site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Arin lama filaan ah

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Oct. 29, 2000): Arin lama filaan ah
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nasro

Friday, August 25, 2000 - 03:42 pm
Walaalayaal waxaan ahay gabar ku nool North America waxaan jeclahay inaad illa talisaan arin ihaysato manajecli inaad igula talisaan wax aan ianficin oo idhibaateeya walaalayaal waxaa jirto inaan jeclahay wiil adeerkay aabahay la dhashay uu dhalay runtii jecaylkaas ma ahan mid aan iska sheeganayo marka waxa uu joogaa wiilkaas asia tan kale wiilkaas aad baan iskugu fiicanahay oo waligeen saaxiibo isku dheereeyo ayaan ahayn marka loo fiiriyo wiilasha kale ee aan ilmo adeerada nahay marka walaalayaal ila taliya maxaan sameeyaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

G.Gaalkacyo

Friday, August 25, 2000 - 05:32 pm
From. General Gaalkacyo, Marka hore waad salaamantahay. Intaa kadib anigu ma dheereeyo hadalka waxaa karaacaa danta iyo waxa uu mihiimku yahay. waxaan ku oran lahaa anigoo ka hadlahaya xaga khibradayda , haguursan (sababtoo ah}1.caruurtaad dhashaa abti ma ayleh 2.hadaad is qabataana meel aad aadaa majirto oo waa walaalkaa 3.soomaalidu waxay tiraahdaa (xidid waa xaar} marka waxaan ku oran lahaa raxmadi furan.
nabadgalyo.
From. G.Gaalkacyo, Canada,Ottawa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GOLDOGOB

Friday, August 25, 2000 - 10:54 pm
ASALAAMU CALEYKUM
TO NASRO

WALAALEY WAXAA IGA TALA, HADII WIILKU YAHAY WIIL XAGA DIINTAA KU WANAAGSAN, AS NA UU KURABO, INAAD KU DADAASHO SIDAAD KU HANAN LAHAYD. BARAKA LAAHU FIKUM.

TO G. GALKACYO
WAXAA KU HAYSA AQOON YARI AYADOON IGA AHEEN AFLAGAADO IYO WAXLAMIDA SABABTOO AH INTA AAD SO0 DALIIL SATAY MA WAA FAQSANA DIINTENA MACAAN OO RABI NASOO DAJIYAY. WAXAASNA QOF LAGULAMA TALIYO.

NABIGEENANA WUXUU YIRI (C.S.W)......WAXAA IGU WACAN INAAD DOORATO MIDA DIINTA KUFICAN. ( MITHLA HAKADAA)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdullahi & fadumo

Saturday, August 26, 2000 - 04:41 am
Dear Nasro,

Aad baan ugu farxey warqadaada wax kaqeyr roona majiro waxaad sheegtey, Gacaliso guurso haddii aad raali isaga tihhiin waana tan aduunka ugu fiican inaad guursato ina deerkaa oo isna ku jecel anba wey isoo martey waana is qabnaa iyadaana ku lahadleeso kabaxey aniga.

Dear sis

Guurso anba walaalkeey ina aderkeey waan guursadey we got two peatifull sons and every day is a new love marka waa walaalkeey waa ninkeygi wana jeclahey all what matter is jaceylka not the family we both love each other and i hope u do the same guys, dont wait go ahead and do it.

Wacaleykum salaam,

ABDULLAHI & FADUMO.

Nabadgalyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sabrina

Saturday, August 26, 2000 - 07:16 am
Abaayo waxad sheegtay wax khassaro ay ka imaaniso ma aha waa arin aad iyo aad u wanaagsan markaa abaayo waxan ku oran lahaa go for it it's very beautiful if he loves u too, sanadkan maanta ah aad bey u adag tahay jaceyl dhab ah sida lagu helaa taasoo ay waliba kugu sii jirto nin aan shisheeye aheyn aad always meel aad kala tageen no matter what. So i wish u all the best insha allah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saddam-Hussein

Saturday, August 26, 2000 - 01:48 pm
Hi Nasro it's good idea to marry your own cousin.
Good luck and wish you all the best.

Thanks

Regards

Sadaam-Hussein

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nasro

Saturday, August 26, 2000 - 03:21 pm
Walaalayaal aad baad ugu mahadsantihiin fikradihiina wanaagsan tan kale walaal wiilka waa wiil ku fiican xaga diinta iyo waliba ku darsaday dabeecad wanaag uu allaha qaadirka ah ugu deeqay tankale waa wiil dantiisa iyo tan ehelkiisa iyo waliba tan muslimiinta garanayo. Tan kale hadii aan usoo yaro noqdo fikrada walaalkay gaalkacyo anigoo u arkayn wax dhib ah balse og meesha uu ka hadlayo walaal ilaahay baa baneeyay oo xalaal ka dhigay guurka ilmo adeerada hadii ay dhib lee dahayna alle umadiisa una baneeyeen wax dhib u keenayo tan kale waan ogahay hadii aan lasocodsiiyo arintaas inaa ku guulaysanayo waayo meesho aan ujoogo ayaan ogahay balse nafta oo ka xishoonayso iyo waliba anigoo aad uga cabsi qaba xaga cidayada oon laga aqoon ilmo adeero is guursada mar labaad ayaan idiin mahadcelinayaa fikradihiina wanaagsan nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

haboon

Saturday, August 26, 2000 - 06:28 pm
assalamu calaykum.
walaashay nasro,waan fahansanahay meesha aad ka hadlayso oo waan soo maray arinkan,inkastoo isaga dhiniciisa ay ahayad ficradaani hadana wax sahlan ma aha marka walaalkaa ama walaashaa kuu soo bandhigo jaceyl iyo guur.hadaba halmid ayaankuu hubaa, hadii labadiinuba aad tihiin dad diinta fahansan qofkastaana ogyahay oo ka soobaxayo xaqii qofka kale, jecayl run ahina meesha yaalo,wax ka wanaagsan malaha oo waa nolol aad u qurux badan ee walaashiis hadii ina adeerkaa isna ku jacelyahay guurso.
Aniga iyo wiilka i qabo ilmo adeer baanahay ilaah na ilma wanaagsan wuu ina siiyey aduunkana ruux aanku badalanaayo ma jiro.

wasalaamu calaykum. And good luck.
BY: UQTI FILAAH HABOON.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-muscab

Sunday, August 27, 2000 - 11:32 pm
ASALAAMU CALAYKUM
dhamaan walaalaha waad mahadsantihiin walaal nasro taladu waa mida ay walaalahaa ku sii yeen walaal hadii sida aad sheegtay jacaylkaasi uu jiro waxaan kugula talinlahaa in aad guursato wiilkaa walaalkaa ah wax dhibahna kuma jirto xaga diinta sida aad sheegtay oo alaa baneeyey marka walaal guurkuba waxa uu ku xiran yahay marka laga reebo diinta waa jacaylka ee walaal nin kale ha guursan inta uu walaalkaa noolyahay taas ayaa aniga talo iga ah si aad nolol wanaagsan ugu noolaataan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, August 29, 2000 - 10:59 am
What!!!!!?
The son of your uncle (your father's brother)???
you gotta be kidding!!!
My Goooooooodd!!!...Where you guys are from??
Long time, i heard a rumor saying that some somalis marry their own blood cousin..This conforms to me that it is true.

Wow, are you people from a particular tribe of somalis..cuz i know every tribe has slight difference in how to deal with those kind of situations.
No wonder issaq people are in general cuter than the non-issaqs(exceptions always exists)

Girl, listen. I am NOT a biologist, but last time, i checked, it is not appropriate to mix your genes with those of your own blood. The odds of a cute/healthy baby ain't good
Please look for a man from distant lineage
Bloody people!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Arda

Friday, September 08, 2000 - 04:05 pm
Anonymos Bro or sis,
Thx cause isaq they usualy mary Jamaican where else they call reer koofun and some thing which doesn't exist(MIDGAAN) so i feel sory 4u u better not to mension Isaq in mariage Arena.

Bye now

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mudaneh

Saturday, September 09, 2000 - 05:26 am
Anon,


iyada iyo isaga, qof ka aad tahayba, maxaa kugu diin yari ah, oo kugu qaab daro ah, oo kugu caqli xumo ah, oo kugu talo xumo ah,
WEJIGAA GUBAY, oo WEJIGAA GUBAY, talo la'aan iyo adigoo iska aamuso ayaa kuu dhaantay, wejigaa gubay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nasro

Saturday, September 09, 2000 - 02:34 pm
Waad salaamantihiin
marka labaad ninka isku magacaabay mudaneh walaal horta af caytamay ruuxiisuu ku yaal oo aniga ku cayn maaya kuna habaari maayo balse waxaan kali ah oo ku leeyahay illahay ha kuu danbi dhaafo tan kale diinta alle ayaa banaysay masa la socotaa in nabiga NNKH uu qabay gabar eedadii aabihii la dhalatay ay dhashay hadii aad rabtana magaceeda waa saynaba bintu jaxshi eedo iyo adeerna waa isku mansil marka hadii aad ogaan lahayd aqoonta aan uqabo diinta ha ahaado quraan ama xadiisna ima aad dhahdeen diin xumo marka walaal waxa aan kaa qaatay qowlkii alle ee oranayay dadka muminiinta waa kuwii alle dartii u sabra oo u cafiya marka dhib loo gaysto masa la socotaa in saxaabiga abiibakar RC uu hadiyad u diray nin caayay oo yiri ajarkaagii baad ii soo hadiyaysay marka sidaas u qaado marka walaal mudaneh hadii aan ogahay meel aad ku nooshahay waan kuu soo diri lahaa hadiyadii ajarkii aad ii soo hadiyaysay nasiib xumo garan maayo wabilahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

awdheere

Tuesday, September 26, 2000 - 01:26 am
Nasro dhalo ayaad iska jabsatay adiga oo aan ka fiirsanin MUDANEH qofka uu la hadlaayey! balse indhaha kala fur oo fiiri qofka uu la hadlaayey!.

Anon..ayuu la hadlaayey ee adiga ma'aha...sidaa ula soco.

Hadaan u soo laabto mowduucaada, abaayadiis horay ayaa laguugu sheegay wax walba oo maskaxdeyda ku jiray, waxaanse ku darayaa su'aashan iyo wax yar oo sii yara ayidaada walaalaheey fikradahoodii.

Asagu ma ku jecel yahay?..if yes, do it without hesitation, macnaha ha ka laba-labeynin oo u bandhig jaceylkaada,

Mida kale sowma ogid dadka is qaba oo qabiilooyinka kala duwan ah qaarkood dhibaatada haysata?!...xitaa telefonada ayey kala qarsadaan...waana laba is qabtee la soco!, inkastoo ay jaahilnimo ugu wacan tahay arinkaa.

Marka walaashiis, adaa nasiib leh oo ina adeerkaa jeclaaday, aniga hadey ina adeertey i jeclaan lahayd, nin nasiib badan ayaan ahaan lahaa.

Ha kuu macaato.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

generalka qaybta c/waaq

Friday, October 06, 2000 - 02:54 am
hadalka inaan badsho ma rabo laakiin muhiimadu waxy tahay maxaan kala talinaa ma inaad isguursataan mise wax kale hadaad rabto dhanka guurka haduu yahay inaan isku hubto diintiisuna wanaagsantahay waan kugu raacsanahay inaad is guursataan haduusan saas ahaynse waxaan ku oran lahaa raadso mid iimaankiisu wanaagsanyahay ciduu rabo ha ahaadee

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.