site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Gabdhaha soomaaliyeed oo kibrey

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Oct. 29, 2000): Gabdhaha soomaaliyeed oo kibrey
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

oday biiqay

Unrecorded Date
gabdhu waxay wanaagsanayen markii la biilayey oo ay gurigeeda dhaqanaysay hada markii ay check soo shaqaysteen ama cayr heleen labo erey oo ingiriisi ah barteen maxay is moodeen tii la qabay 911 bay kuu wacaysaa tii aan la qabin shaati iyo surwaal isku taag 20nin isku kor wad aabahaa aflagaaday wiilashaa asaagaa la faro ciyaar anigu waxan ku talin lahaa dhedig danbe yaan lasoo dhoofin kuwii la keenay waa kuwaa lagu wareersan yahaye..by...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gabar xaas ah

Unrecorded Date
Assalaamu caleykum.
Adeer aad iyo aad ayaan kuugu raac sanahay in ay gabdhuhu wanaagsanaayeen markii la biilayey, laakiin waxaan is waydiiyay maxaa naloo biili la yahay oo nimanka qaarkood masuulkoodii ugu soo bixi layihiin, waxaan aaminsanahay in nimankuba qiimo lahaayeen markay reerkooda u xamaalijireen ee aanay ku haleyneyn cayr iyo wixii la mid ah.
Nimanka qaarkood waxay rabaan in gabadhu wanaag iyo raaliyo nimo la timaado iyaguna aanay masuulkoodii ka soo bixin.Way jiraan gabdho ilaahay hortiis ugu sabray ilaah ha ka abaalmariyee, laakiin tii aan ugu sabri karin uma arko in iyada uun eeda la saaro.

wasalamu caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saddam Hussein

Unrecorded Date
To: Oday Biiqay waa ku salaamay, salaan ka dib.

War run ah oo jira lana wada ogsoonyahay ayaad
sheektay, waana kugu raacsanahay. Mida kale kuuguma raacsani oo waa sidii eey sheektay Madaam "Gabar Xaas ah" dhahdayna nimanka qaarkood mas'uuliyadii way ka tageen waana wax run ah Waana ku raacsanahay "madaam gabar xaas ah". Sido kale gabdha oo dhan mawada aha in eey ama markay soo shaqeeysteen check ama soo qaateen check cayr ah in eey kibreyn ama wax wayn is moodeyn wa kuwo yar oo maan-gaab ah danahooda iyo danaha reerkodana aan ogeyn.

Midda kale dumarka isku haleeya in eey ugu wacaan xaasaskooda 911 waa 46% ee mawada aha dumarka oo dhan.

Dumarka isku kor wada 20nin ee aad kor ku soo sheektay, qaasatan kuwa gabdha-isku sheegga ah waa 27%, kuwa garoobada ahna waa 70% iyo kuwa la qabo oo xaasaka ah oo xaafado kale ku soo qayilo ama ku soo jaado waa 13% haba ubadnaadeen magaalooyinkaan soo socdo TORONTO AREA, MONTREAL AND OTTAWA.

Waxaase is weydiin leh, maxaa ugu wacan ama keeni-kara dhibaatooyinkaan aan soo sheegnay oo dhan.

JawaabtU waa MORE FREEDOM & MONEY.

Waxaa kaloo jira,xagga waxbarashada haddii aad u fiirsato in North America qaasatan somali teenages, waxaa illa iyo hadda ku horeeyo xagga waxbarashada gabdhaha somaaliyed ahna teenages,oo waxaad mooda wiilashii in eey drobgareeyeen high schooldii.

Ma haddii uu wadankii hagaago ama fiicnaado, waxaa wax ka qabsan doono ama ka shaqeeysandoono waa wiilal yar oo aan badneyn iyo gabdha fara badan oo soomaaliyeed ee hadda wax ku barto North America taasna yaan la moogaanin waa mid meesha ku jirta ahna horumar eey la yimaadeen gabdhaha ama dumarka soomaakiyeed ee ku nool Norh America. markaa waa in la isku dheelintiraa kuwa xun iyo kuwa fiicanba oo aanan loo fiirin kuwa xun oo kaliya.

Thanks

Regards

By Sadaam Hussein

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Haboon

Monday, July 31, 2000 - 10:05 am
Adeer aad iyo aad ayaad u aqlidaran tahay, maxaayeelay habluhu nafta raga oo kale ayeey lee yihiin, waxay na u qalmaan nolosha raga mid ka wanaagsan.
Waqtigaan lajoogo waxaan heeysanaa lacag (ceeyr) shaqo,waxbarasho i.w.m.
Marka waa in aan inagu dhaxdeena katashanaa, maadaama ay san jirin naf nafsada kale ka wanaagsan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

indhacaro

Monday, July 31, 2000 - 01:27 pm
Asalaamu calaykum waraxmatu laahi wabarkaatuhu.
walaalayaal anigu arin ayaan idin kula talin lahaa dhamaan somalida oo dhan, Aabo, Hooyo, wiil iyo gabadhba. waxa aan idinkula talin lahaa haloo noqdo Diintii islaamka. koleey hada waxa aan filayaa wixii horay udhasay talada loo hayo waa yartahay laakiinse aan ufikiro inta aan dhalanin ama qaybta caqligoodo korin. si aan awlaad wanaagsan iyo reer wanaagsan uyeelano aan ufikiro. Sidee saas lagu samayn karaa marka
aniga ahaan sidan ayeey ila tahay
1. Wiilku marka uu guursan hayo waa in uu uguursada gabadha diiniyan iyo akhlaaq islaami ah, gabadhuna waa in ay saas oo kale uguurstaa
2. waa in qoysku ku dhaqmaa diinta islaamka, wadar ahaan ma aha qaar kamid ah.
3. waa in ilmaha reerka ku sookordhaa uu ka arkaa waalidkii akhlaaq diini islaami ah ku dhisan.
Runtii hadalku waa igudheraday laakiin walaalayaal hadii aan rabno reer wanaagsan iyo caruur wanaagsan inagu aan hagaagno, markaas alaah (s.w.t) waa inoo gargaari, oo dhib arki mayno. Udambayntii Gabdhaha Surwaalka xidhan yaan laguursanin hadii laguursadana halaga dhigo diinta islaamkana halbaro, hana loo sheego dhibka uu leeyahay in sida raga loo labisto ama dhar jidhkooda nuujin haya ayxidhaan
wabi lahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samia

Monday, September 11, 2000 - 07:32 am
a/caleykum
gabdhihii oo kibray!
wiilashii oo kibray!
ogow in dadka oo dhan isku mid aheeyn
ay jiraan dad xun iyo dad fiican
in dadka oo dhan isku meel la dhigo ma fiicno
hadii ay kugu soo aadeen gabdho kibray ma'ahi in aad gabdhaha kale meel uuga dhacdo
kii walaashiis ama xaaskiisa soo wadanaayo ma kula tahay hadlkaaga dartiis in uu u jiijinaaayo!
aboowe gabar wey kula dhalatay(ayeey ila tahay)
wey ku dhashay waad dhali doontaa(hadii ilah ku siiyo)tii xumaaneyso hadii ay jogto somalia wey xumaanee ee pls gabdhaha somaliyeed meel ha'uuga dhicin.
waxan ku rajeynaa in ad bedasho ra'yiga xun aad ka qabto gabdhaha somaliyeed
a/caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A/MALIK

Wednesday, September 13, 2000 - 12:41 pm
Oday waa runtaa inta aad sheegtey oo dhami wey jirtaa waana kugu raacsanahay waxa aad sheegtey oo dhan laakiin su"aashu waxay tahay aawey dadkii kaa qaadan lahaa oo kuu garaabi lahaa waad aragtaa waxa ay dumarka qaarkood ku hadlayaan
waxaan ku talinayaa in aan hada iyo wixii kadanbeeya aan dibadaha lakeenin dumar amaba dhedig waayo inta badan khasaare mooyee wanaag sooma wadaan waana taas ta aan u leeyahay halaga digtoonaado qofkii doonaya inuu dhedig debeda keeno waxay lamid tahay isagoo soo tuurey oo meel aaney kasoonoqoneyn keenay
Intaas waxaan ku darayaa in sida aad ogtihiin diintii waa laga sii fogaanayaa gaar ahaan dhalin yaradii soomaaliyeed markaa haloo soo noqdo diinta wasalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

istahil

Wednesday, September 13, 2000 - 11:27 pm
waa adiga leh gabdhihii baa kibray ee xageed joogtaan markaas idunku ma waxaad u maleyseen markaad gabdhahaa gumeysan jirteen waxaa waa laga baxay waxey idunku kibreynaa waxaa idin haya nabsi aad waa hore galabsateen sidaas ogaada hadaad tihiin raga soomaaliyeed waxaa idunku wacan dhaqankaa idinka xun ee soo barta sidaa dumarka loo macaamiltamo

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.