site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

****** NAF BA WAXAA U QAALI AH OO U QIIMO AH QOFKII AY JECLAATEE . NIN UU CAASHAQ QALAAYANAA SIR MA QARIN KARAAYEE *********

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Sept. 2000): ****** NAF BA WAXAA U QAALI AH OO U QIIMO AH QOFKII AY JECLAATEE . NIN UU CAASHAQ QALAAYANAA SIR MA QARIN KARAAYEE *********
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IBRAAHIM

Unrecorded Date
Asalaama alykum dhamaan dhalinta Bogan xiiseysa waxaan idinla socod siinaayaa in maantay oo ay taariiqdu tahay 9ka apriil aan guursaday gadh aan aduunka oogu jeclaa oo aan sugaayay mudo dhan 3 sanadood . waxaan idinkula talinaayaa si kal iyo niyad ah maa daama aad tihiin gabdho iyo wiilala soomaaliyeed oo aan sinji iyo walaalo nahay meel kasta oo aad ka timaadaan south north west east . we are one ppl . keep in mind please . inaad guursataan .guur xalaal ah oo aad ka baxdaan DATE iyo phone calls . waxaan leeyahay guurku waa macaan ilaahey uu macaaneeyay ee DADOOW GUURKA HALA OGAADO WAXAAN KU JIRAA FARXAD ALXAMDU LIHAA WAXAAN IDINLA JECLAHAY INAAD ILA WADAAGTAAN DHAMAN TIIN AAMIIN WA SALAAM ALYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaasha

Unrecorded Date
Mabruuk Ibraahim, wiil iyo caano; bashbash iyo barwaaqo baan idiin rajeenaaya adiga iyo xaaska.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kadra

Unrecorded Date
CONGRATS--- BAARAKALAAHU LAKA WA BAARAKA CALEYKA WAJAMACA BAYNAHUMAA BIKHEYR! aammin alahayow.
labadii hodmee hoy wada galee hooda leh noqdoo hibo iyo ducaba naga hooya ee.....aamiin, kadra

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nasir

Unrecorded Date
Ibraahim;

Sida walaasheen Kadra ku tiri iga hoo............>
Labadii hodmee hoy wada galee....Hooda leh noqdoo.
.....Hibo iyo ducaba naga hooya e!!! Arooskiinnu ha noqdo kii lagu waaro laguna raaxeysto...oo wiil
iyo caano gabar iyo caano....Aamiin..Aamiin......

Nasir.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IBRAAHIN

Unrecorded Date
DUMARKABA ADUUN BAA IGU DHAGA NUGLAAYOO AAN SOO DHAWEEYOO DHAAWICII HOREEN QABAY WAXAA TAHAY DHAQTARADII BOOGTA JACEYLKA IGA DHAYEYSOO WAAD I DHIIRI GALISEE . HADII AAD DHAQAAQDOO INAAD GUURSATO JECESHAY GAARIGAA DHAQSANAYEE KUU SIDA JECEYLK MA DHEELIYOO DHINAC DHINAC U MA SEEXTO ... DHAMAAN WALAALAYAASHA SHARAFTA BADAN MAHAD SANIDIIN GAAR AHAAN KHADRA THANK YOU VERY MUCH INDEED . JACEYL BAAN ANOO GABDHII ILA HURUDO WALI KASEEXAN LA AHAY . PEACE AND LOVE . XAASKEYGA MAGACEEDU WAA FARDOWSA***

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ololiye

Unrecorded Date
Hadhow markay 911 kuugu wacdo baroorta ha nagula soo dhex dhicin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sumaya

Unrecorded Date
Salaama Calykum


Allaah hadiin barakeeyo insha Allaahu noqdana
good muslin oo Allaah kacabsada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anon

Unrecorded Date
lol@Ololiye,

Ibraahim Iyo Fardoowsa mabruuk, wiil/gabar iyo caano.

Ibraahim, ka yar naso pc-ga inta aad honeymoon-ka ku jidho!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

smart sis.

Unrecorded Date
IBRAHIM & FARDOWSA
congratulations, hambalyo, mabruk.
may you both have a very long live together field with love trust, happines and respect.
Ilaahay ha idiin barakeeyo wiil iyo caano gabar iyo caano.
and cherish one another.

luv to you all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sagal

Unrecorded Date
To Ibrahim

Mabruuk caleekum walaalkiis, runtii waan ku farax sanahay inaad noo sheegtay macaanka uu guurku leeyahay waxaadna tahay ninkii ugu horeeyay ee qirta inuu ilaahay siiyay inan qayr qabta oo uu jecel yahay.

Waxaan rajeeynayaa inuu aniga iyo dhamaan hablaha soomaaliyeed ee single kaah uu adoo kale ilaahay na siiyo, ficlan walaalkiis waad taqaan qiimaha jaceeylka.

Mar labaad waxaan idin leeyahay ilaahay ha idiin baarikeeyo isha xaasidiintana haidinka xijaabo Aamiin.

Haidiin macaanaato aboowihiis.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Unrecorded Date
Adeer Ibrahim,

Hambalyo diirran mugga hore, kalka xigana ha dag dagin u koro aan ku leeyahay guurkaaga waa biyo biyo wali ma adkaane, sababtoo ah barri waxaan ka cabsaa adoo qayla dhaan ah inaad haddana nagusoo laabatid ee hadalka kala reebo. Sax waaye guurka waa macyahay laakin xoogeey cusbo iyo basbaas ah aa la socda ee iska jir.

isma dhaafno adeer.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

colonel sangawi

Unrecorded Date
colonel sangawi

To Ibrahim

w/calaykum waxan idinleyahay ilaahay haysu kiin barakaeyo walalayaal. Midna waa iga dardaaran ibraahimow Guurku ayaamaha hore waa malab,lakin ogow nimco wallba oo aduunka nusqaantedey leedahay sxb!! marlxalad uu murre noqdo baa jirta alla kuguma keenee Dulqaad yeelo,Go'aankana ha ku degdegin weligaa ha oran hadaad Gabadhada is qabataan waad iga gardarantey mar walba garta ayada sii(wixii aan xadka dhaafsiisneyn) gacan haddey kuu soo taagto how jawaabin haddey carooto ha la xanaaqin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
IBRAAHIM & FARDOWSA ILAAHEY WAXAAN IDINKAGA RAJEYNAYAA CIMRIDHEER CAAFIMAAD QAB IYO CBAADO SUUBAN INSHALAH. ILAAHEY HA IDINDKA DHIGO KUU ISKU WAREE UBAD QEYR QABA IDIN KALA SIIYA, WIIL IYO CAANO, GABAR IYO CAANO.

TALO:-) WAXAAN ISQABNAA ANIGA IYO NINKEYGA 2 SANO 2 KALENA WAAN WADA SOCONEY, WAR WALIBA GUURKA WUXUU LEEYAHAY ISKA HOR IMAAD LAAKIIN WAXAAD AHAATAN KUWII GARTA QALADAADKOODA ISLA MARKIIBA.
HADDII AAD DOONEYSO INUU GUURKIINA IDIIN RAAGO INSHA ALAH.WAANA RUNTII WAXAA MAR WALIBA MACAAN GUURKA XALAASHA ISKUMA DHOWA.
THANX;-)
SOMALI SIS, PEACE AND LOVE EVERY WHERE U R!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hussein

Unrecorded Date
to:ibrahin
wuxuu ahaa war runtii farxad leh isla markaana aan rajeynayo inuu dad badan fikradahooda wax ku kordhiyay.
waxaan kaliya oo aan ku dhihi lahaa ibrahin
REERKII LAGU NASTEE
LAGU NAGAADO
WADA JIREE NABAD GALA
ALLAHAYOW IDINKA YEEL
ALLAHAYOW IDINKA YEEL.
INSHA ALLAH MARRIAGE FOR EVER
IYO AWLAAD BAARI AH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sister

Unrecorded Date
To:IBRAHIM & FARDOWSA

congratulations, Ibaraahim walaal ilaahyana ha idinka dhigo kuwii bash-bash iyo barwaaqo ku raaga ee is fahma and i hope rest of us will follow your good Expmple


peace

Sister

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Salaam dhamaan walaalayaal,

Ibraahim iyo Fardowsa, alfi mabruuk, hambalyo, arooskiina Ilaahay haka dhigo kaad ku raaxaysataan, noqdana kuwii isku raaga oo nolol wanaagsan kuwada noolaada weligiinba, noqda kuwii ku xiliya dhibkasta oo aad kala kulantaan guurka diinteena xaniifka ah, aamiin. Jaceylku malaha dhamaad, marka Ibraahimow marna hasiidayn jaceylkaaga. Ilaah kheyr farabadan hasiiyo kuwa halakan sida wanaagsan kuula taliyey. Walaalayaal Ilaah ha idinla jiro meel walba aad joogtaan aduunka, aamin. wa salaama calaykum.
walaashaa fil Islaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hawo

Unrecorded Date
asalaama aleykum
to ibraahim iyo fardowsa waxaan idiin rajeynayaa caafimaad farxad guurkii waara wiil iyo caano gabar iyo caano ku waara waxaan idin leeyahay hambalyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdinasir

Unrecorded Date
Asalaama aleykum walaalayaal.
marka xiga walaal IBRAHIM iyo KHADRO,waxaan idin
leeyahay BAARAKALAAHU LAKA WABAARAKA CALEYKA WAJACALA BEYNAKUMAA KHEYR(aamiin).siday
ugu farxeen walaalaha soomaaliyeed oo dhan ayaan
ugu farxay guurka iyo jacaylka idin dhexmaray adiga iyo walaashey khadro.laba talo ayaanse jeclahay inaan walaal idinsiiyo:
1-walaal gurigaan ku dhismin ilaalinta sharciga
alle guntiisu ma fogaato,mana raagee taas
xussusnaada.
2-ummadda ilaahay abuuray qaar badan oo aan samaha
jecleyn ayaa jiree walaal saddexeeye iska ilaa-
liya .
ugu danbeyntii walaal noogu soo duceeya
in ilaahay jidkaad marteen na waafajiyo,noona
sahlo SAWJO SAALIXAD AH.
WALAAL IDINLA JECEL WANAAGGA....ABDINASIR

ABDINASIR71@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dacar

Unrecorded Date
mabruuk baan idin leeyahay oo wiil iyo caano gabar iyo caano,ilaaheyna quraankiisa wuxuu ku yiri waxanu dhaxdiina dhignay jaceyl iyo nasteexo oo walaalow marnaba ha aaminin waxey soomaalida yiraahdaan oo eh in labada is qabo aysan col iyo nabadba aysan aheyn,ee tahay quraafaad oo ay jirto jaceyl iyo nasteexo oo aad isku gar-gaartiin oo xaqaada gudatid waa midoo mida hore wiilasha maanta jooga wey fududeestaan mas'uuliyada saaran oo eh in ay haday habeen gaajo ku jiifato aaqiro laguu haysto,tan labaadna waa meherkeeda oo aad ku waafaqdid xoola badan intay qabsato baad markii is qabatiin intaad silcisid si'ay kuu tiraahdo walaalow waan kuu cafiyay ee wax cafis la'yiraahdo ma jidho ilaa inaad siisid mooyee marka qeer alaha ku siiyee walaalow is ilaali waa mas'uul balaran oo ilaahayna noo sheegay,Aaamin,Aamin,Aamin.

inagana noo soo ducee in ilaahay noo sahlo mid baari eh oo raaliyad eh oo diinta ilaaheyna laba gacan ku hayso,Aamin,Aamin,Aamin.


dacar-dacar-dacar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QARANDOON

Unrecorded Date
IBRAHIN + FARDOSA = Wiil iyo Caano + barwaaqo

taasi waa xisaabtii oo dhan. ku guuleysta arooskiina kana wada shaqeeya wanaagiina.

thanks to allah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kadra

Unrecorded Date
Ibrahim and Fardowsa
idinkaa mudan wallaal, ee labadii isku waara awlaad saalixa kala helana noqda. aamiin.kadra

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
ibraahim bal fardowsa ii weydii in laga yar yahay.
wax guurdoon ah aqalkii ma uga timi?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
waxaan kuu rijeenayaa ilahey in oo ku siiyo gabar iyo caano iyo wiil iyo caano. ankna ilahey hansiiyo sidaasookale. HANBALYO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muriidi

Unrecorded Date
Maashaa-Allah, waryaadhehee illeen Somalidu waa duco miidhan, Ilaahay kulligiin ajar iyo xasanaad ha idinka siiyo ducada aad u duceyseen arooskaas.

Ibraahim iyo Fardowsa idinkana Ilaahay ha idiin aqbalo intaasoo Muslim ah ducadooda anna waan idiin raacinayaa, Noqda kuwii isku waara ubad kheyr qabana kal hela.

Hal waano ah. Guurku hadduu communication leeyahay ma dhamaado, yacne wada hadla haddi ay wax dhacaan Ilaahay idinkuma keenee.

Alfi Mabruuk

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Magaciisi

Unrecorded Date
Ku Ibraahin.

Saaxiib hanbalyo iga hoo.

Ibraahim waad faraxsantahay hadeer, lakiin ha murugoon hadhoow, markii ay qoftu qaloocato, sababtoo ah waxaa laga abuuray feer qaloocan (samirka badi).

Saxiib ma doobnimaad ku waynaatay mise jacayl waalan baa ku hayey.

Ibraahin WIIl & CAANO, GABAR & CAANO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

edil

Unrecorded Date
from edil
congratulatoin guys
illaahey waxaa idinkaga baryayaa inuu ilaah idin siiyo awlaad caafimaad qabta baarina rabigood ugu deeqo.ibraahimoow aduunka waa harka labadiisa gelin faraxa iyo murugaduna rabibaa adoonkiisa u sameysteysi uu kala loo fiiriyo samarkiisa ee walaakeyow walbahaarku guurku wuu badan yahay eenoqo nin miisaan leh waxay naagtaada noqon doontaa mid sidaad u ula macaamiisho kuula macaamiili doonto.
sheeqow waxaa layiri ninn yurub joogo waa loo dardaar wariyaa eedarxumadu way way badan tahee
sheydaanka allaha idin garab mariyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bile-Bashaash

Unrecorded Date
TO:IBRAHIM & FARDOWSA

Allaha idin ka dhigo kuwii ku waara bash-bash, barwaaqo, baraare iyo nimco ma guurta ah "aamiiin"
ayaan leeyahay noqdana intii isku soo booda hab
isasiisa gaadada isasaarta dibnaha isku antuuga ee aan la liidin ee aan la liicin lamaane ahaada
sidii ul iyo diirkeed ama far iyo faraanti...?

( Hees )
"Dhabta miyaa miyaan ku saaraa ~~~~~~~~~
Dhibtaan kula nacaya dhibtaan kula nacahaayaa~~~~
Hadba sabi dhalaan sidii~~~~ dhabarkaga igu qaad dhenged waan ka fududahay ~~~~~~~~~~~~"

<><><><><><><><><><><><>

Nasiib wacan Allahayoow

Bile-Bashaash

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Troublegirl

Unrecorded Date
IBRAHIM....

Gabar hadaad dhashid igu sami.....OK.....LOL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Unrecorded Date
Curada yeey kaa qaldamin iska jir Ibrahim.

Taas waa naseexo oo liwajhilahi ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IBRAAHINiyoFARDOWS

Unrecorded Date
halooooooooooow aamiin aamiin ilaahay waxaan idiinka baryaayaa in uu ajar iyo xasanaad idinka siiyo . waanadiinii ducadiinii warwanagiinii iyo hambalyadiinii . waxaan idiin sheegayaa oo wanaag ah . waxaa la ii qaaday uur oo fardowsa waa 2 bilood wuxuu noqondoono ilaah baa og gabar hadey noqoto waxaa hooyadeed fardosa u bixin doontaa ha duu alle yiraahdo . SALMA anigu se waxaan u bixin lahaa ZUHUUR. HADEY GABDH NOQOTO, haduu wiil noqdana KHAALID. MARKA magacyo wanwanaagsan oo saxaabadii ah ama islamic names ah baa la idinka rabaa . waxaad caruurta u tihiin abtiyaal adeerayaal eedooyin iyo habaryaro. sidaa iyo markale oo aan idin leenahay jasaaka laahu khayral jasaa dhamaan walalaha aan halkan isku baranyoow . salaama alaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Unrecorded Date
Magacyadii Asxaabta iyo qaar taabiciin ah ee Ragga iga hooya Ibrahim & Fardoos.

Qatami - Kathiir - Abu Hafaan - Badiic - Cutbaan - Daafir - Abu Tamxaan - Farazdaq - Macruuf - Shurayx - Marwaan - Jurayr - Maalik - Tufayl - Qays - Camruu - Labiid - Mahyaar - Dacbal - Kashaajim - Xaskafi - Munthir - Mutanabi - Bashaar - Mucaqar - Camaara - Jaxtha - Al-Mustanjid - Waathiq - Cakuuk - Safwaan - Yaaquut - Shammaakh - Kacab - Zayd - Fityaan - Mudafar - Burayd - Bariir ( Bariira waa hadii ay Gabar tahay ) - Burdah - Bazaar - Bazaaz - Bazuuri - Basaasiiri - Busr - Bataa'ixi - Bakbara - Bilaal - BulBul - Taajul Islaam - Taajul Caarifiin - Tabiic - Tarkhami - Tarqafi - Tirmithi - Tammaam - Tamtaam - Tamiim - Tunkuti - Thaabit - Thaclab - Thaqafi - Thumaama - Thowbaan - Thoowr - Jabir - Jaaruudi - Jabaab - Jabur - jubayr - Jaxdari - Jurjaani - Jurjuraai - Jundub - Xaatim - Xaarith - Xaazim - Xaafith - Xaamid - Xassaan - Xubbaan - Xibbaan - Xuthaafah - Xuthayfah - Xakiim - Xammaad - Xamzah (Asadullaah) - Xinthalah - Xawtharah - Khabaab - Khaalid adigaaba jecelba - Khuzaaci - Khuzayma.

Face one halahaas hanoogu ekaato. Maalin waliba badeeco camal aankuugusoo diraa wadaayoow.

Walaalayaal ha u malaynina inaan kaftan iyo ciyaar usoo qoray waa iga walaahi oo Billaahi oo Tallaahi waa magacyo run ah oo jira, waxa aan hayo ayaa ka badan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,,Oo sagaalkii Bisha tagtay ee April soo Meherkii iyo Arooskuba maahayn ,,,Degdegsiiya badanaa iyadu oo ma durbadiiba laba bilood tahay yaabaye ma Sheydaamad baa wuxu,,Duulkaa, Jiirkaya xaraare!! baa waxaa la odhan jiray Caawa Guriga gee seddex bilood intaanu kuu dhammaanna 12 ilmood oo mataana ahoo isla eg eg mar qudhaata ka soo daadsha,, Mise gabadha Fardowsa ahi Arooska hortii bay iska laacibi jidhay,,,Malaha weyska Dhallinyaro iyo Xaalkeede maray Xeero iyo fandhaalli ay kala dhaceen baa waxuun laysku aguugay ,,Tolow armey horey uun u wadatay waxeeda,,,Hoogayee istaakhfurullah may anigu ma oran ,,Xaashaa lilaah may anigu maya Afkaya isu ammaan!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaali

Unrecorded Date
Lol@@@@@@@@@@@@@@@Neefowkanini!!
Khaleeys ma jiro haye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wife

Unrecorded Date
Xaali abaayo ku dayo nooh, kawaran hadaad April
9 aqal geli lahayd sidaas oo kale aa Allaah wax kuu siin lahaa,iskana Ilow hadlkii ahaa "Marwanimo
waa Booyeysani" lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khadiija maxamad

Unrecorded Date
ANIGA MA JECLAAN LAHEEN INAAN APRIL SAGAALKEED LII GUURSADO HADANA LABA BILOOD AHAADO OO ILMAHEEGA MAGAC LOO BIXIYO MA ILMAHA AAN DHALAAYO WECEL MIYAA WARTA SUUQA MAGACYADAADA DHUUQSO HADDII GABARTA FARDOOSO HOR U SOO GOOSAN JIRTAY WIILKA AMA GABARTA AY DHALEESO DNA AA LAGA QAADAA HADDII ADI ILMAHA YEELATID WAA LAGUU YEELAA MAGACAAN HADDII UU IBRAAHIB DHALAYNA ASAA LABAXAYA MAGACA LAAKIINS ILAMA AA LAGU DHALAA 2 BIL OO 9 APRIL


xAALI SAX WEEYAAN ARRINTEEDA NEEFOOWKANIINI RUNTAAD SHEEGTAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Unrecorded Date
War inleen ibtala kaa weeyn iyo balaaya kaa badan, war annagaa wax aragnay, war maxaa idinku diray wiilka & gabadha. Oo miyeeysan yeelan karin uur laba bilood ah haatan?

Khadiija walaaleey horta waad gaftay oo labada qofood ee is qaba ayaad u gaftay. Sabab dheh, mala awaal ayaad ku shaqeeysay oo logic kuma aadan shaqeeyn. Hadii aad logic ku shaqayn lahayd waxaad ogaan lahayd in xisaabtu waxba ka qaldaneen sida ay wax u muuqdaan oo ah sidan :

1- April 9th, aqal gal.
2- April 10th, uur ayeey qaadi kartaa hadii waqti uur la qaadi karo ay xaaladeedu ku sugneed.
3- April 10th - May 10th is one month.
4- Ibrahim wuxuu inoo sheegay khabarkaan May 16th.
5 - May 16th - May 10th. waxaa u dhexeeya waa 6 maalmood.
6- 6 maalmood waxay ka tirsantahay bishii labaad soo ma aha.
7- Xageebaad qaladka ka aragtay markaad leedahay waa HORGAL hadaad kalamada macnaheeda taqaanid.
8- Ibrahim & Fardows inaad u hoyoto ayay kaa mudanyihiin Khadiija Maxamadeey.

Waana ka baxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,Warta Suuqa Yaa ibna aadam yaa Saaxibii Shahreyn macnaatahaa Akthar min Sitiin Yoom,,,,ma inta yaa camoo hoos maba ka soo baarameesid miyaana tan kale maalin dhaweyd al dardasha Kicked my ass outta rooooom ,,,,hadda waxaa soo taabataa NefoowKaniini@hotmail.com,,,,Dhagaweyne ma is taqaanaan Fiqiyada,,,,,,Mpls

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HonestGirl

Unrecorded Date
Salaam ya'll...

First of all.........Ibrahim & Fardawsa....mabrook......may allah bless ur marriage and may u guys live in happiness for ever.....insha allah.......

Its sweet of u to announce how happy u r and please pray for me cuz i wanna get married.........but every1 tells me i'm too young.........and besides....i aint got Mr. Right.

WartaSuqa........sistah thanx for explaining the thing..........i was a little confused myself.....NeefoKiniini almost got to my head.....but now i know its possible.....

NeefoowKiniini..........yabn cami........maalak wa maal annas........ceebha fi jeebha......inta eesh dakhal caarak..........even though what u said was funny.........but please respect pple'z feelings..........that aint a joke.......

U remind me of my friend..........she tries to tell funny jokes sometimes.......once she told pple her mom was 2 months pregnant.........-her mom is 60 years old, and she aint got no husband-......so please watch what u say and think 2wice b4 u type it..........no offense my brotha.......i'm just an honest sistah...

till lata
Honest Girl said

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

COLEEY

Tuesday, June 27, 2000 - 06:21 pm
WARTA SUUQA ?QOFTA MARKEY QAADEYSO UURKA 10 APRIL MIYEEN AHEYN GABAR ? WAASU AAL IBRAAHIM AA LAGA SUGAA JAWAAB? HEBAL ADIGANA JIDKAAS OOKALE AA MAREYSAA FARDOWSA WALAASHEED HADAAD AROOSTID

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aqlilow

Saturday, July 01, 2000 - 03:48 pm
nacas yahoo dabaalka ah waxaas wax lagu soo qoro mesha miyaa?

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.