site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

!wax barashadeeda & wiil aan isla socono 7 month kee baan dortaa?

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Sept. 2000): !wax barashadeeda & wiil aan isla socono 7 month kee baan dortaa?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Girl_talo_doon

Unrecorded Date
Marka ugu horeyso Asalaamu caleykum marka xigto walalayaal waxaan donayaa in aad i cawisaan si sharaf leh.

Waxaan ahay 21 jir ardayay ah oo jamacad dhigato, waxaan ku jiraa sanadkii 2. wiil ayaan is baranay last year oo dagan wadan kale waxaan isla soconaa ilaa iyo 7 bilood, waxaan ku xariir naa mar phone marna wuu ii imadaa oo wu isoo si yartaa oo daradee ayuu qarash u so galaa. Runtii waan jeclahay wiilka asna wuu i jecelyahay lakinse mushakil waxey ka tagan tahay aniga dooni maayo in aan aqal galo ilaa iyo inta aan ka dhameysanaayo jamacadeeda oo iga harsan 2 sano, intaasna waxaan donayaa in aan si wanaagsan isku sii barano waayo 7 bilood is not enough I think. Asagana wuxuu ley'yahay waa in aan hada is guursanaa waa hadii aad run wadatid oo aad i jeceshahay. Ana dooni maayo in aan aqal galo sacadaan waayo i don't want to leave my study half way as u all know marriage needs commitment and wife has to do her duties, I have seen some girls who couldn’t continue their study couse of it. I don’t want this to happen to me cuz I have worked very hard to be where I am right now.

Wuxuu u maleyaa in aan siraayo oo aan doneynin in aan mustaqbal yelano ana runtii saa iga ma’aha. Waxaan iri haye aan is mehersano dabadeen marka aan dhameysto wax barashadeeda aan aqal galno balse asaga wuu soo tagan yahay oo ma uu ogala. Waxu yari hadii aad ka baqeysid in aad uul yelato oo hadhow wax barashadaada ka qaribo symply condom ayaan is ticmalenaa (sorry ma jecli in aan wordkaas isticmaalo) Aniga waan ka so horjedaa waayo waa danbi ilahayna wuu xaratimeyay sida aad ogtihiin. Waxaan saan isku qilafsaneen ilaay iyo 2 bilood, ana dooni maayo in aan go’ankeega ka leexdo asna dooni maayo and we both love each other. We tried every thing to solve it but we not compromising it.

Waan shakiyay waayo haduu I jecelyahay why he is doing this to me why can’t he accept my decision, and maxuu saan igu bush gareen is only 7 month. Do I put my career in risk marring a man who I know only 7 month? Walaal hadi aad qabtid fikrad Plz don’t hastate to write down.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Manaxe

Unrecorded Date
Libaax soo dil ku dheh, markaas baan is guursanaynaa! sidii gabdhihii hore yeeli jireen, haddii kale condomkiisaa isaga daa, haddii kale maro kaga xidh!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sister

Unrecorded Date
To: girl

hello sis i can see your point and how much you confusing.

walaal in my opinion studies more imporetan then everything else. sis try to talk to him and let him undestand your point and how studies is hard and that you can not handle famliy and school in same time.

Two years is very short time and time goes fast so if he can't wait that short period of time that means he don't love you" " sorry if that statment hards u sis"

bye sis and my alag will put you in a good shape isha laah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DD

Unrecorded Date
TO-girl

walaal aad baad u yartahay waxbarashadan maustaqbalkaaga waaye,inaad jeceshahay waad u cadeesay markaad compramise add semeesay oo tiri aan is nikaaxsanno, ninku hadoosan intaas kula fahmin waxbrashadaada ha uga tagen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HODAN

Unrecorded Date
TO TALO DOON

SIS NO MATTER HOW THE MAN LOVES YOU, YOU DONT HAVE TO LEAVE YOUR STUDIES FOR HIM.CAUSE THAT IS NONSENSE AND BESIDES THAT YOU ONLY KNOW HIM FOR SEVEN MONTHS. THAT IS A SHORT PERIOD TO GET MARRIED CAUSE MARRYING A PERSON NEEDS COMMITMENT, AND COMMMITMENT NEEDS TIME. IN ADDITION TO THIS HOW CAN YOU LEAVE YOUR STUDIES IN WHICH YOU WORKING ON IT ALMOST YOUR ENTIRE LIFE FOR A MAN YOU JUST LEARNED. I KNOW HOW IT FEELS WHEN YOU ARE IN LOVE BUT SIS, TO ME YOUR EDUCATION SEEMS MORE IMPORTANT THAN YOUR LOVER. AND BEING 21YRS YOU ARE YOUNG AND YOUR LIFE LAYS A HEAD OF YOU.
SIS ALL I HAVE FOR YOU IS "LOOK BEFORE YOU LEAP".
CAUSE IF YOU MARRY THIS MAN AND LEAVE YOUR STUDIES YOU MAY REGRET FOR THE REST OF YOUR LIFE.
MAY ALLAH MAKE YOUR HOPES AND DREAMS COME TRUE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sumaya

Unrecorded Date
Salaama Caleykum

Dear: Talo Doon

Sis best Education is to get married and produce Beautiful kid that is Good for women, Abaayo your
luck you have someone who loves you, Look our sister today they follow thier desires, loosing
virginity dating strangers, sometimes i feel pain inside,My last advice is Hook up your guy and enjoy the life, May Allaah bless all of you.

PS: This is my personal advice you know what is
Good for you.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Girl_talo_doon

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum
Sis, DD, Hodan, manaxe & sumaya Walaalayaal aad ayaand ugu mahadsantihiin fikradihiina qaliga ahi oo aad I siseen, walaal jira ayaad tihiin thanx. mid aan idinku daro sababta ay arintan complicated u tahay waa wiilka aan is jacelnahay wax ma barto oo waa nin aan wax barasho dan ka laheen agtiisa waxey ka tahay macno laawe, oo wuxuu ley’yahay anigaba wax ma aan baran eegna meesha aan joogo shaqo alle wuu I siyay waana dhaqanahay ee waxba indhaha ha iskaga dalin. Ana taa ayaaba la I maqashiin, oo waxaan ahay qof ku ad adag wax barashadeeda. Wuxuu saan qaraarkiisa iskugu dhajinayana waa taa. Midakale he is 27 wuxuu leyahay waqti aan mushaaxo oo sugo guur ma joogo oo 7 month ayaa enough igu ah and I don’t think so. wiilka waan jeclahay ilaa iyo xad lakinse waxaan ka sii jeclaan lahaa in aan si wanaagsan isku sii barano waayo 7 is not enough and he disagrees. War iyo dhamantii Walaalayaal thanx again waan la hadli haduu alle idmo wixii aan la kulmana waa idiinla so socodsiin donaa.

hadii aad comment qabtid don't hasateted to add it.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
aslaamu calaykuma abaayo hadii aan wax yare ku darsado talda abaayo waada dadaleysaa waxaadna ku taagantahay(right way) taklae hadii uu kaa diiday in aad is mehersataan,waxaan u malaynayaa in ayna ka runahaay jaceyeyka uu ku sheegayo&ku xidhiidhinta ku soo xidhiidhinayo,waayo gabadha aan mustaqbal ka rabo kuma eraahdeen wax isticamalayaa condadh&etc,waa yaab,takale hada ayaydunba isfahmikarime maxaada u malay naysaan marka aad aqal yeelataan,mar hore waa in aad ahaatan laba qof oo wax kasta oo dhaca xalina kara,oo hadu qaldanyahay aad qabtida hadaada qaldantahayna uu ku qabto,markaa iska ilaali kaas oo kale waa lugoyeee.waada mahadasantahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Unrecorded Date
comments to girl-talo-doon

walaal waad salaamantahay,waadna ku mahadsantahay sida aad walaalahaa soomaaliyeed aad ugu soo bandhigtay dhibaatada ku haysata adoo ka doonaaya talo ku qancisa,walaal anoo kamid ah kuwa aad talada waydiisatay waa tan taladaydii:

1:waxbarashadaada


2:7months oo aad is taqaanaan.

3:guur,asagoon ahayn mid nikaaxu qancin.

saddexdaas wax yaalood ayaan rabaa inaan wax yar ka iraahdo,anoo ukala horaysiinaaya sidaan ukala horaysiiyayna waatan :

walaal waxbarashadu waa qaali mana fududa heerka lagu tago heerka aad ka joogto maanta,waa mid dadaal iyo karti lays dheer yahay lagu tago,kuumana haboona inaad ka tagto maanta,wax kastoo dhaca .

2:7bilood maahan mid idinku filan, qofka aad rabto inaad noloshaada inta kaaga dhiman laqaadatana maahan mid la barto 7bilood oo kaliya,walaal guurku wax ciyaar ah maahan waxaadna u baahantahay muda intaas ka dheer ugu yaraan 3or4sano maahan kaliya 7months or labada sano ee kaaga hadhay jaamacada,walaal taas aad uga fiirso joyskana adaa leh.

3:guur,asagoon nikaaxu ahayn mid qan ciyay,walaal qofku haduu ku jecelyahay waa kii ahaan lahaa mid wax kasta ood qabto kugu gacan qaban lahaa maahan kii noloshaada isku dayilahaa inuu ku xad gudbo,talana iga qaado walaal nikaaxaad sheegtayna ka noqo,waayo kani kuma jecla ee waxaad tahay gabar qurux badan walaal maahan mid ku jecel adiga iyo naf ahaantaada ee waa mid aragtidaada iyo muqaalka jidhkaaga mid jecel intaasina waa in mudo ku xidhan,ee ka fiirso.

4:asagoon ahayn mid waxbarashadu qiimo la leedahay,walaal waxrasho la aan meel magaaraysid,yuusan kugu qalqaalin guur,ogoow guurku waa uu hawlo badan yahay soomaaliguna waxay ku maahmaahdaa(guurku marka hore waa uu sina dhuuban yahay marka danbana waa uu sino balaadhaa)

ka fiirso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Girl_talo_doon

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum
Walaaladey somaliyeed mar kale waad mahadsantihiin Anonymous & dr-troubleboy waad ku mahadsantihiin taladada aad ii so jediseen.

dr-troubleboy walaal si gaar ah hadii aan kugu la hadlo ugu horentii waad ku mahadsantahay 4 taking time to write all that advise i really appraciated. mida kale waxa aad sheegtay waa tan dhabta ah oo meesha ku jirta. Walaahi si wanaagsan oo dhaqankeena & diinteena ku saleesan ayaa wax igu sheegtay oo aan aad ugu qashuucay, taana waa Alle mahadii. Aad & aad ayaa ugu mahadsantahay oo waxaan ku ley'yahay walaal jira ayaad tahay.

To dhamaan
Hadii aan taladiina aqriyay oo aan anigana isku laabtay oo si wanaagsan arintaan ugu fakaray waxey isku so xirtay in ay pathetic tahay in aan isku tuuro guur nin aan garanaayo 7 month nearly 8. oo aan dayaco waxii aan nolasheeda oo idil u soo shaqenayay. Badankiin sida aad tirahdeen, qof haduu ku jecelyahay wanagaaga ayuu radiyaa not xumantaada mise wax, wax ku dhimaayo.

Waan la socodsiiyay oo qaraarkeega ayaan farta ka saaray of-course ma uusan jeclaan but is the reality he has to face it. Any way i decided to let him go if he can't accept my decition.

Again dhamantiin waad ku mahadsantihiin fikradihiina quruxda badan. Taa waxaa laga helaa walaal jira waana ku mahadsantihiin mid aan la koobi karin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubeboy

Thursday, June 15, 2000 - 08:41 am
comments to girl-talo-doon,ah.

adaa mudan walaal,talo isasiina waa wax la'isku leeyahay,waxaana aan kaa codsanaa inaad nala soo socodsiisid meesha sheeko ku danbayso......thanks.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SULEIMAN

Friday, June 16, 2000 - 10:05 pm
ASALAMA CALAYKUM WARAXMATU ALLAAH.
TO: GIRL-TALO-DOON,
WALAASHEY MUSLIMADA AH MARKA KOOWAAD WAXAAN KUGU SALAAMAYAA SALAANTA KOR KU XUSAN, BACDA SALAAM. WALAAL TALADA AAD SOO WEYDIISEY WALAALAHA SOOMAALIYEED HADAAN DHOWR KELMADOOD KA IDHAAHDO, WAXAAN KU LEEYAHAY WAXBARASHADU WAA QAALI WAXAASE KA QAALISAN GUURKA AY LABA QOF OO MUSLIM AHI IS GUURSADAAN GURI ISLAAM AHNA LA TAAGO WAA SHEY AAD QALI U AH, SIDA AY XUSTEY WALAASHEEN SUMAYA ILAAHAY HA KA ABAAL MARIYEE WEY KULA TALISEY XAQIIQATAN. WAXAAN KU ODHAN LAHAA WALAL HA CEYDHIN WIILKAAS GUURKA KUU SOO DOONTEY, OGOWNA DAD MUSLIM AH BAYNU NAHAY OO BARASHADA AAD RAADINEYSID WALAL MAAN FAHMIN WAXAA FIICAN IN AAD WIILKA KA FIIRISID IN UU DIINTA KU DHAQMO AKHLAAQNA LEEYAHAY WALAL.
HADALKII OO AAN BADIYEY WAXAAN KU LAAYAHAY WIILKA HA ERYIN HANA KU ADKEYN EE GUURSO KOLEY WIXII ILAAHAY KUU QOREY MA DHAAFEYSID CID KASTA OO HADASHEEEEEEEE. ILAAHAY BAA WIXII XAQA OK ILAAHAY XAQA HA INA WAAFAJIYO "AAMIIN"
ILAAHAYNA AYNU KA BAQNO MEELKASTA OO AYNU JOOGNO WASALAMA CALAYKUM MANITABACAL HUDAAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Saturday, June 17, 2000 - 07:14 am
comments to suleiman

salaamu calaykum dhamaan,intaas ka bacdi,waxaan rabaa inaan la yar hadlo sulayman oo sheegay in guurku ka qaalisan yahay waxbarashada,sxb taas run maahan nabi maxamed(scw)aad buu muslimiinta ugu baraarujiyay waxbarashada inka badan inta uu ku baraarujiyay inay yaraanta ku guursadaan,nabiga(scw)waa kii lahaa:raadiya cilmiga,xitaa haaduu jiro dhulka shiinaha,marka sxb gabar weeyaan qofka aad lahadlaysid,waxaad ku gabanaysana waa diin sxb ogoow wax barashadu waa qaali,guurkana in laga fiirsado weeyaan,maahan dalaq lee dheh,waqtibadan aan wax kale ku qoro sxb mahaysto hadalkaygana xumaan hawqaadan,ilaahbaana og kii saxsan labadeena,marka aan kusoo gabagabeeyo mid ka duwan gabagabdaadii,ogoowna marka aad sii salaamayso dadka haku gabgabayn (asalaamu calaa mani tabacal hudaa,sxb dadkana waa soomaali 100%waa muslin ku gabagabee ama ku sii salaan asalaamu calaykum warax matu laahi wa barakaatuh...................................

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SULEIMAN

Saturday, June 17, 2000 - 09:10 pm
TO: DR-TROUBLEBOY
ASALAMU CALAYKUM MANITABACAL HUDAA.
WALAAL MARKA KOOWAAD WAAD SALAAMAN TAHAY SALAANTA KOR KU XUSAN DHOWR KELMO BAAN RABAA INAAN KU IDHAAHDO.
1- SI FIICAN U AKHRI WORAALKEYGA WALAL IN TAADAN KA JAWAABIN.
2- WAA RUNTAA OO XADIISKAA NEBIGU (SCW)WUU SHEEGEY
BALSE MA TA MAADIGA AH KELIYAA, MISE TA DIINIGA AH BAA KOW AH?
3-WALALA ANIGU GABADHA WAXBA UMA DHIMIN WAXAAN KELIYA OO SHEEGEY FIGRADEYDA HADAAN KHALDAMAYNA ILAAHAY BAAN CAFIS WEYDIISANAYAA, GABADHA WALAASHAYNA WAXAAN LEEYAHAY HADAAN KHALDAMAY I CAFI WALAAL.
4-TA AAD TIDHI SOOMAALIDU 100%WAA MUSLIM ANIGU MA QABO FIGRADAAS WAAYO WAXAAN U SOO JOOGEY KUWO SHEEGTEY IN AY YIHIIN YUHUUD IYO KUWO SHEEGTEY IN AY YIHIIN CHRISTIAN, ILLAAHAY BAASE WIXII XAQ AH OG, ANIGUBA WAXAAN AAMINSANAA 12 SANO KA HOR IN SOOMAALIDU MUSLIM WADA TAHAY. SIDAAS BAAN U ADEEGSADAA KELMADA MANITABACAL HUDAA.
WAXAAN ILLAAHAY WEYDIISANAYAA DENBI DHAAF WAAN OGAHAY IN AAN DENBAABO MAR WALBA XAQANA INA WAAFAJIYO DHAMAAN WIXII MUSLIM AH.
ASALAAMU CALAAMANITABACAL HUDAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Biibto

Saturday, June 17, 2000 - 11:53 pm
Asalaamu caleykum dhamantiin
dr-troubleboy waan kugu racsanahay walasheen talodoon wanada aad u so jedisay i couldn't say better.

Girl_talo_doon Walaal talooyin kala duwan walaalahaa way ku siyeen talana ilahay ayaa bixiya. Horta Guur waa wax wanaagsan lakinse waqtiga aan ku jirno waa waqti xun, aan la aamini karin qof bani aadam maanta wajiga aad ku ogeed bari wajikale ayaa laguugula imanaa macdalaa adigoo garaneysid 7 mise 8 bilod. Taa aniga waxey iila tahay in ay barasho aheen waayo guur wax sahlan ma’aha waxey u bahantahay taxadir & kafiirsasho badan iskaga dhac ma’aha. Waayo 8 bilood waa mudo yar maxaa yelay qofka wuu isa soo saliideen kara intuu waji fiican ku tuso marka la aqal galana waxaa laga yabaa waji kale in lagula yimaado, inkastoo aan ku danbaabi karin wiilka aad jeceshahay. Lakin walaaley taa waa wax xaqiiqo ah oo ay ku dhacday dad badan. Amarka kugu dhacaayo kun sano ayuu ka weyn yahay taana ilahay un ayaa og koley waxaan ku dhihilahaa fee-jignoo 100% Alle barigana badi.
Wax barashadaadana ha u dayicin 7 bilood nin aad garaneysay, waayo cilmiga waa wax qaali ah waxaa heli karo qof uu Alle heebad u siiyay maskax uu wax ku barto. Imisa ayaa rabto in ay wax barato maca dalika aan maskax u heyn, nasiib ayaa leydahaye ha iska tuurin.

Ninkan haduu ku jecelyahay uu wanagaaga dan ka ley'yahay saa ma uusan u hadleen no matter waxa uu donayo macnaha ay uleyihiin. qofka nolashaada kula wadagaayo waa in uu noqdaa mid ku support-gareynayo kugu dhiri galinaayo waxa aad doneysid ma'aha in uu ku af qabto. Hada idinkoo is gursan ayuu saa yahay bari marka aad aqal gashaan ka waran? Walaley ilahay ayaa og meesha ay qeer kugu jirto balse indhahaaga fur feegi noona kana fakar arintan si xoog leh hana ku dad dagin.

Ilahay haku wafajiyo meshii qeerka kugu jirto Amiin salaatul xajana tuko siduu ilahay kaga qadilahaa kurbadaan & dhibatadan ku haysata. Wacaleykumu salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Sunday, June 18, 2000 - 05:39 am
,,,,,,Biibto Walaaleey Qof aad u Caqli badan baad tahee walaaleey mar ma kula taliyaa oo wax wanaagsan oo khayr qaba ma kuulugu taliyaa , hadda waa anoon u jeedin gabadha talada ina soo weydiisatay,,,,,,Taladeydu dib baan ka soo sheegi oo kolley war jiraa cakaaruu iman ee talada wad,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Sunday, June 18, 2000 - 12:22 pm
comments to suleiman

dhamaantiin idinkoo salaaman aan wax yar lahadlo suleiman idinkoo iga raali ah.
sxb waan akhriyay waxaad qortay dhawr jeerna aan akhriyay waliba anoo doonaayay inaan piont-kaaga fahmo waanatan sidaad u qortay(waxaan ku leeyahay waxbarashadu waa qaali waxaaase ka qaalisan guurka laba qof oo islaam ah is guursadaan....)marka magaranaayo meesha aad ka keentay in guurku ka qaalisan yahay waxbarashada.

2:xadiith-ka sxb nabigu(scw)wuu isku qaaday cilmi oo dhan mid diin iyo maadi ahba saasaad ku ogaan kartaa cilmigu inuu qaali yahay ha ahaado mid diin amase mid maadiba,midka koowga ah qofkastaa waa ogyahay waa kabarashada diinta in kugu filin ku filan inta aad la nooshahay.

3:waxaad tidhi gabarta waxba uma dhimin,ka waran haday walaashaa ahaan lahayd oo ay talo kuwaydiisan lahayd?masaasaad kula tali lahayd?sxb 7or8months qofka kuma tusaayo dhiniciisa xun waxaad arki kartaa uun dhiniciisa wanaagsan,waxaaba laga yaabaaba inuu qofkaasi totaly xun yahay balse uu isku kaa subageeyo sida walaasheen biibto u sheegtay,walaaloow ilaaahay danbi dhaaf waydiiso.

4:sxb tan aad tidhi waxaan arkay kuwa diimo kale haysta sxb soomaalidu waa dhowr iyo toban million marka qof ama laba amaba sadex qof oo diin kale haysta waxba uma dhimayso tirada 100%soomaalidu waa muslin, 99.9% way ka badan tahay inta soomaalida mulinka ah,marka ma gaalada waxay qoraan dhowaanahan ayaad run mooday? wax ka mid ah diinta intaadan aqoon buuxda u yeelan sxb ha ku camal falin,waayo waxaa laga yaabaa inaad khalad wayn ku gasho.hadalkayga xumaan haw qaadan walaal,waxaan nahay sidii ilaahay umadan ugu amaanay ee yidhi waa kuwa sharka iska qabta wanaagana is amra.............intaas ayaan kaga baxay maanta..........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Biibto

Sunday, June 18, 2000 - 08:01 pm
Asalaamu caleykum
NeefoowKaniini
Shukran jaziiran. Keefic maalik inta lisa cayaan? ya Akhi maa-ta'khud dawa cala aqal ibra. maat tistaxiish uli fikratak. I said mine waxii iga waano ahaa i think if u have one go 4 it don't hasatet.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohammed

Thursday, June 22, 2000 - 05:36 am
off course You have to choose the education rather than running after the lust this guy he will leave then what you will do you have no education you will be sorry for that think twice before making any decesion.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waayeel

Wednesday, June 28, 2000 - 01:01 pm
Girl-talo doon abaayo marka hore anigu waxaan ku oaran lahaa guurso waayo hadii aad jecershahay why are you waiting for a long time becouse you are muslim girl,and you feeling a same things any way
if you don't feel a man don't marry him abaayo hadaan anahay muslim waa inaan guursanaa hadaa naan a woo dina waa in lasoomaa marka hadii aan fiirino dhinaca westrenka waad sugi kartaan 2 sano
oo waxaad tiraah daa waxbaro markuu arko waxbara shada isagaa ku sugi doona waayo hada waxuu udeg degaayaa waa nin aan aqoon waxbarashada qaymaha ayleedahay,........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sister

Wednesday, June 28, 2000 - 01:43 pm
To: girl-talo doon

here is me again.!!!


after many wishis and greating for you sis I'm wondering if the brother don't value the education and u like to reach your gaol of studies do you think that relationship will goes on?

sorry to say this but believe me you guys will have this problem forever so my advice is think twice and make sure how thnks will be leter on.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, August 04, 2000 - 05:45 pm
Guys,

She made her decision, so move on to something else.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

brother

Sunday, August 06, 2000 - 08:40 am
to girl-tallo doon ah

He is unfortunate, and stupid(no offense) laakiin maxaa ka qaalisan oo ka fiican hooyada ilmahaaga mustaqbalka oo aqoon leh, hadii uusan isagu aqoon lahayn, miyuunan ka fikirin marna in uu dhiman karo barri markuu shan kaa dhalo.illeen waa bani aadane,adigoo degree haysto he does not have to worry about that at all. waa jaanis aad u qaali ah oo uu haysto ee haduunan sugu karin 2da sano ee kuu dhiman, he is the looser not you. you will find others who will appreciate you or my be who you can come to terms with you.I mean with same educational level. good luck and move on may Allah succeed you both education and marriege........... by a brother.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mahad

Thursday, September 14, 2000 - 11:27 am
TO: gabar talo doon

waxaan filayaa in walaalahaa gabdho iyo wiilalba
ay talo fiican ku siiyeen, walaal wado waxbarashadaa inta kaaga hartey,waan u baahanahey
gabdho soomaaliyeed oo wax bartey marwalba!

IF i was him, i could have wait you more then 10 yrs till you finsh your education, let alone 2 yrs

Walaashey soomaliyeed,maanta intaas ha inoo joogto.

Mahad

Miami,FL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wiilwaal

Tuesday, October 03, 2000 - 10:39 am
talo doon walaal hablihii hore waxay ku maah maahi jireen wax rag gartay ma wax rabi gartay buu ka duwan yahay sidaa darteed yeel waxa uu kuyiri wuxuu doonaba ha ahaadee mahadsanid

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.