site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

WAXAAN KA BEEN SHEEGAA DAREENKEYGA EE ILA TALIYA.............

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Oct. 29, 2000): WAXAAN KA BEEN SHEEGAA DAREENKEYGA EE ILA TALIYA.............
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, August 12, 2000 - 06:05 pm
salaamu caleykum
walaalayal waxaan idinka codasanaayaa talo cilmiyaysan.waxaan ka beensheega fiilinkeyga oo waxaa iigu wacay xishood badan oo aan qabo.xiriir waan sooyeeshay waligeyna raali ma ka noqon in xitaa dhunkasho aan u sameeyo.suaasha ugu weyn oo lai weydiiyo waxay tahay hadaadan xitaa shumis aad ii diiday maxaa beenta iigu sheegeysaa ma i jeclidee aniga waxaan wediiyaa ma intaas kaliya ayaad iigu timid.waana run walaalyaal ma saneynkaro.mida kowad waa dambe falalkaas oo dhan.waxaan kam wal walaa hadaan guursado seen waxyeelidoonaa?walaalyaal warka waan idinku badiyay waa arin igu culus ee ila taliya
walaashiin luula

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Booleeye

Sunday, August 13, 2000 - 05:06 am
Assalaamu caleykum,
Walaal Luula Jacayl aan dhunkasho lahayn wuxuu la mid yahay shaah aan sokar lahayn. Dhunkashadu ama shumisku wuxuu sii siyaadiyaa jacaylka, mana u baahnid inaad ka xishootid arrintaa iyada haddii aad dhunkaneysid ninkaaga xalaasha ah, laakiin waxeey arrintasi ceeb noqoneysaa marka labada qof aysan is qabin ama sida dadka gaalada ah dadka hortooda ay isku helliyaan (isku dhuuqaan), taasina dhaqankeena soomaaliyeed maba ku jirto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, August 13, 2000 - 02:20 pm
to booleeye.
salaamu caleykum walaal aad baad ugu mahadsan tahay jawaabta aad i soo siisay.laakiise aboowe waxaan ka hadlaaya waa waqtiga guurka.sideese nin maanta soomaali ah u guurasnaayaa gabar aana kiss u ogoleeyn? waa arin aan ogaaday oo laga keenay dhaqanka galada.gabdhahii soomaliduna waa u caadi in ay sameeyaan anigana suuq xir ayay igu tahay.
ee ma anigaa qaldan mise gabdhahii soomaaliyeed in ay waxaas ogolaadaan weyku qaldan yihiin??????
bye luula

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Booleeye

Monday, August 14, 2000 - 06:34 am
Walaal Luula waan ku salaamay mar labaad. Taa kadib waxaan ku weydiiyay, maxaad adigu ku diideysaa dhunkashada? waxaan kugula talinayaa marka hore iska guurso una sheeg ninkaad guursaneysid inaadan shumiska raali ka ahayn rag nuucaas ahi wey jiraan oo iyaguna aan rabin shumiska. Waxa kale oo jira in soomaalidu leedahay dhaqamo wanaagsan iyo mid xun intaba, sidaa awgeed marka wax la sameynayo waxaa loo eegaa: maxey diinteenu ka qabtaa arrintaas la sameynayo, mana u maleynayo in diinteenu diidantahay dhunkashada xalaasha ah, balse culimada ha la weydiiyo.
Ugu danbeyntii waxaan kuu sheegayaa sheeko dhacday oo ku sabsan dhaqankeena; Nin baa wuxuu damcay inuu marwadiisii la sheekeysto markaasuu gogosheedii ugu yimid oo ku yiri "gogosha dhinac iiga bannee markaasey ku tiri " hadda maya maxaa yeelay ilmaha ayaa mar dhow seexday oo waxaa laga yabaa iney nagu soo kacaan, ninkii waa uu yeelay arrintaas wuxuuse soo laabtay saq-dhaxe habeenki markaasuu yiri hadda Caruurtu Wey jiifaan, markaasey ku tiri "war naga tag sow arki maysid ratiga(awrka) raafsanaya (marka geelu habeenki inuu wax cunayo la moodo). Sidaas ayuu ninkii habeenkaas ku waayay isla-seexasho.
Waalaal Luula haweenka nuucaas ahba rag baa u dulqaadanaayay adiguna waayi maysid mid sidaa kuugu dulqaata sida awgeed suuq kaama xirna.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADIJA

Tuesday, August 15, 2000 - 03:44 am
aslaamu calaykum

luul walaashiis aniga waxan kugu latin lahaa inadan marnaba ka yelin inad shumiso nin ajinabi ah waxaa yelay diintena ma ogala hadaan somali nahayna dhaqankeena kuma jirto waxas . suaalsha ah ma ana qaldan misa gabdhaha nimanka shuminaya qaldan sis iyaga qaldan anigana xishoodkaga ilahay ha ku siyadiye ilahay waxuusan rali ka ahyn marnaba ha samayn. qof luguma raligalinkaro waxuusan ilahay rali ka hayn. sis khayr ban ku rajaynaya
' wabilahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADIJA

Tuesday, August 15, 2000 - 03:46 am
meeshan aniga ka dhigay waxan kawada adiga. sis ilahay ha ku siyadiyo xishoodkaga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, August 15, 2000 - 06:02 pm
to booteeye iyo khadiija.
salaamu caleykum dhamaan
waad ku mahadsan tihiin raiyada aad isoo siiseen
to khadiija.
abaayo si qaas ah ayaan kuugu mahad naqaayaa sida aad talada xigmada leh ii soo siisay jasaakallaahul qeyr.abaayo marka aan leeyahay gabdhaha miyaa waalan mise aniga waxaan ka waday gabdhahii maanta waxy u bateen in waxaas ay raali ka noqdaan waana wax aan wada ognahay.
qofkasta se wuxuu mas uulka yahay nafsadiisa.
marlabad mahadsanid
luula

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

guledyarre

Tuesday, August 15, 2000 - 11:06 pm
Dear lula waad salaman tahay walashis. qofyahay dadku isku mid ma ahan, qof walba meel ay oga dagan tahay adi ma qof wadaad ah oo jalaabiib wadata aad tahay mise gabar dhalin yara ah oo labisata. ninka aa raadinayso ma, wiil aad caashaq ku wada noolaataan iyo nololfarxad leh mise waa nin wadaad ah oo reer dhaqi kara ilmana dhali kara sida waalidiintii na dhalay, qof yahay waxbana indhaha xanjo ha isaga dhajin kuligeen waan ognahay waxay nafteenu ogoshahay. wax ba yaanaan ku tilmaamin waxay naftaada ogo shahay samee, waxay diidana diid,
hadaad rabto wiil sidayda oo kale dulalkaan oo kale ku koray aqoonleh qurxoon aaminsan qofta uu guursanayo inay tahay qofnafta la wadaagi karto romantik ah wuxuu rabo u samee hana ka fuqin. ani hadaad jalabiib wadato maku shukaansadeen. marka hadaad uqti tahayna macalink duqsiga ku qabo ha fogaan asaga shaleemo iyo party ma rabo.
wixii qalad ah halay saamoxo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADIJA

Wednesday, August 16, 2000 - 12:20 am
wacalaykuma salaam

to luula sis adaa mudan waa la isku leyahay in la isla taliyo ilahayna waxaan ka abaryaynaa inuu na soo hanuuniyo kuligen amiin amiin

to guledyare maxadan u gursanayn haday jalabiib wadato. miyadan jeclayn qof ilahay waxuu amray samaynasa misa waxad jeceshahay kuwa sida galada u labista . walaal aduunkan waa laga tagayaaa waa akhiro mesha lagu wari doono . marka ilaaahay hanaga dhigo kuwa akhiro u camal fasha adunyadan waaa la buda in laga tagaye

wabilahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Booleeye

Wednesday, August 16, 2000 - 02:56 am
Assalaamu caleykum,
To Luula
Sheekadaba haddaan fahmaye, ma waxaad ka wadday wiil i shukaansanaya oo aan ajnabi kala nahay inaan shumiyo ma oggoli? taas waad ku saxantahay 100%.

To Guledyare
Walaal maxeey ku tareysaa gabar aan diin lahayn oo ALLAH iyo rasuulkiis adeeceyn. Ma ogtahay in naftu ku raaxeysaneyso marki aad qabto gabar aad jirkeeda adiga qaba oo kaliyihi aad arkeysid, marka aad guriga timaado oo aad iyada oo caruurtii seexisay quraana akhrisaneysa aad soo gashid guriga. Ma ogtahayse iney naxdin leedahay marka haweenta aad qabtaahi labiska aad sheegeysid qaadato oo aad guriga timaado iyadoo ruwaayad ama shineemo ama aroos wiilal jeegada xiirtay joogaan oo ay kuwaas la caweysimeyso.
Ugu danbeyntii waxaan ku weydiiyay Guledyare: Jaceyl-kuwadanoolaasho laga waayay nin diin leh ma waxaa laga helayaa nin caasi ah?

To Khadija
Walaaley qof waxgarad ah oo diin leh baad tahaye waxaan ku weydiiyay boos ma kaa bannaanyahay oo ma lagula soo xiriiri karaa? walaal xumaan ha iiga qaadan sidaas bey ila noqotaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Wednesday, August 16, 2000 - 07:27 pm
Anonymous walaal iga raali ahaaw, intaan talada kaala soo daahay. Shaqadii baa iga kala badatoo beryahan danbe oo dhan waxaanan reerkii iyo shaqo ahayn tabar baan u waayay. Walaal markaa sidaa raali u ahaw, imikase diyaar baan kuula ahay talo wacan oo wanaagsan.
.
.
.
Walaal hadaad qof dumar ah tahay ragu shaqadood ma aha hadaad wax dareyntey iyo hadii kale oo intey kuu tagaan bey markey howshooda dhameystaan adigii koob caano ah dib kuugu diran doonaan oo kugu eedeyn doonaan inaad adigii weli waxba dareynsaneyn aad kala baxday wax alaale iyo wixii feetamiin iyaga jirkooda hore ugu jiri jirey. markey caanhoodii heelka iyo xalwada lahu kariyey dhamaan bey xitaa salaama calaykum-ta kaala seexan doonaan ooyan kugu oran doonin. Markaa walaal waxba haka welwelin inaad ku dhaqcdo rag raali geltii iyo baha-baha daa.
.
.
.
wabilaahi towfiikh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GULEDYARRE

Thursday, August 17, 2000 - 03:29 am
WAADKU MAHAD SAN TIHIIN KHADIIJO IYO BOOLEEYE FIGRADIINA IYO MEESHA AAD IGA TUSTEEN ARAGTIDIINA. LAKIIN SU AASHU WAXAY TAHAY AQYAARAY INTA RUNTA ISKA INDHA SAABNO MAAN XABAG MADAXA ISKU GALINAYNAA.
BOOLEEYE DUQA ANI MA DHIHIN QOF SHIRKA AH AAN RABAA. AMA QAAWAN SIDA TONY-BROXN LAKIIN DUQA AMA REER MAGAAL HAKAA AHAATO AYADOON DHARKA DHIGAN LABISATA JAWAANA QADAN AMA HAKAA MAQNAATO. TASI WAA ARAG TIDAYDA WALAASHAY LUUNANA PARTY ANI KAMA CASUUMIN.
DEAR QADIIJO QOFYAHAY SI GABAR NIMO AH AAN KUUGU MAHAD CELINAAYA MARKALE LAKIIN MARKAAN USOO LABANO XAQIIQDA ADI KAWARAN JALABIIB MAA WADATAA MISE QOFDIYAARSAN AA TAHAY OO NOLOSHA LA DAGALAMA WEEKENDIGA DANBE PARTY AAN LEE NAHY MAKAA CASUUMAA. HORTA MA SOCONEE GABADHA SANADKA MA TAHAY LOL. HADAAD IGA HORAY SID QOFYAHAY IGA RAALI OHOW ANI FARASKA WAA KA DAGAY.

HADIIN MACAATO AQAYAARTA,
WIXII QALAD AH RAALI KA AHAADA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gabardadow

Monday, August 21, 2000 - 07:27 am
abaay Ninki sheekadaas keeno..guurmaba ku fiicna
waaxay dhunkashada uu ka hadlayo idinkoonan is qabin? walaal take my advice u need to ditch him and find yourself..a real quality man..these low life guys..are easy come easy gone..u need a man who will understand you..seems to me you're gabar diinta iyo dhaqanki ku dhegan? so find some1 like that ..do not waste your time on ciyaalkaan gaal iska doon doonka ah they think new country=new culture..but you know better..so do yo thang.
jaaw

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wildadoow

Monday, August 21, 2000 - 11:55 am
sdgdsgsgdsgds a,sd a.dfg gg adiga waxad tahay gabar dadkow anigana waxa ahay wil dadoow lol lol lol lol lol gih gih gih

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Miski

Monday, August 28, 2000 - 12:55 am
Walaalkis waan ku faraxsanahay in aan aniga iyo adiga isku fikrad nahay qofkii ku jecel wuxuu kugu xushmeen in uu fikradaada ogolaado shumiskuna ma ahan muhiim ee is barashada ayaa ka wanaagsan markaad guursatana taas caadi ahaan ayey kagaa imaan oo ilaah baba kugu abuurey dareenkeedi marka iska ilaali xaraanta Ilaahna garabkaaga ha galo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

alle u baahne

Monday, August 28, 2000 - 12:18 pm
ASALAAMU CALAYKUM
DHAMAAN AKHYAARTA FIKRADAHOODA DHIIBTAY WAAD SALAAMAN TIHIIN waxaa idin kujira dad badan oo ay afkaartoodu bisishahay, oo aad iyo aad loogu bogo lana tixraaci karo,waadna kumahad santihiin,waxaase la yaab leh kuwa aan ka xishoonayn in ay soo ban dhigaan aragti lidi ku ah dhaqankeena iyo diinteena, haba yaraatee aan la aqbali karin sharci ahaan iyo xizdi ahaanba,taas oo ah afkaar ay reergalbeedku markii hore ku daateen hadana ay is garteen in ay garoon cidla ah fadhiyaan,oo ay lee yihiin waa in lagu noqdaa dhaqankii wanaagsanaa ee anshaxa iyo asluubta lahaa,taas oo aad ka dareemi karto olalaha doorashada madaxtinimada maraykanka oo 2da nin oo ku tartamaysa mid waliba uu dadka ku soo jiidanayo balan qaad ah in akhlaaqda iyo asluubta wax laga qaban doono,anshaxa wanaagsanala soo celindoono,intaas waa iga waano haday dad idinka mid ah ay si gaar ah u taabanayso sida guuleed yare raali ka ahaada waa waanee waxaan markale u mahad naqayaa inta afkaarta wanaagsan sida khadiijo iyo dadka la midka ah oo iyagu ku dhagan dhaqan koodii iyo diintoodii
WASALAAMU CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muniiro

Monday, August 28, 2000 - 07:07 pm
asalaamu calaykum dhamaan walaalaha soomaaliyeed salaan kadib
to:luul walaal marnama haka yeelin in uu ku dhukado iska daayee xitaa ma banaana in uu taamto far aad leedahay sababtow ah alle iyo rasuulkiistoona kuuma baneen haduusan ku qabin markaa walaal rasuulku wuxuu yiri (laa daacatu fil makhluuq bimacsiyatilaah)markaa walaal haku adeecin macsida alle intaa waa iga waano
to:khadiijo & buuleeye walaalyaal waad ku mahadsatihiin waanadiina idinka iyo walaalaha kale fajazaakumullaahi kheyr
to:guledyare walaal marka hore ma fiicna inaad wax ka sheegtid aayada rabi ee ah (yaa ayuha nabiyu qul li azwaajika wabanaatika wa nisaa'il muuminaad yudniina calayhina min jalaabiibihina---ilaa aakhira aayaha)walaal jalbaabku waa aayad rabi talabaad ma ii cadeenkartaa gabadha xijaaban ee taqaan diinteeda iyo xishoodkeeda iyo ta surwaalka jeemiska xiran ee dhexda qaawisay oo iyada iyo adiga aan la idinkala garaneen bal walaal soo cadee farqiga udhexeeya adigow ku salaynaya diinta islaamka ah hadii aatahay qof islaam ah
walaal ma ogtahay ninka ay qaawanyihiin gabdhihiisa iyo xaaskiisa inuu yahay dayuus mana ogtahay qof kasta oo iska yeel yeela gaalada inuu ka mid yahay daliilina u tahay xadiis saxeex ah oo ah (man tashabaha biqowmin fahu minhum)oo micneheedu yahay qofkii qola iska yeelyeela inuu ka midyahay mase ogtahay in lagu weydiin doona maalinta qiyaame wixii aad kuhadashay waana lagaa qorayaa (maa yalfidu minqowlin ilaa ladayhi raqiibun catiit)markaa walaal xusuusnow cabida alle iyo qabriga madow oo kaa danbeeya iyo maalinta uu ku hor iman wax alaale wixii aad samaysay walaal intaa waa iga dardaaran ee fadlan su'aasheeda horan iiga soo jawaab
wabillaahi towfiiq

(yaa ayuhaladiina aamanuu itaqulaah xaqa tuqaatih walaa tamuutuna ilaa wa antum muslimuun)walaalayaal wixii qalad ah ka raali ahaada
w/salaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUCEYSANEH

Wednesday, August 30, 2000 - 08:53 am
ASALAAMU CALAAMANITABACAL HUDAA.
NABADGELYO KORKIISA HA AHAATO QORKII HANUUNKA RAACA INSHA ALLAH.
TO; LUULA WALALSHAYDA MUSLIMKA AHAY WAXAAN KUGULA DARDAARMAYAA SI AYKUGULA DARDAARANTEY WALAASHEEN MUNIIRA, OO AAN KU LEEYAHAY NAFTAADA KA ILAALI WAX KASTA OO ILAAHAY KAA XARIMAY WAA XAGA IN UU KU DHUNKADO QOF AAN KU QABIN AMABA KU TAABTO NIN AJNABI KAA AHI TAAS. HASE YEESHEE MARKA AAD GUURSATID WAY BAANAANTAHAY IN LABADA IS QABAA IS DHUNKADAAN AMABA AY SAMEEYAAN WAXKASTA OO ISTIMTAAC AH (RAAXAYSI AH ) ILAA WIXII DIINTEENU INOO DIIDEY MOOYEE. TAASNA WAXAAD OGAAN MARKA AAD GUURSATID AMABA HADA WAXAAD SHEGEYSATAA MUXAADARO UU DUUBEY ILAHAY NAXARIISTII JANO HA KAWARAABIYEEE SHEEKH AHMED MOHAMED ROOBLE{BOQOLSOON} OO KA HADLEYSA LABADA ISQABTA IYO SARIIRTA, WAXAAD KA FAAIIDAYSAA CILMI AAD U BADAN INSHA ALAAH.
TO; MUNIIRA, JAZAAKA ALAAHU KHEYR WALAAL AAYADAHA QURAANKA AH IYO AXAADIISTA AAD SOO DALIISHATEY IYO SIDA WANAAGSAN EE AAD U HADASHAY,HALKAASNA KJA WAD WAANADA INSHA ALAAH.
TO; KHADIIJA & BUULE WAAD KU MAHADSANTIHIIN SIDA WANAAGSAN EE AAD ULA TALISEEN WALAASHEEN LUULA.
TO; GULEDYAR; WAXAAN KU WEYDIINAYAA HAL SUAAL HADAAD KA SOO JAWAABTID WEYNU WADA HADLI KARNAA INSHA ALAAH, WAAYO WAXAAD U BAAHAN TAHAY WAANO WOLOWBA AANAN SHEEKH ANIGU AHAYN EE LAGABA YAABEE IN AAN KAA DENBI BADANAHAY HADANA WAXA AAD KU QORTEY HALKAN WAA HADAL AAD DENBI U AH. WA CIYAADU BILAAHAY. WAXAANA FILAAYAA MUNIIRA BAA WIXII WAANO AH KU TIDHI OGOWNA DHEGIHII WAANSAN BAA WAANO QAATA { WA TACIYAHAA UDUNU WAACIYAH}.
SUAASHAYDU WAA MA RUMAYSAN TAHAY ILAAHAY IYO RASUULKIISA IYO MAAALINTA QIYAAMAY? PLEASE KA SOO JAWAAB.
ASALAMAU CALAA MANI TABACAL HUDAA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LAHAANI

Wednesday, August 30, 2000 - 04:28 pm
anigoo kasoo daahay raali halayga noqdo


waxaan la hadlayaa walaasheena luula abaayo hadii xaqiiqda laga waramo jidka aad ku dhagantihiin adiga iyo khadija ayaa saxan oo inaad u ogolaanin nin ku dhahaya shumis marka abaayo hadii lays guursadona iyadaaba imaanaysa insha allah laakiin hada ra'yigayga waa inaad hadal ahaan u tusto oo aad dhahdo ninka aan u laabanao diinteena ma qabtaa mise? marka hadii uu ku dhoho adiga ma ogoshahay mise ma ogolid taasi waxaa kuu cadaanayo inuu been ka ahaa jeceylka iyo wixii aad isla wadeen marka intaas ayaa kukala baxaysiin idinkoo midkiina khalad galin oo jeceylkana danbi laga galin marka abaayo waa igu kaas intii talo aan hayo

To: Guledyare
waxaan la hadlaa guuleedyare sxb hadalkaaga waxaa laga amba qaadanaa inaad qaadatay dhaqan europeed oo diinta alle iska indha saabaya ay sii dheer tahay dhaqankeena soomaali hadaan nahay sxb saan ma iska hadal ayey kaa tahay mise .....?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dhaaraami

Wednesday, August 30, 2000 - 04:40 pm
dhifaxna mala rabaa lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Wednesday, August 30, 2000 - 05:23 pm
Marka hore waa salaaman tahay luuley
Marka xiga abaayo waad ku mahadsan tahay talacelinta aad u soo bandhigatay walaalahaaga soomaaliyeed inkastoo ay ka fiicneed in aad u bandhigatid lataliyayaal oo kuu khaas ah maxaa yeelay waa arin khusuusiya ah
Abaayo luul waxaan kuu sheegayaa in aad ilaahay ka cabsato meelwalba aad joogto oo aad iska ilaaliso wax alaale wixi diintaada wax u dhimaaya tankale oo talo celinta ahna abaayo nin ku jecel waxaas kuulama imaanayo ee waa nin dankale kaa leh ee abaayo raga yay ku fasahaadinin.
Waa walaalkaagii islaamka ah
Waxaadna igala soo xiriiri kartaa emailadeeyda oo kala ah
sadiqalqa@hotmail.com
sadiq_q@yahoo.com
wassalaamu calaykum waraxma tullaahi wabarakaatuhu

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, September 01, 2000 - 03:09 pm
FROM LUULA
TO WALAALAHEYGA SOMAALIDA AH

walaalayaal ugu horeen salaamu caleykum
tan xigta waad ku mahadsan tahiiin figradaha kala duduwan ee aad isoo siiseen waana idinka qaatay intii fiican
waqti walbana waan qabay figrdaas ah in qof ajanabi iga ah aana waxba u ogolaan si aan u ogaado waxyaabah aan kala kulmay in la ila qabo ayaan halkan ugu soo qoray waana mahadsan tahiin
salaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sahra

Saturday, September 02, 2000 - 05:56 am
salaamu calaykum walaal luula

walaal waxaad tahay gabadh aad u wanaagsan hadaad diiday in aad shumiso nin aad ajinabi kala tihiin.wallal aniga fikrad ahaan waxaan ku dhihi lahaa keep on waxaadna ogaataa hadaad samayso wax ale uuna raali ka ahayn in aad lumayso,marka qofkii ku gu noco islaamnimada iyo dhaqankeena soomaaliyeed kolay waxaan u malay nayaa inuu yahay qof lunsan.marka walaal hadaad xijaab xirato iyo hadii kalaba waligaa ka fogow wax yaalahaas oo kale. wish u the best

walaashaa in islam and soomaalinimaba

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

haaji

Saturday, September 02, 2000 - 04:43 pm
to sahra
marka hore assalaamu calaykum
marka xigta mahadsanid abaayo talo celintaadii wanaasan ilaahay ajir iyo xasanaad hakaa siiyo

your brother in islaam haaji

wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sulekha

Friday, October 06, 2000 - 01:12 am
TO. Hebel walaalow adigu meel kasta waad joogtaye shaqadaad shegeyso goormaad qabata mise shaqadaaduba wa inad internetka ka hadashid

By: Sulekha

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hamada

Friday, October 06, 2000 - 01:52 am
horta raali iga ahaada boosbaan waayay aan wax ku qoree dadkana anaa u danbeeyee mida kale aad baad u mahadsantahay gabdha casharkan soo qortayeey runtii waa layaab gabar yurub joogta inay diido arintaas ay soomaalidu inta badan caadaystay qaarna uba arkaan inay caadi tahay abaayo dareenkaaga qaaska ah adaa og horta balse waxaa xaqiiq ah wax badan oo dadku hada sahlanayaan ayaa aakhiro la weynaan doona marka hadii uu ku yirih ama isku xiray jacelkii iyo shumiska xaqiiqdu waxy tahay qofka si daacad ah u jecel qof kale uma quuro wax yar oo aysan raali ka ahyn marka talo ahaan waxaan kuugu soo gudbin lahaa ha xad gudbin ee ilaali diintaada iyo akhlaaqdaada kuu gaarka ah yaysan aduunyadu ku qaadin hana fududaan walaalay maanta waa aduun barina waa qabri iyo ilaahay hortiis waxaa laga yaabaa mid aan kuu quurin waxaas qurunkaa xalaal mooyeee inaad hesho bari intaas ayaan ku oran lahaa wax walbaan ilaahay dartiis uga baq cidna ha uga xishoon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, October 06, 2000 - 02:57 pm
From Luula

to hamada
walaal waan ku salaamy waad na ku mahadsan tahay figradaada, dadka oo dhana hadey diinta sidaa u fahmaan wax dhib ah ma dhici laheen, oo aan ula jeedo sida aan rumeysnahay waligey waan qabay ninkii sidaa iiga tagan hade awalba intaas buu iga raby ee mustaqbal diyaar uma uu san ahayn. marka pointigeyga wuxuu ahaa in raga iyo dumarka ay si wanaagsan diinta uga taxadaraan. waxaan joogaa canada waxana jiraa 25sano waxaana ku arkay raga somaaliyeed in figradaas ay ka wada siman yihiin(in dumarka ay waxyaabo diintu ogoleen ula yimaadaan) marka yaan nolo la wadaagaa hadaan rabo un nin soomaaliyeed??????/

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

PUNTLANDER

Friday, October 13, 2000 - 05:01 am
WALAAL ARINTAANI WAA ARIN JIRTA WAANA ARIN ISWAYDIINLEH WIXII LAGA YEELI LAHAA.

MAADAAMA AYNU DAD ISLAAMA NAHAY WAXAA LAGAMA MAARMAANA INAYNU DIINTA FIIRINO, SUURADA LA DHAHO SUURA AAYADAHEEDA UGU HOREEYA AYEY KUJIRTAY IN ZAANIGU SAANIYAD GUURSADO IYANA SIDOOKALE, WAXAAN KAA ARKAA INAAD GABAR WANAAGSANTAHAY WAANA OO SAXA, CALAFKANA ILAAH BAA HAYA EE MARKA KUWAAS ISKA DAAYE KUWA WANWANAAGSAN BAAD KASBATAY WALAAL.
ANIGA OO KAMIDA DHALINYARADA WADAMADA GAALADAA SOO GALAY WAXAAN KA XUMAHAY INAAN KAMID AHAY INAAN DAREENKAYGU ISIIYO INAAN GABADHA AAN LASHEEKAYSANAYO AAN LA BAASHAALO HADIIKALE AYSAN FIILINKAYGABA SAA USII GALAYN.LAAKIIN DHIBAATAA JIDHA WAXAY TAHAY GABADHII OGOLAATA IN AY TAHAY MID JILICSAN TAASOO RUN AH, SABABTOO AH HADAY MID KA OGOLAATO MIDKALANA WAY KA OGOLAANAYSAA. MARKA ANIGU WAXAAN KU ORANLAHAA INTAAD AAKHIRADAADA IYO JIDKA TOOSAN AADAN MIDNA SEEGIN, ILAAH WAX FIICAN WAYDIISO, AAKHIRAA DARANE. DADKA TAA SAMEEYANA ILAAH USOO BARI INAY KA SOO HANUUNAAN. WAX KASTANA KITAABKA EEBAA KAWAYN EE DAREENKA IYO WAXA DADKA KALE SAMEEYNAAYAAN ALLA KAMAGANGA WAAYO CADAABTA EEBE WAA DARANTAHAY. WAXAAN KA XUMAHAY ANOO WAXA AAN QORAYO AY NIYAD IGATAHAY INAAN HADANA WAX XUN KU KACO, DHIBAATADAAS OO AY KEENAYSO WADANKA AAN JOOGO, WAAYO WAXAAN AHAY WIIL 20 JIR AH OO EUROPE JOOGA SAAS DARAADEED BAA GUURKII IYO WIXII XUMAA HALKAAN WIXII XUMAAA TOO EASY NOQDEN. MARKA WALAASHAY ANIGU WAXAAN KU ORANLAHAA HAKA YEELIN WAA HADAAD GUUR ADIGA AY SHEEKADAADU TAHAY, LAAKIN HADII KALE MALAGU DAAWANAYAA WAA IN LAGU SHUMIYAA OO MEESHA BAASHAAL KADHACAA. JAAW

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.