site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Naag see ku aaminaa

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Sept. 2000): Naag see ku aaminaa
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guutaale

Unrecorded Date
Salaam,

Waxaan sheekeysan jirnay gabar in muddo ah oo saddex sano ku dhow, waxaanan ku heshiinay guur. Waligay wax Zino ah kuma soo qaadin oo waxaan sugayay waqtigii loogu talo galay oo ah bacdal guur, hase yeeshee waxaan ku arkay iyadoo la baashaalaysa nin kale (sidii aan ku arkay hadda ma rabo inaan sii dhex galo), laakiin waxay igu noqotay filan waa iyo qarracan. Waagaas wixii ka dambeeyay waxaa igu adag inaan naag aamino, oo waxaan is oranayaa sow tii oo kale ma noqonayso.

Bal ila taliya see ku soo ceshadaa aaminaadii, haddii kale guur la'aan ayaan ka baqayaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warda

Unrecorded Date
Salaamu calaykum,
walaal waan ka xumahay inay taasi kugu dhacday khasaarena maaha waayo way fiicantahay inaad imika iska ogaatay waxay tahay gabadhani inta aanad guri la dhisin oo haday doonto caruuri meesha joogin.
Markaa ilaahay ugu mahad naq inuu kaa badbaadiyay.
Ta labaad gabdhahoo dhami isku mid maaha sida aanay ragoo dhami isku mid u ahayn, farahaaguna isuma wada eka.
Walaal gabdho fiican oo daacad ahi way jiraan ee midaad ka aragtay haku xukim waayo qaar badan baad dulmiyaysaa hadaad sidaa yeesho.
Laakiin iska hubi marka danbe cidaad la soconayso diinteed akhlaaqdeeda iyo dadnimadeedaba oo mid kasta haku dul dhicin. gabadhaasina yaanay niyada kaa jabin ee gabdha fiican raadso.
good luck.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

tuulo

Unrecorded Date
waxaan taa ka oranaayaa adigu maxaad usugaysay magaran warkaaga ee soo caday waxay soomalidu ku
mahmah daa ama hayso ama halaguuhayo !!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, August 12, 2000 - 05:36 pm
to tuulo
inaalilaahi wa inaa ilaahi raajacuun ma wiilka walaalkaa baad sino maxaad u sameyna weyda aad leedahay iimaanka allha ku galiyo
to guutaale
salaama caleykum
aboowe waan ka xumahay arinta kugu dhacday
kalsoonid ayaysan kaa lumin oo illaahey shanta farood masimin ayadana wey shalaayidoontaa. daacad ma hungowdo bay somaalidu horay u tiri.
be youe self again you have to try
walaashaa luula

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

idiley ahmed

Saturday, August 26, 2000 - 10:41 pm
Dear guutaale

salama caleykum walalkiis , i am realy sorry arinta kugu dhacdey balse mid ogow in ay is kumid ahayn gabdhaha somaliyeed. Aniga waxaan ahay gabar somaliyeed oo jirta 22yrs and never wiil somali ah been u sheegin cause hadii aan u sheego aniga waxaa ii danbeeynayo mid been ii sheego, marka walalkiis don't worry midaas waxaa dhici karta in ey qeyr kuugu jirin. iinsha alaah ilaahey ayaa kugu badalo mid kawanaag san oo ale kacabsato oo qeyr leh aamiin aamiin yaarabi


good luck in your future

peace bro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Leyla

Wednesday, August 30, 2000 - 01:56 am
Walaalkis waxaan kugula talin lahaa in aadan aaminaadnimada ka bixin waayo ilaah dadkiisa isku qalbi kama wada dhigin oo waxaad la kulmeysaa intaad nooshahay dada nooc walba leh hana noqon mid aan xanaaqisa ka soo noqod laheen waayo rasuulkeenii(SCW) baaba yiri qofkii qof u xanaaqa yeysan ka badan sadex maalmood kii hor cafiyaana baa umadeyda ugu wanagsan naagi wey ku dhashey kulana dhalatey waad u dhexi doontaa dhali doontana hadu ala idmo .
wasaalamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LIGANE

Thursday, September 14, 2000 - 02:23 pm
waad salaamantihiin marka hore ASALAAMA CALAYKUM waa faral sida ay tahay salaan kadib walaal aad baan ugu farax sanahay sida naasax nimada leh ee ay kuula taliyeen hablihii iyo wiilashii iga horeeyay TUULO OOISKA KAFTAMAYAY mooyaane waa ayna kuu soo minguuriyeen nuxurkii taladii aad u baahnayd ku dhaqan wanaagsan waad mahadsan tihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nagla

Friday, September 15, 2000 - 06:53 am
a/caleykum
aboowe wixii kugu dhacay waa wax ku qornaa oo ma'aheyn gabadhaas tii laguugu talo galay in aad guursato.
aduunyada inta la noolyahay wax walba waa la arkaa ee aboowe gabadhaas darteen in ay aaminaada kaa tagto waan ka xumahay ee maskaxdaada oo degan is weydii in ay istaahisho in aad gabdhaha kale ayada darteed u aamini weysid waxan hubaa in aad heli doontid jawaab sax ah.
waxaa jira gabdho badan oo la'aamini karaa ee iska sug wey imaanee(insha alaah)
aniga waxaa igu dhacday arin taada u eg ma kku arkin qof kale ee maalintii aan bartay ilaa aan kala harno been ayuu i sheegi jiray bilihii uugu horeeye waxaan ahaa adigoo kale oo wiilkii aan bartaba waxaan is dhihi jiray sideen ku aaminaa waa kii oo kale balse waxan ogaadey in aysan dadka isku mid aheeyn
aboowe waxan ku rajeynaa in aad hesho mid runta kuu sheegta oo aan ku khaa'imin.
a/caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dhibane

Saturday, October 07, 2000 - 12:28 am
guutaale saaxiib waa ka xumahay anigama tu ka xunbaa igu dhacday waana ka suuroowdaa gabdhaha caqliga xun siiba kuwa reer miyiga ah in ay xadgudbaan marka iska samir isku midna ma aha haweenka ee bal iskuday mid kale sxb

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qadar

Tuesday, October 10, 2000 - 04:07 pm
all girls aren't same bro........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ayaan

Thursday, December 14, 2000 - 06:26 am
to: Guutaale
aboowe sidaa a shekada u fahmay waa mid aan cadi ahayn hadii aad gabadha aad indhahaga ku aragtay iyada oo wax xun sameyneysaa ama dad ayaa ku shekeyay.
hadii aad indhahaga ku aragtay waxan ku dhihi lahaa ka har hadise aad dad ka maqashay oo kugu shekeyen ha maqlin oo gurso gabadhaa.

aboowe waxa laga yabaa in dad rabaa inay idin kala rebaan inay ku dhexjiran oo ay u soo diran oo ay dhahan gabadhaas magalada la taag siday dadka u modan inay la socoto maana ku xirna inay run tahay haday magalada la adoo mana ahato inay jeceshahay hadu wiilka kalay casumay. tasna waxa lagaga badbadi karaa kalsooni idin ku jirtaa labadiina.
aboowe aniga ayay igu dhacday arin tas la mid ah oo wiil aan wada soconay mudo 4sano ah ayaa dad waxay ugu shekeyen inaan la socdo wiil kale tasna waxay ahayd mid been ah maxa yelay wuxu aha wiil isaga i jecladay oo icasumay magalada oo wax kale ahayn dadkana wuxu ugu shekeyay waan isjecelnahay

aboowe waxan ku rajeynayaa guul

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

manaxe

Friday, December 15, 2000 - 03:37 am
Haddad rabto sidaad naag ku aamini laheyd weydii walaashaa ma hooyadaa

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.