site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Aaminaadii aa ii goosay ee ila tali

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Oct. 29, 2000): Aaminaadii aa ii goosay ee ila tali
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ammaanlaawe

Thursday, July 20, 2000 - 09:23 am
salaan dhamaan walaalayaal saad ciwaanka ama topic aad u aragtaanba waxaan ahay nin aamin ahaan jiray balse haddeer ay ka guurtay aaminaad tay aheedba way iga guurtay oo xaaraamu cun ayaan ahay shay la'iiga tagay layguma soo laabto maxaan sameeyaa dadka aan ku qan ciyaa ilaahna aan toobad u waydiistaa????????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GULED

Monday, July 24, 2000 - 12:08 am
SALAAMU CALAYKUM WARAX MATU LAAHI WA BARAKAATUHU. WALAAL WAXAAN KUGU SALAAMAY SALAANTA ISLAAM KA TASOO UGU QIIMA BADAN WAX LA ISKU SALAAMO.
WALAAL DAAWADAADA WAY DHOWDAHAY HADAAD DIYAAR U TAHAY. INAAD CAAFIMAADO. KULIGEENA WAXAAN ILAAHAY WAY DIISANAYNAA INUU NA WADA CAAFIYO NOONA KORDHIYO KAN AAN MAANTA HAYSANO. WALAAL WAXAA LA YIRI NIN BAA WAXAA SOO CAYRSADAY LIBAAX NINKII OO NAFTA U YAABAN AYAA KU YIMID CEEL DHEER OO XARIGII BIYAHA LAGU AROORAN JIRAY KU XIRAN YAHAY, NINKII WUXUU ISKU DAAYAY CEELKII ILEEN WAA NAFE, INTUUSAN HOOSGAARIN AYUU WUXUU ARKAY LABA ABEESO OO WAA WEEYN OO HOOSKU SUGAYO MARKAASUU BARTANKII CEELKA JOOGSADAY, MARKUU DARBIGII CUSKADAY WUXUU FIIRIYAY KOR MISE LIBAAXII AYAA KOR KU SUGAYO. HOOSNA LABADII ABEESO. WUXUU FIIRIYAY XARIGA UU HAYSTO MEESHA UU KU XIRAN YAHAY, MISE XARIGA DOOLI BAA CUNAYO OO WUUBA GO I RABAA.WUXUU TAABTAY DARBIGA MISE WAA QOYAAN WUXUU FIIRIYAY WAXA DARBIGA KA QOYAN MISE WAA MALAB, NINKII INTUU ILAAWAY XAALADUU KU SUGNAA AYUU MALABKII ISKA CUNAY. HADAAN SII FASIRO SHEEKADAN MALABKU WAA DUNIDAN AAN KU NOOL NAHAY, LIBAAXA WAA MALAKU MOWDKA, ABEESOO YINKA WAA LABADII MALAG EE QABRIGA NAGU SUGAYAY(!!!!!!!!) DOOLIGANA WUXUU JARAYAA CIMRIGEENA. MARKA SAAXIIB HADAAD ISKA ILOWDAY LIBAAXII KU CAYRSANAYAY IYO XAALADA AAN KU SUGANAHAY OOD QIYAALIGA KU MASHQUULTAY ISKU DAY INAAD SOO XASUUSATO MEESHA AAN KU NOOLNAHAY IYO MEESHA AAN U LAABANAYNO IYO SIDUU ILAAHAY UGA DARDAARMAY AMAANADA. MAHADSANID ILAAHAY DANBIGEENA HA DHAAFO WIXII QALAD AH HALA I SAAMOXO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Tuesday, July 25, 2000 - 06:32 am
comments to ammaanlaawe
salaan marka uhoraysa,intaas ka bacdi walaal dawadaadu waa isaga hijroonta meesha aad danbiga ka gashay iyo u toobadkeenka ilaahii ku abuuray iyo saamax waydiisashada dadka aad danbiga ka gashay intaas haddaad samayso waxaan umalaynayaa inaad gaarayso amaba helayso dawada aad doonayso.

comments to guled
sxb waad salaaman tahay adna,marka xigana ninku taluu ku waydiistay asagoo og danbiguu galay qiranaayana marka walaal ha ku digan walaalkaa usheeg waxaad ku dhaanto intaad dooli ka sheekaynta iska dayso.........it's not personal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wasakh

Saturday, August 19, 2000 - 07:40 am
soomaali aamin ah maad araagtay waryaa,bahasha wad soomaalidu fariiday utaqaan ninka aan aaminka ahayne,hadaad nacas rabto in laku dhahana ilaahay utoobadkeen waxbana haysku dayin inaad raali galiso dadkaanayto.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samia

Sunday, September 10, 2000 - 05:20 am
a/caleykum
aaaminaada waa wax fiican
abowe ilaah u toobo keen oo isaga tuug alaahu khafuru raxiim
wax kale oo aan ku dhaho ma'aqan
ilah ha kugu soo celiyo
a/caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

1True-Sista

Monday, October 23, 2000 - 08:41 am
Salaamu Calaykum All,

Amaanlaawe, aboowe ilaahay ha kuu naxariisto , hana kuu danbi dhaafo waxii aad hori u suubisay..
Hadaan talo walaal tinimo neh kugu darsado waxaan ku oran lahaa, shalay waxii dhacay waa shalay, maantana waa maanta marka hada ka dib lee wax ka qabo adoo cuksanaayo diinta qaas ahaan quraanka iyo inaad si fiican ugu dhawaaatid xag ALLE maxaa yeelay hadii aad tahay nin tukado, oo ilaahiisa ka cabsanaayo maa adan suubiseen wax cadaalo daro ah... Amaanada neh qeebta ugu weyn ee imaaanka ay ka mid tahay...

Comments to trouble boy;
Waxaa la yiri nin neh si ayuu u dhahay hadalka nin neh si buu u qaatay, marka abooowe iyadoon qalad leesku fahmin, bal ii ogoloo inaan fikrad kugu darsado adoon seef la bood noqon...

Walaalkeen Guled, ilaah ha ugu naxariisto (both sides) siduu wax ugu sheegay waa si qiyaali ah run ahaantii aad baan ugu helay, there is catch to it and that is his way of expressing things and giving advice so why don't you read carefully what he wrote and try to understand what he really means...

Remember no personal ok....
ps.. Guuleed thanx for the advice dear, and i liked the way you told it too.....
S/aleykum all..

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.