site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ALLA!!!! WAA XUJOOY!!!!!! ALLA WAA XUJOOY!!!!!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Sept. 2000): ALLA!!!! WAA XUJOOY!!!!!! ALLA WAA XUJOOY!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SIYAAD

Unrecorded Date
SIYAAD

walaalayaal waxan ahay nin dhalinyaro ah oo xaas leh marka xaaskeygii waxay qiil qiil iga gelisey xaqqii ay nin iyo naag isku lahaayen!!! illaa ay itiri waqtiba kuuma hayo haddaan usoo dhowadana suxul jafley iigu jawaabta anna nin dareen badan baan ahay waxii uu ALLA u xalaaleeyeyna hortiisa ay yaallaan oon loo ogoleyn marka akhyaarta maxaan ka sameeya qoftaas muddaan u dulqaadanayey mararka qaarkood baan is iraa naagaha soomaalida oo dhan ma caynkanaa?!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kadra

Unrecorded Date
may be she doesn't love you any more, mise meel kale ayaa wax uga bisil yihiin? waydii waxa ku soo kordhey stress, problems, iyo in ay depression qaaday. waxaad u baahantihiin communication wanaagsan horta sariirta xaalkeedu haydiin danbeeyee xaliya the underlying problems. kadra.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sheikh Shareef

Unrecorded Date
Naag labaad la guurso ilaah baa kuu baneeyey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Waryaa Siyaad, inantu waa runteed hadey kuu sheegatay dhibkeeda miyaad la dagaalami.. Iska daa oo markay diyaar noqoto ooysan mashquul aheen wada baashaal with happiness

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
walaal siyaad hadaay arintas jirto waxaan kugulatalin lahaa xaskaga inaad usheegtosida uuilaahey xaqa raga uyiray waxuu rasuulkii ilaahayyiri nagta haduu nin keeda dalbo ayadoodhaleesa waa inay raali kanoqotaa ee walaalxaaskaga diinta ilaahey bar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siyaad

Unrecorded Date
By Siyaad

To kadra

Walaal kadra aad baad ugu mahadsantey taladada,lakin kelimado qalaad oon fahmin baa jira sida deprresion oo kale inanta wixii aan ku wanaanin karayey waan kula tacaaley nin u dulqaatana waan ahay waxay tabanaysona wax waan kala qabtaa gacan haddey ii soo taagtana waan iska xiraa oo uma jawaabo marka si walba waan isagu dayey inaan u faraxgeliyo,lakin ma garan illaa hadda meeshey salaaddu iska qaban la'dahay!!!

To sheekh sharif

Walaal naag somali ah mise mid kale? adoo mahadsan waxan is iraa armey somalida nagaheda oo dhan caynka yihiin.

To Anon sund

Walaal inantu marwalba mashquul miyaa habeen iyo malin bisha oo dhan,sanadka oo dhan!! maba ogala inaan u soo dhowade!!

To Anon mond

Walaal aad baad u mahadsantey walaal inantu iyadaba xagga diinta iga badisa waana kuwa xijaabka qaata!! cajlado xuquuqal sowjeynka ka hadlayana wey buuxan,lakin yaa waqti u haye walaalkey!! ALLow na toosi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kadra

Unrecorded Date
Siyaad
Wallaal Depression waa xanuun uu qofku firfircooni dareemi karin noloshana uu nacay.
waxyaabo badan baa sababa. Consult your DR.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sweety

Unrecorded Date
TO SIYAAD
aboowe ma is tiri mybe she need something diffirent about the sex life?! nimankeena soomalida jug jug lee rabaan markey helaana waa seexanayaan marka intaan sariirta la tagin ayba ogtahay waxa la sameyn doono ee waxaad sameyn jirtay wax ka badel, qanci gabadha ,waxey jeceshay u same

mid kalaan kuu sheegaa naagaha waxey jecel yihiin markuu ninka intrest siinin malaga yabaa in aad ka bad badisay !? adiga is micnee nooh ayada ha kaa soo daba orodo labiso, parefum isku shub iska bax meelaha soo wareeg ha u sheegin meeshaad aadeyso laakiin(BRO XARAAN HA RAADSAN)waa leysku
cadaabayaa, aniga waxaan kugula talinaayo maha xaaskaaga ka tag ee sidaad ugu soo celin laheyd
siseedii hore ayaan kuu sheegaayaa
hadey ku qanciso qaado hadii kale alaha kuu fududeeyo!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abudujaana

Unrecorded Date
Assalaamu calaykum Intaa Kadib Wuxuu Rasuulku SCW yiri qofkii dumar ah oo loo wacaahi (Yacni xaajiga) ajiibi waydaa (u iman waydaa) malaaigtaa nacalada. Hadaba ninkow reerka ukuur gal waydiina waxa jira. tubtii diinta noojidaysayna qaad
wassalaam
From Dk

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siyaad

Unrecorded Date
BY siyaad

To sweety

Walaashis aad baad ugu mahadsantey taladada. abaye waxad tiri gabadha qanci itaadan sariirta tegin maxanba qanciyaa markaan u soo dhowado ayey suxul jafle igu bilabeysaa sis! wax walbana waan u qabtaa. Midda kale waxa tiri ismicnee maxan isku micneeyaa?! nin wax kale haysta aa is micneeya sis anna xaaran ma jecli oo ALLAAN ka magan galey.Dadka naagaha ka baxa oo isu micneeya waa dad Gawaarida kala bedela!! sis taasina dhaqankena maha sis.


To Abuudujaana

W/calaykum walaal .walaal tubtii islaamku jideeyey maxad ka waddaa ma gogosha uga haajir,dabadeed cuntada ha cunin haddey saa tahay wadaayow anaaba laygu sameeyey sariirta iska daayee haddaan agteeda soo maro waa suxul jafle!! mararka qaarkood baan is iraa ma iskaga tagtaa intii nabar culus kaaga dhici lahaa marka waxan sameeyo ma garanayo ee walaal kolley adiga xagga diintan wax kaga tuhmayaye maxad u aragtaa arrintaa xujada noqotey waa sidii somalidu horey u tiri"ALLA ..WAA XUJOOY..ALLA... WAA XUJOOY....GEEL XERADA DIIDA WAA XUJOOY.... ALLA WAA XUJOOY NAAG XILO DIIDA WAA XUJOOOY"Akhii bal talo iyo tusaale keen waxan wadaadan ka yeelo ma la guursadaa oo markasan anna isu macneeya illaa marka waxan isku macneeyan haystaye. w/calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
walaalow qof walba wuxuu kuu sheego waa adiga jawaabta diyaarka ule ehe ma waxaad qancin weysey xaaskaagi aad qabi jirtey oon aheyn mid cusub hadii aad jeceshahay gabadha intaad soo hor fariisatid u sheeg halka ay kaa gaarsiisan tahay koley anaga dumar baanhayo saas uma calool adkinilaahay na hakula garab galo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Syiaad

Unrecorded Date
Siyaad

To anon fri

Walaal arrintan waxan jawaabta u keenayaa waa waxan horey u samaaeyey arrintanina waa mid sanado soo socotey marka walaal haddii adiga raaliyo alla kaa dhigey!!ogow faraha bani aadamka ilaahay ma simine marka walaashey heyla yaabin ilaahay ha na toosiyee adigu haddaad talo iyo tusaale hayso keen,haddii kale canaan kagama fadhino walaashis.

MIdda kale maxan soo hor fariista haddaan agteeda imado waaba suxul jafle!!! Allow na toosi waar xaggey salaadu iska qaban la'dahay??????!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
siyaad aboowe waxaa layiri hadal iyo ilko waa- lacadeeyaa waxaa ila quman in aad dhahdid ma is qabnaa mise waynu kalaa tagnaa ilaa sidanu nolol mahe hadiiay ku tiraahdo waynu isqabeynaa iga dhaafhe suxulkaan macaantey hadii ay ku tiraah i fur maxaa iga qaldan ood igu nacdey ma wax aan iska saxi karo oona kubadbaadin kara guurkeena
mise waa wax'aan sixi karin intaa kadib waxaan u maleynayaa in aad heli doonto gunta sheekadaada
ilaahey ha kula garab galo aamiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siyaad

Unrecorded Date
Siyaad

To Anon sun

Walaal ilaahay kheyr ha kaga abaal mariyo waqtigaga qaaliga eed ii hurtey. Walaal haddaa iraado miyaynu kala tagnaa waa sidii islaantii waalleyd marku rattigu la buubey ey tiri"waa sidaan rabey..waa sidaan rabay...."oo furriin ayadaba kaga hooreysa dumarka qaarkina mar yar marka laysqabto i fur!! waa kelimada ugu soo horreysa ey ku tirado. Hadhow markaad furtana waxay oranaysaa war ninkii waa igu fududaadey!!ALLOW na hanuuni!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
asalaama aleykum
waan ku salaamey waxaana ka xumahey in dhibaatadaan kugu fogaatey sida dadka isku raacey waxa anaga aan kuu sheegno waxaa kaaga muhiimsan xaaskaaga waxii aad isla fahantaan I am very sure xaaskaaga waxbaa ka qaldan ama arin gaara bey wadataa hadey diinta ku fiicantahayna maba ku diidi karto hal mar alaha ka dhigee. badanaa raga qaarkii waxey iska dhaadhiciyaan in gudniinka ay wax u dhibtey dumarka soomaaliyeed arintaa wax jira ma aha qofka aad nolol la wadaagto ee ninkaaga ilaahna xalaalkaaga dhigey there is no way aadan fiilin u heyn. marka gabdhaha soomaali ha is oran waa dad aan waxba ka fahansaneen xaquuqda ragooda adna ilaah ha kuu fudeyeiyo la hadal xaaskaaga waxey jaceshahay iyo sida aad ku soo jiidan karto u samee ha ka fogaan malaha in ay u baahantahay in si kale ay fiilinkaaga ku soo jiidato.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gabadha

Unrecorded Date
WALAAL XAASKAADA AMAAY XANUUNSAN TAHAY? XANUUNKA DUMARKA? SIDAA MA U FAKADHAY?
WAXAAN KUGULA TALIN LAHAA INAAD DHAKHTAR KU QALQAALISO who knows mabe she is just too shy to come forward with what is "bothering" (most of our women are like that)


good luck!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

colonel

Unrecorded Date
colonel

To Gabadha

Ara reer bari u hadal ekidaa weliba Qardho!!! waa jidhaa iyo ma jidho waa isku qaban jidhene...

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.