site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Qof jaceeyl la wareersan

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Oct. 29, 2000): Qof jaceeyl la wareersan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saami

Wednesday, September 20, 2000 - 10:53 pm
Asalaama caleeykum walaalayaal?

Walaalayaal marka hore waxaan hawada idiin soo marinayaa salaan walaaltinimo,salaan kadib walaalayaal waxaan doonayaa in aad si daacad iyo walaaltinimo ku dheehantahay iila talisaan walaahi waa iga dhab.

Walaalayaal marka hore waxaan ahay gabar 20jir ah.Waxaan isjecleen wiil da,deeyda oo kale ah.Markaa aan wada soconay waxaa kasoowareegatay in mudo ah runtiina aad ayaan uyaraa oo waan kaxishoon jiray in aan u sheegto jaceeylkeeyga.
Anyway waxaan nahay dad dalkoodii iyo wixii eey doonyo lahayeen kasoo wada qaxaye waadna lasocotaan soomaalidu wadankii eey imaadaan cagta madhigaan oo weey uun sii socdaan.Yaanan war idinku daalinine calaa iyo xaal wiilkii wadan kale ayuu aaday mana uusan ila soo xiriirin balse waxaan aqaanaa dad aan ka heli karo telefoonkiisa.
Walaalayaal walaahi wiil aan kajeclahay majiro in kastoo aan hada weeynaaday oo aan ahay qof wax garad ah hadana sideen ku wacaa oo aan ugu sheegaa in aan jeclahay walaahi wali uma sheegan karo mideeda kale waxeeyba ila tahay in uusan iyeeli doonin walaalayaal maxaan suubiyaa?Qoftii talo wanaagsan ii heeyso ha iigu soo gudbiso addresse -ka ah Hami@alloymail.com
Waad mahadsantihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DR-TROUBLEBOY

Friday, September 22, 2000 - 09:18 am
SAAMI
WALAASHIIS CABSI MALAHAN IN AAD SHEEGATO WAX AAD DAREEMAYSO,LABA MID MID UUN BAAD HELAYSAA AHNA(MAYA)(HAA)TAASOO HADII JAWAABTU MAYA NOQOTO AADAN AHAANDOONIN MID KA WALWALA,HADDII HAA LAGU DHAHANA AY TAHAY WAXAAD WALIGAABA AAD DOONAYSAY.
ARRIN HADDAAD GALAYSO FILO GUUL IYO KHASAARABA.
7SANO KA HOR AYAY ISOO MARTAY WALAAL SHEEKADAADOO KALE ANIGOO DA'DAYDU YARTAHAY AYAAN JECLAADAY GABAR IGA WAYN ILAA 5SANO INKASTOOO AAN OGAA DA'DEEDA BEEN AYAAN DA'DAYDA UGA SHEEGAY OO AAN KU IDHI SANAD BAAN KAA WAYNAHAY!! ABAAYO YAANAN HADAL KUGU DAALIN KUMA GUULAYSAN,MANA NOQON ,MID KA SII FAKARA AMA AY WALWAL KU HAYSO!!
ABAAYO ADI GUUL AAN KUU FILAA,INSHA ALLAH!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, September 28, 2000 - 06:50 am
A/CALEYKUM
ABAAYO WAANO WAXAA IGA AH IN AAD U SHEEGATO
WAXAA LAGA YABAA IN ISAGA WELI KU JECELYAHAY
HADII UU KU DHAHO MAYA WAXAAD KA GOYNEYSAA NIYADAADA HADII UU HAA DHAHANA WAA SIDII AAD RABTAY(MID LAGU DAADSADO MA UUGU HOREYNEYSID MANA UUGU DANBEYNEYSID)
WAXAAN KUU RAJEYNAA LABADA TII UU GOÂAN KU GAARO
IN AAD SI FIICAN U QAADATID
A/CALEYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

REAL-SOMALI

Thursday, September 28, 2000 - 02:17 pm
dear Saami
Ra'yigaygu waa inaad ninkaa telephone ku raadiso sabato too ah ama waad ku guuleysan ama ku dhici, labadaa waxba uma dhexeeyaan balse waxaan kuusheegayaa hadii aad guuleysato waad qancin, sidoo kale hadii aad ku dhacdo waad qadcin oo aad ogaan inaan waxba kaa horeyn oo aad dantaada ka raacan, waxaa hubaal ah in uu qof un kuu muuqdo, laakiinse dantu waa lama huraan noloshu waa gaabantahay si fiican uga faa'iidayso, talo aad gorfaysana la geed tag.
GEESIGU MA LIICO HADII AAN LA GAADIN.
WAX SAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ubax

Thursday, September 28, 2000 - 02:47 pm
Abaayo aniga waxaan kugula talin lahaa inaadan dhulka is dhigin hadii uusan kusoo xiriirin inta magaalo kale tagay malaha dadkale ayuu helay so don't worry about him i'm sure there are lots of fish in the sea
so i hope you find a better fish

good luck

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WWILWAAL

Friday, September 29, 2000 - 06:23 am
Salaan Saami
Mar hadaan go'doomoo gaariwaayey taan rabey gar bay noqotay caashaqa inaan daba gurguurtee.waxaan ku oran lahaa dabasoco jaceyl hadii uu ku hayo, oo raadso kaad jeceshahay, hadii kale ha noqonin midii meel laga guurey iyo mid gabagabo fariisata.


NOOLI KULANTI LEH
WWILWAAL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

tilburg

Friday, September 29, 2000 - 01:36 pm
to saami hadeymaqantahay magaladadhan mugiweeyo weymadoode waxaa laga yab heestaas inuu kuuqadayo uuna kuhilmaamin lakiin waxyabo kale ay iskajiraan lakiin adiga waligaa marnaba hakaquusan ilaa aad guul fiican kagaarto qofkaa jeceshahayna ilaahey hakuu sahlooo intaas ayan kugu darsanayaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhalfo

Friday, September 29, 2000 - 07:24 pm
(Saami) **** Ruux bukaanka kugu nacay adoo baahan kaa tegay samo kuma banaanee ****

Ubax sideey dar-daarankeeda ahaa baan anigana doorbiday.....Talo iyo tusaalana waa laguu dhameeyay....inta kalena waa adiga iyo garaadkaa iyo garashadaada....

Waa Dhalfo oo ku leh nasiib wacan Alahayoow...

Aamiin....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Awdheere

Wednesday, October 04, 2000 - 11:48 pm
Saami:

Abaayadiis, taladeydu waxay tahay inaad telefonkiisa raadiso, sababtoo ah waxaa laga yaabaa inuu ku jecel yahay isagaba, hadii uuse ku soo waci waayey ha u qaadan oo kaliya inuu kaa maarmay ee waxaa dhici karta duruufo kale iney jireen.

Balse adiga noqo qofka wax xiriiriyey oo ka roonoow isaga, I'm sure inaad ku guuleysaneyso arinkaas insha Allah...do it without hesitation!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

amadeyali

Thursday, October 05, 2000 - 06:03 am
anigalahmed ah waxaan aad ula yaabay gabdhan qaaligaa ee sida daacad u raadinaysa talada runtii wey yaryihiin dadka adigoo kale ah waayo qof walba inta guriga habartiis canjeelo ka soo cuno ayuu computer ka indhaha ku kal furaa dabadeedna wuxuu rabuu ku dharag daracsadaa ilayn waa ruux canjeelo iska soo buuxshaye waxaan u malaynayaa saami inay gaajaysnayd markay qoraysay riwaayadaan la yaabka leh talo(1) waxaan ku oran lahaa naftu waxa ay jeceshahay waa lala raadiyaa ee ha quusan intay rabto hakugu qaadatee (2) phone hakula xiriirin waxaad raadisaa emailkiisa ka dibna u qor warqad aad u ugu beeraysa jaceyl iy naxariis aan la koobi karin oo habeynka uu akhristo ayba hurdo ka imaan weydo ugu danbayn jawaabta uu ku soo siiyo ayaa kuu sheeegi doonta goaanka aad qaadanayso talo waa iga intaas tabarna iskaba daah yhaduu kugu daadshana anaa laga yaabaa inaan kuu dhaamee bal aan iska agdhawaano?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qadar

Thursday, October 05, 2000 - 07:33 am
fakar baa kufogaaday laabtada,fowdo joogtahe,
fidnadaba waxaa dhigay kalgacaylkan fogadee feerahaaga waxyeelay alla se faxane orodoo raadso kii aad aduukan oodhan aad kadooratay abaayo,,,,haddi kale waad kashaali......ubaxna mid talo kugu caawinaysa maheeeee,
haqadan taledeeda,

qadarrrrrr
for more info please feel free to contact me @qadar36@hotmail.com
good luck sweetie.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.