site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Waxaan ahay wiil dhalin yaro ah doonayana inuu wax barto, suura gal ma tahay ?

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Oct. 29, 2000): Waxaan ahay wiil dhalin yaro ah doonayana inuu wax barto, suura gal ma tahay ?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALahmed

Thursday, September 28, 2000 - 05:29 am
wallaalayaal wiilal iyo gabdho bulshadeena soomaliyeed waxy u buktaa maantay dowlad caafimaad qabta oo ku shaqaysa cadaalad iyo sinaan si loo gaaro wada noolaansho guuud ixtiraam iyo nabad intaas ka dib dowladuna waxay u baahantahay dad aqoonyahano ah oo ka soo faaiidaystay waqtigooda si dowlada ay horseed ugu noqdaan dadkaas aqoonta leh taas hadaan la helin walaalayaal way adagtahay in la helo dowlad ku dhisan sharci iyo kala danbayn marka walaalayaal waad aragtaan 85% sida dhalinyarada soomaliyeed ay u dayacayaan waqtigooda ayadoo ayan jirin wax sabab ah oo kalifayaa arintaas waxaan idin ku baraarujinyaa in waqtiga looga faaiidaysto si hormuuud loogu noqdo umada soomaliyeed. walaalayal waxaan ahay wiil dahlinyaro ah kuna nool dalkan england doonyana inuu wax barto hada waxaan dhigtaa college labo sano ka dibna waxaan isu diyaarinyaa inaan jaamacada galo hadba arintaas suura gal matahay inaaan dhamaystiro wax barashadaas anoo ka mid ah bulshada soomaliyeed mase laga yaabaa hadaan guursado in ay wax u dhinta dadaalkayga ku wajahan wax barashada bal arintaas ila fiirshoo inta ila fikirkaa talo ha iga soo siiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sagal

Tuesday, October 03, 2000 - 03:51 am
walaal waxbarashada waa mid muhiim ah laakin adiga ayeey kugu xerentahay xaga guurka aniga waxaan ku dhihi lahaa ha guursanin intay wax barashada kuu socto sababta oo ah waxey kuu keyneysaa dhibaato,
walaal wuxuu ale kuu qoray gafi meysid balse marka aad guursaneysid waa in aad u ahaataa diyaar reer in aad dhaqatit taas aad ayey muhiin u tahay,soomaalida kama tashtaan maxaa guurka ka danbeeyo marka dhalanyarada soomaaliyeed in ey ka fikiraan taas.
dhalan yarada soomaaliyeed ee aan ka faaideysanin waqtigooda,waxaa wadanka looga baahanyahay dad jidadka iyo qashinka nadiifiyo taas ayey ka shaqeynayaan hadii ey fikradeyda qaldantahayna iga raali noqda!
walaal marka wax yar baa kuu haray hadii aad jaamacad galeysid marka waa suurta gal in aad ka baxdid..dhalanyarada soomaalida joogta wadanka finland wax wey bartaan qaarbaa jaamacad dhigta qaar n weyba ka bexeen..
aniga waxaaan ahay gabar 15sano jirta kuna nool wadanka finland

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.