site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Walaalahaygow ila fiiriya arintan!!!!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Oct. 29, 2000): Walaalahaygow ila fiiriya arintan!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

su aad

Sunday, September 24, 2000 - 07:49 pm
waxaan ahay gabar soomaaliyeed oo qurbaha ku nool,xaasleyna ah waxaan leeyahay 2 gabdhoodiyo uur sadexaad.
marka maalin dhexdeer ah ultra sound aan korey waxaa la ii sheegey in gabar 3 aad ay tahay waxa dhalan doono ilaah baa wax oge ,, laakiinse cilmi ahaan bay gaaladu isticmaaleen marka su aasheydu waxay tahay hadaan soomaali nahay gabdhaha lama jeclo sababaha keeneyna si fiican uma fahmin ,hadaba arrintaas iyada ah oo murug iyo wel wel weyn igu haysa waxaan idinka codsan lahaa in fadlan waqtigiina aad isiisaan wixii rayi iyo talo ahba oo arrintan quseysa maxayse wiil iyo gabar ku kala duwan yihiin?????
maxaana loo kala jeclaadey????
hadaad gabar xaasley ah tahayna arrintan ultra sounda horey ma kuugu dhacdey waxay sheegeen ma ehee wixiisii kale in ilaah ku badaley?


walaalayaal aad ayaad ugu mahadsan tihiin dhageysigiina

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hilaal765

Monday, September 25, 2000 - 02:46 am
asalaamu caleykum walaal waa iga su´aale ma waxaad ka baqeysaa inuu ninku kaa tago? allaah ayaa qadara wax kasta taas ma iloowday!! gabar iyo wiil waa al-xamdu lilaah,,,,
ee allaah u mahadnaq..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CANAB

Monday, September 25, 2000 - 06:04 am
WALAAL CARUURTAADA DUMARKA IYO KUWA LABKA AH WAA UN CARUURTAADA OO WAXBA MAKALA QIIMA BADNA. ALLE MA ORAN WIILASHAA GABDHAHA KA FIICAN OO WAXAAD SAMEYSAA ALLE U MAHADNOQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

haboon.

Monday, September 25, 2000 - 07:54 am
Assalaamu caleykum.
Abaayo qalbigaaga waxaas kasaar,gabar iyo wiil kii ilaah ku siiyo waa kiisa kale ee ilaah uga shugri, dadbaan halgabar ama hal wiil midna haysan.
waxaa laga yaabaa wiilka aad raadineysid in gabari kaaga kheyr badan tahay oo ileen gabari waa galeey e,waxaad kaloo ogaadaa hadii aad saas u wiilal jaceshay in ilaah gadaal kaasiinkaro wiilal badan. Arinkan kale ee ultrasoundkana 95% waa siday u sheegaan.Balse ilaah ayaa xaqiiqdeeda og,ee ilaah ubadkaaga mid saalax ah ha kaaga dhigo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caliqadar

Monday, September 25, 2000 - 08:12 am
gabar iyo wiil wixii ilahay kusiiyo kuxamdinaq,isaga ayaa kusiiyee,imaan na lahoo, ninkaaguna haduu kugu rabin gabdhaha isaga ayaa khasaaro usugnaatay oo ilahay wuxuu siiyey diidey,ultra sound na hadaad rabdid fuul hadaad rabina iska daa,koLay ilamaha inay dambi tahay sababtoo ah dumarkoo dhan ayaa fuula

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

su aad

Monday, September 25, 2000 - 05:21 pm
asalaama caleekum walaalahayga sharafta lahow aad ayaad ugu mahadsan tihiin jawaabtiina qiimaha badan.
mida kale aniga kama xumi wixii ilaah isiiyo sababtoo ah qaar baan midna heyn sidey horey u tiri walaasheen haboon, marka waxa aan aniga ka xumahay waxy tahay sababta loo leeyahay wiil ayaa gabar ka qiimo badan??
marka aniga waxaan ugu faraxsanahay wuxuu ilaah i siiyo si aan la koobi karin ee dadkaa iga yaabiyey leh wiil iyo gabar isku mid ma aha,,,teeda kalena ilaah baa wax abuuro inagu aadane baan nahay.


ku HILAAL walaaley aniga kuma oran sidaas baan ka baqi iyo............., magaratey su aasheydiina waad garab marteyee dib ugu noqo waxaan kor ku xusey nuxurkiisa waadna ku mahadsan tahay sidaad xilka isaga saartey jawaab celintaadii jasaaka laah.

walaalahayga kalow aad ayaad kuligiin u mahadsan tihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hashi

Tuesday, September 26, 2000 - 04:18 am
TO:Su aad!!!!!!
Salaamu calaykum walaalayaal!!!!!
Waxaan rabaa in aan iraahdo laba hadal walaa sheey su aad, kuwaas oo ah wiil iyo gabar waaa isku mid waxaana muhiim ah in uu caafimaad qabo qofku sidiisaba, tankale miyaad dan muslim ahayn, sideed ku aamin tay wax aadan hubin?????
ma laga yaabaa in aad shasho laba wiil oo mataano ah???
Xumaan ha iiga qaadan walaasheey!!


Hashi Freeman

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mehraawi

Tuesday, September 26, 2000 - 09:24 am
To Suad
dear waxaa jirta in dad badan oo soomaliyeed ay niyada ka jeclaadeen inay helaan wiilal instead of gabdho, taasu waa casru jaahili, oo sida diinteena ku xusan waad aragtay sida uu uga shalaayey cumar binu Khadaab markuu xasuusto asagoo gabadhiisii yareyd u qodaya god uu ku aaso ayaduna ay ka tirtirayso gardhkiisa markey ciidu kataabato. Hadaba waxaan jeclaan lahaa in aad ilaahey ka barido caruur saalix ah, rather than confusing the gender, suaasha aan kuu hayo waxay tahay ninkaaga ma ka dareentay wax sexism ah ama inuu ka xun yahay gabdhahaaga? also waxaa waano kuu filan nabigeenii S C W oo gabdho badan lahaa.walaashey tlada ilaah baa leh, adiguna ma ogid caruurtaada nacfigooda midkii aduun kugu anfici doona, dont feel bad it is not your fult, nor anyone else.midbaan ilaah siin.
life is challenge better be strong
untill then peece
Mehraawi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

zAk

Tuesday, September 26, 2000 - 12:12 pm
Asalamu caleykum all.
To Su,aad:
Walaal waxaan ku dhihi lahaa waligaa fiiri midka kaa daran, markaas ayaad arkeysaa xaqiiqda waxaan ka wadaa midka ama mida aan ilmahaba laheyn ee aan waligoodba dhalin, marka waxaad dhadaa Alxamdulilaahwalaal nolosha aad adigu ku hurudo ama ku soo jeedo la soco in uu qofkale haysan oo laga yaabaa qofkaas in aad si fiican u taqaano ama familkaadaba uu yahay.

Mida kale walaal Ilmo ma la iska dhaho ee waxaa lagu duceystaa Ilmo saalixiin ah wiil iyo gabar midkuu doono ha ahaadee, Ilmaha qaar waqtigaan jooga maba ku qabaneyso inaad dhashid.

zAk new york.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

filsan

Tuesday, September 26, 2000 - 03:57 pm
ku su'aad

walaal markaan aqriyey hadalkaaga runtii maadan cadayn adiga iyo ninkaaga qofka aan gabdhaha badan rabin ee waxaad tiri" dadku maxay u kalajeceyihin w iyo g" marka waxay noqonkartaa adiga inuu yahay qofka jecel inay wiil dhasho mana xuma ilaahayna waxba lama aha inuu ku siiyo,dadkuna waa kala duwan yihiine qaarbaa 5 ilaa 8 gabdhood intay dhaleen wiil aan ku doorsadeen, inkastoo wiilashu magaca aabaha ay sii tarmiyaan oo ninku haduusan wiil lahayn markuu dhinto magiciisu halkaa ku istaagayo. mida ah ultra-soundka waa dhici kartaa
inay waxay kuu sheegeen ka gadisnaadaan siiba gabdhaha waxaan maqalay reer ay ku dheheen gabar baa inii dhalanaysa oo reerkii dhar iyo wixii kale
oo gabar u baahanayd ay u soo gateen uu wiil u
dhashay, waxaa la yiri wiilashu inta badan lugaha
ayey isku martaan sidaa daradeed markay alaabta wiilasha arki waayaan waxay u qaadanayaa inay gabartahay.marka walaaley wixii ilaahay ku siiyo ku iimanso,hadii aad ka baqaday in dadka qaarkii
waxa ka sheegaan gabadho dhalidaad bili'aadanka
waxa walba waa lagu arkaa ee dheg ha u dhigin.
walaaley jawaabtayda hadaad ka xumaato iska kay
cafih figradayda baan kuu sheegay.

intaa iyo nabdgelyo.


filsan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

taliye

Wednesday, September 27, 2000 - 03:59 am
walaal waxaan ku odhan lahaa wiil iyo gabadhba waa deeq ilaahay bixiyo balse kuwa maan gaabka ah ayaa mooda inay kala wacan yihiin. adiguna dib haisku dayin in aad ogaato waxa caloosha kuugu jira waayo waa denbi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, September 28, 2000 - 07:07 am
a/caleykum
abaayo gabar ilaah hadii uu ku siiyo ama wiil waa isku mid.
waxaa jira dad jecel in ay dhalan aan ilaah siin.
intii aad ku xamdin laheyd ilaahii ku siiye sadax gabdhood maxaa isu weydiineysaa su'aalo xun!!
ku duceyso in ay noqdaan ilmo diintooda ku dhaqma oo waalidkood u noqda baari ee iska iloow su'alaha wiil&gabar maxay ku kala gedisan yihiin
a/caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

su aad

Thursday, September 28, 2000 - 08:12 pm
by suaad:

walaalahayga qaaliga ahow waan idin wada salaamay meel weliba oo aad joogtaan ,,, marka xiga waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay taladiina qiimaha badan iyo fikradihiina wanaagsan.
tan kale waxaan rabaa walaalkey mehraawi in aan ku iraahdo aad iyo aad baan fikradaada ugu riyaaqey.
walaalkey xaashi waxaan rabaa in aan iraahdo soomaali muslin ahayn miyaa jirta aboowe? anigase waan aaminey kuma dhihin hadaad dib qoraalkeyga ugu laabato waxaan iri sidaas ayey reerkii gaalo ahayd yiraahdeen' ee ilaah baa og wuxuu yahay bini'aadamkan,hadalkeygu caynkaas ayuu ahaa walaalo.
walaashey filsan aniga iyo odageyga midnaba ma kala jeclin wixii yimaada laakiinse way iska fiicnaan lahayd mar in different la arko hadey noqon weydeyse ilaah baa loogu xamdi noqaayaa.
Brother mehraawi kama aanan dareemin odageyga oo wuxuu leeyahay ilmo 100% caafimaad qabaa ilaah hana siiyo micno ma laha wiil iyo gabar.
ee waxaan la yaabay dadkii oo leh wiil baa gabar ka fiican sababtoo ah iyagoo isticmaalaya ceeb ayey keeneysaa , magacii odaga ma wadi karto , wax xil ah ma qaban karto ......, mida odaga magaciisa gartey in ay wadi karin laakiinse ceeb ayey keeneysaa dadka leh ,aniga waxaan aaminsanahay qof weliba jidka san iyo ka xun wuxuu maraayo in ilaah u qorey.

run ahaantiina mar kale aniga iyo odageygaba waan ku faraxsanahay wuxuu ilaah ina siiyo ee dadkii baan ka yaabey qisadan anigu hada maba dhalin ee gabar saaxiibtey ah oo dhashey cisho dhaweyd markey iiga sheekeysey waaba yaabey qisadii ka raacdey ......

to taliye walaalkiis hortaa ayaan wadaad warsadey aniguba waxaan u heystey danbi saa 2 badeydii hore ma ogeyn wadaadkii baa wuxuu i yiri ultra soundku waa cilmi tichnology ee wax dhib ah kuma jiro marka walaakiis saas ula soco.


all brothers and sis waad ku mahadsan tihiin taladiina jasaa'a kalaahum bi qeyr.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

geedi

Thursday, October 05, 2000 - 07:46 am
walaalo caruur waxay tahay anigaa garanaya waxaan ilaahay ka tuugayaa inuu i siiyo dadka halkaan wax ku qorana waxan ka codsanayaa inay ilaahay ii tuugaan inuu caruur isiiyo....mahadsanid...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, October 05, 2000 - 03:30 pm
Asalaamu calaykum.

Salaan ka dib walaal sucaad ilaah ka baq marka horre tan labaad abaayo adigaba gabar ayaad tahay gabdhaha iyo wiilasha ilaah baa bixiyo caadadaasna waa caado ay carbta jaahilnimadii ka hor ay lahaan jireen aniga oo aan jecleen in aan hadalka kugy=u badiyo ayaan waxaan rabaa in aad ku qanacdid gabdhahaga ninkaadana aad u sheegtid inn uu ku qanco qadartaa eebe gabdho badan ayaa niman badan ka fiican abaayo reerkaada isku day in uu noqdo reer diin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUAAD

Thursday, October 05, 2000 - 06:24 pm
SALAAMA GEEDI WALAAL ILAAH HA KULA GARAB GALO ARINKAADA AAMIIN ,,,,,,,,,,,


ANON WAXAAN KU ORAN LAHAA BRO,OR SIS ILAAH KA CABSI LAYSMA WARSAN MEESHA MARKA QORAALKEYGA DIB UGU NOQO ADIGOO UU EREY XUN KAA DHICIN ,,,, GABAR BAAN NEBCAHAYNA KUMA ORAN MARKA FADLAN HA II SOO JAWAABIN ADIGOON QORAALKAYGA FAHMIN WUXUU KU SOCDEY


JASAA AKALAAHUM QEYR AQYAARTA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CISMAAN

Monday, October 30, 2000 - 05:46 am
Walaa markii aan akhriyay su,aashaada waxaan hayaa arin dhab ah oo ka dhacay soomaaliya mudadii dagaalka ka hor,nin baa wuxuu qabaygabad aad u wanaagsan oo aan odhan karo waxay ahayd xilajano,gabadhu waxay leedahay gabdho badan wiilalba ilaaha waa siin waayay ninkii samirkii ayaa ku yaraaday oo tii ilaahy ayuu ilaaway,gabadhii wuxuu ku yidhi adigu waadigan wiil dhali waayaye waxaan guursanayaa naag kale, ka ay qasine waxay ku tidh waayahay,naagtii ayuu guusaday iyadiina wuu qabay laakiin gabadha kale xageeda ayuu u badan yahay.

Naagtii uu guursaday waxay ka noqotay ma,dhalys meelkasta ayuu geeyay waxba way dhali weyday,nabsigii ayaa naagtii hare u hiiliyayoo iyadii xageeda ayuu u batay maalmahan danbe,amarka ilaahay uur ayay qaaday alxamdu lilaah ayay ku jirtaa ,tii kale way xanaaq day oo iswaashay,wuxu ku yidhi gabadh yahay warqadaadi ayaan ku siinayaa,warqadeedii ayaasiiyay .
Xaaskiisii hore mudadii ay uurka dhigi lahayd ayaa la gaadhay waxa la geeyay dhakhtarka waxay dhashay wiil,alxamdu lilaah.

Walaal hadalkaasoo dhan waxaan uga socdaa wixii ilaah kuu qoray ma waayaysid,hadii uu ninkaagu leeyay gabadh danbe marabo waxaad u sheegtaa in aanad adigu waxba ka waban karin ee ilaah uun wiil didn siinkaro hadii uu idin qoray,waxa kaliya ee walaal idinla gudboon in aad ogaataan wiil iyo gabadh kii ilaah ku siiyaaba uu yahau alxamdulilaah.wasalaamu calayku waraxmaatulaahi wabarakktuh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aamina

Tuesday, November 07, 2000 - 02:14 pm
walaal suaad waxaan kuu sheegaayaa inaadan gabar iyo wiilba aanan anaga bixinkarin ee uu ilaaheey
bixiyo waxaan kuu sheegaa aniga hooyadeey waxeey dhashey 7 gadhood oo markii ugu horeeysey layiri
gabar leey dashey, ayadaa is dhashey iyo waxeey
dhalijirtey ayeey dhashey iyo waxyaabo faro badan oo aan loo dirsan oo jaahilnimo ah waxaanse kuu
sheegaa in aabaheey waligiisa ilaaheey ku mahdin jirey asagoo ahludiin ahaa marki siddeedaad oo ay hooyadeey uur yeelatey oo ay dashey wiil.abaayo ilaaheey ku mahdi.ilaaheey ubadkaada ha kuu daayo

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.