site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

AAWAY AQOONYAHANADII SPORTIGA SOMALIYA!!!!!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Sept. 2000): AAWAY AQOONYAHANADII SPORTIGA SOMALIYA!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maxamed

Unrecorded Date
ASALAAMU ALEEKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATU

Walaalayaal waxaan ahay inan aad iyo aad u jecel sportiga kuli ,gaar ahaan kubada cagta, yurub maanta wax kabadi ama kafiican majiraanbaa umaleenayaa xaga footbalka, basketka,footbal americain,bassebal,waxaa loo daayay mareekanka, orodka waxaa heesta kenya ama itoobiya,marka soomaali MAXEE HEESATAA!!!!!

marka AQOONYAHADA XAGA SPORTIGA ,ANIGA IYO DHALINYARADA SOMALIYEED NAGA CAAWIYA CAYAARIHII HORE EE SOOMAALIDU REEN REENJIRTAY!!!
SOODAA HADAA XASUUSATID MAGACYADA KOOXIHII XULKA GOBOLADA KACIYAARI JIRAY SIDA WAQOOTI GALBEED,JUBADA HOOSE,KORE.......

ma aragtay ciyaartii ay soomaalidu ay lacayaareen CAMAROUN(3-0,0-3)maxaa umaleeneesaa!!!!

WALAALAYAAL DHAMAANTIIN SOO QORA WAX ALA WIXII SPORTI MOWDUUC U AH EE AAD JECESHIHIIN,

WAAD MAHAD SANTIHIIN DHAMAANTIIN,REER BAAGAMUUNDI WAX AAN SPORTI LAXIRIIRIN HASOO QORINA ,hadii kale bacaadka siliga mareekanka ayaa isla tageenaa
WAA WALAALKIIN MAXAMED OO NIIDHAHAYA SOODHOWAADA DHAMAANTIIN,WIIL IYO GABARBA ,IYO.........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ooyaaye

Unrecorded Date
maxamed saaxiib waxaan xusuustaa xulka somaliya
oo liibiya 2-0 diray,aaway binshaakir,shaash,
sheekhaalow,kuluu,cabdikuus,
ha i xasuusin....ah.ah
naag ayaa wiilkeeda ka dhintay,waxaa tacsi ugu
imaaday darisyaalka,waxay dhahday ayado ooheyso:
BUUFKA WAA KANAA,LAMMA SUUS GALLEY,MADAAL DIGIR AH
IYO DEERAAN BIYO AH USMAA HEYBIHAAYEY,FUUQ AAS
KA SIISAHAAYEY,HA I SOO XASUUSIN...AHAHAHAHAHAH

HADDA sidiiyoo kale waayee xulkaasi oo kale ma
heleynee baroon iyo bambo faalaa dheelooyee
ha isoo xasuusinin...hahahhhhahah,..
Xamar sharad la cayaaraayey aarbitihii iyo boorti
yeerigii aa hal mar la dilay iyo ninkii goolka ka dhaliyey....
hadda saddex aaba sheegee labaatan aa lagaa dhalihaa
xulkii baroon iyo baasuuke aa badalay...ahahahah
ha isoo xasuusinin xulkaasi saaxiib..hahahahha

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Unrecorded Date
Waraa oyaaye adiga witig iyo sansaare iyo gariile maa la dheeli jirtay us waaba kaa yabee. See waaye macallin ooyaaye aaway dhaganaas eenoow kooxdi madbacadda ee gaagaabeeyga caanka ku ahaa inteey ka bexeen? daadka maa ayagana qaaday? Mukhtaar curri, ganjab, bashiir jeenyo, cantar abootooy. Cabdulahi Cabdi Muxidiin Darbo Dhaayoow been boode intees ka baxay dhehbo. waa la duqoobay ma aaragtay. Dadkaas Qamiir iyo macsaro eey wid ka dhihi jireen ma istiri, meeha hadda qaadka iyo xashiishka laga dhargaayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mel.abraham

Unrecorded Date
soomaaliya waxaad arki iyada oo bari dhow footy rugby laga ciyaarayao, ragbaa qarsoon saaxiib bahasha NRLee australia laga ciyaaro ku baas, markaas reer yurub soccer waba ka keeni wayde, reer americana NBA waxba ka noqon waaye ee wali reer australia ma soo eegteen bahasha lagu feedho goay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maxamed

Unrecorded Date
SALAAN DHAMAANTIIN

WALAALAYAAL WAA MAHAD SANTIHIIN OOYAAYE IYO WARTA SUUQA, LAAKIIN WAXAA NIGA DHIMAN XULALKII AY KA CIYAARI JIREEN IYO HADAY KU LALTAMI JIREEN WARSHADA CAANAHA GADAASHEEDA......

mel abraham
walaal waa layaqaan cayaartaas,iyo kooxa australia, new z... ile fiji iyo iyo iyo afrike du sud laakiin somaliya malaga ciyaari jiray waxaas......

soo boodbooda warka sportiga soo daaya
caafimaad alaha nii siiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MOMO

Unrecorded Date
salaan dhamaantiin

malasocotiin in galatasaray ay kareesay arsanal haaa

Mida labaad XUUX XUUX reer holland kooxda koopka aduunka heesata way soo noqotay watna nii tumi reer holanday waa FRENCE oo uu hogaaminayo diiqii lawada yiqiinay ZIDANE,HENRY,DESAILY,BLANC,lizarazu,iyo iyo ANELKA ANELKA marka reer hollanda YUU,NABIL,CUNAAYE ....WAA IDIIN DIGAY WALAALAYAAL

XAGA NPA XAGEE LAMARAYAA WALAALAHEEN REER USA MA FINALKII CONFERENSIGA MISE 1/2FINAL YAA SOO BAXAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dheereeye

Unrecorded Date
Dear mohamed:
saxiib marka hore waad salaaman tahay mar labaadka aad iyo aad baan ugu faraxsanahay qaytan aad ka hadashaay ee "sports" waa mid aad u fiican laakiin meeshan su,aal baa taal ma lehelayaa xulalkii somalia ee sportig mar dambe? sida kubadii cagta, koleyga, iyo ciyarihii fududaa
ee caanka ku noqonay sanadihii la soo dhaafay maalintii Abdi Bile uu calanka somalida ka dulmariyey calamada adduunka oo dhan uuna ku jiro kan USA iyo dowladaha ugu quwada weyn leh waa taariikh lama ilwaan dheh lakiiin maxaan ka qaban karnaa hee aduunyo lee ahaa?
dheereeye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baarka

Sunday, January 14, 2001 - 09:26 am
salaan dhamaantiin:
marka xigta waxaan ahay gabar soomaaliyeed oo kubada koleyge ama baasketka qaran u ciyaari jirtey aad ayaana ugu farxey markaan arkey aawey aqooyqhqnadii srortiga slia waxaa kaloo halkaan aad ku xusteen ciyartooy badan oo aan mudo maqlin
waad ku mahadsantihiin.aqoonyahan sliyeedna oo xaga srortuganam waxuu joogaa canada iyo eng,sweden marka hadey dhabkaa tahay la xirir
waa mahamed.
waa walaashiin baarka

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.