site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Jacayl Waalan

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Sept. 2000): Jacayl Waalan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fuad

Unrecorded Date
Su'aashan waxay ku socotaa nimanka labada naag isku shukaansaday/guursaday. Walaalayaalow arinkan maxaan ka sameeyaa?

Xaas ayaan leeyahay iyo caruur. Labadayaduba shaqooyin aad wanaagsan ayaan haysanaa marka laga fiiriyo waddankan noloshiisa. Guri aan leenahay ayaan deganahay, noloshu waa iska near perfect.

Waxaa jira in wiil aan xamar saaxiib ku ahayn gabar la dhalatay ay magaalo noo dhow joogto oo uu hada kahor mar aan saaxiibkay ku booqday Holland uu igala dardaarmay hadiyadna uu iigu soo dhiibay.

Qoftaan maalin ayaan u tegey si'aan hadiyadii ugu geeyo isla markaana aan isu barano. Markay albaabka iga furtay uma malayn inay soomaali tahay sidaa daraadeed ayaan kulka hadlay ingiriis kuna iri heblayo ma joogtaa mise ciwaan khalad ayaan soo qaraacay. Magacayga ayey uiigu yeertay - Ma hebel ayaa tahay? gabadhani waa qof aad aan ula yaabay quruxdeeda. aad ayey u dheerathay waana caato xabad wanaagsan. maadaama ay saaxiibkay la dhalatay isla markaana aan xaasle ahay, niyadayda masoo gelin inaan shukaamiyo.

Waa isa sii baranay oo heer waxaan gaarnay aan noqdo halka qof oo Soomaaliga ah oo ay xiriir la leedahay. Jaamacad ayey dhigataa (freshman) laakiin markaan is baranaynay dugsi sare ayey ku jirtey. Calaa kuli xaal gabadhi waxyaabo badan ayaan isaga mid noqonay. Maalin ayaan ku iri qofyahay dareen ayaan kuu hayaa laakiin sidaad aragtidba suurogal maaha inaan waxaas kula soo galo, si reer magaalnimo ah ayey iigu jawaabtay sheekadiina waa iska dhamaatay. Maalin kale ayaa sheekadu nala gahsay nin naag qaba oo mid kale guursaday, waxaana weydiiyey haday sameen leheed arinkaa oo kale. Waxay iigu jawaabtay haa hadaan qofka jeclahay - Ani ma i guursan leheed? waxay iigu jawaabtay nasiibkaa malihi! Sheekadii ayaa nala dheeraatay waxayna ii sheegtay inay diyaar ii tahay inay igu qaadato sidaan ahay. Xataa waxay ii sheegtay inay aduunka meel kasta oo aan iraahdo na keen ay ii raacayso.

Laakiin waxaa jirta inaan ku noolahay nolol aad u wanaagsan hadii aan qoftan shanta la galana ay u badantahay inay xaaskaygu ila dagaasho oo aan ilmahayga iyo noloshii aan 4 sano soo dhisayey meesha ku kala tagno.

Dhinaca kale gabadhan aan soo arkay muuqaalkeeda, edebteeda, personality-geeda iyo xishoodkeeda wali gabar aan u dhigo ma arag wayna i jeceshahay.

Waxaan kala saari waayey inaan madax madax qofta iugu tuuro iyo inaan sheekada meesha ku xiroin kastoo ay igu dhib tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sacdiya

Unrecorded Date
fuaad
waadsalaaman tahay waad kuqaldan tahay inaad
xaaskaada iyo caruurta gabar yar oo qurux badan
aad kadoonato saad sheegtay nolshada waa heesare
ilaahayna hakuu saa'idiyo ogow qalbigu laba qof ma
wada qaado shimbirina laba geed mawada gurato ee
iska dhaaf labaqalbiga ku ekoow xaaskada hadii
ay xoogaa foolxumatay markay ilmaha dhashay ogow
adiga inaad saas kadhigtay walaakiis udanee
caruurtada lajoog xaaskada umalaymaayo haweenay
rabta inla guursado waayihii hore haa. gabadhaad
sheegayso waxaa laga yaabaa inay balaayo hoosta
kuwadato ogow waligaa naag shukaansanasa nin
xaasleh in laga fiican yahay, ha arkin quruxdeeda
iyadana bari ayey noqonaysaa sida xaaskaadoo kale
barina mamidkalaa raadinaysaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Habartaa

Unrecorded Date
Fuad jareer markey mid kugu qaadatay aqli xumadaada, baad naagihii oo dhan kortay, ani waxay ila tahay inaad dib isugu noqoto, maxaad tahay, shaqsiyad noocee ah baad leedahay, ma dhiman doontaa maalin maalmaha ka mid ah.

Ma ilaawday inta gabar masaakiin ah aad ku ciyaartay, in ILLAAHAY kuugu badalo masiibo adag miyaadan ka yaabayn, ka waran AIDS iyo mudankaaga.

Jaahil yahow inaad meelaha ka heesto mooye maxaad waligaa baratay? caruutaado maxaaad mustaqbal iyo waxay kaaga daydaan u haysaa?

Gabadha soomaali uma eka baad tiri adigaba soomaali uma ekid ma ogsoon tahay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, August 12, 2000 - 05:08 pm
TO FUAAD
SALAAN KADIB WAXAADKU XAMDISAA ILLAAHEYGII REERKAAS FIICAN KUU CALFAY TAN LABAAD NAAG QURXOON ADUUNYADU KA DHAMAANMEYSO EE MAXAAD SAMEYN DOONTAA?ABOOWE WUXUU ILLAAHEY KU SIIYAY DIB U JALEEC
BYE LUULA

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.