site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Wxaan u baahnay taladiina.

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Sept. 2000): Wxaan u baahnay taladiina.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warsame

Unrecorded Date
Aabahay iyo hooyaday ayaa dhibaato ka dhex taagan tahay waqti badana waxan isku dayay in xal u helo laakiin iima suuro gelin waayo meel lama joogo waxaa dhacday in aabe hooyo garaacay weliba labada gacmoodba ka jebiyey oo furay. hooyo waxay ii sheegtay inay i habaarayso hadii aan aabe xiriiriyo aabena ma goyn karo oo waa aabahay waana ka qarin jirey markaan aabe wax u durayo hada way ogaatay lacagtii aan hooyo u diray dib bay usoo calisay wayna i habaaraysaa maalin kasta aabena ma goyn karo maxaad igula talin lahaydeen..........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shabeelnaagood

Unrecorded Date
Salaam Warsame...
Walaal dhibaato adag weeyaan..
Laakiin waxwalba adduunkan xalbay leeyihiin...
Aniga waxaa ila quman inaad arimahan samaysid:

Marka hore Hooyo kayeel oo waxaad tiraahdaa, waayahay waan joojin...
Marka xiga isku day inaad lacagta u dirtid walaalkaa ama walaashaa dibada joogta (ood kala hooyo tihiin) hadday jiraan...

Laba magaalo mala kala dajin kartaa?

Haddaysan arimahaas kuusuuragalayn...nala soo socodsii...Walaalaheen kalana wixii talo ah hasoo daayaan....
Salaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sheikh Ali

Unrecorded Date
ahahahaha wax waalan badanaa.
Hooyo soomaaliyeed oo lacag ha u dirin aabahaa wiilkeeda ku oraneysa maba jirto si kastoo loo xumeeyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kadra

Unrecorded Date
WALLAAL AABE SOUNDS LIKE AN ABUSER FATHER, HOOYO MACAAN DURUUFIHII ADUUN BAYBA LA TAAGDARANTEY IYO
XAALADA SOOMAALIA EE SHE DOESNOT DESERVE IN GACMAHA LAGA JEBIYO, WALAAL HOOYO U SII Badi una naxariiso, haddaad u tagi karto u tag oo bal arinta soo dhexdhexaadi hooyana ka dhaadhici in ay caloolyow kugu keenayso dhibaatada taagani ee waxtar iyo kaalmo uun aad u la diyaar ahey labadoodaba. Ee aad re assure gareyso in aad iyada mar walba u badaninayso illeyn xaqay kugu leedahay baa badane!
ehellada ku haggaaji lacagta oo toos midna wax hawgu dirin kala badbaadi in taad isku deyi karto oo dabka ha sii hurin!goodluck

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qarxis

Unrecorded Date
KADRA WHO MADE YOU JUDGE AND JURY? HOW CAN YOU CALL THE FATHER AN ABUSER? YOU SOUND FAKE TO ME.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sacdiya

Unrecorded Date
walaal aniga waxay ila tahay inaad ninka hooyadaa dilay aabe xun weeye waa inaad u tagtaa oo isagana labada gacmood ka soo jebisaa waayo waa sidaa xaqiisu adiguna doqon ayaad tahay hadaad lacag u dirto anigu waxan kugula talin lahaa inaad goysid ninkaa oo aad hooyadaa lacagta udirto tiisa iyo teedaba waayo hooyo sagaal bilood uurka kugu siday xanuunkula soo martay kusoo korisay naaskeeda aad nuugtay..... ILAAHOW HOOYO U NAXARIISO WIXII DHIBA ILAAHAY HA DHIBO......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdi

Unrecorded Date
walaal aniga waxay ila tahay inaad llabadaba ka ducaysato hooyo hadii ay dhahdo aabo goy waa khalad mida kale adigu nin ayaad tahay ma tihid gabar waayo gabdhaha ayaa lagu yaqaan inay hooyada la saftaan oo aabaha ka hor yimaadaan sida gabadha hadalkeeda aan u fahmay waa khalad inaad aabe la dagaasho iska dhaafe hadal uu dhibsado ha ku dhihin waa aabahaa wuu ku dhalay kusoo koriyey wanaagaaga ayuu weligii jeclaa la'aantii ma jirteen walaal aabe naxariiso...ILAAHOW AABE U NAXARIISO WIXII DHIBA ILAAHAY HA DHIBO......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qarxis

Unrecorded Date
SACDIYA + ABDI = LAGAROONE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mahad

Unrecorded Date
Sacdiya and kadra
my mom is abuser toward my father, biyo kulul beey ku korshubtay isagoo jiifa dhowr marna 911 beey ugu wacday oo waa la xeray isagoon waxba ka sameyn..he is still with us because he cares us me and my sisters...i'm 18yrs old boy and will u advise me inaan habartey xumeeyo oo aan gacmaha ka jebsho ama aan biyo kulul ku daadsho...kadra&Sacdiya please give the guy good advise not inaad tiraahdaan aabahaa gacmaha ka jebi ama xumeey....waalidka xumaanta dhex taal iyageey u taal oo adoon dhalan beey is yaqiineen laakiin wiilka waajibkiisa waa inuu labada waalid u wada naxariistaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KADRA

Unrecorded Date
To QARXIS who the hell are you?! I DO NOT GIVE A DAMN WHAT KIND OF PERCEPTION YOU HAVE ABOUT ME!
HECK WITH YOU!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KADRA

Unrecorded Date
WALLAALO MAHAD
WAAN KA XUMAHEY DHIBAATADA KU HAYSATA EE LABADAADA
WAALID KA TAAGAN IDINKANA KORITAANKIINA AAD BEY U SAAMEYNEYSAA, EE HADAAD QORAALKEYGA DHUUXDO MARNA MAAN ODHAN GACMAHA KA JABI AABAHAA EE WARSAME FALALKII FOOSHA XUMAA EE UU AABIHII HOOYADII KU SAMEEYEY AYUUN BUU NOO SHEEGAY ( MEANING ONLY ONE SIDE OF THE STORY). ADIGANA WAXAAN KU ODHAN LAHAA
ILAAHEY HA ISU SOO HADEEYO WAALIDKAA. PERHAPS YOU COULD TALK TO YOUR MOTHER ON GOING TO COUNSELLING OR GETTING PSYCHIATRIC HELP OR AN ANGER MANAGEMENT COURSE! MANY TIMES PEOPLE WHO ARE PHYSICALLY OR VERBALLY ABUSIVE SUFFER SOME SORT OF MENTAL ILLNESS SUCH AS AXIETY DISORDERS, DEPRESSION, BIPOLAR OR MANIC DEPRESSIVE.IT CAN BE STABILIZED THROUGH MEDICATIONS.YOU WILL BE AMAZED THE OUTCOME AND THE POSITIVE BEHAVIOUR CHANGE. GOODLUCK TO YOU TOO!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KADRA

Unrecorded Date
I MEANT AN ANXIETY NOT AXIETY, KADRA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warsame

Unrecorded Date
walaalyaal aad baad ugu mahadsan tihiin talooyikiina sacdiyo walaal aabe inaan dilo iska dhaafe hadal xun kuma dhihi karo waayo waa 70jir 7 cunug oo 10jir ugu wayn yahay ayuu haystaa cid aan aniga ahayna uma maqna gurigii kali ahaa uu hanti ka lahaa aniga dartey buu u gaday si aan ugu soo dhoofo..hooyo macaana waxan ahay indhaheedii waayo kaligay ayay dhashay waana garanaysaan hooyo wiil kaliya dhashay wax kastoo ay dhahdo waa inaad dhahaa YES..labo magaalo inaan kala dejiyo ayyan isku dayay laakiin ma suuro gelin...,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xasan

Unrecorded Date
walaal waxaan ku raacsanahay figradaha ay soo jeediyeen khadra iyo shabeel naagood oo aan leeyahay ilaahay kheyr haydinka siiyo sida xishoodka iyo akhlaaqda leh ee aad ula taliseen walaalkeen waxana la yaabanay ninka isku sheegay qarxis meeqa magaalo ayaad soo qarxisay ilaahay ka cabso oo waxaad ku hadlayso iska hubi walaalkay warsame waxaan ku leeyahay walaalow ilaahay taladda toosan ha kugu duwo waalidkaana dhexdhexaadi ilaahay ha kuu naxariistee//////////

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kadra

Unrecorded Date
Aamiin xasan! kadra

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kusseey

Unrecorded Date
TO WARSAME:::

walaal marka hore iga gudoon salaan( asalaama aleykum)

warsame walaal tan ku heesata waa imtaxaan adag oo sida looga baxo adag.......anigase hadaan damco inaa kuga caawino imtaxaankan .....walee waan tijaabin .....horta go'aan ma gaari kartid oo dhan hooyo ama aabe uma ogi kartid......hooya kuma qaldana ineey ku dhahdo aabe lacag ha u dirin .....ileen hooya dhibaato weyn beey martay ...walaahi markaan maqley aabe hooya wuu dilay ilin baa igu soo istaagtay........sedee baa nin rag oo bari jeclee xaaskiisa u feeri karaa uuna gacmaha uga jajabin kara na??? bismilaahi ....aboowe iga maha inaa adiga spotlight ku dhigo oo aan ka jawaab ku dhaho......waan ogahay ma aboodid inaad ka jawaabto su'aashee lakiinse dhibkan iska adkeeso oo hoooyo iyo aabe midna ha xigsan.....waxaad sameesaa tuko salaad extra ah ....duceeso walaal ......ilaahey 24/7 wuuna imtaxaamayaa so adiga tan waa kuu imtaxaan ee wardiyada iyo ducada badso.....

waxaa ilaahay na farey ....marka qof walaalkeen oo mumin ah dhibaate heeso inaa u sheegno kheyrka

marka aboowe waxaan ku oran laha ....ducadatan aan ku sheegi rabo akhriso si imtaxaanka ala kuuga fududeeyo

(Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun, Allaahumma u'jirnii fii musiibatii wakhlufnii khayran min-haa)

markaad intaas aqridid
ala waa ku kalmeyn oo kuugu beddeli imtaxaanka xaalada ka weyn oo ka fiican

ps: if u need an expalanation of da ducas ...pleez feel free to ask me ok

nuff love
kusseey

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.