site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Intee xumaan le'eg baad ugu dulqaadan kartaa qof aad jeceshahay?

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Oct. 29, 2000): Intee xumaan le'eg baad ugu dulqaadan kartaa qof aad jeceshahay?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, June 20, 2000 - 12:39 am
s/calaykum kuligiin, waxaan ahay gabar soomaali ah , oo ku nool mareykanka, waxaa dhacday in uu i xumeeyay nin soomaali ah oo in aan isguursano ka wada hadleyney, ama ku wada xaajoonaynay. Kadib markuu xaaraan xoog ah igula kacay, kadibna uu is mooday in aanan meel kale eegayn oon baryayo, waan rabay laakiin ma aqaan waxa qaaday, waxaan u maleyn saaxibadiis baa ku yiri hadaad naagta wax ku sameyn way isu kaa xariifin iyo ma aqaan waxaan ku mala awaalo. hada iyo dan ninkii waan eryay oo ma ku rabo baan ku dhaahay, waayo ma ilaawi karo wuxuu igu sameeyay, waana jeclahay oo , qofka kaliya ee ku farxi karo bay ila tahay inuu yahay, waan u xiisaa , mana ilaawi karo wixii dhacay, maxaan sameeyaa? ma doqon nin jeclaatay baan ahay mise waa caadi qof jecel qof ay ogtahay inuu xun yahay oo aan jeclayn, waayo imuu xumeeyeen ilaa xadkaa haduu i jecel yahay. ila taliya walaal idinkoo i caynin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

haboon

Tuesday, June 20, 2000 - 04:48 am
Asalaama caleykum.

Kadib abbaayo waxay aheyd in aad booliska ugu wacdid abaalkiisana marsiiso.Mida kale muxuu wanaag iyo jecayl ka yaqaan ruux waxaas oo kale kuu quuray , mid aan is ku mahersanay ayaanba ugu xumaaday fiktadaas balse waa mid xaaraan ah!ha

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nasteexo

Wednesday, June 21, 2000 - 10:12 am
walaal ru ahaan tii dad ku waa is ku xanaaqaan wax
na waa isu quuraan adiga keliyana ma aha ee dadkoo
dhan ayaa waxkasta is ku sameeya yaan lagaa caqli badin sida haboon oo kale waxaa laga yaabaa haboon inay tahay qof fool xun oo aan lasoo eegayn marka
walaal hadaad jeceshahay wiika is ka sabaur igana
dhaaf dheh wixi aadan rabin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cirsankayeere

Friday, June 23, 2000 - 06:41 am
aqoon daro waa nacab jacayl
qofku qof waa jecelaan karaa laakiin waa inay
jiraan waxa uu ku jecelyahay,waxana ugu horeeya dhaqanka iyo wanaaga qofnimo,laakiin nasiib xumo
qofka aad jeceshahay waxa uu ku tusay qiimaha aad agtiisa ka joogtid taas oo ah Zero,
hana noqon qof damiir lahayn jacaylkana ha u gafin,
iska ilow ciyaala suuqa.


cirsankayeere

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Washafateyn

Saturday, June 24, 2000 - 11:13 am
Salaamu caleykum. Abaayo horta waxaa xaaraan ah inaad nin ajnabi ah qol isugu soo gashaan. Sidas dartyeed sheydaan baa idin dhex marey saas awgeed abaayo iskuday inaad next time iska ilaaliso taasoo kale hadana waxaan kuurajeynaa the best iyo ku kale oo ka qeyr roon.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abushucayb

Tuesday, June 27, 2000 - 05:41 am
walaal horta salaan ka bacdi talo waa ta ilaah iyadoo aanan ahay dadka halkan fikradaha ka dhiibta ama talada bixiya ayaan maanta anoo halkan iska akhrisanaya soo galay.
walaal qof ku xoogay islaam iyo gaalba waa ka soo horjeedaa labadana xukun adag ayaa ka yaala. kaasi wuxu nasiib ku lahaa inaanad ashkatayn hadaad wadan islaam ah joogi lahayd wuxu heli lahaa ciqaab waafaqsan wuu geystay oo aadu adag
wadamada gaalada kufsigu wuu ka xun yahay dilka qof la dilo.
walaal taladaydu waxay tahay marka hore iska ilow jacaylkiisa wuxuu ku tarayo malah hadaad adigu tahay gabadhwanaagsan waayo haduu ku tusay inaan kuu rabin mustaqbal ee wixiisu yahay xaaraan qofku jecel wuxu kula jeclaan lahaa waxaad jeceshay iyo mustaqbalkaaga laakin inuu ku xoogo marna kuma fekereen.
tan labaad walaal waxad iska ilaalisaa inaad nin ajaanib kaa ah meel cidla ah kula sheekaysatid waxa idin sadexeeyaa waa shaydaan ee xitaa hadaad la sheekaysanaysid ku dhowoow meel dad ka agdhow oo uu ka baqayo haduu xumaan damco inay dadkaasi ogaanayaan ama kaa celinayaan haduu khasab damco
walaal islaamkaa ah mabda la raaco gabadhna ka dhigaya dheeman la dhowro ee ku dadaal islaamka
hadaad taladayda ku aragto wax xumaan ahna i saamax talo wanaageed uun bay iga tahay

hadaad talooyin kale rabto igala soo xidhiidh
guleed@ forums.dk.
allana waxn kaaga baryayaa wanaag

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abushucayb

Tuesday, June 27, 2000 - 05:44 am
ku socota haboon

salaan ka bcdi walaal ninkaad u mehersantahay maaha nin kaa foge e waa ninkaadiye odayga marmar busaarada ka bii mise waxad la sugaysaa aroos weyn iyo qalabkii ugu danbeeyoo laguu dhigo.
odaygu haduu oomanyahay marmar waa la waraabiyaa ilayn xaaraan maahee
walaal waa iga kaftan
kaas ilaahay mid khayrqaba ha kaaga dhigo
bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DrSex

Friday, June 30, 2000 - 12:54 pm
Yow girl! What is the Xaaraan you are talking about. You enjoyed with him in sex and now all of a sudden you are the agent of GOD. Girl, let him have sex with you many times. Show him that you can do as nasty as you wanna be, and then let him marry you. Teach him sex or learn from him. that is nature.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ubax101

Thursday, July 13, 2000 - 01:54 pm
none whatz-so-ever. i cant tolerate the bad doings of other ppl!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

haboon

Sunday, July 16, 2000 - 06:41 am
Assalaamu caleykum.
TO:nasteexo walaashay madoonaayo in aan hadal xun ku iraahdo balse waxaan rabaa in aan ku xusuusiyo gabar qurux iyo qeemo isku qirsani meelaha qaar ismay dhigteen, ee waxay sugi lahayd special time and special person,waxaanan dhihi lahaa gabdhaha soomaaliyeed,abaayooyin ilaahay wuxuu gabdhaha ka dhigay wax qiimo badan ee qiimaheena ayaan meelkasta dhigin ama la qeybsan qof aan u qalmin ee aan la sugno special moment, taas oo noqantoondo mid aad waligiin xusuusnaataan adiga iyo ninkaagu mana u malaynaayo iney jirto wax ka weyn gabadhnimadaada oo aad ninkaaga siin lahayd,

TO:ubushucayb,
walaal thanks,
waligoodba nimanku way isku daneeyaan,
balse waxay arintani ku wanaagsantahay waqti xusuusmudan.

wasaalamu caleykum;
by; haboon.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

T-GIRL

Unrecorded Date
Yahoooooooooooy nin Allaha badshey Fori di Ganjeelo dheh....Naftaadana maaweeeli...4 get him girl.Waa iga waano sis....Nin haduu kaa arko inaad u jajabantahay aaana jeceshahay.... huh... U will regret it. Calooshaada xero ee Calaf cagahaaga kuu doono.

PEACE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QUMAN

Unrecorded Date
GO GO GO
GO T-GIRL GO "THIS IS THE BEST ADVICE EVER"
HA HA HA HI HI HI HU HU HU HO HO HO
I CAN'T LAUGH MORE THAN THAT.
KEEP UP THE AMAZING JOB GIRL.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Haboon

Monday, July 31, 2000 - 10:18 am
Wallaal maxaakuqaaday madoqonbaa tahay?
Nin haddii uu rajo kaaleeyahay kumuunan xumaayn laheey ee rajada uu kaaleeyahay ayaa iska yar.

Anigu waxaan kugu latalin lahaan in aad doqonkaa ku xumeeyay aad iska iloowdid ee aad mid ku sharfa siduudoonaba ha u ekaadee raadisid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samia

Sunday, September 10, 2000 - 03:25 am
a/caleykum.
labo qof markey kala haraan qofba eed ayuu sheegaa
ilaahay wuxuu adunka waasic uuga dhigay in labadii is keeni weysaa ay kala tagaan.
gabar wiil xumeeye(wiil gabar xumeysay)adiga ma'uugu horeeynin mana uugu danbeyneysid!
waxaa tahay qof laga jejebiye waa normal in aad is moodo doqon,ma tihid abaayo waxaa tahay gabar caqli leh.
wiilkaas ma'aheeyn mid kuu qalma wuu imaanaa mid kuu qalma ee sug,wixii daaha ayaa qeyr ku jiraa.
qof aad jeceshahay markuu ku xumeeyo waa adag tahay sida lagu iloowo,waxaan talo kugu sinaa iska cafi wiilkaas oo sheydaan ayaa qaaday,labo qof in ay isku xanaaqaan sadax maalmod ka badan ma fiicno.
insha alah waxad heli dontaa mid ku jeclaada guur xalaal ah (kula gala)ma'aqaano in ay tahay sax sida aan u qoray.
iska iloow oo nolosha waa labo maal mood ee nolashaada dhinac ka raac.
a/caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ilhan

Thursday, October 05, 2000 - 01:12 am
abaayo wixii hore ka tag way dhaceen laakin hada kadib ilaahay danbi dhaaf waydiiso.
Runti marka loo fiiriyo idaga aayaa danbiga iskaleh oo ugolaady wuxuu kugu dhigay, marka iska ilow ninkaas jacaylkana qalad haka fahmin marba haday dadkale idinsoo dhaxgaleen ilama ahan inuu waxkuu hayo, doqon hanaqonin. Qofka ku jecel waa kan respectiga kuuhaya dhulka ha is dhigin intaad isku qiimayso ayaa lagugu gadanayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

alahmed

Thursday, October 05, 2000 - 02:54 am
haduu ku xumeeyay maxaa meesha yaal walaal doqonbaa samri wayda maxaad isugu dayi wayday inaad ogaato inuu ku rabo iyo in kale hadaadse ogtahy inuu kuu quuray xumaan adaa og kolaytee maxaad uga samri ladahay????????? mise waxaa jirah arin kuu gaar ah oo aadan kaga maarmin???? walaaal xumaynta noo kala cadeeyoo ma mid adi wax kuu dhintaybaa mise wuxuu ku yirih waxba kuuma hayo oo intaas weeyaan waxa dhacay haday wax kuu dhintay talada rabaa leh hadii hadal kaliya ay tahayse xumaynto walaal badu waa wad malyay rag badan oo kuu qalma ayaad heli doontaaye ka samir

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mr. Xagaar

Sunday, October 08, 2000 - 03:32 am
Haa walaal waa inaad qadato talada ay kuso jeediyen walaalaha insha allah wad heli qof fiican


good luck ban kule yahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

soomaali

Sunday, October 08, 2000 - 04:46 am
asalaama caleykum .walaasheydii dhibaateysneyd. talo waa tii illahey.mida kalena waxaan ku oran lahaa inaad taladiisa si wanaagsan u eegtid abuu shaceyb. aadna la xiriirto inuu illaahey jidkaaga furo ayaa laga yaabaa. Hadii xumaan u qaadatey aan is cafino.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Sunday, October 08, 2000 - 05:28 pm
comments to gabarta la dulmiyay
inkastaad muddo ka hor qortay hadana aan bal ra'yigayga ku darsado:
dhab ahaan waxaan wada ognahay haddii uu qofku qof jecel yahay inuusan u quurin wax qofkaas dhiba ama uusan lugay ahaadana qof jecel qof jecel waxa qofkaasu jecel yahay marka sidaad sheegtay waa mid inuu waxaas dareemo dhaafo xad xaaraam soo gaaray,marka abaayo siday t-girl kuu sheegtay nin ilaah baa badshay meel kastaa taagan yahay calooshaadana ka goo kaas waayo waxaa jiri doonta hadaadan samayn xilli ay adag tahay aadan haysana choose-ka aad maanta haysato oo inaad iska daba luuddo maahee arrinkale aysan kuu sugneen markaasina waa markaad caruur u yeelato xumaantaad sheegayso hadeerna ay badato waayo adoo gabar ah uu waxaas kugu dayaayaay,abaayo i'm sorry hadaad hadalkayga dhibsato balse waa runta.
abaayo hadda aad chance haysataa ee ka faa'iidayso hadaad rabto talo dheeraad ah waxaad igala soo xiriiri kartaa:
dr_troubleboy@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-t-boy

Sunday, October 08, 2000 - 05:30 pm
correct email is:
dr_troubleboy@hotmail.com

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.