site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SAXIB ILA TALI WAAN WAREERAYE

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Oct. 29, 2000): SAXIB ILA TALI WAAN WAREERAYE
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

OAKLAND

Monday, September 04, 2000 - 12:03 pm
WAXAAN AHAY WIIL SHALINYARO AH WAXANA KU NOOLAHAY U.S.A

FAMILKAYGA WUXUU JIRAA KENYA WAXANA AHAY KELI WAXAN DEGANAHAY STATEKA UGU QAALISAN MARAYKANKA WAXAN U IMID INAAN WAX BARTO LAKIN WAXAN KA BADANI LA'AHAY NOLOL RAADIS IYO SHAQO,WAXAN ISKU DAYAY INAAN MEEL KALE UGUURO LAAKIN CID AAN GARANAYO OO KALE MA JIRTO WAXAN DHEX DEGANAHAY GAALO IYO MUSLIN BEDELMAY NOLOSHINA WAXAY IGU NOQOTAY XABSI

WAXAN QARASHGAREYA 1000.U.S. A MONTH IYADOO AAN HAL QOL LA WADAAGO QOF KALE BIXIYANE 500.+UTILITEIS,WAAN KU DAALAY FULL TIMEKA WAXANA RABAA MEEL AAN KU YARA NASTO IYO DADAAN AAN AQAAN EE PLEASE HADAAD I CAAWINI KARTID ILA SOO TALI AMA II QABO WAX.

MA LIHI BALWAD WAXANA DHELAA SOCCER WAANA TUKADAA THANK YOU
FEEL FREE TO ASK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADIJA

Thursday, September 07, 2000 - 11:04 am
asalaamu calaykum

walaal waxaan ku gula talin lahaa inaad galina wax baratid galina shay qaysatid maxaa yeelay cilmiga waa wax ugu fican hada ka soo qaad waxaad shaqaysataa lacag laakiin waxaa kugu filan hal mar oo ay ka dhunto ama ay ka dhamaato laakiin cilmiga waa wax waaraya ilaa ad ka dhimatid waxaan kalo kugula talin laha sidoo kale inaad diin barshadedana ku dadaashid maxa yelay waa wax ku anfacaya aduun iyo akhiroba waa walaasha oo ilaahay dartiisa kugula talinaysa . jisaakalaahu khayra sidad talada noo soo waydiisatay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samia

Saturday, September 09, 2000 - 04:54 am
a/caleykum
ma tihid ciyaal waxaa tahay qof caqli leh hadii aad garatay in aad caawinaad weydiisato.
balse ogow in qof walba uu soo maray dhib uuna iska soo bixiyay meel.
waxaan ka soo tagay somalia anigoo jira 17
waxaan imid wadan aan af aqoon waxaan u weynaa wlaalahay ila socday tan uugu yareynda waxay jirtay 3sano,aabahay wuu dhintay hooyadeyna ma ila soconin markaan imaanaaye wadanka aan jogo ilmahaas anigaa u ahaa aabo iyo hooyo.
waxaan soo maray dhib badan sabata oo ah waxaan ahaa mas'uul oo ma arkin waqti aan ku nasto iyo mid aan dad ku bartaba.
alxamdu lilaahi maanta wax iga maqan ma jiro walalaheey wey weynaaden hooyadeey wey timid anigana waxbaan bartay oo aan ku shaqeystaa maanta.
aboowe bini aadam wax kuu qaban karaa ma jiro hadii aadan adiga wax isku qaban
waxan ku rajeynaa guul.
a/caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Sunday, September 10, 2000 - 11:45 am
comments to samia
sheekaddaadu waxay ahayd mid qiiro leh awoodna uleh inay ruxdo qalbiyo badan waxayna ahayd mid ku dayasho leh,waad ku mahadsan tahay,waxaana rajaynayaa inuu inanku wax ku qaadan doono.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

OAKLAND

Monday, September 11, 2000 - 08:19 am
Samia aad iyo aad ayaan ugu farxay waanadaada waxayna isiisay energy cusub waanad ku mahadsan tahay,aniga waxan jiraa 18 familkayguna insha'allah mar dhow buu imanayaa waxana dhigtaa iskool balse waxan isku dayayay in aan helo waano taada la mida waanad ku mahadsan tahay thank you wajazakallahu khayran if you don't mind can we know where you are

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samia

Tuesday, September 12, 2000 - 07:41 am
à/caleykum
troubleboy wad m/santahay aboowe
oaklando aboowe ma'aha muhiim in aad ogaato meesha aan joogo
waxaan ku leeyahay waqtiga wuu ordaayaa ee ka faa'ideyso
oo minute kasta ku maro ha kugu maro in aad wax faa'ideysato.
waxaan arkaa wilal&gabdho badan oo somalia
u dhexeeya 18-30 oo aan waxba qabsan
aada habeenkii club maalinti jiifa qaata ceyrta.
waa arin an aad uuga xumaado lakin waxaa la yiri qofkasta tiisa ayaa heysata
waxan rajeynaa in somalida indhaha kala qaadan oo ay wax isku taraan
aboowe guul ayan ku rajeynaa
a/caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARCADE

Wednesday, September 13, 2000 - 12:54 am
A/s Caleeykum
To Saamia

Amaayo macaanto hadii aan kaa dhexgalo hadaka aad tiri horta marka u horeeysa somali hadaan nahay markaan nimi westeranka waxaan soogalnay nonol cusub oo aanaan oqoonin taasoo keentay inay dadbadn oo nagamida inay badalmaan dadna ay nolosha ku adkaato, aan tixraacee ninka layiraahdo Okland sxb anigu waxaan arkay dadbadan oo dad daada iyo kayarba kuyimi westeraka, lana socday dad aysan waxaba isu ahayn markey ogaadee there target oo ahaa waxbarasho inay waalidkood ugu soo direen westeranka, balse aysan noolaankarin anayn shaqeeyaan mooyee bay waxay noqotay iney galina shaqeeyaan qalina wax bartaan, tan kaloo kadar hadeey reerka ay lajoogaa isjiiraan meelay aadaan caawa iyo maanta mahayaan soo that's onother chalange oo heysata, marka yaan hadal kugu daaline sxb somalidu waxay ku maah maah daa (dantaada maqaar eybaaloogu seexdaa ) kuma dhahay kuseexo maqaar ey ee waxaa laga wadaa hadey dhibaato timaado waxaa loobaahanyahay dulqaad iyo samar labadaba tankale oo ah walaal dadaal intaad karto oo isku day markii aad u noqoto dalkii iyo dadkii inaad noqonkarto nin u tartama kursi kana midnoqda doowlada somaliyeed kii wax u tari lahaa ,
w/s laamu caleeykum sxb

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.