site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

DUMAASHI DHIB BADAN

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Sept. 2000): DUMAASHI DHIB BADAN
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
WAAD SALAMAN TAHIIN
walaalyaal waxaa i heysto dhib dumaashiyaase aa idhibey oo ninkeygi waan ka dhaqan la'ahay asagiina wuu nagu dhax lumay anigana warkooda mar rabo ayagana xumaanteydey usoo tagan yahiin
ana waxaan go'aan saday in aan ka dhuunto ninkeyga mana rabo in ilmaheyga ku dhacdo aabala'aan
waawareersanahay eetalo ila soogaara

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DAAHI

Unrecorded Date
HOHOOY DUMARKABA DUMAASHAAN U NACAY
HOHOOOOOOOOOOOOOY DUMARKABADUMAANSHAAN U NACAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gabar somaliah

Unrecorded Date
walaaley waan ku salaamay salaan kadib
waxaan ku oran lahaa ilaah ka cabso ninkana
ha iska waalin maskaxdii farax san ayaa wax kutaraysa hadii aan su,aal ku waydiiyo
ma jeceshahay inninkaagu col ka goosto
walaashaa ama walaalkaa mase ogtahay ilmuhu
markay haystaan adeer ,eedomacaan sidii eedaday
mulki alow kuu naxariiso iyo abti,macaan iyo
habaryar qaali,ah ay kaburji amashacuur,naxariista
intaba laga helayn barfiiri ilmaha aduunka
tan kale hadii wax xun yihiin waxa xun waa tan
reerka udhaxdo ayaa xun maxaa yeelay somali
waxay tiri aayadaa xumi mar bay kuu naxdaa
ee beerka lagu dhufay waa naagta boowahaa
waxaan ku waydiiyay hadii aytahay dumaashidaa
mid dan yar ama ogabaratay walaalkeed inuu
wax taro oo aad awoodid uqabo hadii aad ahayd
mid fogayn jirtay soo dhawayso oo fiiri caruurtaada waa eedadood macaan waxa kan
waa ,aduun oo ma,ogid inaad noolaan
waatii bari ugu dhawayd rixin waatii sida
aad ugu dam qanayso uga dam qan lahayd
ogoow aduunku wuudhib badan yahay ilmahaaga
ehelkooda dhawayso ha,isku dayin inaad kibir
iyo been abuurasho,ceebayn ama baabi,in
adoo isleh isku jeclaysii ninkaaga taasiwaa
care ale iyocaaqibo xumo ilaahay waa kan
waxwalbo arkaaya waxaan arkay anigaas ayeey
igu dhacday inkasta eebahay ibadin hadii aan ahay
qof dayar amacaqliyar way isku dayday maskaxiyan
in ay iila dagaalanto oo ay i,ijaafaysay
iyadoo igu dirtay walaalkay dadkii aan ladaganaa
xitaa igu dirtay walaalkeediyo islaama ilmo
adeeradeeda .
maantase la,ogaaday wax aan ahay iska dhaaf
ayadee walaal kaygii ijeclaa ee igu dhaaran
jiray aanan niyad uhayn maalintii iigu danbaysay
halwiil ayeey haysatay waxay igu tiri maanta
ayaa kugu danbaysa ee si fiican oga dharag
maanta oo ay leedahay afar waan awoodaa walaalkay
inaan soo arko walaalkay waxaa gaaray shilxun
aniganawaxaan ahaa qof aad urixin jecel.
aniga saliga eebe ku fadhiya ayaan eebe ku iri
eebow dadkaan aan dabo ordaayo oo aan irabin
igajar maantana markaan tukaamada maraayo
oo aan arko wax lajeclatsto ilmahaan eedada
u,ahay biniya waa uhayaa laakiin ficliyan
waxaan taaganahay in aan kaarka taleefanka uquurin markaan soogato waxaan isdhahaa asbo
kuma soo waco awalna anoo kaligay ah ama gabar
oo wax ehel ama qaraabo ku haysan oo ay iigu
sokeeyeen imo adeertayd ayeey qalad iiga sheegtay
wali xumaan uma arag mar walbo waan soo wici jiray inta jeer ay igu damisay ilaahbaa og
ama sixun iila hadashay walina uma sheegin
maalintii danbe baan iri walaalkay waankuu
imaanaa waxuu iigu jawaabay guriga gabada
lahadel wax lamid ah ani guri marabo waxaan
guri waxaan haystaa shaqo hadii ay iga godo
waxaan qaataa ceer waxaan oga dir sadaa ehel
asaga wuu ogyahay waxaan soogoosanaa tigid
waxaan rabo oo aan usafrato inaan arko
maalintaas ayaan eebaan baryay in raxmadaan
iga yareeyo maan waxaan ahay xaas walaalakay
waa jeclahay waxse noqday daniiste sidaa
la,adligeed ilaahay waxaan kabaryaa inaan
dumaashideey ula dhaqmin sidii la,iilasoo
dhaqmay cilmi laan ma,aha waa wadaado
ilaahna waxaan kabaryayaa in ilaah aabahood
iyo hooyadood udaayo uu ilaah ibadin saa
anigu marna manoqonayo eedadii aan ahaa
soomaaliyeey waxaan idin waydiinayaa naagtaleh
ilmahaankala tagayaa ninka oo dumaashi

baan ogatagayaa gurigeeda sidee idin latahay?

miyuu laseexan karaa walaashii?

adiguse maninkii baad dhaliishay waad marmarsiyoon
mise waxaad aragtay in uu ku jecelyahay oo aad
rabtaa inaad reerka ka goyso ookadhigto
walaal la,aan hooyo,aabe, iyo ehel la,aan
adiga in uu intaa in lamid ah kugu sameeyo?
iga raali noqo hadii aan kuu gafay ina cafi
ilaahay khayrka hana garan siiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAMARDAYE

Unrecorded Date
DUMAASHIDA WAA TEE?HADDII AY TAHAY MID NINKAADA GEEYO,FADHI KUUMA YAALO,XIRADA AYAA LAGAA SAARAYAA,HADDII AYSAN AHAYN DHIBAATADA ADIGAA WADO EE REERKAADA SI WANAAGSAN U DHAQO OO HA KU TASHANIN IYAGA ,ADIGOO KALEH WAA LA YAQAAN WAXAAD RABTAA IN GACMAHA AAD ISA SAARATO OO AY KUU QABTAAN ADEEGA,ADIGANA AAD XINO GACMAHA SAARATO,MAC MACAANKANA AAD KALIGAA DHUUQDO,HADALKEEYGA U FIIRSO ADIGAA IS OGE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
TO;XAMAR DAYE;
KAALE ADIGA WAXA JIRO YAA KUU SHEEGEY DHIBKA WUXUU KA BILOOWDEY MID AAN GEYN ILAA AY U KEENTEY
MID UUGEEYO ANA HALKAAS AYAA KABAXAY MARKA WAAD MAHADSANTAHIIN DHAMAANTIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sacdiya

Unrecorded Date
Anonymous

Salamucalaykum,
aad baana uga xumahay dhibaatada kuhaysata ogowna
inay kaligaa kuhaysan oo ay somalida badan kooda
dhibaatada kulaqabto.waxaan ku oranlahaa caruurta
hadhigin aabo la'aan caruurta kuriimadooda iyo
maskaxdooda waxay sifiican ukortaa markay labadada
waalid ayla koraan,xanaaqa aad dumaashi xun ah aad
uxanaaqday caruurtada bohol ha uga tuurin ninkada
hadii aad run isku jeceshihiin uu asna yahay mid
waxkaa maqlaya kudheh magaalo ayna daganayn walaal
aha nagee waxaa lagayaabaa hadii aad kala fogatan
inay arimuhu intaas dhaamayaan laakin hadii aad
iska agdhowdihiin waligiin saas ayaa iskaga daba
laaladaysan.waxaan tiri halkaas ayaan kabaxayaa
hadii aad halkaas kabaxdo waxaad ogaataa inay
dumaashiyashaa kaaguulaysteen ninkadiina ayku
darsanayan naag ay iyagu maamulankaran waxba
hacararin ee ninkaada gacanta kuxajiso oo kala
cararmeesha.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sacdiya

Unrecorded Date
Gabar Somaliah,
salamu calaykum walaashiis saan ka akhriyey
qoralkada waxaad aad ugu xanaaqsan tahay dumashi
waan kula qabaa dhibaatadaas hadana ma eedeen
karo walaasheen kadacwoonaysa dumaashiyaasheed
ilaahay uunbaa og qofka dhibaatada kesocota,
inaga waxaa ila dhashay wiilal iyo naagahooda
mafara galiyo hadana waan kabaxsan waayey ilaa
aan uga guuray magaaladii aniga iskaba daaye
ninkaygii ayaa wiilashi layiri waalalahaa
waxay damceen inay igudiraan saan iska furo
oo aan naagahooha cuntada ukariyo dharkana
udhaqo ilaahay waxaan uguxamdi naqay inuu isii
yey maskax ayna iga guulaysan,saas aytahayna
markii aankasoo fogaaday ayey isku dayeen inla
isoo xiriiriyo laakiin aniga lagama yaabo inan
xiriiriyo inkastoo ilaahay yiri xiriiri qarabada.
marka waan iskudaayey walaalahay iyo naagahooda
meeshayraban haiska dhacaan, mudo kadib ayaan
maqlay indhibaato kudhacday kala duwan waan
kanaxay hadana umabixin xataa iyagii wiilasha
ahaa ayaa naagihii kala dileen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
TO;SACDIYA
WALAAL WAAD KU MAHADSANTAHAY WANADAADA LAKIIN WAXII QORAN IN AAN LA CELIN KARIN MARKA WALAALEY NIN IGA TAGAY MACNODARO SI AAN KU SOO CELIYO MAGARANAAYO WUUNA I FURAY ASNA NASIIBKIIS ANA KEYGA CARUURTEYDANA ILAAH BEY QABAAN ILAAHNA WAXAAN KA BARYAYAA IN HOOYO ADAG AAN NOQDO OO CARUURTEEDA KORSATO
AAMIN EE AAMIN II DHAHA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sacdiya

Unrecorded Date
Anonymous
Abaayo waan kusalaamay aad baana ugu xumahay
inaad ninkadii kale tagteen oo caruurtii aabo
la'aan kudhacdo laakiin saad sheegtayba ilaahay
waxuu qoray lama celinkaro waxaadse ogaatee inay
tumaashiyaasha kaaguulaysteen mararabin inay
arintaas kugudhacdo,waxaad tiri si'aan kusoo
celiyo garanmaayo halkaasna waxaa igacad inuu
ninfiican ahaa lakiin laga caqli badiyey haduu
nin kuuxun ahaa eraygaa ma'aadan dhahdeen hotra
lama waayaayo siaad ugu noqoto hadii aad
wadaadada waydiiso kolay waxaa daran inaad
cudadii dhamaysatay meeqa dalaaqod ayuu kugu
furay? caruurna imisaa uleedahay?
waxaan ku oranlahaa ninkaadii haduu ahaa nin
adiga iyo caruurtaba uroon aad jeceshahay
isagana kujecel yahay walina uu guursan kudadaal
saas kusoo ceshal lahayd.
Hadii kunoqosho suurtoobi waydo kudadaal inaad
inmahaada sifiican okors barna diinta waxla
barto ayadaa ugu qiibo badane anigana waxaan
ilaahay kaaga rajaynayaa hooyoyinka somalida
tii ugu fiicnayd inuu ilaahay kaadhigo laakiin
mid ogow hadii aad tahay qof diinta kuxiran
waxba wayn maysid.
igaraari noqo su'aalaha aan kor kugu waydiiyey
hadii aad dhibsato waxa aan kula raadinayaa
xal aad ugu noqon karto ilaahay ha isku kiinceliyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hussein

Unrecorded Date
abaayo waad salaaman tahay marka hore marka xiga waxaan kuu sheegayaa arinta ku haysata inay tahay arin kharaar laakiin sida uu qof kasta oo soomaali ah ogyahay waa wax mar walba dhaca oo caado noo ah in dumarka xididka ah ay isku dhacaan
laakiin sida kaa muuqata waad xanaaqsan tahay waxaadna rabtaa inaad talo ama action caro leh aad qaadato.
marka hore walaal is deji sheydaankana iska naar labo rakco tuko ilaahay bari oo dheh ilaahayow dhibaatadan iga saar.
reerkaaga abaayo ha iska luminin, caruurtaadana noloshooda iyo mustaqbalkooda ha burburinin waxaad isku daydaa inaad ninkaada si degan ugala sheekaysato arimaha dhacaya iyo sidii loo xalin lahaa ilama fiicna inaad reerkaaga u burburiso dumaashidaa darteed waayo ninkaada iyo caruurtaada midna danbi ma laha marka ka fikir yaa danbiga iska leh?dabcan dumaashi.
laakiin sidaan qabo ninkaadu wuu xalin karaa arinta si uun xataa haddii ay xal tahay inuu deegaanka aad degan tahay kaa raro oo uu meel kale kuu raro waayo asaga ayaa idiin dhexeeya adiga iyo dumaashidaa marka adiga iyo ninkaada si xushmad leh ugu wada hadla xalinta arintan
adigoo degan ninkaada xaqdhowraya.
insha allah kheyr baan idiin rajeynayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, July 03, 2000 - 12:31 am
GABAREY

NIN KALE MAHELEYSID YAAKUDHAHA DHAQO NINKAAGA
ADUUNKA LAMA SOCOTID NIN LAAN AYAA JIRTA
HADAADAN AHEYN LASBIYANIS DHAGAHA KAXIRO DUMASHIDA

DUMASHIDA DUSHA HAKA MURAXDEE

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.