site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ISAGE IMADIIDANEE SIDAYDUU DUBAAXIYAA (QABIIL IYO JACAYL KEEBAA LA RAACAA?)

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Sept. 2000): ISAGE IMADIIDANEE SIDAYDUU DUBAAXIYAA (QABIIL IYO JACAYL KEEBAA LA RAACAA?)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QABIILDIID

Unrecorded Date
SALAMA ALAYKUM SOOMAALAAY DHIBAATAA IHAYSATA TAASOO AY SAMEEYEEN SOOMAALIDU WAXAAN AHAY 22 JIR WAXAAN WADA SOCONAY 4 SANO ILAA IYO MAALINTAAN 18 JIR NOQDAY WIIL WIILKA MARKII HORE ANIGUBA WAAN KA YARA BAQAY WAAYO WAXAAN GARANAYEY QABIILKIISA INUU MUSHKILAD II KEENI DOONO HADANA FRIENDS WALAALO AH YAAN AHAYN MARKII DANBE WAXAAN OGAADAY IN AAN JECLAHAY WAANU SHEEKAYSANAY WAXAANU KU HESHIINAY INAAN REERKA YAGA KEENO REERKII LA KEEN LAAKIIN WALAAHAY IT WAS NOT GOOD IDEA WAAYO HADA ANIGA WAALIDKAY WAXAY ARKI KARI LA YIHIIN WIILKII KEENAY EE KUSOO DHAWEEYEY WADANKAN EE KA DABAALSIIYEY QURBAHA AFARTAA SANO EE AANU SAAXIIBKA AHAYN WELIGII XAARAAN IMA WEYDIISAN GUUR MAAHANEE WAA WIIL WADAAD AH WAX DHIGTAY KARTI LEH QURUX ILAAHAY SIIYEY HAL WAX BAA LAGU DIIDAY WAA QABIILADA SOOMAALIDU YASTO OO AAN ILAA IYO HADA LA AHAY SABABTA WAAD FAHANTEEN WAAN JECLAHAY ALLAHA DAAYEE WAANA I JECELYAHAY HADA OO AAN WAX WALBA DHIGANAY WAXAA REERKU YIDHAAHDEEN AMA ANAG AMA "MIDGAANKA " WAXAAN IDHI HOOYO AABBE WAXAA MIDGAAN AH WAXAAN DIIN IYO SHARAF LAHAYN EE DAAYA WIILKA WAXAY DHAHEEN HADAAD GUURSATO FIRKEENA MATIHID HOOYADAYBAA UGU DARAN OO TIDHI WALAAHAY DHAR LA AAN BAAN SOCONAYAA AMA IQAAWI AMA IYEEL MARKAA IDHI HOOYO MACAAN KAAMA MAARMEE HAY DHIBIN WAXAY TIDHI WAX KALE ISKA DAAYEE BAHDA KALAA NA CAAYEYSA WAXAAN IDHI HOOYO WIXII XUN BAA LAYSKU CAAYAA WAXAY TIDHI " NAAYAA WIXII CAY LEH IYO WXAAN LAHAYN ANIGA I BARI MAYSIDE AAMUS" MARKA HALKAASAA ARINI MARAYSAA INANKII WUXUU YIDHI MACAANTO WAAN KU JECLAHAY LAAKIIN WAKHTI QAADO OO MA DOONAYO INAAD ADUUNKA KU DHAMAYSATO QIIRO IYO WAL WAL IYO WALBAHAAR EE BAL AANU ISKU DAYNO INAANU WAALIDKA QANCINO INTAY DOONATO HAQAADATEE WAX WALBA WAXAA UGU DARNAYD MARKUU REERKA U YIMID EE UU UKEENAY KITAAB YIDHI I TUSHA AAYADA DHAHAYSA MA GAYO GABADHIINA HADAAD I TUSTAAN ANAA RAALI IYO XAAL IDIINKU DARAAYA HOOYADAY WAXAY KU JAWAABTAY " WAXAAN NASABIYAD LAHAYN OO KAA INDHO ADAG MALEH" AABAHAY (STEP -FATHERKIINA WUXUU DHAHAY NIN SHARAF LEH BAAN AHAY EE SHARAFTA HAYGA QAADINEE DOONO WAX KULA MID AH MAXAAD UGU WAREEGAYSAA WAXAAN KULA SINAYN" AAD BAAN UGA XUMAHAY ARINTAAS LABADA DHANBA WAAN RABAA HOOYO MACAAN LAGAMA MAARMO OO WAA MAHURAAN . INANKANA KAMA MAARMO SAA CAASHAQBAA IHAYA OO WAA NAFTAYDA RAAXADAEEDEE SIDEE LABADABA U HELAAA OO NAFTA UGA FARXIYAA!!!!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Marwo

Unrecorded Date
Salaamu calaykum,
Walaashay hortu mushkilad baad ku haysata runtii.
reerkiinuna way ku khaldanyihiin inay nin fiican ood diintiisa iyo bani'aadnimadiisa ku qanacsantahay iyagana wax u taray oo soo kaxeeyay kuu diidaan. sister ninkii ilaahay wanaagiyaa wanaagsan wanaaga iyo akhlaaqduna qabiil iyo nasab ma laha....waanan ka xumahay inay dadkeenii ilaaween qadarintii alle iyo diinta ooy dhaqan xun oo khariban diin ka dhigteen.
Sister hortu ku odhan maayo waalidkaa caasi oo wiilkaa ka raac kuna odhan maayo wiilkaa aad ku qanacsantahay ee muslinka fiican ah qalbigiisa jabi oo sababta kaliya eed uga tagtaa qabiil ha noqoto...laakiin walaashay bal ha degdegine waalidkaa ku noqo oo tijaabi inaad ka dhaadhiciso si aanay hadhow xagooda cuqubo kaaga gaadhin, wiilka laftarkiisu culimada diinta ama dadka diinta yaqaana ee xagiina jooga hala kaashado oo haka isku dayaan inay reerka ilaahay wuxuu amray ama diinta alle siday tidhi ay ka dhaadhiciyaan.
Markaa ka bacdi walaashay haday wali diidaan dee waxaan u malaynayaa inaan danbi kaa saarayn adiga eed wixii happy kaa dhigaya aad ku kacdo waayo guur xalaala ayaad rabtaa nin fiican oo ahlu diinana waad rabtaa haday kula garan waayeen walaashay iska guurso, oo intaad xaaraan ku dhici lahayd waxaa laguu qaatay adoo kaad rabtay xalaalaysta reerkuna way iska soo dagi markay arkaan gabadhoodii oo nolol fiican ku nool oo nin diinteeda iyo dhaqankeeda u ilaalinayaa qabo.
walaashay Cadhada waalidku ma waarto mar uun bay ku saamixi. Ilaahay wuxuu yidhi (ina aqrabakum ila laahi atqaakum) ama ninka ilaahay idiinku dhawi waa ka idiinku cabsi badan...rasuulkuna calayhi salaam wuxuu yidhi (dadku waxay u siman yihiin sida ay ilkaha shanladu u simanyihiin) walaashay waynu ka simanahay ilaahay hortii markaa intaa qalbiga ku qaboojiso.
Laakiin hortu intaanad ku kicin wado kaste ood is leedahay wax inay ka bedesho ayaa laga yaabaa soo qabso oo ku day.Haday ka hagaagi waydose iska guurso hadaad qaangaadh tahay, waayo gaangaadhku way is guurin kartaa walaashay.
Ilaahayna hakula qabto dadkeenana alle hasoo hadeeyo oo dhaqankan foosha xun ilaahay dhibkiisa iyo macsiyada ay ilaahay ka galabsanayaan ha tuso oo haka soo hadeeyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KADRA

Unrecorded Date
Wallaal masaajidka kuugu dhow tag iyo waadaadada weydii in uu meher ku qabankaro waalidkaa hadey diideen,waad yartey weli ee wiilka date garee iyadoo aad guur xalaala u sii gogol xaadheysaan
hoostana iskala socda idinkoo waalid ku idin ogayn
i mean take a pager,cell phone,work n#, or through friends to contact,whatever works to keep
him distant from your parents to decrease the tension at home.MARKAAD WAXBARASHO FIICAN IYO SHAQO WANAAGSAN KU DADAASHAAN MOVE TO A NEW PLACE
AND BE WITH YOUR DREAM MAN, FIRST CONSULT THE PARENTS AGAIN IF THEY STILL DONOT APPROVE GO BY WHAT MOSQUE PEOPLE SAY TO YOU, GOODKUCK.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAN_SAGINELIAN

Unrecorded Date
WALAAL BERYAHAYANBA CID CID LATASHATAA IYO CID ISGUURSATAA AYAA ISKA YARBA EE HADAAD INANKA JECESHAHAY ORODOO LA DURDURI.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAAJI

Unrecorded Date
WALAAL WAA SU ALL ANN SOOMAALIDU IS WAYDIIN YAA MIDGAAN AH IYO YAAN MIDGAAN AHEEN
HADA WAXAA AY SOO JIRTAY ARINTAAN WAQTI AAD U TIRO BADAN MIDGAAN WAXAA AH KII AAN WAX SOO SAARAN KARIN EE DADKA TUUGSADA AMA WAX DADKU KAFAANO SAMEEY. BALSE WAXAAN WAX AA ORANAYAA ARINTA AAD SOOMALI OO IDIL U SOO BANDHIGTAY ANIGOO HA WIIL DHALINYARO JIRAN 25 SANO WAXAAN KU SOO KORNAY DHAQAN AAD U XUN BALSE NIN WALBA WUXUUBARTAY AYAA ADUUNKA U LAQURXOON. WAXAAN KUGULA TALIN LAHAA WAA LAHELAA WAX KUJECEL LAAKIIN LAMAHELO WAX KUDHALAY. HOOYON XASUUS IN AY JIRAAN KUWO RAACAY GAALO AAN ADOON SARJIRAY OO KA FAANIJIRTAY. HA IGA XUMAAN NIN QABIILIISTE MAA WAA DHAQN XUN OO SOOMALIYEED. WAX YIRAADEEN GUURSO WAXAA TAQAAN HA KUU DHALAAN WAXAA TAQAANID
MAC NAHEEDO WAA SIDAA WAXAAN QABILLKOOD JECELNAHAY GUURSO WAAN WAXAAN JECLAHAY ARAGNEE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Colonel sangawi

Unrecorded Date
Colonel Sangaawi

To Qabiildiid

W/calaykum sis walaal waan ka xumahay arrintan waana arrin caqiido(Aaminaad)jahli ah qofka muslimka ahna gaarsiin karta Gaalnimo!! walciyaadu BILLAAH hadduu ku adkeysto loona sheego in waxan alle uusan xaarantinnimeyn ee uu xaaraantinnimadeeda ku adkeysto waxad ogaataan in qofkaasi la yimi arrin islaanimada uu uga baxayo! gaalna uu noqonayo walow ha soomo,salaado....U noqda oo eega kutubta caqiidada qofkii english iyo carabi yaqaanna labadaba waa helayaa. Arinta gaalnimda waxa daliil ah aan soo arkey anigu waxan weydiiyey Gabar somaliyeed keebaad Guusanlahayd NIn Muslima oo Midgaana iyo Gaal qurmuune Gabadhii soomaliyeed waxay si fudud ugu jawabtey Gaalka!!!! marka bal arrinta Islaamnimo halkasey ka taagantey

Midda kale waa cumsiriyad aan geed loogu gabban!! Aduunkana sida loola dagaalamayo waad la socotaan marka wadamada qaarkood qofka lagu soo cadeyona waaba xarig. Nebigu salawaatullaahi calayhi wasallam maalintii bilaal nin saxaabi ah yiri ina hooya madoobe! waa tii nebiga salawaatullahi calayhi wasallam uu ku yiri qof weli jahli ku jiraad tahay ninyaw!!jahlina islaamku waxa uu u yaqaan Gaalnimo Marka som.maryooley horta saa ogada.

Walaashey midda aad tiri Hooyadey maryaan dhigayaa!! nin saxabi ah oo islaamey baa hoyadi tiri cunta cuni mayo illaa aad islaamnimda ka baxdo!! markasu cuntada u keenaa oo yirada hooyo cuntada cun wallee hadaad toban naf leedahay oo mid mid kaga baxeyso ka yeelayee cun illaa ay markii dambe dantu u runsheegtey oy cuntey. Marka walaal hooyadaa dharna ma tuureyso ugana dig in Islaamnimadeedu khatar geleyso oy arrintu ay khatar tahay. Aniga wiil aan walaalo nahay baa arintado kale qabsatey Nimaan jixinjix aqoon buu ahaa ayaamo uun baa lahadley danna uma gelin maxa laga qaadi karaa hee. marka walaashey ALLE talo saaro iskuna dey inaad qancisaan. Hadey diidaan! waalidka lagu adeecimaayo caasinimo Rabbi waad ka tashanaysaan arrintana Dadka islaamka oo idiinku dhow ugeysta. Qabiil iyo cunsuriyadna qashinka ku dara ALLENA waxan idiinka baryeynaa in uu isukiin barakeeyo. w/calaykum walasshey iiguna salaan walaalkey dhaba(fil Islaam)waxba hays mashquulin ku dheh ilaahay umaddeena jahliga ha ka saaree.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sandra

Unrecorded Date
Soomaali oo dhan baa midgaan ah, waa wax wada fool xun oo madmadoow oo tiibisho wada qaba ...god help u guysssssss. last person i ever marry is a Somali man..caatonimo aad u dhimaneysaan maxaad faantaan, sex kana kuma fiicnidiin.....kuligiin waa jaahiliin....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAAAJI

Unrecorded Date
TO SANDRA
MEESHAN LAGUMA WAYDIIN SEX IYO IWM HABA EE GABDHU WAXAY KU WAYDIISAY FIGRAD WAXA AAD KAQABTO.
WAXAA TAHAY KUWA KANAANA AABAHOOW ADEERKOO WALAALKOO SOMALI MAN ARE THE BEST MAN THE CLEANS THE SWEETYS. MADOW AA KACARAREEYSID U ARE ONE OFF US REMEBER THAT U ARE BLACK U ARE AFRICAN U ARE SOMALIAN. WAXAA TAHAY QOF DACIIF AH OON AQOON WAXA AY TAHAY DHALASHO. ADUUNKA WAXAA U GUXUN QOFRKA CAAYA JIMSIYADIISA DHAQANKIISA IYO DIINTIISA. HADII AY TAHAY TAN UGUXUN WUXUU KU QAS BAN YAHAY IN UU AMAANO. WAXA ADIGA IYO FIGRADAADA WATA SOMALI MAN MAQIIMEEYO OO GUUR KAMARAADIYO.
SO GOOD LUCK WITH GAALAD KAADIDA AAN ISKA DHAQIN .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Marwo

Unrecorded Date
To:Xaaaji

Alla yicizak rageedii madaxaad ka toogatay waanay u qalantaa doqontaa dadkeedii,jinsigeedii iyo halkay kasoo tafiirtay caayaysa.
Iska dhaaf noocaas walaal waa kuwa laba wiig gaal cadi wad wato markaasan qashinka kusoo dara ee iyagoo harag ah soo noqdee.
Anaga somali nadiif ah oo afkayaga iyo dhaqankayaga iyo diintayada haysta waxaan ahayn nooma cuntamaan gabdhahaya somaliyeed ee yaqaana sharafta iyo hanaanta dadkayaga.
wali walaashayda mushkiladu haysatona waxaan leeyahy sister haduu inankaasi somali muslim yahay iska guurso oo ogow inaanad ilaahay ka cadhaysiinayn ilaahayna waa ka raali nin muslim ah oo diinta iyo dhaqanka islaamka haysta wax kasta oo uu qabiilkiisu yahayba. Xaga hooyo iyo stepfatherna haday kugu diideen just because waa midgaan ilaahay danbi wayn bay ka galeen ee cafis ha waydiistaan.
Xaaaji adna niyada waxaad ku qaboojiyaa in ay gabdhaha somaliyeed ee sidan sandra u dhaqmaa ay yaryihiin lagana badan yahay..waa inyaroo cadaankii gaalku indhosarcaadiyay oo khatar gaal baaradii ku taal oo waliba aan wax akhlaaq la dhaho waligii maqal.Iska dhaaf waa nooca aidska la yimaadee. Ilaahay hanaga ilaaliyo anaga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdul26

Unrecorded Date
Dear: Qabiildiid

Asalaama Calykum

Abaayo waxaan akhriyey hadalkaaga qiimaha leh waana fahmay waxaad qortay A to Z. Abaayo Islaamku
wuxuu yiri qof Afar ayaa luu guursadaa, Qabiilkiis, Lacagtiisa, Quruxdiida iyo Diintiisa,
marka ogoo iney jirto wax la dhoho Qabiilka, Laakiin waxaa ugu fiican Qofka Diinta leh, OO
Midgaan waxaa ah Maanta Qofkaan Salaada tukan.
Abaayo Hooyo waa waalidakaa Wiilna haku dhaafid
darteed oo guurka oo dhan wuxuu ki dhisan yahay
Rixim iyo isku xiranaan, hadii Hooyo Diiday waxaan
kugula talin lahaa iskadaa Wiilkaas Sabatoo ah
Muxuu reer kuugu yaalaa hooyadaa raali ka noqon.
Allaahna isaga samir isgaa og eh niyadaada.

To: Xaaji iyo Marwo

Walaal wax xun laguma daydo ee waxaa fiican inaan
Xishoono, oo aanaan ku dayan waxa xun, Allaahna
Sanrda iyo kuwa lamidka ah ha soo hanuuniyo.

Your's Abdull26

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mumtaz

Unrecorded Date
asalaamu caleykum

walaalo ilaahay waxaan kaaga baryayaa inuu jacaylka ninkaas kaa saaro waayo runtii aniguba gadh baan ahay kula mida wax ila kulmi ma ogi ee markasta ogow inaad somaaliyad tahay oo qasab kugu tahay inaad guursatid nin reerku ka raali yihiin hadii kale aad dayro tahay oonad reekiinii waji kulahayn markaa reerkiina yeel insha-allah nin aad jeclaatid oo reerkiina ah oo raali lagaalayahay ayaad heli doontaa angaba mar bay ila kulantay arintaas oo kale nin baan isbaranay ana markaa waan yaraa qabiilna maan aqoon europena anoo yar baan imid soomaalina mid bay ii ahayd markaa reekayagu arinta may ogaan ee waan ka dareemay inayna qabiilkaas jeclayn markaas ayaan ku idhi inankii nabad galyo.
ee walaalo hoyadaa marqudha ayay ku dhashay se nin waad heli ku jecel oo inaadeerkaa ah.
ricki lake waxay tidhi( ninku markasta albaakuu kasoo galaa kana baxaa laakiin walidku mar uun buu ku dhalaa )
hoyodaana waa mid qudha

ilaahay talada toosan ha ku garansiiyo

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.