site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Guur Xumaaday, Soomaliyey maxaa igula talin lahaydeen

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Oct. 29, 2000): Guur Xumaaday, Soomaliyey maxaa igula talin lahaydeen
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guur Labaad

Sunday, September 03, 2000 - 04:46 am
Waxaan jiraa 29 sano waxaana laba sano ka hor kala tagnay xaas aan hore u lahaa oo sadex caruura ii haysay. Markaan kala tagnay waxaan go'aansaday inaanan naag danbe guursan ilaa ay caruurtayda oo u dhexeysa 3 - 7 ay jaamacad ka baxayaan. Ilaa iyo hadda wax walba way is fiicnaayeen, caruurtaydu mar walba oo ay ii baahdaan way i helaan, marka la ii ogolaado waqti ayaan la qaataa, asxaabna waan nahay.

Hadaba, gabar Soomaali ah oo aan xamar deris ahayn ayaan isku magaalo deganahaay. Gabartan aad ayey ii dhaqaaleysaa. Xataa maalin intay furaha gurigeyga iga xaday ayey dharkana ii dhaqday gurigana aad iiga shaqaysay. Way ii naxariisataa si aan caqliga geli karin waxaana is naqaan ilaa iyo dugsiga quraanka (kindergarten) oo ma aha qof is barasho isugu kaaya hartay.

Qoftan ayada ah ilaa iyo hadda wax walba ayaan ka wada hadalnaa, waxaan la socdaa nimankay aragto anigana way taqaan dadka aan mar mar sheekeysano. Just good friends ayaan nahay. Sababta aan qoraalkan idim\nkugu sheegayo waa anigoo qoftan ka wada hadalnay arimaha guurka ayna ii sheegtay inay igu fiicantahay inaa sameesto stable relationship towards marriage. Anoo kaftamaaya ayaan ku iri yaa guur u shukaansanaaya 29 yr old with three kids. Waxay iigu dhaaratay inay ahaan leheed gabarta u horeesa oo i shukaansan lahayd hadaan anigu diyaar ahay.

Calaa kuli xaal, talooyinka aan u baahanahay waa

Qof guurka ka halaabay jaaniska uu kan kale ugu hagaago ma badanyahay?

Adoo caruur leh hadaa family kale yeelato sidee ayaa ku heli kartaa inay carurtaadu ku jeclaadaan isla makraana xaaskada cusubi kuugu faraxsanaato?

Ma idinla wanaagsantahay in jacaylka ilmaha laga hor mariyo wax walba oo la iuska dhaafo guur iyo dhibti.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samia

Saturday, September 09, 2000 - 05:40 am
a/caleykum
guurka waa god gacnta la gelinaayo wax ka soo baxaayo alahu yaclam.
guurkii kaa halaabay dartis in aad go'aan ka gaarto waxan u arkaa arin xun.
gabartan aad shegtay diyar yeey ku tahay ee maxaa sugee?
mise markay hesho midkale ayaa indhaha kala furee?
ilmahaaga adigaa is jecleyn siinkara isna nacbeysiinkara!
aboowe jaceylka aad u qabid oontid naagta ad gursaneysid(gabarta aad is taqanaan)iyo midka aad u qabto ilmahaaga isku mid ma'aha
ilmahaaga iyo eedadood adigaa ka dhigi kara dad is jecel.
waxaan ku dhihi lahaa miro aad gacnaha ku heysid kuwo geed saaran ma loo daadiyo ee gabartan yeey kaa fakanin
a/caleykum.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.