site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Labo talaba tii roon

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Oct. 29, 2000): Labo talaba tii roon
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, June 30, 2000 - 09:00 am
waad salaaman tihiin dhamaan akhyaarta xiisaysa barnaamikan ila tali waxaan ahay wiil soomaliyeed oo kunool magaaldan minneapolis waxaan ubaahnahay talo diina akhristoow,waana sidan sheekadu
gabar ayaan is jecel nahay iskoolka community college ka isla aadno waxaanan isku jecel nahay maxaa kaa galay la'aan teed ma seexdo wax ma cuno ma akhriyo iyo wixii la mida,hadaba waxaa go'aansaday inaan is nikaaxsano balse reerkayagu ma rabaan aniguna waxaan rabaa inaan nikaax qudbo siiro ah samayno kadibna markaan diyaarka noqdo i mean lacag igu filan helo oo aan hoyadeed siinkaro helo inaan ogeysiino labada reerba.
markaa talo isiiya akhristayaasha qiimaha lahow.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

zak

Sunday, July 02, 2000 - 09:33 am
To Anon
Asalamu caleykum.
Walaal Anon runtii arintaada waa arin mar walba Somalida ka dhex dhacda si walba haku imaadeene
Runtii guurku ma aha wax sahlan waana arin go,aan adag u baahan waana Qofka aad noloshaada inta ka dhiman la noolaaneysid.
Nooma aadan sheegin waxa laguugu diiday koley waxay kuugu diideen wey kuu sheegeen.
Laakiin anigu waxaan qabaa inaad waqti qaadato si ay arintu sidaas uga soo fiicnaato Ogowna waalidka in ay yihiin kuwo un jecel noloshaada iyo wanaagaaga mana jiro waalid jecel in ay ilmahooda ku noolaadaan nolol xun mida kale walaal waxaan waanadeyda ay tahay aana hubaa in shaqeyneyso hal mid ah oo kaliya oo ah (salaad istiqaarada badi ILAAHEYNA ka bari dambidhaafna weydiiso)
Ilaahey waxan kaaga baryayaa in uu farxad kuugu dhameeyo aaminnn.

wabilaahi towfiiq. asalamu caleykum.
zak.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Monday, July 03, 2000 - 09:54 am
comments to anonymous
waad salaamantahay sxb intaas ka bacdi waxaan rabaa inaan talo gaaban ku siiyo anoon falan qayn dheeraaad ah sii gali raba kaliya inaan kuu sheego waxa ay diintu ka qabto qudbo siraysiga waana tan:
walaal qudba siraysigu waa xaaraan kuumana banaana in aad gabar iska mahersato ayadoon waligeed joogin nabigoo(scw)ka hadlaaya taasna wuxuu yidhi :laa nikaaxa illaa biwaliyinn.macnaheeduna yahay (nikaax ma jiro la'aanta waliga{gabarta}).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qadar%seattle

Thursday, October 19, 2000 - 09:54 am
waxaan sheegi lahaa horaa loosheegay ee walal kuwano qado.....hana kudagdagin guur kafiirso marka hore

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gabar

Friday, November 17, 2000 - 03:14 am
waxaan rabaa in aan talo siiyo wiilkaan walalkey ah oo jaceylku dishey.
aboowe aniga iyo adiga isku mid beeynu nahay lakiin anigaa kaa ad adag ayaan umaleen sababtoo ah wiil baan is jecelnahay asagana wuxuu inoo diyaa rinooyaa nolosheenii aan isku guur san lahay.
aniga ahaan aad baan u jeclahay asagana sidoo kale wuu i jecelyahay lakiin hadii familkeygu diidi lahaayeen anigana soo ma dhaweeysteen because waxaan agahay in familkeygu wax fiican ila rabaan waxaas fiicana aan aniga u jeedin.
aboowe mar hadii guurkaada baqmo iyo qarisba galo faaiido malaha intaas ayaa iga talo ah

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.