site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Markii aan ku doortay dugsi aan ku mooday adoon diirnaxaynin waataad idiidee,durdurkii markuu gudhay daaqsintii la sahan saday dabayluhu ku qaadeen igu noqo hadaad tidhi kuu dul qaadan maayee samireeee!!!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Oct. 29, 2000): Markii aan ku doortay dugsi aan ku mooday adoon diirnaxaynin waataad idiidee,durdurkii markuu gudhay daaqsintii la sahan saday dabayluhu ku qaadeen igu noqo hadaad tidhi kuu dul qaadan maayee samireeee!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anonymous

Saturday, August 19, 2000 - 07:57 am
7bilood ayaan qarsanaayay awoodi waayay in aan usheegto dareenkii gaarka ahaa aan u hayay,taasna waxaa igu kalifay iyadoo wadanka ku cusbayd aan ahaana ka kaliya ee caawiya la raadsha waxkasta ooydoonayso anoo ahaa ka kaliya ee gacan qabanaayay,waxaan is idhi yaysan is odhan illeen wanaaggu ka daacad maahayn oo ninku tanuu watay.
waan sugay ilaa ay isku filaansho gaaartay,markii aan u sheegatay waxaan muddo sanad ku dhow qarinaayay waxaan helay wax aan wax yeelo badan igaadhsiin inkastoo wadnuhu iyar xanuunay hadana waan u garaabay waxayna ii sheegaty in ay wiilkale la socoto jooga kenya,gabadha waan jeclaa oo had iyo jeer inay faraxsan tahay ayaan jeclaa markaas ayaan ku fakiray si'aan wiilka gabadhu doonayso in aan wadanka usoo galiyo iyada oon ogayn inkastoon intii awoodayda ahayd aan isku dayay hadana waan helikari waayay in aan soo helo,markaas ayaan iyadii la socodsiiyay iina sheegtay in uu imaandoono bil ka bacdi.
dhowr bilood ka bacdi gabadhii waxay raacday oo la dagtay iyadoo wax meher ah uhayn inan magaalada daganaan jiray halkaas waxaa igagag dhacday niyad jab iyo calool xanuun aan qiyaas lahayn waxay la noolaataba inantii hadda ayay idaba socotaa leedahayna khalad ayaan sameeeyay ee aan wada sheekaysano......
runtii inanta waan jeclahay balse hadaan udhowaado waan ku ceeboobayaa midda kale aamin kuma qabo.......walaalayaal(akhristayaashoow)maxaan sammeeeyaaa?????
waa qodob su'aaloo qof waliba siday tahay aan howqaatto leeyahay!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Lee

Sunday, August 20, 2000 - 09:56 am
Salaan ka dib,

Walaal waxaan ku leeyahay gabadhan ka dheerow walow ay beniaadam tahay, hadana runtii adoo arintaada u sheegey hadey raacdey mid wadanka kula degen oo aanan ahayn kii nayribi fadlan ka fagoow gabadhaa.

Macquul wey noqon lahayd haday ninkii nayrobi ay ahaan lahayd key ka degtay balse mid aan kaa aheyn ayay u dhaxdey, maxaad sameyn adoo qaba hadey ku tiraahdo waan tagi oo mid kale ayaan ka heley ee nabadey? bal arintaa saaxiib dib uga fiirso kolee dumarku waxay ubadan yihiin iney raacaan hadba meesha ay xiiseynayaan oo hadaad malab ku subkeysey toban ssano oo aad maalin qalad gasho waxii hore waa kakac oo waxay la soo istaagi maxaad waligaa ii qabatay ama isiisey.

Waxaan ku leeyahay goaanka ugu danbeeya adaa iskaleh. goodluck brother.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BARGAAN

Sunday, August 20, 2000 - 11:00 am
SALAAMU CALAYKUM
Waan idin salaamay salaan kadib waxaan rabaa in ninkan walaalkeen ah arintiisa wax ka dhaho

1-Walaal gabadhan iska ilaaw waxna ha ku darsan sababtoo ah waa naag duli ah waxayna rabtaa in ay ku isticmaasho taas oo micnaheedo yahay in ay ku ogaatay in aad jeceshahay marka hadii uu kaa xoog badiyo jaceelkaaga waa dhib adiga kuugu soo kordhayo marka waxaan kuula talin lahaa in aad faraha kala baxdo una sheegto runta taas oo ah in aadan hada wax dan aadan ka laheen


Halkeesa geenee naag waxaas ku dhaqantay oo u bareertay

waxaan ku rajeynayaa in illaahey jidka fiican ku tusiyo kaana reebo duliga sidan gabadhaan

mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HANNA

Friday, August 25, 2000 - 06:30 am
ABOOWE ANIGA WAXAAN KUGULA TALIN LAHAA INAAD ISKA ILAWDO GABADHAAS MAXAA YEELAY ADIGOO USHEEGTAY DANTAADA INTAASNA WAX UQABANAYAY AYAY KAA DHAQAAQDAY OO AY NIN WADANKA KULA DAGANAA KAA RAACDAY
ANIGA KOLAY WAXAY ILA TAHAY HADII QOFTAAS AAD XIRIIR LAYEELATED AMA GUURSATID INAY BARI KOO KALE KAA RAACEYSO

WALAALKIIS QOFTA WAXAA WEYDIISA WAXAY MARKI HORE KUGU NACDAY OO AY BEENTA KUUGU SHEEGTAY I MEAN KUU TIRI WIIL BAAN LASOCDAA NAYROBI JOOGA
ASAY HADA KUGU JECLAATAY

MA WAXAY KU MOODAY SHEY MEEL ISKA YAALO OO AY MARKAY RABTO U IMANAYSO MARKAY WAXKALE HESHANA KATAGAYSO

BY THE WAY IF SHE USED TO LIVE WITH A GUY THAT WASN'T HER HUSBAND AREN'T YOU AFRAID THAT IF YOU MARRY HER THAT SHE WILL SLEEP WITH OTHER GUYS ONCE YOUR NOT AROUND????

WALAAKIIS GO AANKA ADIGAA ISKALEH ANIGUSE WAXAAN KU ORAN LAHAA KA FAGOW QOFTAAS

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.