site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ma doonayo inuu xaaskeygu Welfare ku noolaato

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Sept. 2000): Ma doonayo inuu xaaskeygu Welfare ku noolaato
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Omar

Unrecorded Date
Salaamu Caleykum

Waxaan ahay wiil Qurbo wax ku bartay, Shaqo fiicana haysta, inuu guursadana raba, laakiin mushaakilka jira ayaa waxey tahay gabdhahii Soomaliyeed badankood waxey ku fakarayaan markaad xaas noqotid guri dowladeed qaado adiga isku qor, ninkana is inkira inaad is qabtaan si uu isaguna u shaqeeysto ayaduna Welfare u qaadato.
Aniga uma guursanayo in aan xaaskeyga iyo caruurteyda inkiro, gurigeygana ka cararo markuu baaritaan yimaado. Nolosheyda wax badan baan waxbarasho ku soo dhibayay Maanta oo aan miraheeda guranayana ma rabo inaan weli sii cadaabo. Waxaan diyaar u ahay xaaskeeyga inaan masruufto, haddii ay quursato inta aan guriga u soo xareenayo, waxaan ku faraxsanahay in ay Shaqeeysato ana aan ka caawiyo ilmaha hayntooda, xiligaanan shaqeyneyn. Xitaa haddaan isku xili shaqeynayno waxaan diyaar u ahay inaan day-care qarashkiisa bixiyo. Marka gabdhahaan Sheekeysanay oo ilaa heer guur isla gaarnay Welfare iyo heblaba saas ayeey suubisaa ayaan uga cararay ee maxaa sameeyaa. Talo walba qadarinteeda ayey mudan tahay.
Jazaakumulaah Kheyr

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kadra

Unrecorded Date
Aniga iyo ninkaygu professional jobs ayaanu haysanaa, guri aanu leenay ayaanu ku noolney. 2yrs old child ayaanu haysanaa and iam 8 month preganant, reerihii iyo wadankiina biilal baanu u dirnaa, weligayana caydh maanan qaadan, so you could do it too! why not? kadra

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

garyaqaan

Unrecorded Date
TO:omar

walaal sida aan ka aqiriyey waxa aaad soo qortey waxaad tahey nin fiican,oo ku socda jidka toosan aniga taladayda waa sidan.
1-ninka iyo naagta is guursada masuuliyada waxaa ay saran tahay NINKA oo adaa aqiro lagu waydiin.
2-hadii xaaskaga {muslaqbalka}ay diido in ay iska ilaaliso xaraanta hada waxaa inla haboon in aadan guursan.

ismaqal danbe

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hilda

Unrecorded Date
kadra;
well said sister!

Omar:
brother, it is not only somali girls who think this way, actually it is the delema that we r facing as somalis in the west ( we are all lazy and we dont want to work) hope we get over it sooner than latter..insha-allah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hussein

Unrecorded Date
to:omar
marka hore waad salaaman tahay salaan ka dib
ninyahow waxaad tahay nin fikrad wanaagsan oo karti shakhsiyadeed leh.way wanaagsan tahay in raga soomaaliyeed ay u fikiraan sidaada oo kale
waxaan kugula talin lahaa inaad marka hore intaadan guursan ka hor aad heshiis la gasho qofka aad nolosha la wadaagayso oo aad u bandhigto sidaas nolosha u rabto inaad u maamusho,ka wada dooda oo ka sheekaysta inta aadan guursan fikradahaada, ogsoonow deal aad sameyso guurka ka hor wuxuu kaa caawinayaa isku dhac yimaada guurka ka dib.
waxaan raajeynayaa inaad hesho gabar wanaagsan oo nolosha kula fahamta insha allah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

inzimaam

Unrecorded Date
Runtaa weeye saaxiib naagahii soomaalida waxaas ayey barteen waana waxaan uga cararay ee aan u guursaday gabadh shisheeye labadayaduba waan shaqayna laba caruura ayaan leemnahay 5yrs and 2yrs old alxamdu lilaah wali lanooma raacin lacag cydheed, guri quruxbadan gawaadhi qurux badan wax walba waa leenahay heerkaana waxaan ku gaadhaynay daacadnimo iyo wada shaqaysi, laakiin naag soomaali caydh inay ku noolaato adigana ay tidhaahdo isma qabno ayey jeceshahay, uf qudhun weeye ee ha isugu dhawaan ee naag kale oo muslin ah meelahaa ka raadso waliba asian way yaqaaniin sida loo shaqaysto naagnimadiina kama tagayaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gorgor Kacay la Mood

Unrecorded Date
Waaryaa Cumar dadkan dheg haw dhigin naagtaaduna waa fariid naaga ka tagtaye iyada maqal. Gaalku waa ey ey dhalay oo intaad wareemi karto waa lala gaadhaa. Inaad gaalka laba-listo waaba xaq iyo waajib ee lacagtaada hoosta ka gal.

Kan kalee isku sheegay Inzimaam, wallee nin ma tihid. War heedhe ma naag Pakistan ah meel intay kaa heshay magaciina kaa bedeshay, muxuu ahaa inzaamaam-kan iyo waxan aad wadaa. Waryaahee oroddoo jabaadhigaaga iyo daalkaaga iska cunoo dumarkayaga ha soo fara gelin, daalin yohow. Maalinkaa maanta ah baan tegayaa The Central Office of Raganimo oo waxaan odhanayaa nin-isku-sheegaa Inzimaam waa in liisanka raganimada lagala soo noqdaa. And when you return the license you must also surrender your two balls.(You obviously never use them)

Waa wax lala yaabo nin Soomaali oo raggiisii ku leh dumarkiina ka taga xillahana dalaaqa. War anagaa dumarkayaga rabnee noo firaaqee meesha. Midda kale magacyadii Soomaliyeed waa ku deeqi waayeen miyaa; Sharmaarke, Raage iyo Rooble iyo kuwii kaloo dhan. Ma waxay ku tidhi cricket player-ka Inzamam ul Xaq la magac noqo. Oo maad iyada magaceeda bedeshid oo Cambaro u bixisid ama Ugaaso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Reedimeed

Unrecorded Date
Gorgor Kaaca la mood, what a gentleman you are!!!
Thank you bro!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gorgor Kacay la Mood

Unrecorded Date
Reedimeed:
You are welcome sis. It was my pleasure cause I can't stand people disrespecting Somali women. I really don't like abuse of any form but this guy was just begging for it. What the hell did he think, that we were gonna jump on the first PIA flight to Islamabad or wherever to grag some Pakistani girls and call him back to say "thanks for the tip Insamaam". Sheekadaa haddaad la timaado mar danbe karbaash kalaa ku sugaya, digniin waad qabtaa saaxiib.

P.S. Tim Horton baan ka soo yara sheekeynayaa ee waa inoo mar danbe Reedimeed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kamaal

Unrecorded Date
Gorgor chicken brain ayaa kugu rakiban, marka daawo kale ma lihid in lagu qasho mooyaane. War meesha iska qaad nin caaytamaa waa laga fiican yahaye.

Inzimaam walaal waa runtaa dumarkii sidaa bey u bateen, laakiin u maleynmaayo inay xal noqoneyso in shisheeye laga raadsado, waloow aan aniga cuqdad ka qabin. Laakiin waxaan aaminsanahay gabdhaha Somaliyeed in ay mustaqbalka is badali doonaan.

Omar duqa horta dadaal makugu yara, ilaaheyna waa kula garab gali doonaa. Marka waxaan kugula talin lahaa in aad xooga saarto inaad raadiso gabadh waxbaratay oo shaqo professional ahna haysata, ayadoo kale uun baa kula dhaqmi kartee. Laakiin duqa marna ha rajo dhigin.

Bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gorgor Kacay la Mood

Unrecorded Date
War yadhaaheen ma intan qaxwaha soo cabayey oon downatka ka soo sheekeeynayey buu igaar kale meeshii camirtay. War heedhe ikhyaarka maxaa kugu diray maandhow. Bellaayaan kugu soo faquuqi lahaa laakiin waxaad tahay buuryaqab aan weli qaangaadhin, markaa altilariga waa kaa haynayaa.

Cad hadduu carada kaaga dhaco amase ciidoobo
Caqli nimuu ku weynyahay ma cuno calafka qaarkiise
Anigana caruuraha yaryari waa iga caynkaase
Maxaan cuucle yar kala hadlaa caaqil baan ahaye

Adeerkay Cali Dhuux baan ka soo xaday gabaygan oo wuu kugu beegan yahay gabaygu.

Taasu waa hadalka weyn gogol dhigiisii.

Arrinta laysku hayaa waa ninkan Cumar iyo waxaynu talo siino. Cumarow gabadhaada la tasho intaydnaan is guursan. Gabadhaadu hadday moodo in maslaxada reerku ku jirto inay welfare qaadato waxaan u arkaa mid macquul, siiba haddii aysan gabadhii lahayn wax xirfad ama training oo lacag ay ku samayso. Khadra oo talada iyo tusaalaynta ku caan baxday, waxay ku talisay inaad ka fogaataan welfare oo reerkeeduba uu ka maarmay maadaama ay iyada iyo ninkeeduba shaqaystaan. Haddaba haddii ay Cumar gabadhiisa u suurtoobi waydo inay shaqo hesho maxaa xal noqon, illeyn waynu ognohoo N. America hal dakhli reer ma anfacayee. Reeraha Soomalia ka soo qeylyana see la yeelayaa. Talo iga hoo saaxiib: gabadhaada illaah baa garasho ku manaystay ee hadalkeeda maqal oo waa waxaaga wax laguugu darye, illaahay u xamdi naq oo waxaaga meel ku shuuqso cidna ha isaga sheegin. Haddaad xukunka eebe ka baqaysana anigaa taa kuu huba, oo nin gaal ah oo mushrik ah, duunyo waxaad ka dhacdaa waa xalaal shareecaduna way fasaxday ee taa ka welwelin.

Aanu u soo daadego ninkan Inzimaam oo la yidhi xaqdarraad ku dulmiday. War niman yohow ma anaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa? War ninkani sow ma aha ninka yidhi dumarka Soomaaliyeed faa'iido iyo dhaqasho toona ma lahee nolosha ha lagu dayrsho, oo duul aan ajnabi ahayn ina rag yuusan xaalayn? War daalinkanu sow ma aha ninkii yidhi dumarka Soomaaliyeed sida nijaasta ha looga cararo? War ma ninkanaad doonaysaa in Soomaalinimo lagu dhaqo? Hadday sidaasi kaa dhab tahay, adiguna adeer soo xeree xiniinyahaaga nin-isku-sheeg kalaad tahaye. Waa mashaqo ay masiibo la isku dhexdaray. Ciil iyo calool-xumo awgeed "Mindhaa labada daan iyo gacmaha siima kala daayo". Waaba nin show doonaya inuu abuurka iyo asalka Soomaaliyeed tirtiro, alla dooriganina Kamaalna intuu yac ka dhihi lahaa buuba la barbar taagan yahay. La yaab ma leh oo waatuu abwaankii Faarax Nuur yidhi: "Doqon baa halkii lagu qatali qoorta soo dhigane". Labadiinuba waxaad tihiin summad-laaweyaal aan wax isku falayn dadnimadiinina way dhimatay ee ordoo isa soo aassa idinkoo nool.

wadhi oo wadhi, war ma sidanaa raggii Soomaaliyeed u danbaysay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Reediimeed

Unrecorded Date
Omar, haadii uu ku filanyahay dhaqaalaha reerkiisa, welfare looma bahaan. Maxaa reerka cusub been lagoo dhiisayaa iyaadoo baahi jirin?

Gorgor Kaac la Mood, jawaab fiican waad bixiisay meelaha qaarkood. I really envy the ease you use poetry in analogy.

I have a problem with your reasoning regarding what you said "Haddaad xukunka eebe ka baqaysana anigaa taa kuu huba, oo nin gaal ah oo mushrik ah, duunyo waxaad ka dhacdaa waa xalaal shareecaduna way fasaxday ee taa ka welwelin"

Can you give 'daliil' for this. I am not challenging you or anything like that; I just want to get informed since I have serious ethical dilemmas with what you stated.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gorgor Kacay la Mood

Unrecorded Date
Reedimeed: Walaashay salaanta weyn marka hore.
waa runtaa walaal oo shareecadu ma dhigayso in banii-aadamka kale la duudsiyo xitaa hadday gaal yihiin. I am sorry if I caused you any distress about the faith. I hope god forgives me for a most serious transgression. I also apologize to Kamal and Inzimam for the abusive tone of my comments. It is a bad habit of mine to get carried away in the white heat of my anger-and I was very angry indeed- resulting in that kind of scabrous rethorical excesses.

Suurada al-Baqra aayada 188:

And do not eat up your property among yourselves for vanities, nor use it as bait for the judges, with intent that ye may eat up wrongfully and knowingly a little of other people's property.

The last part could be interpreted as public property in the service of the "common weal", and Welfare would fall into the category. So unless there is a bracing need for public charity(in this case Social Assistance), according to a strict interpretation of this passage the muslim person should refrain from seeking such financial advantages.

Isla suuradan, aayada 283:
fa'in amina bacdukum bicdan...

And if one of you deposits a thing with another let the trustee faithfully discharge his trust and let him fear his lord.

As you can clearly see it is the duty of the muslim to uphold the trust placed in him even in one's dealings with unbelievers. One can try to split hairs and point to the words "one of you ...with another", this interpretation would be at odds with the underlying spirit of our faith which demands a universal and high degree of spiritual and ethical rigour in our dealings with the world.

I am sorry to say that I have forgotten to apply the wisdom of our faith and was blinded by my hatred of a system that enslaves the human spirit, with its greed, plunder of the environment and the third world. To say nothing of the wretched globalism and free trade leaving ordinary workers bereft, multi-national corporations spreading the banal gospel of consumerism and low-brow hollywood cultural imperatives. Well that is my rant for the day.

P.S. Reedimeed mar walba waad igu soo qabanaysaa. Sheekadii Tibet baan markii hore ku marsiin waayey, haddana mar labaad qoortaad igu soo dhegtey. You are a smart and thoughtful lady. thanks for setting me straight.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Omar

Unrecorded Date
Dhamaan inta taladda i siisay oo aanan halkaa ku soo koobi karin aad baan ugu mahadcelinayaa. Ilaahna ha idinka ajar yeelo.
Waxaa iga soo dhamaatay inaanan guursan gabadhan hada anigoo dhaqaale xumo i hayn ku fakareysa inaan welfare saan u qaadan laheyn diyaarino. Ilaah albaabadiisa waa badan yihiin waana iska dulqaadan waa intaasoo ilaahey ii sahlaa gabadh educated ah misna professional ah.

Mar labaad aad ayaan idiinkaga mahad celinayaa taldiina qiimaha leh

Omar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

TROUBLEGIRL

Unrecorded Date
OMAR--

Sweety if every man would have your kind of mentality and maturity, I can honestly say that we would be a better nation.

I hope(ALL)our Somalian brothers get their education and jobs to support our future nation. and I also hope our some of our sisters get past the WELFARE system and encourage their men to go out there and do some good for themselves...
Amiin

PEACE
TROUBLE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jiija

Unrecorded Date
Omar waan kugu raacsanahay, Samar ilaahna hakuu Sahlo mid ku fahanta....

Gabdho Soomaliyeed oo pofessional ah waa jiraan, adiga ha is xirxirin, meeshaan internetka waa laga qaraabtaa....... e-mailkaaga la soo diyaar garoow......... gabar fiican oo aan welfare ka fakareyn waa dhooban tahay, wiil xun lee nasiib xumo iyadoo kala hela......

Wallaalkiis qeeyrka allaha badiyo

Jiija

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdullahi

Unrecorded Date
omar
Waxaad iska dhigeysaa nin gabdhaha soomalida oo dhan la kulmey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Omar

Unrecorded Date
Abdullaahi Wallaal anigu kumaanan odhan gabdhaha Soomaliyeed oo dhan baan la kulmay, ee haddii aad si qalad ah ii fahamtay, adoo raalina ah, waxan idhi gabdhahaan kala sheekeystay inaan guur xallaal ah wada dhisano ayaa waxeey ku fakarayaan in kolka la isguursado aan welfare laga maarmeyn.

Marka wallaalow awood aan gabdhaha Soomaliyeed oo dhan kula kulmo ma lahiye bal qoraalkeeyga ku noqo.

Omar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Omar

Unrecorded Date
To: Jiija

Wallaal aad ayaad u mahadsantahay taladaada, Sabarkana ilaah baa na faray, oo dhamaanteen waa noo wada fiican yahay.

Tan internetka, wallaal, waa dhici kartaa in kuwii Alla isku calfay intey isku bartaan internetka, misna is calafsadaan.
Balse shaqsiyan waxaan u haystaa in faa'iidadiisa la socoto intoo kale oo lugooyo ah, sababtoo ah waxaad la warameysaa ma aha qof soo taagan, balse waa aalad aadan ogeyn waxa ka dambeeya... dad badan oo lugooyo kaliya u socdo baan meelaha qoraaladooda lagu arkaa.. marka weey adag tahay sidaad ku kala saarto cidii wanaagsan iyo kaan aheyn.

Omar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yaaaska

Unrecorded Date
to. Omar
laba mid ha isku qaldin waligaa
mida hore hadii aad rabto inaad sameyso waxa aad
rajeyneysid samee adigoo aan cidna kalatashanin
tan labaad hadii aad riyooneysid ama riyo aad
ku jirtid KEEP YOUR DREAMING brother

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdullahi

Unrecorded Date
Omar
Nolosha u fiican ee qoysku waa in aabaha soo shaqeeyo, hooyadana guriga iyo ciyaalka ka shaqeeyso.

Saaxiib waxaa ku weydiinayaa yaa rabtaa in uu ciyaalka kuu hayo? mise ciyaal ma rabtid ?

Miyaadan soo shaqeyn karin dhaqaale ku filan familkaaga, oo aad oga maarantaan ceyrta.

Saxiib omar arinta sidaad u maleyneysid ma ahin.

Nabadgelyo

Ma waxaa rabtaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Omar

Unrecorded Date
To: Abdullaahi
Wallaalow adoo raali ah bal markale ku noqo qoraalkeeyga ugu horeeyay ee mawduuca, kaasoo aan filayo in ay ku cad yihiin, inaan rabo inaan reerkayga u shaqeeysto iyo in kale...
Haa nacam ilmo waan rabaa, hayntoodana aniga iyo xaaskeeeyga ayey noo taalaa.

Haddii aan ku qoray af-Soomaali adag ii soo sheeg waan jilcinayaaye....

Omar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdullahi

Unrecorded Date
Saxiib waxa aad tahay nin ay ku riyoodaan gabdhaha soomaliyeed oo kuligood ay rabaan in ay guursadaan, hadii aad sifayaasha aad kor ku magacaawdey aad leedahay. Sida waxbarasho,
shaqo fiican, in aad raali tahay ood caawineysid.


Saxiib hadaba waa maxay dhibaatada jirto.
Bal saaxib is ku noqo mar labaad, maxaa kaa qaldan.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.