site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ma aan waashey mise waan so wadaa....

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Oct. 29, 2000): Ma aan waashey mise waan so wadaa....
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamdi

Sunday, September 03, 2000 - 11:41 pm
Waan idin salaamey walalayaal.
Mida xigta waxaan ahay gabar soomaliyeed oo inta taqaan ku tilmaanto gabar asluub leh qof biniaadan ahna aan weli hadal ku murmin marka dhibaatadeyda waxaa waayo xaga barashada raga? runtii ilaa sanadkii hore maan jecleen in aan xiriir saaxiibtinimo la yeesho wax rag ah taasoo igu wacneed in aan u arkaayey danbi ween wada socodka cusub ee hada jira. laakin waxaan bilaabey sanadkan intii lagu jirey in aan la socdey ama xiriir na dhex maray 4 wiil oo mid walbana waxaan la socdey mudo gaaban tasoo igu kaliftey in an dareemey in aan noqdey qof xun waayo waxaan ka tagey sharci ka mid ah diinteenii wanaagsaneed taas oon ka raacey dareenkeygii anigoo ogolaadey in ley shumiyo amaba la taabto korgeeyga. waxaan ku fakaraa in aan nin danbaba ag marin ee seen ku yeelaa? bil ixsaanag ila taliya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Quman

Monday, September 04, 2000 - 06:11 pm
NAA MAXAA TIRI. SUBXAANA LAAH.!!!?????????
ABAAYO ILAAHAY HA KU SOO HANUUNIYO, KHATAR AYAAD KU SUGAN TAHAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Monday, September 04, 2000 - 07:01 pm
ADI QUMAN GABADHA HAKA NIXININE WAANI NOO

KAALAY MAXAY SOMALIDENA RUNTA UGA WEECDAN WADA SOCODKA XARANTA KU DHISAN WAA WAX JIRA OO SI WAYN UGU FAAFSAN SOMALIDA GAAR AHAAN KUWA DIBEDA JOOGA MARKA AAN RAADINO XALKEEDA EE YAANAN AFKA INTA KALA TAAGNO SIDII CAJUUSOYINKII BEEN SHEEGIN.

XAMDI GABAR YAHAY RA'SULMAALKAGA WAA NAFTAADA MARNA YAYSAN KU DABCININ MAWAAQIFTA DADKA KALE WALIGAA XASUUSNOW QIIMAHAAGA OGOWNA IN LAX MEESHAY IS DHIGTO LAGU QALO HADDAD ISU DHIIBTO WIILASHA KU DHOWRI MAAYAN YAYSAN KU SIRIN DAQIIQADAHA MACAAN EE THEATREKA AMA MEELAHAD ISKU RAACDAN.

INTAAS WAXAA KUU DHEER MA ISWAYDIISAY MAXAAD ULA DANLEEDAHAY LA SOCODKA WIILASHA WAXAN HUBAA IN AAD KALIYA JECESHAHAY AADNA SI WAYN U DAAWATID TITANIC MARKA SAXIBAY ANIGA WAXAN KUGULA TALIN LAHAA HADAADAN IS ILAALIN CIDNA KUMA ILAALIN DOONO HADAADAN IS SHARFIN CIDNA MAKU SHARFAYSO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maxamed

Monday, September 04, 2000 - 08:25 pm
xamdi-waan ku salaamey marka hore
Teedii kale walaaley waxa aad kor ku soo sheegtey
haddii ay dhab kaa tahay ama run ey yihiin walaaley waxaa waano iyo walaaltinimo iga ah iyo
weliba islaanimo intaad is dhowri kartid is dhowr
wax walba hakugu qaadato illaheyna haku dhowro
maanta ragii somalida badankood inta qurbaha joogta sharcigii islaanimada ayey ka tageen marka
walaaley wax sharaftaada iyo dacadnimadada iyo islaanimadada fiirinaayo ma jirto raga somalida maanta joogta qaarkood gabar iska daaye naag laqaba aay og yihiin ayey u macsi doontaan marka walaaley raga maanta jira haddii ay kaa helaan janis yar kuma cafinaayaan ilaa kii illah ka baqo
mooyee ee intaad is dhowri kartid is dhowr kuna
dadaal sidii aad ku guursan laheyd illaheyna ka
bari sidii aad guur dagdag ah aad ku heli laheyd
illaheyna haku garabgalo-haddii kale illa soo xiriir.

baqo mooye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamdi

Monday, September 11, 2000 - 02:41 am
Waa idin salamey dhamaantiin waana idinka mahad celinayaa waqtigiina ad ii siisen xag waano iyo xag akhris waraqdeyda.
Quman sis umaan maleynayo in aan ugu horeeyo gabar soomaliyeed oo qalad gasha mana ihi mid gabarnimadeedii lumisey waanse qirsanahay in aan qaldamey ku taaganahayna in aan saxo hana ila yaabin ilaahi i uuntey ayaaba bini,aadan iga dhigey hadaan u noqdana i cafinaaye.
Fahad aad ayaan kaaga mahadinaayaa waana kugu raacsanahay in hadaan aniga is dhoowrin aan cid kale ka sugeeyn in ey i sharafto thanks bro.
Maxamed waad ku mahadsantahay waanadaadii naxariista,walaaltinimada lahed waan jeclaan lahaa in aad ii noqoto walaalkeygii aan la tashan lahaa hadaan kaa helo e-mailkaada thanks

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.