site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MALA DHAAYAHEEYGAAY CALAF LAGAMA DHUUNTEE

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Sept. 2000): MALA DHAAYAHEEYGAAY CALAF LAGAMA DHUUNTEE
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faisa

Unrecorded Date
Mala Dhaayaheeygaay Calaf lagama Dhuuntee Taqtar bey nisku keen qorey

Walaalayaal waxa i haysta dhib,dhibka jirana waxuu yahay waxaa jirey wiil aan aad u jeclaa oo aan daris ahaan oo markaas aad iga waynaa runtii waxeey saxiib ahaayeen abtigeey asna walaashiis ayaan saxiibo aheen wiilkaas runtii aad ayaan u jecla, runtii waqtigaas aad ayaan u yaraa lakiin hadana ay tahay niyada ayaan ka jeclaa, asna waxaan dareemi jirey in uu sometime uu asna iga helo oo had iyo jeerna waxuu odhan jirey waad weeynaatey runtii eraygaas markuu i yiraahdo waxaan dareemi jirey inuu i jecel yahay oo lakiin iga cabsado madama aan aad ugu yarahay sida aan i iskugu fiicanahay familkiisa iyo familkeeyga. Rruntii waxaa jirtey maalin aan jeclaystey in aan u sheegto iguna dhaweed inaan u sheegi karo,waxeey aheed maalin jimcaha waxaan ka soo baxay iskuulkeeygii yasiin cismaan oo aan dhigan jirey runtiina waqtigaas magaalada makala aqoon waalidkeeygana meey ii dirin meel ka baxsan xaafada aniga oo qof ila socon, waxaa had iyo jeer iskuulka iga soo qaadi jirey aabaheey qayr allaha siiyo ama darawal markaas noo wadey baabuurka, maalintaas seey ku dhacdey ma aqaan waxaa iga soo daahey baabuurkii oo la igu soo dooni jirey waxaan go'aansadey in aan aniga kaligeey aan xaafada aado sidii ayaana ku dhaqaaqey, kadib aniga oo maraaya shabeele ayaan waxaan arkey willkii aan jeclaa oo baar meesha ku yaal fadhiya asaga iyo wiilal kale runtii aniga ma'arkeeyn lakiin asaga ayaa i arkey oo ii yeeray kadib waxa uu i yiri xagee u socota markaas ayaan ku iri baabuurkii ayaa iga soo daahey marka waxaan rabaa xaafadii in aan aado waxuu i weeydiiyey waan isa sii raaceynaa ee kaaley biyo inta ka cab kadib waxaan iri waa yahay kadib meeshii ayaan wada fariisaney
hadalo ka dib waxuu igu tuurtuurey hadalo oo aay ka mid ahaayeen waad weeynaaneeysaa waad sii qurux badnaaneysaa iyo erayo kale oo markas aan niyada ka jeclaysanaayo waana maalintii igu horeeysey ee aan wada fariisano aniga iyo asaga oo aan sheekeeysano sababtoo markasta waxa uu la sheekeeysan jirey abtigeey iyo familkeeyga oo markaas aan wax sheeko ah la igu darsan jirey aysan jirin.
Runtii maalintaas waxeey aheed maalintii igu farax badneeyd iyo igu naxdin badneeyd waana maalintii kaliya aan jaanis u lahaa feeling keeyga inaan u sheegto lakiin afkii ayaa waxa ka soo baxi waayey hadalkii aan lahaa u sheeg waxaana gacmaheeyga ka socdey dhidid faro badan aadna waan u jareeynayey wax awood ah oo la igu arkana aysan jirin,sidii ayaana ugu soo tagney baarkii aan fadhinay kadib xaafadii ayuu i keenay. Wiilkii sidaas saan u ahayn maalin maalmaha ka mid ah ayaa gurigeenii oo arkaas lagu sheekeeysanayo dhalinyarada oo abtigeey iyo asagaba ay ku jireen qaarkood waxeey ka sheekeeyanaayeen gabdhaha ay ka helaan iyo iyo mid kii saxiib leh ayeey ka wada sheekeeysanaayen markaas oo aan joogey barsada iyagana ay fadhiyeen barandada runtii su'aashas jawaabteeda aad ayaan u xiiseeynaayey inaa maqlo. Kadib asaga markii la weeydiiyey waxa uu ku jawaabey waxaan ka helaa gabdhaha yar gabdhaha ila da'da ah kama helo. Runtiina aad ayaan isu weeydiiyey nafsadeeyda waxa uu ka wado. Kadib waxaa dhacdey qabtii kadib waan kala haadney waxa uu soo galey wadanka aan joogno aniga iyo familkeeygana wadan u dhow ayuu soo galey, kadib markaasna wax war ah aan iska hayneyna ma jirin,waloow uu aad noo raadin jirey aniga iyo familkeeyga.

Waad ku mahadsan tihiin aqriska aad aqrisateen
Wali wa'ay socotaa

Faisa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kamal

Unrecorded Date
hi
waaba ikanaa kawaran hee faiza yariisey aa inta wax kusoo qoree ma islaheen. nasiib badaniyaa aniga, wali kaama sabrin. Waan kaa helaa walee waa iiga wacadee ila wadee....
cafis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/wali

Unrecorded Date
abaayo sheekada noo soo dhamee waan ku baryeeynaaye meel xun ayaad noogu kala gooyse.

TO Kamal doqon maxaad isakaga dhigeeysa is qor badnidaa.
abaayo kuwaas oo just ognore them.
please continiu sheekada noogu dhig.plz

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jecel La'an

Unrecorded Date
Faisa waa ku sidee? Si xun ayaad noo gashay ee walaaley bal inoo dhamaystir sheekadaan sidaa ugu dhaqsaha badan, fadlan.

In love with walls

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faisa

Unrecorded Date
Sorry meesha aan iri maalin jimce ah waxaan ka wadey maalin qamiis ah.
Kadib markaasna wax war ah aan iska hayneyna ma jirin,waloow uu aad noo raadin jirey aniga iyo familkeeyga. kadib waxaan is baraney wiil asna jooga wadanka uu joogey kadib wiilkii ayaan isbaraney runtii wiilka aan isbaraney aad ayeey isu yiqiineen wiilka aan dariska ahaan jirney oo isku magaalo ayeeyba dagan yihiin lakin iskuma keey yaqaaniin,kadib wiilkii aan is baraney waxaa naga dhaxeeyey xiriir dheer ilaa waxaan isla soconey mudo labo sano ah runtiina waxaan go'aan ku gaarney markuu jaamacada dhameeyo inaan is guursano runtiina jaceel waan u hayey markaas lakiin jaceelkii isoo marey mid lala barbardhigo mahayn,markuu jamacadii dhameeyey guur ayuu marar badan i weeydiistey lakiin waxaan dhihi jirey wali ma go'aansan inaan guursado,runtiina wilkii hore ayaan aad u jeclaa oo aan isku dayi jirey inaan helo adunyada intaan noolahay inaa nolosha la qaybsado,saxiibadeey oo markasta i dhihi jireen maxaad ka og tahay inuu nool yahay iyo in kale inuu sii weeynaadey laga yaaba inuu xaas yahay, lakiin aniga su'aalahaas marna ma jecleen inaan dhageesto da'diisana markasta waxeey ila aheed waxaan jirin aniga waxaa ii muuqdey kaliya jaceelka aan u qabo asaga.waxaa labadii wiil dhaxmartey sheeko markas ayaa wiilkii aan bartey waxa uu ku yiri kii aan dariska aheen ku yiri aniga waxaan bartey gabar waxaana rabaa inaa guursado markaas ayuu yiri awguuriye sawirkeeda ma haysaa markaas ayuu tusiyey sawirkeeygii xoogaa ayuu shoogey waxa uu yiri alla gabadhan waxeey u egtahay gabar daris aheen oo aan aad jeclahay oo ila hada aan dumarka dhan ugu dheeraadey waana eey iga yareed lakiin hada ma aqaan ineey iyada tahay iyo in kale lakiin afkeeda iyo qosolkeeda ayaa igu yaala lakiin ma toosin karo wajigeeda. Runtiina aad ayaan isu badaley markaan yaraa iyo markaan weeynaadey,kadib waxa uu weeydiiyey magaceeyga waxa uu sheegay magaceega kadib waxa uu yiri alla waa isku magac markaas ayuu familkeeda ma taqaanwaydiiyey markaas ayuu u sheegay familkeeyga wiilkii aad ayuu u qaracmey mid kii kale ayaa weeydiiyey iydana ma ku jecleed oo xiriir miyaa idinka dhaxeeyey ayuu waydiiyey markaas uu yiri maya lakiin niyada ayaan ka jeclaa oo aadna way iga yareed oo wax aan u sheegan karo markaas meey jirin faamilkeedana aad ayaan u jeclaan jirey oo aan dhowri jirey hadaan u sheegto xataa waxaan ka cabsan jirey in la i dhaho weey kaa yar tahay oo aan halkaas ku ceewoobo. wiilkii ayaa yiri waxaan wax aan hubo ma'ahan lakiin iyada ayaan weeydiineeynaa,runtii wiilkaan aan gadaal ka bartey waxa uu ahaa wiil aan markii hore walaalo oo kale ayaan ahayn aadna wuu ii caawin jirey markaan high sckoolkeeyga aan dhameeynaayey iyo collagekeeyagana wax badan iga caawiyey ha ahaato mid kasto nolasheeyda iyo mid waxbarasho kadibna ayaan is jeclaaney runtiina waa wiil aad wax u fahma waqti badana aan isla qaadaney waana mid aad iga fakara jecelna horumarkeeyga. Kadib waxeey ila soo hadleen labadoodii oo isla jooga habeen ay tahay jimce kadib waxa uu yiri wiilkaan ayaan rabaa inaa ku baro salaan kadib waxa uu i weeydiiyey abtigaa ma magacaas ayaa la yiraahdaa markaas ayaan iri haa markaas ayuu yiri ma heblaayadii yareed miyaad tahay markaas ayaan iri haa wiilkii wuu hadli waayey oo hadalkii ayuu kari waayey kadib willkii kale ayuu taleefanka u dhiibey markaas ayuu i yiri ma garatey wiilkaan maya ayaan ku iri markaas ayuu ii sheegay magaciisa markaas ayaan naxay oo aan aad u gariirey oo aan taleefankii xataa qaban kari waayey hadalkiina iga soo baxi kari waayey kadib markaas ayuu yiri abaayo maxaa ku helay markaas ayaan iri ka waran hadaad habeen danbe i soo wacdo markaas ayuu yiri ok lakiin wax dhib ah miyaa jira maya ayaan ku iri. Waxaan is weeydiiyey oo markasta i hor imaan jirtey sidaan u jeclaa yaraanteeydii iyo waxa uu ila sii hadli waayey waxaan is iri maxaa helay mayuu ku ogaa inaad jecleed ma asaga ku jecel oo jaceel dartiisa ayuu la hadli kari waayey lakiin labadeena midka kan kale ayuu jecla oo uusan ogeeyn inuu jecel yahay uu san u sheegan karin su'aalo badan ayaan nafsadeeyda weeydiiyey, wiilkaan maskiinka ah aan gadaal ka jeclaadey oo maalinba maalinta ka danbeeysa sii jeclaanayey ayaaba igu daran haduu sheekada ogaado, waxaan is weeydiiyaa maxaad ku sameeysey wiikaan? iyo su'aalo kala duwan.habeenkii oo dhan waagii ayaa ii baryey oo waan jiifan kari waayey wiilkii dariska aheen ayaa i soo wacay subaxii danbe markeey aheed, markaan codkiisa maqlay ayaan gartey markaas ayaan cabaar aamusneyn ka dib waxuu yiri {mala dhaayaheeygaay calaf lagama dhuuntee taqtaqtar beey nisku keen qorey}ee ma i xasuusataa markaas ayaan iri in aan la qiyasi karin ayaan ku xasuustaa waxa uu i weeydiiey meqa sanad ayad hada buuxsatey markaas ayaan u sheegay da'deedii markaas ayuu yiri intaad yareed ilaa hada ayaan ku sugaayey oo aan ku jeclaa oo aan kuu shegan kari waayey oo ilaa hada nolasheeydii naag dhan ooga dheeraadey qurux iyo raganimo wax maanan ku waayin ee waad jaceelkaad igu abuurtey ayaan ilaa hada meeshaan i dhigey oo markii la i yiraahdo guurso waxaan oran jirey gabadhii yareed aaan jeclaa markaas ayeey dadka waxeey i oran jireen ineey nooshahay iyo in la guursadey maxaad ka og tahay ee meesha ka kac oo guurso lakiin waxaas dhag uma dhigi jirin wax kasto jaceelkaaga ayaa iga weynaa. Aniga waan u qaadan kari waayey madaxa ayaa i weeynaadey cabaar ayaan hadli waayey indhaheegana ilmo xaalkood og yahay ayaa i soo dhaafey kadib waxuu i weeydiiyey abaayo maxay kuula tahay arintaan aan kuu sheegtey wax ila og oo aan nafsadeeyda aheen iyo adiga oo aan ku jeclahay ma jiro mana rabo qof aan adiga aheen inaan nafsada la wadaago. Waxaan ku jawaabo ayaan waayey. Waxaana su'aaley intaas oo dhan maxaad iigaga qarin jirtey oo maxaad igu sheegan kari weeydey maxaad ka taqaan nolasheeydii sida ay isku badashey iyo sida ay hada tahay,waxaa uuna igu iri waxa meesha i dhigey waa wadnaheeyga doqonka iyo cabsi aan ka qabey adiga runtiina gabar yar oo soo koreeyso oo aad loo jeclaa ayaad aheed oo lagu hami weyn yahay taas ayaa ii muuqatey markasta waxaan xaq dhowri jirey familiyadiina oo aan aad u jeclaa, waxa uu i su'aaley feeling ma ii haysaa oo malaga yabaa waloow uuba ka warqabin inaanba jeclaa markaas ka dib ayaan u bilaabey sheekadii bilaawgeedii iyo sidii aan ku kala dhuney aduunkii ayaa la wareegey waxuu asaga ooyaya yiri riyadeedii ayaa ii rumoodey iyo samirkii aan samraayey meeshii ayaan labadeenaba ooyintii nagaga dhamaatey, runtii aniga waxeey ila aheed waxii caloosheeda ku jirey oo aan sugi jirey inaan u sheegto maalintaas inaan u shegay anigoo ooyin iyo faraxba isku darey,labadeenii sidaan u ooyeeyney oo hadana u qosleeney ayaa waqtigii noogu dhamaadey.

Waad ku mahadsan tihiin aqriska dheer aad aqriseen.
Wali waa ay socotaa

Faisa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faisa

Unrecorded Date
Sorry meesha aan iri maalin jimce ah waxan ka wadey maalin Qamiis ah

Waad ku mahadsan tihiin aqriska aad aqriseen.

Faisa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faisa

Unrecorded Date
Sorry labo mar ayaan soo post gareeyey lakiin qoraalku waa isku mid
Wali wa´ay socotaa

Faisa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amaal

Unrecorded Date
Faisa abaayo ilaah hakula garab galo jaceeylkaagii oo aad heshay waa wax lala ooyo ama lala qoslo,
Good luck,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

heblaayo

Unrecorded Date
Faisa walaal macaan,
Waad ku mahadsan tahay jeceylkan kusoo maray oo aad nosoo gudbisay, waa run calafkaaga waayi maysid marnana. Allah (swt) ugu xamdi naq inaad heshay jecelkaagii.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faisa

Unrecorded Date
Habeenkii markii la gaarey ayaan waxaa i soo wacay wiilkii aan is rabney waxa uu yiri abaayo wiilkaas ma maqashey in uu aad kuu jeclaa markaas ayaan iri haa asaga ayaa ii sheegay iyo sheekadii dhameed,markaas ayuu i weeydiiyey wax feeling ma u haysey markaas ayaan iri nolashedii dhan ayaan jeclaa wiilkii wuu qaracmey, waxa uu i weeydiyey hada miyaad jeceshahay waqtigaan waxaan iri ilaa iyo yaraanteeydii iyo hada ayaan jeclahay wiilkii waxa iigu yiri anigana aawey jecelkeeygii, waxaan ku iri adna waan ku jeclahay oo waxaan sameeyo ma aqaan nolasheeda waxa ay noqon donto ma garanaayo week igu adkaa ayaan ku jiraa nolasheda ayaan ku iri, waxuu i soo xasuusiyo sheekooyinkeenii iyo waxaan isla soo marney,waxaan ku iri waxaas oo dhan waan xasuusta, lakiin waxa uu yiri ogsoonoow inaad nafsi iga galeeyso hadaad nolasheeda iyo jaceelkeeyga iyo waqtigii aan kugu lumin jirey aad iloowdo, ineeysan aduunyadana ayna waxba ahayn oo aay labo bari tahay inuu isugi doono inta uu isugi jirey iyo inka badan.
wiilkii aan isku xaafada ahayn ayaa i soo wacay waxa uu i sheegey in uu rabo in uu yimaado wadanka aan joogno oo halkaas nagu soo booqdo. week ka dib ayuu yimid wadankii iyo xaafadii aan daganey abtigeey oo aay saaxiibo ahaayeen ayeey is heleen iyo familkii oo dhan aad ayaana loo soo dhaweeyey halkaas ayaan asaga iyo aniga isku aragney wuu u qaadan waayey markuu i arkey sidaan u weynaadey waxaana had iyo jeer ku celceliyey waad qurux badnaatey waad weeynaatey iyo asagoo had iyo jeer jecel inuu ila sheekeeysto ama ila kaftamo oo ii raacraaco magaalada aan joogo,familkeena iyo abtigeey aad ayeey ugu cajabeen iyo wax yaalo dheeraadka ah uu sameeynaayo aniga run ahaantii waan dareemaayey inuu aad ii jecel yahay lakiin uu awood u laheen inuu dadka ama familkeeyga iska qariyo,waaxana laga dareemaayey inuu nin i jecel yahay familka ayaa dhibsaanaayey arintaas sababtoo waxeey igu ogaayeen inaan wiilkii kale aan is rabney oo hadaa aabaheey kaliya in la iga doonto ay noo dhineed uu meesha ku jiro,arintaas hooyadeey aya aad ugu xanaaqdey markii ay aragtey waxa uu wiilkaan yimid iyo waxa uu damacsan yahay uuna meesha ku jirto in uu aniga ii socdo markii ay i weeydiisey ayaan ugu jawaabey oo aan u sheegay inuu i rabo oo i jecel yahay waxeey tiri adiga maxaad damacsan tahay? miyaad rabtaa wiilkaan? waadna ogeed inaad nin la socotey waqti badan oo aad guur ku dhaw dihiin sidee ku damacdey inaad ninkale aad damacdo? waxaan ku jawaabo ayaan garan waayey ayaa iyadoo aad u xanaaqsan ayeey tiri wiilkaan waa wiilkeena oo kale ma rabo inaad xumeeyso kaasna ma jecli inaad xumeeyso ee labada ninn kala saar ha isku dilin waana ku arkaa inaad labada ninba rabto ee mid raac, lakiin hooyo macaan maxeeey iga ogtahay dhibka i haysta iyo meesha uu ka socdo dhibkaan,willkii iyo abtigeey ayaa wada hadley waxa uu wiilkii abti u sheegey inuu i jeclaa markaan yaraa iyo ilaa hadana uu i rabo inuu reerka iga soo doonto abtigeey waa uu u qaadan kari waayey arintas waxa uu yiri waad og tahay waxaan aheen saxiibo sidee ku dhacdey inaad intaas iga qariso oo aad ku jeclaato gabadha aan abtiga u ahay,wiilkii waxa uu yiri waagaas wa aay yareed lakiin hada waa gabar wax loo sheegan karo intaasna waxa aan la sugaayey waqtiga ay weeynaato,abtigeey waxa uu yiri ma og tahay ineey nin kale is rabaan waxa uu yiri haa lakiin iyada ayaa waxeey rabto jeclaan karto oo dooran keey rabto waxa uu yiri waa runtaa arintaas iyada ayeey quseeysaa markaas ayuu yiri wiilkii hadii ay i ogaalaato adiga ma wax ayaad ka qabtaa arintaas waxa uu yiri maya waxkasta iyada ayaa go'aankeedu yahay waxeey tiraahdona waan ku raacsanahay gabadha aan abtiga u ahay. Hada waxeey nolasheedii noqotey mid qasan oo isku dhaxdaadatey oo wax aan ka qabto iska daaye waxaan buuq aheen kama qaadin waxa kaliya ee aan ka cabsanaayo waa nabsi iga gala wiilkii aan is guursan laheen oo aad ii jecel wax aan sameeyo ma aqaan labadii wiilba waxa ay leeyihiin adiga ayaa go'aanka iska leh, inaan midna xumeeyo ma jecli oo labadaba waan jeclahay walaalayal maxaad igula talin laheedeen adiga oo si dacad ah igula talinaayo.
waana ku mahadsan tihiin aqriska dheer ee aad aqrisateen.

Faiza.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amaal

Unrecorded Date
Faiza Abaayo
Sida aad sheegtay nabsigu waa wax laga cabsado, ee anigu waxaan ku dhihi lahaa isku day in aad is ka tir tirto jeceeylka wiilka aad dariska ahaydeen, oo intaad illaah talo saaratid kasii wad jaceeylkii aad dhiseysay iyo wiilkii aad balanta ka qaaday meeshoodii, Waayo wiilka aad dariska aheedeen waligaa axdi ma-aadan ka qaadin, Kan kale laakiin wax badan ayuu ku sugaayey oo uu ku caawinaayey, xitaa waxaa laga yaabaa inaad dabeecadiisa sifiican u taqaanid more than you know the other boy "kan aad dariska aheeydeen"

Sister, remember wax walba waxaa ka muhiimsan inaad naftaadan qancisid oo waxaad happy ku tahay aad sameesid. aniga si walaashay camal aan wax kuugu sheegaayaa, Runtii qisadaan waa mid cajiibah.

Good luck, sis.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sister

Unrecorded Date
To: Faisa

hello dear sis faisa

sister your story is too long and i geuss no one have a time to read and to unerstand two pages so can you plz summeriz your story then I'll give you a comment

bye sis thankx

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

masuul

Unrecorded Date
salama laykum faaisa walaalo waxaan kugula talinlahaa inaad talada saaratid ilaahay oo ah tan ugu fiican labo ragcadood tugo oo ilaahay ka bari inuu kugu beego kii kuu khayrleh . waxaan kuu rajaynayaa caafimaad inaad kuwaarto iyo khayr

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ilwadqurux

Unrecorded Date
Salaamu calaaykum

Walaalo, my advice to u would be, Nabsi hagalin, ogow hadii ad nafsi gasho aduunka ayaa lagugu tusi, inta aan aqiro lagaarin. mida kale, ilaahay darti, u guurso inanka aad 2 sano lasacotay waayo, balan ayaad kaqaaday, ilaahayna wuu u qabtaa qofka bini aadamka ah balanka u niyada ka qaado. I know it, It will hurt for a while, but eventually Allah azza wajal will ease ur pain by fulfilling the promise u made to his slave think. As Allah said there are things we love that are not good for us and those we dislike that are good for u. So Tawaka calallah, and pray istiqarah (is a 2 rak'ah prayer,) where u ask Allah swt to make a decisions in Ur behave.

I hope Ur dream are fulfilled, and always fear u lord.

Peace

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cajabo

Unrecorded Date
Salaamu calaykum

Walaal Faiza,

Marka hore la soco inaad tahay qof cajiib ah xaga qoraalka sababtoo ah sheekadaada waxaan u dareemay si la yaab leh. Waad sheeko macaantahay walaal. Oo runtii jecel aan is idhi beryahaan dambe maba jiro ayaad rajo iga galisay!

Walaal macaan waxaa fiicnaan lahayd talo cad inaan kuu hayno. Talo saro macbduukii ku abuurtay inuu kuugu aadiyo kii kuu roon sideey walaalaheen ku yidhaahdeen.

Walaal mid aan kuugu daro: inanka horena waxuu ku yaqaana ilaa iyo yaraantaada noloshaada iyo qoyskaaga. Kan dambena intii dambe noloshaada oo aad soo qaxday aad weynaatay. Kolkaa walaal labadaba waa rag fiicaan sidaad noo sheegtay. Midna aniga walaahi kuma odhon karo raac. Kaad caruurtiisa sidid ALLAH waclam. Mar walba miduun buu dhaawac gaari laakiin waa laga kabsan karaa. Ee salaada istaqaara tuko Ilahay idinkiisna arinkaaga sida ugu dhaqsaha badan ayuu u furfurmi doona.

Walaal macaan mar walba Ilahay garabkaaga ha galo. Jecelkaagana dhaqalayso kuu noqdoba. Qof nasiib leh baad tahay oo cashaaqa arkay weliba mid ma ahee laba lagula wado! LOL.

Waan ogahay ma sahlana go'aanka sidaad u qaadan lahayd. Laakiin Allah subxaana waa tacalaa ayaan kuu baryay inuu faraj degdeg ah oo kheyraysan inuu kuu furo. Waalidkaana la tasho sababtoo ah waa waayo arag labada nin wey yaqaanin. Walaal jawaab kuuma heeyo laakiin fadlan nala socodsii siduu xaalka ku dhamaado insha Allah.

Peace

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jaango'an

Unrecorded Date
To: Faiza

Walaal diary-gan aad qortay waan la dhacay runtiina waad mid Emotional ah waana aan arkaa in xaaladadu ay masawe xun marayso balse waxaan ku oran lahaa in aad ka fiirsato oo aad qudhaada eegto labadan nin midkii kuu fiican, waayo waxaan qiyaasayaa in aad nooga fiicantahay, mida kale waxaa ku heysa kalsooni daro waa siday ila tahay.
marka waxaa ku oran waqti sii. mida kalena raadso counseling si laguugu sheego dhibta ka imankarta
waqti dambe haku degdegin

TO: CAJABO

Walaal waxaa magacaaga ku arkay qeybo badan oo forums-kan ka midah, walaal taalooyinkaadu waa kuwo wax ku ool ah runtiin qeyb weyn oo dad badani garanyn ayaa forumskan kaga jirtaa,waana aan ladhacay taa. dadaalkana halkaa ka sii wad

Jaango'an

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kadra

Unrecorded Date
Faiza
Take a break from all these pressure for awhile.
Wax nabsi majiraan xaalku waa (MALAABATAN BAAD NOQON MA LABAAD U QAYBSAMI). Waxaad u baahantahey in aad wiilkii Soomalia waqti la yara qaadatid si aad u ogaatid in aad compatible tihiin dhinac walba sida in aad wax ka wada heshaan iyo in aad interest badan wadaagtaan sina wax u wada aragtaan. Anigu waxaan ku odhan lahaa atleast wiilkan aad qurbaha isku barateen baad aad waqti badan u wada qaadateen, noloshana aad u wada deristeen ee ka fiirso your pick!. Maadaama aad kan qurbaha aad u taqaanid do your homework with the one you knew before. Dabadeed sidii laguu sheegay salaatul istikhaara tukoo tawakal calla laah! mararka qaarkood jaceyl ka dhabta ah ma dareentid ilaa aad qofka nolol dhab ah wadaagtaan inta kale waxaan u aqaanaa LUST AND FANTACY! goodluck

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gabtankeyd

Unrecorded Date
Gabtankeyd

To Faiza

Waan ku salaamay sis ilaahayna ha kaa fududeeyo dhibka ka haysta,lakin midbaan ku dari lahaa anigu salaatul istikhaaro Tukko Allena bari midka kheyr inuu kugu toosiyo ilayn asagaa og waxa qaybka ah oo inaga qarsoone. Kadib waxad sameysaa laba warqadood ku qor (+)=hele iyo (-)=sabre. Sabre waa ninka Nasiibku uu kula talinayo inuu sabro dabadeed labada warqadood duuduub oo labada gacmood ku rux adoo indhaha isku haya hortoodaadna dhigeysaa sadex jeer baad ugu celineysaa midka Nasiibku siiyo laba jeer oo hela (+) ayaa helaya loona tahniyadeynayaa,kan kalena waa sabreyaa. Taasna waa midka ALLE kugu toosiyo oo waa wax ALLA xukmiyey adina eed kuma lihid iyana hadey iimaan leyihin waa inay ku qancaan waxa ALLE xukmiyey.

Adiga laftigaagu waa inaad Naftada ku qancisaa waswaaska sheydaankana iska ilaalisa waayo wax alla xukmiyey ka daba tag maleh. Sidaasan arka walshey. WABILLAAHI TOWFIIQ ilaahayna ha kula garabgalo SIS. W/calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cajabo

Unrecorded Date
Salaamu calaykum

Walaal Faiza,

Waa anigii oo mar labad kuugu soo noqday. Waxaan kaa ilaaway waxii ugu muhiimsana aan doonayay inaan ka hadlo. Taaso ah ninka diinta ku fiicaan walaaley bal eeg. Oo cilmigii diinta ku dhaqmaya oo aad is odhon kartid beri ka maalin mas'uul ayuu kaa noqon karaa. Labadaba sidaan ka dhadhansaday hadalkaaga reerka wey isku fiicanyihiin. Walaal awal mara Rabbi talo saaro ka dibna kuwii ku dhalay.

Jaango'an walaal waad mahadsantahay. Ilahay khayr ha ku siiyo.

Peace

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warda

Unrecorded Date
To:Faisa

Walaal, sheekadaadu ma musalsalbaa dheeraa....
maad soo koobtid ood koob yar noogu shubtid.
Sister jacaylka marka la yaryahay la qaadaa jacayl dhaba maaha marka la koro ayuu isna iska tagaa ee armaad ninkaa aad yaraantaadii jeclaatay markaad hesho eed la dhaqanto nacdaa hadana.
sister, imika gabadh wayn baad tahay markaa iskala joog wiilkaad garaadka ku jeclaatay kaasaa dhabee.
iska iloow jacayl caruurnimadii sis.
good luck

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed

Unrecorded Date
To: Faisa

Abaayo Sheeko Cajiiba ayaad noo sheegtay Laakiin
lama akhrinkaro oo time ayaan jirin meeshan hit
and run ayaa wax lagu fiiriyaa, waxaan ko oran
lahaa ninkii helakaaga yaqaan, waxaa dhici karta
inuu kaaga xishooda xaga familka , Sida Cajabo
ku tirina Diinta cida ha duursan.

To: Cajabo

Abaayo taladaad Cajiib badanaa Goormaad Aroosin
Reer Somalinet oo dhan aa Arooskaaga ka soo qab
geline. Lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faisa

Unrecorded Date
Walalayaal waad ku wada mahadsan tihiin fikradaha kala duwan iyo waqtigiina qaaliga ah ee aad xoogaaga iga siiseen, Jazaa ka'llah qayr ayaan idiin leeyahay.

Walalaheeyga sidaad ii sheegteen mid kasta waa fikrado macquul ah markasta oo aan tukanaayo waxaan ku ducaystaa in ilaahey culeeskaan iga qaado ama ii fudedeeyo sida ugu dhaqsaha badan ilaahey ayaan talo saartey.

Walaal cajabo waad ku mahadsan tahay fikradaada cajiibka aheed
Waad iga qosli siisey labo lagu la wado wax ka dhib badan abaayo ma jirto oo halkii ayaa qaartibilaah ka joogney macaala labo lagula wado.
Walaal lakiin hortiiba bin aadim ayaanu aheen oo meel noo roon ma jirto.

To Jaango'an
Walaal waad ku mahadsan tahay fikradaada ama waqtigaaga qaaliga ee aad i siisey, mida kale ee aad i leedahay, Kalsooni daro ayaa ku haysa waxaan ku oran lahaa aniga marka hore fikrad ayaan ku weeydiistey ee maanan ku oran kalsoonideeyda ka hadal hadii aan isku kalsoonahay iyo hadii kale mid adiga kuu taalo ma'ahan. sorry hadii aan qaldamey.

Mida kale ee aad leedihiin qoraalka ayaa dheer oo waqti looma haayo lagu aqriyo,walaal taas adinka ayeey idin quseeysaa oo mid aniga ii taal ma'ahan sababta aan sidaas u lee yahayna waa aniga ayaa soo qoray oo ku qanacsan waxaan qoray sheeko kasta ama qoraalkastana waxa uu leeyahay ujeedo loo qoray aniga ahaan ujeedadeeda waa aniga oo is leh hala wada fahmo qoraalkaaga taasna ayaa igu kaliftey qoraalka dheer.

Sorry hadaan qaldamey

Wali wa'ay noo furan tahay fikradaha.

Faiza.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jaango'an

Unrecorded Date
TO:Faiza

Walaal Faiza, maadan igu qaldamin ee runtaad ii sheegtay, mida kale anigu waxaan ka hadlay fikrad ahaan waxaan qabay inkastoo aana ku wareero marxaladaha noocan oo kale sababtoo ah waa kuwo "Emotional" una baahan in sii fiican looga fiirsado waayo waxay halis gelinkaraan heer maskaxeedka shaqsiga ay la soo guboonaato..tusaale ahaan.. adiga faiza ah.

intaa kadib walaal ka raali noqo wixii gef ah oo aan kuu geystay....yacni qoraalkeygii hore

wixii dhaleecayn ahna yaan laigala bakhaylin oo hala ii sheego

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faisa

Unrecorded Date
Walaal waa runtaa arintaan oo kale waa wax lagu wareero, Waana kugu raacsanahay in ay tahay in waqti loo qaato ama si fiican loogu fakaro.

Waana mida aan had iyo jeer ka fakaro in aan sameeynin ama aan qalad ka galin ruux bin aadim ah inta aan aduunka saarnahay wax aan sameeyona ma aqaan.

Waana ku faraxsanahay in aad qaladkaagii qaadatey.

Mahadsanidiin.

Faiza

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dhoodaan

Unrecorded Date
to:faiza
sheeko aad u fiican...waxaan ku oran lahaa buug ka qor wallee dad badan waa iibsan,anna xoogaa intaan ku daro baan hollywood ka iibsan..kolleey shirkad baan noqon doonnaa...!!
"jacaylkii markaan sidii mayaygii i helay inuu iga maarayoo i daayey moodayeey...midkey naftu maaganeyd muuqiisa markaan arkaa ilmadu marada iga qoysaayeey"
sheeko yar:niman aqoon yahano ah baa mucaarad noqday ,duurkay galeen,waxay nolol wadaagaan dad beeraley ah ,dantu waxay ku qasabtey inay inay dadkii la noolaadaan "according that standard",inay gabdhihii beeralayda ahaa xiriir dhex maro ..dabadeed way guulaysteen ..here comes the real live and real pple ...intoodii badneyd waxaa ku dhacday "jabhad baa yimide janaalow ka bul dheh",shimbirba shimbirkiisuu la duulaa...gabdhihii beeralayda ahaa waxay ku doodeen aawey jacaylkanagii!!!!??
labo ayey noqon :1)wiilka cusub..qaaliga haddii wiilkaan(kan qalbiga mar walba kaaga jirey)uu joogi lahaa ,sheekadeenu ma jirteen you have to face it,hadda asagii baa yimid(inkaar qabe muu soo dhaqsado)...nin ragga noqo haddaad i jeceshahay dee waxaan jeclahay arag ,i fahan,jidka ii bannee iina ducee
2)waa runoo jacalkii markaad yared ku helay waa run ,unconditional,and that is what i call true love ...balse waqtigu waa is badalaa dadka qaar waxay yiraahdaan gabdha markaan jacayl wada sameyno oo biyuhu iga yimaadaan oon dhinac uga dhaco ayaan ogaan karaa inaan jeclahay iyo in kale..(first loaded gun then the reality)..marka wiilkan waad taqaanaa ,dabeecadihiisa wuxuu gudo iyo wuxuu galo,isna wuu ogyhahay sidoo kale,marka ha isu dhiibin isla markiiba jabhadkan ee ka baaraan deg ,wiilkaad is wadaana waqti isii dheh and don't pressure me to take early dicisssion
haddaad intaa wax ku keeni weydo ......ka soo guur meeshaad joogto deg waddanka NEPAL la yiraahdo ,labaduba way ku wada qabi ,caruurtana adaa laguugu magac dari..."noolaatey naag labo nin leh"..(.kaftan)
lana soco aniga adiga shiraako baan nahay
nabad gelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dhoodaan

Unrecorded Date
"kumee kuma arkee faizaay ku mee "
adiga cusmaanta waxaan sugaayey sheekada qaybta ku soo korodhay ...waxyaabo kale baan ku darey ...ma waxaad dooneysaysaa inaad suuqa iga xidho.....!!!war cusub baan kaa doonayaa!!
"sidii ari qayilayoo dhurwaa shaah u karinaayo,ama dabangaale siisoow wadoo dooxo kaga aasmey oo markuu dib u fireeyaba diinta caayaya (tukulush qaldaan ah)..."
see you soon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAAJI

Unrecorded Date
AXDI BEENAHLAMAGALO EE KII DANBE RAAC

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CagoBalaadh

Unrecorded Date
Hayebo sheeko xariir shimee abuu tiyaataro inta yimidna... anigaayeey, meehaan marax kasto walax lee kusoo qoraa.. faiza faruur dheer fairy-tell ka jooji yaah inta shineemo super/soomaaliya ama xadramuud/afrika maahinee day.... sheeko buruto ma socoheeso...Hadii walax sheegsid walaxoo run u eg sheeg hadii kaletoona hana noojin walax been ah beerka rig ha ku siinin... aaaaaaaaaaa!!! laabtaa i hureeso laab jeex aa ka qaaday sheekadaa Macbuudkoow i kaalmee...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sagal

Unrecorded Date
Salaamulaahi calayki walaashiis,
Waan kugu mahad celinayaa runtii sheekada macaan eeaad noo soo gudbisay iyo waliba waqtiga iyo juhdiga badan ay kaa qaadatey, ilaah haka abaal mariyo, runtii sheekadaadu waxay markii hore igalisay farxad iyo dareen cajiib ah, oo waxaan is iri ileen wali jaceyl waa noolyahay!
oo waalaga yaaba in aad one day la kulanto hal mid oo ku jeclaada adna ad jeclaato!
Haila yaabin macaanto wali maan dhadhamin dhadhanka jacaylka, mana arag wax in la jeclaado istaahila xitaa,
Ee waxaan marka hore kuleeyahay mabruuk macaanto in ilaah ku siiyey jacaylkii,
Marna waxaan ka xumahay in ay kugu noqdeen labo labaduba sidaan sheekadaada ka dareemay ay yihiin laba qofoo wan wanaagsan,
Macaanto wax kaloon kugula taliyo ma garanayee, ilaah ayaan kaaga baryayaa in uu kuu gargaaro kuna wa fajiyo halka uu qayrku kugu jiro oo aad waliba saciid ku noqonaysid in shaa alaah,
Walaal suurto gal ma tahay in aad nihaayada sheekadaada ii soo sheegtid adigoo raali iga ah runtii aad ayaan uxiisaynayaa in aan ogaado,
Waa sidan walaalo E-mailkaygu:
sagalahmed@hotmail.com
Waxaan kuu rajeynayaa guul iyo nolol ayatiin wacan inshaa alaah,
Qayr aan isku ognahay walaashiis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

G***

Unrecorded Date
To. Faiza

Horta marka ugu horaysa aan ku bilaabo dadkan ku haya waqti aan ku aqrino mahaysano & musal-sal waaye & ma soo gaabin kartaaye iwm & iwm."...Run ahaantii waa in aan u MAHADCELINAA walaasheen Faizo waqtiga qaaliga ah ee ay na siisay.".

Tan kale iyadu weey qortay, waajibkeediina weey gudatay. Marka cid idinku qasbaysa ma jirto oo dhahaysa " aqri ILAA wa ILAA". Marka aqri hadii aad waqti uhayso, hadii kalene isagaba aamus!.

Aniga ahaan sheekada macaankeeda waaba igu yaraatay.

Dib aan ugu soo laabto sheekadii qaaliga ahayd ee Faiso.

Walaashiis run ahaantii sheekadaada xaada ayeey ikicisay waana qiso fakar ahaan ii celisay 10 sano ka hor. Saan sheekada ula socdo waxaad moodaa
in qisooyinkaas markeey dhacayeen aan joogay. Taas oo aan kawado habka qurxoon ee aad usoo tabisay ( waxaadba ku fiicneed qoraa buugaagta jacaylka) waxaanba soo xasustay barbaamijkii "sheeko gaaban" ee uu sheegi jiray Idaajaa.

Talo ahaan walaashiis labadaan nin ninba ninka kale wuu ka daran yahay ! si ALLA si aan yeelo garan mayo !, laakiin MID ayaan la yaabay! ninkan aad qurbaha isku barateen & kii dariska aad a haydeen soo saaxiibo ma ahayn ? Kan dariska kula ahaa hadii uu ogaadey in saaxiibkiis aad is guursan rabtaan muxuu udhabar jabshay saaxiibkiis mise wuxuu ka waday ( Nin & xoolihiisa aragti aa ka dhaxaysa)?. Iyakii xiriirkooda sidee yahay ?.

Maanta garan mayo mid aan ku dhoho dooro, laakiin arintaan waxaan ula tagayaa waayeelka & indheergaratada. Lol.

Filinkaan gaba-gabo uma eka, marka Faaisoow waxaan kaa codsanaynaa in aad mar walba HEAD-LINE-yada nala soo socodsiiso, xitaa BREAKING NEWS !.

Ugu danbayntii M A H A D S N I D

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

raxmo

Unrecorded Date
To faisa

Abaayo aad baad ugu mahad santahay waqtiga qaaliga ah ee aad noo hurtay inaad noo gu soo qorto arin adiga ku qusaysa, anagan ala hanaga dhigo kuwii kusiiya talo wanaagsan.

Qisadan aad soo qortay ma aha mid sahlan runtii waxay ubaahan tahay inaad waqti siisid isla markaana aadan ka dhumin wiilashan ku jecel.

waxaan se anigu ku dhihi lahaa ilaahay tala saaro
midkii qayr kuugu jirana ala haku waafiqiyo sidaey walaasheen sheegtay waxaan uku dhihi lahaa midkii diinta ku fiican daacadna kuuah raac.

Miskiinka labada sano aad la socotay hadii uu ku qanciya ha udayma la,aan inleeyn ma fiicna inaad nabsi gashide.

Aniga waxay ila tahay waqtigan la jooga inuusan jirin nini u guur la,aanaya gabar inay dhimatay iyo inkala uusan ogaynee walaalay hadalkan dib uraac.

waxaan ilaah kaaga baryayaa in ilaahay dhinac wanaagsan kugu hagaajiyo.

Bye sis.......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hodan

Unrecorded Date
faiza
abaayo mahadsanid sidaad sheekada noloshaada aad noola qaybsatay.
abaayo waan ka xumahay inay kugu adag tahay to make a choice between these guys whom you both love.
waxaan kugula talin lahaa inaad wiilkaad deriska ahaydeen arintiisa aad ka fiirsatid maxaa yeelay wax badan ayaad kala maqnaydeen, ma yaqaano dabeecadaada wakhtigan xaadirka ah, adiga xitaa dabeecadiisa ma taqaanid the only thing that you're sure about him is that you've loved him since you're very young.
on the other hand the other guy you know him well, you've been through alot with him, dabeecadiisana waad taqanaa.

marka abaayo ka fiirso these reasons.
I hope you'll make the right decision which will make your life happy.

may Allah be with ya sis.
ps. I used to go Yassin Osman too! which grade were you in 1990?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faiza

Unrecorded Date
Walalayaal waad ku wada mahadsan tihiin fikradaha kala duwan ee aad i kala siiseen mid kasta waxa ay ila muuqataa mid macquul ah.

To Dhoodaan,
Walaal waad iga qoslisiisey, walaal waxaan ku iraahdo ma'aqaan oo sheekadani waa mid ku saabsan nolasheeyda mana u baahna in laga qoro buug saa waa mid aan go'aankeedu ilaahey ma'hee cid kale xukumi karin saa ilaah baa og meesha ay ku dhamaan doonto. Waloow aan hadaladaada danbe aanan garan waxa aad ka wado.but anyway thnks.

To Sagal,
walashiis waad ku mahadsan tahay fikradadii.

To G***,
Walaal waad ku mahadsan tahay adna waqtigaaga qaaliga ee aad xoogaaga iga siisey. Su'aalihii aad i weeydiisey eey ay ahaayeen, Walaal labada wiil saxiibo weey ahaayeen oo magaalo wada dagan ama iska war hayo ayeey ahaayeen midka aan qurbaha aan ku bartey wuu ka war qabi jirey in wiilka aan dariska aheen sheekooyinkiisa hore iyo in uu jeclaa gabar ay daris ahaayeen lakiin miyuu u maleeynaayey in ay arintan ay tahay mid asaga ku soo laaban doonta, Walaal iyaga xiriirkoodii hada wax aan ka sheegi karo ma jirto sababtoo ah midna ma jecli in aan midka kale aan arimihiisa hoose ka wareeysto, sababta aan sidaas u leeyahay waxa ay tahay waxaan rabaa in aan midkasta in aan ogaado ama aan waqti gaar ah la qaato oo hadaan labada midka kan kale wareesto waxa ay ila tahay in aan buuq ka qaado oo midba midka kale ayuu duqeenayaa taasna waxaan go'aan ku gaarey in aan labadoodaba waqti gaar ah siiyo midkiiba.

To Raxmo,
waad mahadsan tahay walashiisa, abaayo wiilka aan labada sano aan jeclaa abaayo waan jeclahay lakiin niyadu miyeey labo noqon.

To Hodan,

Abaayo thnx fikradaada qaaliga ah ee aad i siisey lakiin waxaan kuu sheegayaa jaceeylka yaraantaada ku soo marey wuu ka cajiib badan yahay midka aad weeynaanta aad ku qaadatey saasna waxaan u leeyahay wiilkaan waxaan jeclaa yaraanteeydii iyo weeynaanteeydii oo si bi'niyaad ayaan u jeclahay mana aamin sani in ay tahay mid iga baa'bi doonto si fudud oo waxaan dareemaa ama aan aaminsanahay in markasta aan la joogo ama aan waqti aan la qadaanaayo in an ahay qof happy ah oo wax ka maqan ay san jirin, lakin wiilki kale ee aan gursan lahaa oo asna waan jeclahay oo jeceelkiisa waxa uu ahaa mid aan maalinba maalinta ay ka danbeeyso aan sii jeclaanaayo oo igu sii kordhaayo lakiin jaceylkeeygii hore waxa aan dareemayaa in uu yahay wax iga lumay oo aan helay.

ps. Realy! i was 8 grade in 1990, what about you? which glass you were in?

Faiza

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hodan

Unrecorded Date
hi faiza
sis I can't imagine what you're feeling because I've never been in that kind of situation.
I wish you all the luck in the world.
sis do you mind telling me where do you live?
by the way I was in grade 7.
tell us more, xagee xaal marayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CiiseRooti

Unrecorded Date
Ummmmmmmmmmm uh!!!!! Labada inta cagta ku dhifatid
somalinet add la imow, markaas baanu falanqeeyn

other the than that

peace till next time

CiiseRooti

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHALXA

Unrecorded Date
salam alaykum waramatulaahi wabarakaatuhu.

walaal faisa marka ugu horeysa wadaad iga gadoontaa salaan add iyo add qiimo u leh.

salaankadib walaal waad ku mahadsantahay sida aad usoo weydiisatay tallo,dad walaalahaa oo kale.
waxaana fiican marwalda markuu qof walaalkaa ookaale tallo ku weydiisto in aad sifiican kuga jawaabtid.

walaal sida aad lasocotid hadaanahay somali 99% waxaan nahay dad muslimiin ah.karma harimahaan oo kale waxaan u laabaneynaa, KITAABKA QUR'AANKA KARIIMKA AH IYO SUNNADII NABI MUHAMMAD SA'LALAAHU CALEYHI WASALAM. MARKA AAN KU BILAABNO QUR'AANKA KARIIMKA AH.

1.ALLAH WUXUU YIRRI"OW FUU BIL CAH DI". BALAMKA OO FIYA. Sidaan ok soonahay BALAMKA OO la oofiya waa xaqq. Balamada oo lis kaga Baxaayo WAA arin qatar ah. waxaana loo yaqaan dadka balamada buriya MUNAAFIQIIN, si daan lasocono MUNAAFIQIINTO dadka ugu hooseeyo naaraha ALLAH HANAGA KORIYO ANIGA IYO IN TII MUSLIM AH.
WALAAL AAN TU SOO LAABTO MEESHAN POINTKA KARABAY.
AAYADAN KOR U QORRAN WAXAY OOS IMAANAYSAA WIILKII AAD GADAAL KABARATAY, MAXAA WEELAY HADDAAD KA QAATAY BALAN IN AAD GUUR SANAYSID, WAA IN AAD BANALKAAS OO FISID.HA DAADAN KA QAADIN BALAN WAAD FIICANTAHAY. ANIGA WAXBA MAGO'AAMIN AAYADA AYAA WAX GO'AAMISAY.

2.XADIITH AYAA JIRA OO LEH "WAR NINKIIN YUU DOONIN GABAR UU WALAALKIIN DOONAY".MACNAHA MA AHA WALAAL KAA KULASHAY KALIYA, EE WAA QOF WALBOO MUSLIM AH. MARKA HADDAAN DIB UGU LAABANO 2 DII WIIL, WAXAAD OO SHEEGTAY IN KII DANBE OO KALIYAH U DHIN'NAA IN UU AABAHAA USHEEYO,SI SAAS DARTEED KA DANBE AYAA KU LEH. ANIGOON QOFNA AAN RIIXAYN LABBO DOODABA AY WALAALAHAY YIHIIN. WALLAAL ANIGOON AQOON DHEERLEH U LEHEYN SHAREECADA ISLAMA,LAAKIIN WAXAAN KUUSHEEGAY WAXA AAN KA GARANAAYO.

ANNIGA IFRAD AHAANTEYDA WAXAA ILLA HABOON IN AAD LABBA DOODA AAD ISKUYEERTO MAALIN AADNA DHAHDID. NIMAN YAHOW I DHAGEYSA NIMAN WAXAAD TIHIIN MEEL AAN OGAHAY IIGA YAALA MIDKIINA MIDKA KALE KAMADOORANKARO EE HADAAD ISKAKEYCAFISAAN KAWARAMA.HADII MIDKOOD SABRANA WAA SIDII LARABAY.
LAAKIIN BAA KAHOREYSA, HADII AAD KA QAATAY BALAN ADAG WIIL KII DANBE MARINTA MARKAAS WAYISBADALI WAXENYA ULAABAN AAYADII KOR AAN KU SOO SHEEGNAY.
HADAADAN BALAN ADAG KA QAADIN WAXAA ILA HABOON ANIGA IN AAD KUTIRAAHDID SII AAN KOR UUGU SHEEGAY.
KADIBNA HADDEY SAAS KAAYEELAAN AAD ISKA SUKTID MID MASAAKIIN AH. MARKAAD MISAAKIINKAAS HESHID ISBARTA HORANA ISKU GUURSADA.KUWII HORANA U DUCEE IN ALLAH IN ADOO KALE U SAHLO IYO IN AY AYAGANA KUU SOO DUCEEYAAN... WAA OGAHAY IN AY KUGU DHIBBADANTAHAY ARINTAAS LAAKIIN WALAAL ANIGA SIDAAS AYEY ILA TAHAY,WAXNA MAAKA HAGRANAAYI.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cumar

Unrecorded Date
faysa, heesbaa tiraa axdi ruux galee oofin waayabay, qabataa ishuye. walaal aniguu nafsi isoo maree dabaday, jirow kajoog.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Malik

Unrecorded Date
This is one of the best-love story that I ever read. It feels like I was in the other-side of the drama. I Felt every Part of the Move. Faiza A're U thinking about making Movie about this Drama. I will be the 1st to act for free.

For my Advise please flow your heart. and Twakal Alla-Lahh, You will be fine after all Becouse you have two love, Lucky for you!!!!

By Malik

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUSLIMO

Unrecorded Date
FAIZA

SALAAMU CALEYKUM WARAXMATULAAH YAA MUSLIMIIN WALAAL MACAAN MARKA HORE AAD AYAAD U MAHAD SANTAHEY SIDA QIIMAHA LEH EED WAQTIGAAGA QAALIGA AH AAD NOOGU QUURRTEY SIDII AAD NOOGU SOO GUDBISEY SHEEKADAN AADKA U MACAAN HADII AAN WAX KA E RAAHDO XAGII TALDA WAXAAD AAD UGA FIIRSATAA IN AANAD MARNABA AANAD GELIN WAX NABSI AH AMA AANAD KA EEXAN INAN KII AAD AXDIGA KA QAADEY OOD BALANKAA AANAD MARNABA KA BIXIN " ILEEN NABSIGU WAA BELO EH" WAA EGA TALO WAA WALAASHAA MUSLIMO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SABRIYE

Unrecorded Date
Sabriye,

To Faisa,
walaalay bal tana iga dhegayso.

"waxaan uurka kaa jirin, afka lagama sheegoo
afeeftoo horeysiyo, adkeysimo dambeetaa
mid un lagu ekaadaa,
afka baasi hadal iyo, aar wuu ka waynaa
jacaylkaan abuuriyo, axdigaynu dhiganee
mee ololeheenii,
isku maan ogayn inaad oofin waydee
iskumaan ogayn, inaad bixiso aayaha
iskumaan ogayn, inaad araxi goysee
iilkiyo xabaashana inaad ii horseedee
ASAAGAY IGA REEBTEE -----------------"

MARKA WALAALO ARINTAADU MA SAHLANA SIDEEDABA
LAAKIIN WAX WALBANA HADII ILAAHAY LOO XILSAARTO
XAL LOOMA WAAYO LAAKIIN ANIGA SABRIYE AHAAN WAXAAN KU LEEYAHAY AMA ULA JEEDADA HEESKU WAXAA WEEYE AXDIGAAD GASHAY HAKA BIXIN SABABTOO AH HADII AAD NINKA AAD YARAANTAADI JECLAYD WELI ISKU SI U JECESHAHAY NINKAN KALE MAADAN JECLAATEEN.
I UNDERSTAND HORE INAAD U JECLAAN JIRTAY AND I AM NOT JUDGING YOU BUT LET US FACE IT SIS YOU AIN'T GOT TWO HEARTS BUT ONE. SEE WHERE THE HEART IS!!!!
HOPE I HELPED. BY THE WAY I LIKE YOUR WRITING

HULLO SAYS SABRIYE TO SIS CAJABO KEEP UP GIRL.

ALLAH GABDHAHEENA SOOMALIYEED MAGACYO WANAAGSANAA
ALXAMDU AL SHUKRI.
PEACE & LOVE YA'LL

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.