site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Aar talaan rabaa

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Oct. 29, 2000): Aar talaan rabaa
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

walaalkiin

Sunday, July 16, 2000 - 10:32 am
salaan dhamaan intaas ka bacdi waxaan idinka doonaa talo runtiina sheekadaydu waa dhab islamarkaasna taladiina ayaan doonayaa waana tan:

waxaan ahay nin dagan aamus badan aan eray xumi afkiisa ka soo dhicin,dadka iyaqaanaana way rumaysan yihiin taas,balse dhibaato waxay ka dhacday marka qof aan is aragno waxay uqaataan inaan kii adduunyada uxumaa aan ahay albaabkaan soo maro waa la xidhaa oo la yidhaahdaa gabdhaha inooga ilaasha.....wiilashaan isku da'da nahay marka aan isbarano waxaa la yidhaahdaa aarkaas yuusan inaga halaynin wiilasha...waxyaalo noocaas oo kale ah...calaa kuli xaal waxaan ahayn ayaa la'ii haystaa.....ee maxaan sameeyaaa??????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qawdhan

Monday, July 17, 2000 - 01:55 pm
walaal waxba hays dhibin waxaad tahay ayuun baad tahay kii waxaadan ahayn kugu sheegana isagaa denbi kaa qaadaya....good luck....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

walaalkiin

Wednesday, July 19, 2000 - 09:13 am
comments to qowdhan
walaal waad ku mahadsan tahay,walaal waxaan wax jira waaye talana waan doonaa aakhirana maxaan ku gaadhaa yaab aa ihaystee?
sida ciyaala suuq uma labisto xitaa maxaan sameeyaa?qowdhan sxb iguma filna intaase sxb ila tali.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

momo

Friday, July 21, 2000 - 06:43 am
ahlan

sxb sheegada saas uma fahmin laakiin aniga waxay ila tahay hadaad meeshaas mareesid ka haajir dhulkaas oo aad meel aan saas la gu oraneen

mida kale bini aadam waligii waxuu raadinayaa wax uu dhibo marka iska dulqaado hadad rabtid in aad meeshaas kunoolaatid ,mida kale su aal dadka ku yaqaan ayaga saas miyay yihiin oo kale mise waa cool markay kula joogaan waxaan kawadaa mararka aad isbarataan ka dib ma is aragtaan oo xiriirka masii socdaaa mise waa markaas ayaa kuugu danbeesa

saxiib caafimaad alaha ku siiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

walaalkiin

Tuesday, July 25, 2000 - 06:38 am
comments to momo
sxb iga gudoon salaan,marka xigga waad ku mahadsan tahay,tan sadexaad sxb kama tagi karo meeshaan joogo waayo jaamac aan ka dhigtaa meel fiicanna way iimaraysaa,marka afraad walaal qofka markaan is barano iskuguma kaayo danbayso wuxuu iga filaayay wax ka duwan ayuu arkaa dadka qaarkoodna waxayba gaaraan inay noloshoodoo dhan igu aaminaan,qaarkood waxay kaga dhagtaa sidaan kuma aanan moodayn........wax dheeraad ah ayaan ubaahnay mahadsanidana momo.....

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.