site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

AAMIINTA DUCADIYO ALA BARIGA MOOYEE ARIN KALE MAHAYNEE

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Sept. 2000): AAMIINTA DUCADIYO ALA BARIGA MOOYEE ARIN KALE MAHAYNEE
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAHAMED YARE

Unrecorded Date
ASALAAMA ALYKUM BRO/SIS . ADUUNKA DHAMAANTIIS WAXAAN IDIN WEYDIINAYAA INAAD RA JIGIINA .HADA MA AHAN RAYIGIINA NAC NACDU KU JIRTO . EE WAA KAN TALADA WANAAGSAN IYO WALAATINIMADU KU DHEEHAN TAHAY / WAXAAN IDIN WEYDIINAYAA WAXAAN ISBARANAY GADH SOO MAALIYEED . WAXAAN IS NAQAANAA MUDO 2BILLOOD AH . MAALINTAANU IS BARANAY SAACADU KADIB AYEY IGU TIRI ABOOWE WAXAAN RABAA INAAN IS GUURSANO SABATOO AH WAXAAN NAHAY DAD MUSLIN AH WAXAAN IRI WAAYAHAY ANIGOO YAABAN OO UU HADALKU SI NAXDIN LEH IIGA SOO BAXAYO . WAXAAN HADAL IYO DATE YEELANABA WAXAA AAN KU ARKAY GABDHA 2 CILADOOD . INTAANAN U BOODIN CILADAHA RUNTII GABDH AAD UMA AAN JECLI BALSE WAA GABDH QURXOON OO XIJAABAN DA DEEDUNA YAR TAHAY NIN MEELI U CADA HAY MEELI KA MADOW E, WAXAAN JECLAHAY GABDH AAN ILMA ADEER NAHAY . SABTA AAN KU JECLAADAY MA AHAN ILAMA ADEERNIMADA EE WAA GABDH SAAXIIBADA QARAABDA DARISKA IYO QORKII BARTA UU AMAAN KAL IYO NIYAD AH UU AMAANO . WAA GADH AAD U NAXARIIS BADAN HADEY 1 DOLAR SOO GALO AMA ARIN CUSUB KU SOO KORODHO WAY ILA SOCOD SIISAA . OO ARINTEENU WAA KA WEYNTAHAY ILMA ADEERNIMADA INAGA DHEXEYSA . HADAL KA WAAN IDINKU BADIYAY EE RAALI NOQDA . HADAAN U SOO LAABTO GADHA CILADEEDA 1- WAA GABDH AAD U SHAKI BADAN ISLA MARKAAN WAX WALBA RABTA INEY KA DHIGTO SIR . 2- WAA GABDH AAN AQOON LAHAYN ISLA MARKAAN KA TIMID QAARADA MAR DHOW ABOUT 8 MOUNTHYS . WALAALAYAAL GABDHU WAXAY RABTAA GUUR MA AAN GARANAAYO WAXA ULA JEEDADEEDU TAHAY MANA AAN JECLI BALSE WAXAAN AHAY QOF AAN FOOLKA FOOL QOF BINI AADANA AH WALIBA GABDH KA SII AH AANAN DHIHI KARI KUMA RABO OO KUMA JECLI QALBIGUNA KU DIID . ILA SOO TALIYA TALO DAG DAG AH WAXAAN KA SAMEYN LAHAA GABDHAAN OO I SOO WAANIYA WAXAAN KA SAMEYN LAHAA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lorena

Unrecorded Date
beenaale intay garaabo kugu soo goday ayaad nagu dulsamaysay sheekadan saaxiib wado uma hayno bari nalaga mar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hussein

Unrecorded Date
marka hore waad salaaman tahay marka xiga iga raali ahow inkastoo aad talo raadinaysay waxaan jeclaan lahaa inaan ku waydiiyo gabadha maxaa ku kalifay inay si dhakhso ah go,aan guur kuugu soo jeediso? mase tahay wax macquul ah maantaan ku arkay waxaan rabaa inaan isguursano?ma dhici kartaa inaad gabadha adiga rabitaanka ku abuurtay hadana aad rabto inaad qanciso si kaagii keydka kuu ahaa uusan kaaga dhaawicin?
ma faahfaahin karaa arintaada please??????
raali ahow hadaad su,aalo badan ku waydiiyay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cambaro

Unrecorded Date
by cambaro april 4, 2000

asalamu caleykum
salaan kadib maxamed suaashaada kaaga jawaabo horta waxan ku dhihi lahaa gabdhaha lagama sheego waxaysan ku dhihin lagama sheego haddise aad jeceshahay gabar ina adeertaa ah according to what you said you shouldn't have to inaad gabar kale aad la sheekaysatid so waxa iga waano koley dhamaantiin haddii aad rag tihii waxaa idinka dhaadhacsan naagi kun bay koobisaa midna way kala baxdaa ee that is not truu oo gabdhaha ka daaya dhibka iyo qaayamada oo tii aad barataan daacad u ahaada oo iimaan li ida iska daaya adigana maxamedow do what is right for you
sidaa iyo nabadgely

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fanah

Unrecorded Date
maxmed yare salaan kabacdi,waxaa khasab ah saaxiib
inaad adigu ku bilowday sheekada,waayo waan naqaan
gabar soomaaliyeed iyo xishoodkeeda,marka eedda adigaan ku saarayaa oo gabadha u muujiyey dabacsanaan ah inaad rabto,waaba hadday jirto sheekadaad sheegtaye.hadalada cambaro inkastoo ay
caro kululi ka muuqato waa wax jira,mudana inaad
ku waana qaadato.ugu danbayntii saaxiib gabadha
soomaaliyeed ha daalin waqtigana ha kadhumin,hana
ceebeyn qaaradda adba waad ka timide,runta farta
ka saar waxaan hubaa inay heli doonto mid wiil
gayaankeeda ah oo ku jecel aqoon la'aanta aad ku
ceebeynayso.halna xusuuso saaxiib aqoonta qofna
caloosha hooyadii kalama soo bixine qofba maalin
ayuu bilaabay.waad ogtahay nabigeenii(scw)asagoo
afartan jir ah ayaa loo bilaabay (IQRA).marka
gabadha intaysan kugu sii fogaan runta farta ka
saar,waan hubaa inay ku qanci doontee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABU-MUSCAB

Unrecorded Date
asalaamu alaykum!!!

TO MOHAMED YARE!!!!

Saaxiib salaan kadib, arinta aad sheegayso run haddii ay tahay....talo waxaa ku siiyey weliba mid aad u qiimo badan WALAALKAA FANAH, aniagana hadda sidii uunbaan ku leeyahay, waxaase ku raacinayaa intaa xigmadda soomaaliyeed ee oranaysay ! RUNTU RUUXA WAY KA NAXISAA EE WAX UMA DHINTO.... marka walaashaa ha lu goyn, hana ceebayn....naftaadda oo kale ka soo qaad..


waa walaal kaa abu-muscab

sidaas iyo nabadgalyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ololiye

Unrecorded Date
Oo maad labadaba isku guursatid yaa kaa horjooga diintuna way ogashaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hanad

Unrecorded Date
ASALAAMU ALAYKUM!

TO CAMBARO

DEAR SISTER..

Walaal maahmaahdani waa wax jira anaguna ma aanan oran ee way jiri jirtay ....adigana you can't stop it..therefore, ha isku daalinin inaad qiil u samayso.Practical-na waan u aragnay...


NAAGUHU KUN BAY KOOBIYAAN KOWNA WAA KALA BAXAAN


maahmaahdaan ayaa ka haddlayaa

sidaas iyo correction wanaagsan
bye bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xanquruxle

Unrecorded Date
waxaan aaad iyo aaad oga xumahay sida aadka u adag ee ay ogaga jawaabeen dhamaan LORENA, IYO CAMBARO, arinta walaalkayo oo ujeedadiisu ahayd in lagala taliyo arin culus oo soo foodsaartay, siday dooniba arintu ha noqotee, way ahayd wayna mudnayd in aanu walaalkayo la talino ama aynu iska dayno, waxaanse marnaba i cajabgelinsida ay u dhaqmeen labadaa qof ee aan horey usoo yara taabtay,.

Hadii markaa taladii walaalkay aan usoo laabto, walaal waa rune mid waan qabaa maad wada meelaysid labada abaayaba, sida ay soo jediyeen walaalada qaar,.

Waxaankaloo kugu oran lahaa walaal ilaahay nafta ma kalifine mid unku adkayso, halkaa waxaan ka raad raacayaa maahmaahdii soomaliyeed ee ahayd Naftu halkii ay rabtaa lagu nasiyaa, sidaa awgeed walaal naftaada halkii ay doonayso adigaa naga ogee ku nasi, arintana culays ha isaga dhigin,.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sana

Unrecorded Date
To Fanah

Alah yacisak yaa Fanah, saaxiibkeen suaashuu naweeydiiyay adaa jawaab tii ugu wacneed kasiiyay, waxaana uarkaa in walaalkeen uu asaga qasay nolashiisa marka isagaa og sidii uu ooga bixi lahaa, ilaahay hala garab galo.

Wasalaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

black

Unrecorded Date
to:fanax



waxaan kaaga mahad celinayaa talada qiimaha leh ee aad soo bandhigtay thanks for it waxaad tahay waxgarad aragti dheer ilaahay ha kaa abaal mariyo
ninyahow ma waxaa degan tahay Finland.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fanah

Unrecorded Date
waad mahadsantihiin black iyo sana iyo abuumuscab.
walaal black ma dagani finland ee waxaan daganahay
mareykanka gobolka MINNESOTO.
waadna ku mahadsan tihiin taladaad siiseen saax-
iibkeen waxaan filayaa inuu qaadan doono,hubaal
gabadhuna waayi meyso gayaankeed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maaw

Unrecorded Date
War idigaa nasiib leh oo gabari i guurso ku tiri ee yay ka noqon ee ku qabo. Siigada waa laga fiican yahaye.


Balse, hadii aadan yeelayn, halkeedaa kasii wad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Monday, June 26, 2000 - 11:38 am
comments to maxamedyare
waad salaaman tahay walaal adiga iyo kuwii iga soo horeeyay,intaas ka bacdi,hadaan galo ama wax kaasiiyo taladii aad dadka waydiisatay waa tane hoo,haday ku qancin waydo isaga tag oo waxba hayqaadin:
marka ugu horaysa waxaad noo sheegtay inaad gabar shukaansatay markii xigay waxaad raacisay inaad ina-adeertaa jeceshahay,run ahaan waa wax layaableh sxb sow ma'ogid laba qalbi malihide,laba naagoodna meel mawada galaan,adoo gabar jecel ma'ogtahay inaan kuwa kale aanay kuu muuqanayn?taas waxaa daliil u ah ama cadayn kara gabaygii cilmi liibaan(cilmi boodhari)ee uu lahaa

ninba tuu ka helay ayuu hodan ku sheegaaye

oo heerkastay qurux ka tahay howlin taa kale e

adna dookhu adiguu huwaday kuna hareeryaale

qaarbaa gabdhaha hilibkiyo higu cusleeyaaye

adna inaadan haabkaa ahayn hubiyay dhowr jeere

marka saaxiib gabayga intiisa kale adoon ku wareerin eeg sadarka labaad ee gabayga jawaabtaadaduna halkaas ayaan kaaga soo dhexsaarayaa iyadoo gaaban waana tan: labada gabdhood midna runtii ma jeclid jacayl ka aad sheegaysana maahan ka dhabta ah.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.