYDA HOOYADOOD SURWAAL BAY ISKU TAAGTAY MA ORAN KARO DIINTII BAY KA BAXDAY LAAKIIN DHAQAN XUMO IYO INAY MADAXA QAAWISO AYAY BILAWDAY MAR AYAAN ISKU DAYAY INAAN CELIYO LAAKIIN WAA QOF ADIGOO KALE AH MA QIYAANI KARTID WALAALAYAAL ILA SOO TALIYA WAANO IYO WAX U SHEEG WAA KALA QUUSTAY MA FURAA TAASNA WAA DHIB KALE WAAYO SADEX CARUURA AYAA NAGA DHEXEEYA WAXAAN SUGAA WAA TALADIINA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BI-LADY

Unrecorded Date
Ay Anno...

Hadaad rabtid inaad caruurtaada dhaqatid, Naagtaada iska daa..."ha is qaawisee".

Suurwaalka qaawanaad miyuu noqday? cajaa-ib

Dee, barafka maxaa laga xirtaa? ma diracbaa? mase garees??? Adigu wali macawiis maad marketka or mallka u xiritaa?

Just becuz she doesn't cover her hair or wears a pair of jeans doesn't mean she is not who U fell inlove with ...get a grib...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

G***

Unrecorded Date
To. Annon....

Saaxiib Ilaahay hakuu hagaajiyo xaaskaada diboowday...waxaana kugula talinayaa in aad waaniso had & jeer, ilaa inta ay is asturto oo ay isku ekeeysiiso hooyo. Tan ah furitaanka walaal haku deg-degin, taasi waa iga talo.

Bi-Lady

Adiga daboole lee tahay marka family-affairs kama hadli kartid - raadso nin kale sidii aadba noogu sheegtay topic-gii kale.

"qaniis ayaan ahay, oo ragga lee is cunaa" ayuu ku soo qoray ciyiwaan kale oo halkan ka hooseeya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SIGAALE

Unrecorded Date
Dhamaan inta wanaagsan waan idin salaamay walal marka hore waxaan jeclaan lahaa in aad yeelato magac aan kugu aqoonsano,tan xigta waxaad noo sheegtay in xaaskaaga waano iyo war kaga daashay,waxaan kugu la talin lahaa Furiinka waxaa ka horeeyo 5 qadob kadib ayuu mubaax yahay in qofka dumarka ah lagu furo hal Dallqo, balse waxaa jirta waxyaabo aan loo adkaysan karin oon waliba horyba kafurmayso loona baahnayn 5 qodab waaa markii ay xafidi waydo xaajiga=(FARJIGEEDA)shanta qodob mid kamid ah waad la timid afarta xigta intaan kuu sheegin bal adiga noosheeg hadii xaaskaaga ay tahay mid lala tiigsankaro 5 (shanta) qodob iyo hadii....>>>>>> kale>>>>>.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BI-LADY

Unrecorded Date
"qaniis ayaan ahay, oo ragga lee is cunaa"


Thank U but I am not Interested to know your sex life. We are suppose to be helpin' someone.

Hadaad fudata ninka kagaliso, hanoo sheegin....Qaniis Yahow Qaniiska dhalay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaaji

Unrecorded Date
anonymous

aslaaamu calaykum!

Walaal waxaa ku haysata dhibaato soo food saartay mushtamac soomaliyeed ee qurbaha jooga mid ka mid ah. Waxaan kugula talin lahaa inaadan ka daalin talinteeda. laakiin waa inaad cuno qabatayn ku soo rogtaa adiga oo aan furin; tus in ay ka talaabsatay sunadii wanaagsanayd ee Muslimnimda waxaa laga yaabaa inay kuu leedahay gabdho oo ay hadhow hooyadood kaga daydaan labiska . Walaal xaalkan ha fududaysan, hadii ay rajo kaa leedahay waa inay soo rujuucdaa laakiin hadii aad sidaa faraha kaga qaado wallee wax ka daran baa xigi.

markaa waxaan kugula talin lahaa, bilow olole aad u adag oo aad isku dayayso sidii aad qalbigeeda nuurka islaamka ugu soo noolayn lahayd. noomaad sheegin inay tahay qof aqooon leh iyo in kale;

samee sidan

1- ku dhiiri gali oo samee xili adiga iyo qoyskaaga oo dhami aad masaajidka isu wada raacdaan. tani waxay ka caawin doontaa in uu qalbigeedu mar labaad nuuro.

2- hadii ay xidhan jirtay jalbaabka al itixaad-ka oo runtii ah mid aad iyo aad u fool xun ka badal malaa isaga ayay ka yabaashaye, oo u xidh saako/cambuur/toob dheer oo aad iyo aad u qurux badan iyo khimaar wayn oo waasac ah oo qurux badan.

3- ku qalqaali inay la saaxiibto gabdho dhawrsoon oo ehelul diin ah.

4- tus inaanay diintu ahayn wax aad dusha ka saarayso ee tahay xaqii ilaahay oo ay gudanayso.

5- hadii ay adiga kaa aragtay inaad diinta xageeda ku dabacday boodhka iska jafjaf oo sunada mid ooga noqo, keen culimo guriga oo diin ku akhriya, alabari sameeya, shacaa irta islaamka guriga ka oog , qur aan subaxii ka shid guriga gaadhiga, etc. tus inaad jeceshahay oo aadan necebayn, ogaw in aan cadaadiska badan bar ku lahayn diinta laakiin xaqa ilaahay adigu siduu yahay uga soo bax.

6- wac waalidkeed oo u sheeg sida ay ku sugan tahay.

7- u sheeg saaxibo qaali ah oo ka naxaya iyada iyo qoyskaaga, balo lama qarsadee qaylo ooda ka qaad si laguula waaniyo.


8- hadii aad dagan tahay meel somalidu ku yartahay u carar meel masaajid leh oo islamku ka oogan yahay.

9- u soo iibi kutub ku qoran luqada ay fahanto, ogoow intii ay ku soo socotay dhibaatdan ileen habeen qudha kumay dhalanine inaad adiguba dhican jiiftay oo aad hada uun soo baraarugtay. walaal noqo masuul qaali ah oo la soco isbadalada ka dhacaya qoskaaga iyo cawaaqiibta ku imaan karta.

10- hadii ay markaad 9 qodob ee kor ku qoran waxba kuu hir gali waayan. u sheeg inaad ku fakarayso inaad naag kale oo xaqa ilaahay gudanaysa guursan doontid. Iyadana Sariirta ka badalo ilaa inta ay dhibaatada xal ka keenayso. Tani waa marka ay wax kale ku socon waayaan. hadii ay rajo qoyska ka qabto iyada ayaa keeni doonta isbadal.

11- u ahoow qoyskaaga mid jajaban oo aan ku khasbin xijaabka oo kali ah, ahoow romantic, good father, nin dhagaysta wax ay haweenaydiisu jeceshahay. hanoqon mid ka fahamay diinta inay ku egtahay qaybaha asturaanta oo kali ah.. ee ahaw nin wanaagsan oo baari u ah qoyskiisa.

xaaji

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mujaahid

Unrecorded Date
Mujaahid

To Xaaji-Dembi

Nabadgelyo ha ahaato cidda hanuunka raacdey,war xaajidembow Goormaa Jalbaabkii ilaahay haweenka muslimiinta ku amrey uu foolxumaadey!!wax itixaad la yiraadona uu yeeshey!! hadaad tahay qof islaam ku abtirsada waxas kumaad hadasheen. ma Mustashriq(gaalada dinta islaamka barata)tahay?mise waxbey kuu soo akhriyeen??mise axmaqnimaa kuu geysey??ALLA ha ku soo hanuuniyo haddii alla hanuun kuu qorey!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SIIGAALE

Unrecorded Date
Waan idin salaamay inta wanaagsan;
walal Mujaahid hadii aan idin yara dhax-dhaxaadidiyo adiga iyo xaajiga waxaan filayaa is af garan waa baa idin qaaday xaajiga u malayn maayo in uu Al itixaad diidan yahay ee waxa uu u jeedaa hadayan xijaabka noocaas ah ku qanacsanayn gabadha nooc kale oo xijaab ah ha qaadato waxaa hubaal ah in qolo waliba ay xijaabka si gaar ah u xirato muhiimadana ay tahay in jirka asturmo
MR Xaaji ha u qaadan in si xun walalkaa Mujaahid wax kuugu sheegay arintana sidaa aan ku dayno .doodana halkeeda ha ka socoto;

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Interested

Unrecorded Date
asalaamu calaykum

walaal xaaji adoo raali ah miyaad xaas leedahay? imisaad jirtaa? xagee ku nooshahay? aad baan ooga helay fekradaada. maansha allah ina abti.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jirde

Unrecorded Date
asalaama caleykum walaal waxaan jeclaan lahaa in aan ku iraahdo dhowr erey tan kowaad walaal hadddi aad adigu balwad laadahay bal jooji tankale walaal adiga waxaad udhawaataa alahaada oo cidaado badsan samee oo alahaada weydiiso wixii wanaaga oo isku dey in familka oo dhan ay cibaadada aad fartaa markii ay ku arkaan adiga waddada aad heyso iyana way ku sooo raacayaan ilaah idankii oo hasameyninn wax cadaadina oo aad saaarto ee halagaa helo waji wacan waxaa la galaa guri wacan iyo waji furan alahana ha ku garab galo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum inta ilaah kacabsata oo dhan
walaal waxaan ahay inan xaas ah kuna nool qurbaha runtii waxaan ahaa qof aad iyo aad ilaah uga baqa una dadaala in aan ahaado sawja saalixad ah mar kaan imid qurbaha 8sano kahor ayaa waxaan dareemaa in aan maalinba maalinta kadanbaysa aan sii daciifayo sababtoo ah gurgu wuxuu ku xiranyahay hor umarkiisa ninka am sawjka marka walaal haday yihiin raga soomaaliyeed rag kafakara reer kooda iyo ilmahooda waxaan umalayn lahaa in aysan wax kahalaabeen haday gabadhu tahay gabar wax garad ah laakiin dhibaatadii waxy ka dhacday in gabadhiina sida soomaalidu jeceshahay in ay ahaato gabar xijaaban oo ninkeeda kadanbayso laakiin ninku ahaato aniga ayaa nin ah oo saan rabo ayey taladu ahaan walaal taas masoconayso waayo wadamada lagu noolyahay waxaad aragtaa in naag iyo ninba ay iskusi u wada shaqaystaan laakiin soomaalidu wali waxay u arkaan in ay mas'UUL kasaarnayn reerka ilmaha iyo wax walbaba in ay iyada sugaan marka walaal waxaan ku oranlahaa wanaaji inta aad wanaajin karto xaaskaaga waa ilmahaaga hooyadood waa dharkaaga sida uu ilaahba kusheegay kitaabka walaal waxay kaa haysaa dhib badan oo aadan hayn marka walaal waani waanadu waxy waxtartaa wixii wax garanayee walaal furiinku waa wax dhib badan adiga iyo ilmahaba umroona gurga ku aqriya suuratul baqara meeshii suratul baqara lagu aqriyaa shaydaan masoogalee gabadha waxaad bartaa gabdho wanaagsan oo ah ehlusuna gabdho ilaah iyo rasuulkiisa adeecsan walaal waxaad kalood kushidaan cajaladaha af soomaaliga ee maxaadarooyinka iyo kuwa kahadlaaya xuquuqu soowjeenka walaal adan uladhaqan sida uu rasuulku uladhaqmijiray xaasaskiisa in aad lashaqayso in aad talada wanaagsan kaqaadato in aadan yasin in aad tusto in aad jeceshahay ayna kaa joogto meel aysan umalayn karin walaal waano qof gaal ah ayaa kuwaantoowa maxaad moodaa qof soomaali ah marka walaal ku dadaala in gurga quraan iyo adkaaro iyo wacdiyaal aad had iyo jeer kushidaan gabadha hadaysan yeelin yeel adiga is kana ilaaliya saaxiibada xun naag qaawan iyo mid wareegaysaba markaas kadib gurgu wuu hagaagayaayee insha alaah walaal hacaayin oo hatusin in ay qaalada lamidtahay laakiin usheeg in mar kastaa ay geeridu dhawdahay haday kudhimatana ay khatar tahay una sheeg haday seexato in aysan ogayn in ay soonabad kicidoonto haday jiratona in ay ogayn in ay noolaandoonto marka walaal qalbigii adkaadaa waxaa kufilan xasuusinta geerida iyo marka uu ilaah qabto qofkii kucaasiyaa in uu qaban doono qabasho xoog badan aduunyaduna waa labari isqaawisna wax makuutari doono hadaa dhimato waxa kusugaa waa calkaaga saciid ama shaqi marka walaal ilaah ugu sabar wax walba oo kaa soo gaara iyo waqti walba oo uu kuguqaato ilaah baan waxaan kaaga rajaynayaa in uu reerka kaaga dhigo sida aad lajeceshahay hadaad idhibsato hadaladaydana iga raali ahoow oo is ka kay cafi walaal


wasalaama calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdi

Unrecorded Date
walaal waxkasto oo aan ku dhihi lahaay waxaa ku dhahdey walaashey zahro ajir iyo xasanaad alaha ka siiye mahadsanidiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somaliwoman

Unrecorded Date
salamu calaykum
Anonymous
walaal xaskada masurweel bayxirataa kaliya
ayaa kufuraysaa mise muslim miyeyna ahayn
aniga kuguma taliyeen xaaskada surwaal ku
fur,waxaan kaloo walaalayga muslimka sifican
diinta uyaqaana waydiinayaa hadii aan ahay
dumar aan xirto surweel ilaahayna kacabsado
muslim run ahna aan ahay caruurtayda iyo
ninkaygan uroonahay ma istaahilaa furiin?
isoo sheega ayaad uronaysa surwaalka
waaxaran maqdac ah shabahaada raga mafiicna
uun baan maqlay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ttg

Unrecorded Date
by Nimo
to somaliwomen

walal hadii la yidhi ha isu eekaynina raga waa maxay ayaad aad doonaysaa.ta kale surwaalku lugahaaga ayuu kala soocayaa ilahay waa kii lahaa dhar aan jidhkaga ku dhaganayn xidha oo idinka badan markaa ma waxa aad i leedahay surwaalku jidhka kuma dhegna waayo xitaa hadii aad xidhatid surwaal ka wayn still lugahagu way kala socanyihiin.markaa ha odhan ma aha xaraan maqdac ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somaliwoman

Unrecorded Date
To nimo or ttg aad iyo aad baad umahad santahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
To bi lady..walaal hadii aad iwaydiisay waxa aan mallka ku tago waa shaati iyo surwaal dabo gaab ma xidho khamrina ma cabo laakiin aan ku waydiiyee ka waran hadii aan xirto garays ama diric maxaa ula yaabaysaan raga haday xirtaan dharka dumarka maxaase soomaaliya markii la joogay surwaalka u xiran waydeen haa waa baqayseen oo xornimo ayaa hada hesheen waa yaab oo ma ilaahay ayaad xornimo ka qaadateen waa la siman yahay america baa dhahdeen awel ma ka hoosayseen ragga calaa kuli xaal ilaahay meel kasta wuu joogaa inta aa is leedihiin wax walba tartan ku gala dee hadana shaatiga iyo surwaalka waa idiin daynaynaa waxii kale ee aan gashano bal noo daaya raali ahow hadaad hadalkayga dhibsatay....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Darbi

Unrecorded Date
Ayada iyo Carruurtaba ka tuur xagaas iyo Xamar caydiid ha u taliyee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ciyaalmamo

Unrecorded Date
Waraa haddii aad rabtid qoftaada in ay is daboosho maxaad u barooweyn waysay dhinacaas iyo Iran...Sheikh Ayatulaah ha kuu duceeyo..oo marka danbane kaala baashaali doona. Xasuuso in qofta aad qabtid ee adiga ma lihid ma jira yahow. Haddii kale sida ugu dhaqsaha badan ula xiriir safaarada Sacuudig ama Iran.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.