site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Aroos ama Kalaguur

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Sept. 2000): Aroos ama Kalaguur
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

olol

Unrecorded Date
Salaan wanaagsan dhamaantii.
Waxaan ahay nin 25 jir ah. Waxaan xiriir dheer leenahay gabar 23 jir ah. Arimuhu dhamaan waa kaamil wax walbana waan isku qaabilsanahay inta aanan ka ahayn sidii aan aroos udhigan lahayn.
Gabadhu waxay rabtaa
-Aroos Fanaan ka hesso raga iyo dumarkana saalada iskula ciyaaraan.

Aniguna mayeelikaro sababtoo ah
1. Diinteenu maqabto arooska caynkaas ah.

Hada arintu waxaytaaganyahay in aan Illaahay kuxadgudbo oon raaco talada gabadha ama inaan is dhaafno.
Waxaan sii xiisaynayaa Gabdhaha soomaaliyeed arintaa waxay kaqabaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdul26

Unrecorded Date
DHAQAN XUMADA AROOSYADA QAARKOOD


Waxaa beryahan danbe waxaa soo badanayey Aroosyada lagu qabto Magaaladan Minneapolis/ St Paul oo aad dadka Soomaalidu ku soo badanayaa. Waxaa farxad ah markaad maqashid Aroos sababtoo aha waxaa Aas aasmaya Reer Islaam ah iyo Soomalinimo. Guurku wuxuu reebaa xumaanta oo dhan waxaana ka yimaada wanaag iyo isku xirinaan dad aan is aqoon jirin. Hadaan tusaale u soo qaadano Aroosyada lagu Qabtay magaaladaan Qaarkood waxay keeneen Allaah ka fogaansho iyo Dhaqankii Soomaliyeed oo Dhan, Waxaa dhacda in Hotel la kireeyo sida Hotelka caanka ah (Double three Airport area) Meeshaa Waxaa ka dhaca Aroos aan ka duwaneyn kan Gaalda dhinac walaba, Waxaa Gabadha loogu soo Lebisaa sida naagta Gaalada oo kale dhar cad cad ayaa waxaa soo xirta iyada iyo Malxiisadeede, Meeshaa waxaa isgu yimaadan niman iyo naago ajnabi kale ah, waxaa ka dhaca ( Niiko) Allaah Oo lagu caasiyo Ceeb aduun iyo mid aakhiraba. Niikada waa arin aad ugu soo badatay dadka Soomalida xataa gaaladu ma sameeyaa , Naag weyn oo Jirkeeda dadka oo dhan Vidoe ka fiirsan Waa wax laganoxo lagana yiq yiqsooda, aakhirana xujo ayey ku noqo, waxaana ku makhraanti furi Wixii daawad oo dhan denbina ka qaadin. Guurka Allaah wuxuu Quraanka ku yiri “ Allaah Aayadihiisa Waxaa kamida inuu idinka Abuuray naftiisna Rag iyo Dumar , si aad isugu degtaan” meeday deganaantii Sheikh kamida culimada maalada wax ka meherisa ayaa wuxuu yiri furiinka iyo guurka waxaa badan Furiinka, arintaa miyaan is weydiinay waxa sabab u ah, waa Allaah oo lagu caasiyey, sidee loo helayaa Jacayl iyo muxabo aan Allaah la weydiisan, waxaa fiican in Guurka laga raaco wadadii Nebiga salalaahu Caleyhi wasalam Allaah wuxuu yiri “ Waxaa tusaale lagu daydo idiinku filan Nebiga” Waxaa dhacda In Dumar badan la yiri Baajiya fusuuqaan iyo Niikada, waxay ku jawaabeen Habeenkaas ayaan aduunka ku lee yahay ama heblaba sidaas oo kale ayaa loogu dhigay, arintaa waxaa ka oran Habeen kaliya oo Allaah lagu caasiyo ayaad cadaab ku mudan kartaa ama Allaah caradiisa, waxaad sameyn oo Arooska ah waxaad jeceshay in Allaah adiga iyo ninkaaga isku kiin waariyo marka miyaadan Allaah ixtiraamayn, Mida kale oo ah waxaan ku dayn heblo, Wax xun laguma deydo waxaa la raacaa wanaaga iyo samafalka Waxaad helin ha dhowto shaleygiisa waana arin dhacda mar badan. Xumaanta Aroosyada oo dhan Badankooda waxaa Masuul ka ah Wiilka guuran soo Allaah ayaa weydiin Aakhiro, sababtoo ah isaga ayaa Allaah masuul ka dhigay, Nebigu wuxuu xadiis ku yiri saxiix ah “ Qof walaba Aakhiro waa la weydiin Wixii la raaciyey ninkii waxaa la weydiin reerkiisii” marka maxaad Allaah agtiisa la hor imaan markaad Dadka dhexdooda ku dhunkan Xaaskaag ama Cake afka u gelin ama faraanti, Istustus iyo Gaalo Raacnimo darteed, Arintaasi waxay daliil u tahay Xadiiskii Nebigu Salalaahu caleyhi wasalam ku yiri “ Waad raaci doontaa ood Raaci doontaa dadkii idinka horeeyey xataa hadii mid ka midi ihi Hooyadii banaanku ku naageysto waxaa Arintaa sameynin qof umadeyda ka mid ah”. Waxaa Xadiis kale Nebigu salalaahu caleyhi wasalam ku yiri “Dayuus Jannada magalo, Asxaabta ayaa weydiiyey nebiga wuxuu Dayuus yahay wuxuu yiri ninka reerkiisa ugu raali noqda wax xun sida Niika iyo fasaadka. Arintaa waxaa loo baahan yahay in dadka waa weyn wax ka qabtaan oo baajiyaan bur burka umadeena oo aan laga qaby gelin Fusuqa iyo Fasaadka meelaha lagu qabto, ugu danbeyn waxaan hadal kayga ku soo dhameyn hadal
Soomaalidii hore tiri oo ahayd “ Wiilkaagu mar ayuu Hiilo kaaga baahan yahay waa
Marka aad Hooyadii Dooraneysid” macnaha Marwo wanaagsan oo Allaah ka cabsata oo Asturan oo markaad argtid wanaag iyo kheyr ka muuqdo, maha mida aad ka naxaysid markaad ardtid sida mid Surweel ku taagan ku dhagan , madax qaawan oo aadan garenayn iney Muslim tahay iyo iney Naag Gaalo ah tahay, waana arin dhacda marar badan. Waxaan Allaah ka baryey naa inuu wanaaga natuso iyo waxa fiican.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

olol

Unrecorded Date
Abdul26
waad mahadsantahay.
Laakiin gabadhaan aad baan ugaa helaa. oo inaan gooyo xiriidhkeedu wuu igu adagyahay.
Sidee hadii aan doonayo inaan katilaabsado hawshaan uga badbaadaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umhaanim

Unrecorded Date
Assalamu alykum

To: OlOl, walaal abd26 ayaa ku yidhi waxaan kur oran lahaa balse tan ayaan ku darayaa insh'allah

Walaal, waxaan ka qiiroday, arintan ah inay inaantaad doonayso inaad guursato ay rabto waxuu allah xarraantimeeyey. walaal marka hore, adigaa ayaa allah kaa xilsaaray inaad xaaskaaga u sheegto xaqa, kuna adkayso inay kugu raacdo waayo, haddi aqalkiina lagu dhiso, wuxuu Allah necebyahay maxaad ka filaysaa inay xayaatada noqoto? MIDE KALE waxaan ku oran laahaa " laa daacata limaqluuqin li macsiyatil qaaliq" OGOW HAdii aad ku raacdo inantan waxay doonayso inaad kucaasiday the one who created U. Also, ogow inaysan noqonay hooyo kuugu barbaarin doonto ubadkaaga inay illah kacabsadaan oo ay commandment kiisa qaataan. Waayo, hooyado waa foundation house holdkaaga. Haday xuntahay, ubadkaaguna will be the same as her, unless allah (swt) guides her. Mida kalena ogow inaa addan kuraacin arinteedan just because ur inlove with her.......Shouldn't u LOVE Allah MORE? ALLAH WUXU inoo ku sheegay qurankiis " wa cassaa an takrahu shay'an wahuwa qayrun lakum wa cassaa antuhubuu shay'an wahuwa sharun lakum, wallahu yacalamu wa antum laa taclaamun" and Als TO Fear Allah urself, and BUild an Islamic Household, even if it means Sacrificing ur love in order to build it.......................
sorry i am in hurry would love to advice u more but insha'allah next time

peace

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
TO ABDUL 26...

Let me just ask you one simple questions.

If U had to watch a video oo naago niikinaayaan, would you refuse that offer or watch?? becuase there is no man in their right mind that would walk away. All men watch those wedding video's...some of them purchase it, so don't sit there and right an essay report and talk about how you can never get tempted by a beautiful lady.

TO: groom to be...

There is no harm having a wedding with all your friends and her friends coming around together, eating, laughing and dancing. It might be easy for you to just want a private wedding with no one to invite but both your parents and wadaadka. but you are not a woman and therefore you don't know how it feels. I don't know about your fiancee but I know that when/if I get married, I want my family, friends and relatives share it with me. I want to have a big wedding with live band and just dance with my husband and be able to look back and remember. I want memories, I wanna look back and tell it to my kids and their kids...and on...So let her have the wedding she desires because thats the only thing both of you will ever remember. It has nothing to do with religion or etc....don't involve allah into this adbi26...


If you're a muslim brother and don't want to see the men and women dancing together side by side...then have a private ceremony for each gender.....or come to another solution......


salaam caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

olol

Unrecorded Date
To Anony..
Thanks for the advice. I feel your pain and it is the same talk my wife to be feels however
I cannot isolated my life from Allah.
Yuo made this statement and it disscusses me and all muslims.

don't involve allah into this adbi26...


OLOL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

saxir

Unrecorded Date
Olol,
Are you really practising muslim or are you using religion to not do the wedding. If you're really muslim U should've talked about this at the begining. Most girls like weddings, except religios somali girls with xijaab. Right now if it comes to worst, have a wedding were the men sit one side and the women on the other side. Invite somali comedian and somali folk singers and buraanbur and let her cherish the pictures. This is what my brother did and it worked fine for both people.
If you love her and you waited this long to discuss about the wedding ceramony, I think U should bite the bullet one nite and make her 2/3 happy so you can be happy for the rest of your life.
I am getting married this summar, at the begining I didn't want white dress wedding, but after long long argument I decided to do small family wedding with less dance more buraanbur.

Good luck Olol, you got tough decision to make.

Salaamu alaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

olol

Unrecorded Date
To Saxir
Thanks for all but the bullet today is whether we start a islamic family or some freak show.

I would like to here what the girls think about this.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

olol

Unrecorded Date
walaale horta waad salaamantahay salaan bacdigeedwalaale waxaan anigu ka oran lahaa arintan in aad uyeeshid gabadha waxay daneynayso waayo gabadha iyo wiilka waa maalintodii u horaysey ee farxad iyo nolol raaxo leh gabadhuna waa waxa kaliya ooy ku aqoonsan karto in aad jeceshahay iyo in aad daneysidiyada qudheedaiyo in aad muxubo uhaysid matalan hada kahor ayaa waxaa dhacday gabar yar oo baadiyaha laga keenay ayaa markii ay magaalada soo gashay ayaa isla markiiba waxaa lagu darey innan da,weyn ayuu waxuu udhigay xaflad laga yaabay asagoo uyeelaya da, weynaatiisa ayaa gabadhii farax intay iscelin weyday waxay ku dhawaaqday guurso ama guumays ahaw waxaan kala dan leeyahay guurso ooxaflad weyn dhigo ama gabadha ha lugoyn and i say good bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

omar

Unrecorded Date
Asalamu alaykum

su'aashada way wanaagsan tahay anigu waxaan kugu la tali lahaa marka hore su'aashan is waydii waa maxay gabadhaan aimkeedu,
1-may rabtaa ilaahay inay raali garayso oo ay waxaan islaami ah kafogaato
2-wax walba ma ka hor marinaysaa ilaahay rasuulkiisa waxay yiraahdeen

hadii labadaa aad isku waa faqdaan u sheeg in ay xaaraam tahay ilaahyna raali ka ahayn in muslimiintu waqtiga arooska sida gaalda canbuur iyo dhar cad cad ay xirtaan
in nimanka iyo naguhu is dhexgalaan
in dance laciyaaro iuo music
haday diido laf baad bacad ku haysaa kafo gow nagtaas aduunyadaada iyi aakkiradaadaba waa u daran tahaya.
your br
in london
UK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samira

Unrecorded Date
walaal anigoo ah gabar soomaliyeed waxaan jeclaystay in aan ka qayb qaato talo is weydaarsigan qiimaha badan, balse waxaan rabaa inaan ku weydiiyo.
1.jacalka aad Rabbi u qabtid iyo
2.jacalka aad gabadha u qabtid kee baa weyn ,haddii aad kala garanaysid labadaa jacal waa alle mahadii, haddiise aad wareersan tahay walaal ku dadaal sidii aad rabbi u raali gelin lahayd,waxaad ogaataa haddii aad Rabbi raali gelisid inuu isagana ku raali gelin doono,sidaa daraadeed waxaan illaahay kaaga baryayaa inuu xaqa idin waafajiyo labadiinaba.Waxaad kale oo aad maanka gelisaa haddii ay maanta taladaada qaadan waydo goorma ayey taladaada qaadanaysaa idinkoo aan weli guri yeelan. walaal haddii ay taladaydu ku dhibto raali iga noqo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

olol

Unrecorded Date
To Samia
Walaal Taladaadu waa mid aad u qaymo wayn. Waadna kumahadsantahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

UBAX2000

Unrecorded Date
Dear olol

We all know what is right and what is not right, but when it is our wedding day we are suppose to think about our day and how beutiful it is going to be not what is right or wrong. Like someone said their is no harm in it by getting poeple involved you know how it is these days people who you love will come when you have songs and it is in a hotel when they can see your husband and other friends.
I am 22 years old and I am getting married soon isha allaah my future husband does not want mix but we are having it seperate but I am getting men who will sing in the womens section , and my husband later on it is still a mix but at the end of the day we will both be happy.

What I am trying to say is that talk about it between you lot because it is 50/50 joint wedding and don't even leave someone just because of that good luck...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hani

Unrecorded Date
Asalaama Alaykum.

Walaal waxaan ku oran lahaa. Waxaan micno lahayn ha ba bi inin future or your love. Because yoour wedding day only happens once. And if you decide to go on your way instead of her way. And lose her afterwords is not going to be worthed.

My advise is convince her that is wrong to have a mix wedding. Instead of arguing.

Good luck bro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

olol

Unrecorded Date
To UBAX2000

Ubax Thanks for the great advice and I will consider the seperate style, however this looks like half mixed.
I would also ecourage you not mix the men and women in your wedding.
In either way goodluck.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Olol

Unrecorded Date
To Hani
Walaal waxa aan micnahan lahayni waa maxay , ma diinta illaahaybaa.
Anigu koley inkastoo aan jeclahay garadhaan hada diinta wax aan kudhaafsanayo ma ay jirto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sister

Unrecorded Date
hello olol

walaal marka hore waad salaamantahy

salaan ka dib walaal su'aashaadu waa mid caqli gala lakiin hadana xasuusnow in aay yihiin "1000s of night and one night which the one night have much much value that all other 1000s didn't hav" oo walaal markaa aay gabadhu doomayso hadii aay dhalinyaranimadeedii gabagabaynayso wax aay ku xasuusato.


waxba yaan hadalka ku sii dheeranae walaal aanigu in my opinion weding ka wax khalada uma arko lakiin wixii aad araali iskala noqotaan baa wax walba ka waaangsan eed labadiinuba isla ogolatan.

markaa walaal waxaan ku odhon lahaa asoon as Inaanta jeceshahay ha disapointin ganayn ee waxay jeceshahayna u yeel adoon ilhayna ka fogaanayn.


markaa hadaad diidayso arooska la isugu imanayo ha dhigato mid dumarkoo kaliya ah.

W/salamu caykum nad ilahay xaqa ha ina tuso dhamaanteenba walaal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdinasir

Unrecorded Date
asalaamu aleykum :
waxaan nahay walaalayaal dad muslim ah,sida uu u
sheegay walaalkey ABDUll,aroosyo badan oo ka dhaca
MINEAPOLIS/ST.PAUL waa kuwo khilaafsan sharciga
islaamka.gabadh aan wada dhigano college ka mid
ah kuwa magaaladan oo mareykan ah in badan aad u
xiisaysa inay wax ka ogaato diinta islaamka ayaa
habeen ka qaybgashay aroos qoys somaali ah lagu
dhisayey waxay ku aragtay wax khilaafsan wixii aan
islaamka uga sheegi jiray,waxay subixii i weydiisay su'aashan ma adigaa been ii sheehayey,
mise dadkaan arakay oo soomaalida ahaa ayaa diin
kale haysta oo qayb idin ka mid ah ayaa diin kale
haysta. waxaan kale oo aad uga naxay markay tidhi
waxaan xalay arkay anigaaba ka khajilay?
marka walaal waa siday walaasha kuu sheegtaye
kee baa mudan in la raaligaliyo ma ALLE mise aadane...xusuuso xadiiskii ahaa (LAA DHAACATA
LIMAKHLUUQIN FIIMACSIYATIL KHAALIQ)...oo ah laguma
adeecayo makhluuq in alle la caasiyo.
walaal eebbe xaqa ha idingaransiiyo adiga iyo
gabadha aad jeceshahayba(aamiin).

walaalkaa fil islaam.......abdinaasir

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wacdi

Unrecorded Date
Walee hadii magaca Islaam laga yahay fikrada iy Jismiga ayaa gaalo looga egyahay....sorry to say but 7 out of 10 of you waxaad raacsan tihiin wax ALLE ka soo hor jeedo bal waxaaba ka sii liidataan midkaan meesha la yimid Ilaahey waa uu xaaramtimeeyay hadana qofta jecelkeedaa igu weyn. Ogoow inaysan QABRIGA kula galeyn, AAKHIRONA su'aasha kaaga jawaabeyn, SIRAADKANA kula mareyn, Buugaagana gacanta kuugu qaadeyn. Iimaanka waa siyaadaa waana dhinmaa marka kuwiina iimaanka ka hooseeyo dadka ka daaya xumaanta aad ku waanineysaan hadii kale you'll have your share if he gets to committ (ACAADANALAAHU MINHAA) that sin. Kuwiina oranaaya mix, diintu ma qabto wax la isku khaldo bal Allaa yiri "Miyaad rumeynaysaan kitaabka qaarkiis qaarka kalena ka tageysaan?....kii saas suubiya abaalkiisu wuxuu ahaaday nolol xumo aduun iyo dulimo maalinta qiyaamena loo celin cadaab la xaawiyo." Waa aayad quraanka ku jirta ee intaadan falin ka fiirso. Anigu waxaan ku oran lahaa gabar maanta MACSI ku ordeysa barri walaadan tabar u heleyn ee mid qaaliyo ah oo kitaabka kor u heysata raadso ama bari markey ku tiraahdo saas suubi ayaad oraneysaa MAYA ood furi doontaa mise ayadu maxaarimta Ilaahey kuu fasaxeysaa. Su'aalna waa qabaayee aroos ayaad rabtaa inaad dhigato gabadhada waxaaad leedahay meelaha qaarkood WIFE, sidee camal cumda mise horaad u nikaaxisay? Koley anigu yaabay Muslimkana magac inuu naga yahay arkey laakiin kuwo ayaaba qirtay oo leh hadaad muslim tahay adi wadaad yar u yeero oo waxaaga qarso. Ileen islaamka saas ayaa loo af-lagadeeyaa. Islaamku waa diin qaali ah cidii wax ka sheegtana walee Nagi Muxa'ed ayey afka la gaatay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Happy Man

Unrecorded Date
Salaamu Caleykum Olol:
Waxaad iila hadal eegtahay nin mutacalin ah oo xaga diintana aad u haysta, aad baana kuugu hambalyeynayaa arinkaas. Hase ahaatee sadex su'aalood ayaan ku weydiin lahaa, jawaabtooduna mushkiladaada xalkeeda oodhan weeye:
1)Weligaa aroos ma tagtay?wuxuu doonaba ha noqdee?
2)Shaqadaada ama schoolkaaga miyaa dumar kula shaqeeyaan?
3)Weligaa qof dumar ah, xafiisna ha noqotee ma isku keliyesateen?

Hadii aad "YES" ku jawaabtid mid ka mid ah su'aalaha kor ku qoran, ma ogtahay - "Hadii fikradaada la raaco"- Inaad denbiile weyn tahay, oo gef wen diinta ka galay?!!!!!!!!.
My freind: Waxaan hadalkaas kor uga jeedaa diintu ma aha "CUSR" wax adag, ee waa "YUSR" wax fudud, si uu ilaahay ugu fududeeyo umadiisa eenu dhib ugaga dhigin, waxan aad wadonaadigii ayaa dhib ka dhigaya.
Waxaan xaas lahaa 6 sano, ilaahayna laba wiil oo qurux badan ayuu i siiyey, lixdaa sanadoodna weli dhibaato weyn ama hadal xumi reerka dhex martay haba yaraatee ma jirto, aroos haday noqotana, waan dhigtay aroos, AROOS macnihiisuna waa FARXAD iyo in la ogaado in gabadhii heblaayo la guursaday, oo ixtiraam marwo la siiyo, arooskaan dhigtayna wuxuu ahaa xaflad aan labada reer iyo labadayada asxaaboodba rag iyo dumarba ay noo tahniyadeeyeen, aan heeso iyo ciyaar toona lahayn, laakiin waano , wacdi, gabayo, buraanbur, qosol iyo farxad niyadeedba leh, laguna casheeyey halkaas, wax ilaahay haba yaraatee ka xanaajinayaana aanay halkaas ka dhicin. Maantana farxada iyo khayrka aanu ku jirnaana waxaad moodaa inaanu shalay is guursanay.
Markaa waxaan kugula talin lahaa, ka farxi future hooyada caruurtaada, adoon macsiyad weyn samayna, rag iyo dumarna mix up koodu wax khalad ah uu leeyahay ma jirto ileyn qofba dhiniciisa ayuu fadhiyaaye, lana ciyaari maayo lana niikin maayo dad xul ahna waa imanayaan, waa maxay mushkiladda intaas ku jirtaa.
Dunida haysku soo koobin, ee si xeegona xeego u noqoto ilkana u nabad galaan falowgeed qabo, oo ha odhan hadalkayga oo kaliya ayaa soconaya.
Haween la'aantood maanta halkaas meynaan joogneen.
Carabtuna waxay ku maah-maahaan "Ninkasta oo heer gaadhay, naag uu baa halkaas geysey".
Ilaahay haydinka dhigo kuwii isku waara, ubad khayr qabana idin kala siiya.
A A M I I N

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

olol

Unrecorded Date
To HAppy MAn

Hi brother your support is wellcomed. I am still considering how to make a "Happy" weding and minimize the sin and the evil acts at that day.
May god bless you and your Family.

I am heavily considering the advices I get from this forums.

OLOL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fanah

Unrecorded Date
TO:HAPPY MAN
ASALAAMA ALEYKUM WALAAL
Salaantaa ka bacdi walaal waxaan jeclahay inaan
wax yar ku xusuusiyo saddexda waxyaabood ee aad
xustay waa danbi sidaad sheegtayba,haddii uu sam-
eeyayna waa danbi isaga iyo allahiis ah,arooska
sidaad sheegtay waa wax fiican,balse ma ogtahay
waxa islaamku ka qabo IKHTILAADHKA rag iyo dumar,
mase ogtahay dunuubtu inaysan CUSRI IYO YUSRI kala
lahayn.diinta oo la fududeystaa walaal waa wax
aa khatar u ah.waxaad tidhi adigoon macsiyad weyn
sameyneyn..? caasinta alle walaal yaraan iyo weyni
miyey kala leedahay?.waxaan hubanti ah in arooska
uu yahay farxad diintuna baneysay,balse sifaha
maanta loo sameeyaa waa ka fog yahay kii islaamku
jideeyay.
tan kale walaal waxaad tidhi dad xul ah ayaa imana
ya..maanan fahmin waxaad ka wado xulka balse hadda
an u qaato dhallin dumar iyo rag ah oo si habsami
ah u labisan oo meesha isugu yimaada,miyaad damaan
ad qaadaysaa inaan meeshaasi macsi ka dhaceyn?
illeyn adigaa walaalkeen kula taliyey taasiye?
hadafkeygu ma aha inaan ku ceebeeyo,ee waa inaan
isa saxno,haddaan walaal qaldamo waad i sixi kartaa,walaalkey ololna waxaan leeyahay ogow inaad
masuul ka tahay aakhirana lagu weydiin wixii ka dhaca xaflad aroos oo aan diinta waafaqsaneyn,rag
iyo dumar ajnabi kala ahna meel la isugu keenay.
waad mahad santihiin walaalayaal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

heblaayo1

Unrecorded Date
dear olol:
hadaanu nahay gabdhaha soomaaliyeed arintaasi waa
mid sax in aad gabadha aad guursanayso u dhigto
xaflad cajiib ah maxaa yeelay waa maalin aad ugu
qaali nafteeda and i think so itsn't bad thing if u invite some good people who plays in ur wedding.
marka aboowe ka daa gabadha in aad sidii dhaqankeenii hore aad u guursatid ee samaysta aroos cajiib ah oo ay ku faraxsantahay.
thnk u
ur sis

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.