site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Baydhabo ma caasimad bey u qalantaaaa?

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Oct. 29, 2000): Baydhabo ma caasimad bey u qalantaaaa?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdullaahi

Unrecorded Date
Waa yaab soomaaliyey, waxaan moodey in shirka jabuti uu yahey mid wax ku ool ah balse markay kahadleen caasimada xagee laga dhigaa iyo mogdisho manoqon karto ayaan aad uga xumaadey. waxaana markale uga baqaa dalkayga dhib inuu soo gaaro ee adinku sidey idin latahey shirku siduu kusocdo iyo Baydhabo caasimad ma uqalantaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

RUNSHEEG

Unrecorded Date
SAAXIIb anba waan layaaabanahey sida uu kusocdo shirkaas meel mogdisho dhaanatan majirto ee wey is daalinaayaan. That was good point bro Peace


RUNSHEG

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
HAHA HA HA HA HA HAH AH
mariyonaysaa sxb

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

colonel1

Unrecorded Date
colonel1

Waan idin fahmey akhyaarta! haddii waxgaradkii somali isku raacdey in Baydhabo magaalo madaxda somalia laga dhigo maxaad qurbaha ugu qeylineysaan?! xamar uma qalanto maanta caasimad waayo waa meel Bahalo galeena oy adagtahay sugida ammaankeda waana in Madxaf laga dhigaa si quruunwalboo timada u aragto dadkii dhibka soo gaarsiiyey Umadda somaliyeed Qaranimadeediina Hoos geliyey.

Mahadsanidiin,

Colonel1

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qawdhan

Unrecorded Date
aniga waxay ila tahay in caasimada soomaaliya laga dhigo ceerigaabo waayo waa magaalada ugu quruxda badan soomaaliya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUCEYSANEH

Unrecorded Date
WAAD SALAAMAN TIHIIN DHAMAANT INTA SOO BOOQATA HALKAN, ANIGA WAXAY ILA TAHAY IN CAASUMA LAGA DHIGO MEESHA AY SOOMAALIDA DALKII JOOGTAA ISKU RAACDO, WAAYO SOOMAALIYI IYADAA BURBURISEY CAASUMADII, HADANA MEESHA AY KA DHIGANAYAAN IYAGEY U TAALAA, INAGU DALAL SHISHEEYE BAYNU SHARCIYO IYO SHALASHOOYIN KA QAADANAY, WAXAANA FILAYAA IN INTIINA HALKAN WAX KU QORTEY AY QABYAALADI IDINKU JIRTO EE AANAY IDINKA AHAYN WANAAG IN AAD KA HADASHAAN MEESHA SOMALIYA CAASUMAD U NOQONEYSA.
WAXAAN KELIYA OO LEEYAHAY ILAAHAY U BARYA DADKAAS DHIBAATADU 10 SANO HAYSEY IN ILAAHAY DAWLAD KHEYR QABTA U DHALIYO MEESHII DOONTA CAASUMAD HALAGA DHIGEE, IGANA RAALI NOQDA HADAAN KHALAD KU HADLEY, GEFKU WAA XUNYAHAYE.
PEACE, PEACE, PEACE TO EVERYBODY.
DUCEYSANEH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wadani

Unrecorded Date
Aad buu mowduuca u yahey mid dood badan leh balse waxaa is weydiin mudan caasimada maa soomalida baabi'isey mise yeyda qoryaha ku sidato magaalooyinka waaweyn ee dalka. Magaalada beydhabo waa magaalo caalami ah hadase dadkedu wa kuwa ey dhibaatada si xunm u saameysey anigoo ku hadlayo dadka meeshas dagan waxan qaba in caasimad iyo foolxumada ey wadato an nalookeenin.
Mogdisho oo aheyd magaloyinka ugu qurux badan Afrikana saas ey ka dhigeen. Guud ahaan hada iyo dan caasimad dalka waa leeyahey ee halagu hayo meesheeda. haddii ey soomalidu dirirtey caasimad dambi magalinn ee siyaassiyiin isu sheega hoos noo dhigey dastuur mey dajin karaan.
Wacxi qalad ha laicafiyo.
Mahadsanidiin.
Wadani.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

calanleey

Thursday, August 03, 2000 - 12:22 am
Anoo kismayo ka imid cerigaabo waan u codayn lahaa , laakiin aad bay iiga fogtahay, marka baydhabo inoo daaya.
Dadka xamar deegaanka u lahaa qaarkood iyaga ayaa keenay in muran la galiyo in ay caasimad u qalanto iyo in kale , waayo mgaalo ummadda u dhaxaysay ayay sheegteen oo ay dhibaatooyin lama ilooobaan ah ugu gaysteen dadka

Calanleey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Buuloxuubeey

Thursday, August 03, 2000 - 11:58 am
Anigu waxaan aaminsanahey MOGDISHO forever meel qabil soomaaliya oofiican laisu dili jirey qabil miyaa waxlala wadaagi karaa XAMARCADE halaga nadiifiuyiyo maleeshiyada hananoo noqota tan aan sugeyno waxaa inoo balan shineemo EQWATOORE & dugsiga sare ee xamar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Thursday, August 03, 2000 - 07:36 pm
War yaa idin yiri Beydhabo caasimad bey noqon doontaa weligeed?
.
.
.
Caasimada waa MUQDISHO... Haseyeeshee Beydhabo waa ku meel gaadh inta HAAWEYDAA calooshood u shaqeystayaasha ahi ama nabad ama qasab iyo dhegta-dhiig-udar uuga kici doonaan.
.
.
YAAC! baad tihiine markaad wax akhrineysaan wada dhamaystira waraaqda badh loogama hadhee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Thursday, August 03, 2000 - 09:40 pm
Hebel waad ku saxan tahay arrintas saxib magalada muqdisho waa meel aan amni iyo istiqrar lahayn iyadoo laga foganayo iskla horimad dhiig ku daato ayaa magalada baydhabo oo meel degan ah si kmg looga dhigayaa.

qiyaas siday kula tahay hadii uu madax waynaha jamhuriyada haysan xafiis magalada dhexdeda yaase kala badbaadib doono isaga iyo hoobiyaha caato iyo waliba malishiyada khadka cagaran ee qanyare ku dar kuwa aan gadooday ee xafiska xusen caydiid fujistay,madama ayan jirin awood xakamayn karta amniga casimada jamhuriyada amniga safradaha calamiga amniga shaqalaha dowlada.

casimadu waa inay noqotaa mid ammankedu sugan yahay si safaradaha caalmka usoo noqdan waa in ay heshaa dowlada cusub at least muddo xabbad la'aan kolley iyadaan la huri doonine inta uu odey suudi iyo caato ay hoobiyahooda ku babi'inayan masakinta hawenka ee risqiga ka raadinaya suuqyada badarka iyo kuwa salida

dalka afganistan markii dowladii ugu horeysay ay dhisteen mujahidinta isu bedelay U.S.C dib u gurashadii rushka kadib ayaa waxa ay bilawday in ay la dagaal gasho kooxo kale taasoo sababtay in dowlad la'aan ay maanta taaliban gabdhahooda guryaha ku qufusho marka dagaal hadii ay dowlada cusub ku bilabato waxay mari doontaa jidkii salafu salix somaliyed like caydiid iyo caato iyo cigaal;

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

guledyarre

Thursday, August 03, 2000 - 10:01 pm
waad salaaman tihiin dhamaantiin, aqayaarta soo booqda bogaan.

saxiibayaal waxay ila tahay maanta ma joogno waqtigii aanku fakari lahay qabiilkeena intuu dagan yahay iyo yaana xukumayo.
aqyaaray qurbo iyo dhibkeeda anagana waanka daalnay, dadkii wadanka ku noolana dhibaato iyo dagaal wayka daaleen. maanta waxa loo baahan yahay waa dhalinyaradeena soo kacay aqoonyahana deena cusub. bulsho aqoon iyo aragti fiican leh oo wax ka badali karto aragtidii hore ee hoos noo dhigtay.
aan usoo laabto marka pointigii ama tuulo ha nalooka dhigo caasimad ama bada dhex deeda ha nalooka dhigo meelwalba aa caasimad u qalan tee ilaahow calankeenii noosoo celi ilaahow sharafteenii wadani nimo noosoo celi.
dhab ahaantii wadamadan reer galbeedka oon joogno meel habeen lagu hoydo ma ahan waxaan ahay colege student. waxaan ka shaqeeyaa waqtiga fasaxa kaalin shidaal, walaahi malin walba suaal ku dan qiso yaadla kulmaysaa ama dhalasho qaado ama ha qaadan ninkaagan madoow, ilaahow wadan kii aan faraxa oo kaliya la kulmi jirnay noosoo celi inta jirana daawee. somaliy hanoolaato. mahadsanidin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Friday, August 04, 2000 - 06:16 am
,,,,Yaakhay inta wareerka naga deysiin Nin nin kale gurigiis madaxweyne iyo Dowlad ma ku noqonaayee ee Minneapolis lee magaala madax ma ka dhiganoo unnuka oo is wareerinin,,,,Magaala madax Hargeisa aa laga dhigaa Madaxweynahana Ghaani wax anfacaayo maahin,,,,Magaala madax Beydhabo aa laga dhigaa Madaxweynana Khanyare Ceydiid wax anfacaayo miihin,,,ee dadkaaneey Soomaali aa isu soo nakhaheeso nagu wareeriyi anni ma arkooyi dad is rabo,,,Gaani ii Galaal aa hubka soo aruurihaayo bacdigeed Jilicoowna hoosta aay ku wataan too anfaceeso miyaa mise been aa liisu sheegaa,,...Awees Geedoow Somali land aa ka dhigati ahaan wasiir difaac,,,,,,,ar unuka maa isi sireeno mise been ii booto aan Jabuuti ku heenaa lee,,,....Madaxweynaha us Safiir miyaa ani maba Oshiye!!!Suumaali dhamaantayna waa isu tageynaa Bacdigeed Morgan aan madaxweene ka dhigaheenaa Burcana magaala madaxdaayna waaye,, Kaaseey ma suurtoobaa,,,,Tifoow ii wiilkii Siyaad barre oo saruur ahna Caalim Cureeji walaalkeed Safaarayaasha ay noo soo dhisaayiin war idin galli miina tuugadaan oon kaseeni unuka!!!!!Yaakhay anni bes bes Calankaan la sheegaayo halkeey dun lee iga siiya meehiin joogo ilaah ha iigu calfee!!!!!!~~~~~~~~~~

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

faysal

Monday, August 07, 2000 - 01:39 am
Neefowkaniini , war ninyahaw marmarbaa baad caqli ku hadashaa!!!!!
Faysal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

guledyarre

Wednesday, August 09, 2000 - 01:08 am
waad salaaman tihiin.
faysal ma intaad qaban lahay ninka yaad caqli ku tilmaantay.
neefowkaniini brother hadaad dameer dhamin jirtay ood meel babuur inaad daynsata laguu ogolyahay timid ma waxaad u qabtaa in aad heshay riyadaadii oo dhan. dufkubax. walaahi goofkii kululaa ee markaad rabtay aad seexanaysay oon barafka lahayn aa kaaga fiican minneapolis, iyo meeshan qaniisiintu ku noolyihiin. waxaa la yiri nin ciisa ah oo jabuuti jooga yaa lagu yiri war ragii yaa la wasayaa suu tooray uu watay yuu laba isaga dhigay oo yiri ma meeshan baa meel lagu noolado ah ragii la guursanayo.neefowkaniini bal dib isku xisaab brother waxaa dhaanto meeshaan dhiigya cabyadii inuu ilaah noo hanuu niyo caruurteenana noo nabad galaan.
wixii qalad ah ha laycafiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gerbida

Wednesday, August 09, 2000 - 02:24 am
BAYDHABO WAXAY NOGONAYSAA CASIMAD KUMEEL GAAR AH FAD AMA HA FADIN MADAXWENAHANA WAA IN UU ASALKIISA KU DHASHAY BAYDHABO JANAAY.
HADAL HA YARAADO HAWSHA DOWLIDDHISIDA HA BADNATO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cali-maax

Wednesday, August 09, 2000 - 05:52 am
hebel "dhoo-dhoole" dhoo-dhooda dhaaf.
you are every where.
get a life. you think you can rule the somalinet's forums. well tell u what u can't so is qabooji ok.
you can't make comments on every page maba wareereysid miyaa. here, there, everywhere.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibraahim

Friday, August 11, 2000 - 06:36 am
fikrad ahaan aniga waxaan raacsanahay MR-wadani.
caasimadda waa xamar,reer baydhabana marabaan in magaaladdii ay habeysteen,quruxsadeen,kaxureysteen eeydii wax magaradka aheyd hadana dib loo keeno madax wada dhiigyacab ah.dhagax iyo dhalo la iskuma dhuftee kala dhowra.ha isu keenin wasiiro wada dhiigya cab ah iyo magaalo nadiif ah.
dawladda cusub oo ay weli utalinayaan tuugadii sababtey burburkii dawladdii hore yaan baydhabo la keenin,halageeyo meelihii ay hore u soo baabi`iyeen sida goofafka xamar iyo wixii lamid ah.markii la helo madax kadhan ah dawladdii hore ee sababtey burburkii qaranka balantu waa baydhabo. salaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Girlie

Tuesday, August 15, 2000 - 10:31 am
there shouldnt be one capital only, each region should have itz capital from now on, coz no one trust nobody no morrrrrrrrrre!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.