site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Jaceyl ayaa jahada iga wareeriyey.. Maxaan sameeyaa?

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Oct. 29, 2000): Jaceyl ayaa jahada iga wareeriyey.. Maxaan sameeyaa?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Canab

Sunday, October 01, 2000 - 06:04 am
Walaalayaal waxaan ahay gabar 18 jir ah oo waxaan is jeclaaney wiil 19 jir ah. Labadeena aad iyo aad ayaan isku jecelnahay balse dhibaatada i heysata waxaa weeye mar kasta oon kulana, jaceyl dartii baan is dhunkanaa taasna Diinta Islaamka maogala. Labadeena waxaan la joognaa waalidkeena oo midkeen guur kama hadli karo. Wuxuu mar iga codsadey in aan nikaax qarsoodi ah aan sameyno balse taas waan kaxumaadey maadaama aan waalidkeygii intaas ila soo ekeeyey aan sidaan kusameyn karin. Waxaan sameeyo ma aqaan maadaama aan rabo in aan wiilkan mustaqbal layeesho. Asaga iguma dhibo arinkaan balse waxaan ka baqayaa in aan hadoow is weyno hadii aan niraahno markale ayaan is guursan doonaa. walaalayaal wiilkan ma iska nikaaxsadaa mise nasiibkeygaan mar dambe iska sugtaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADIJA

Sunday, October 01, 2000 - 10:22 am
asalaamu caalykum

horta walaaleey ilaahay u toobad keen waayo nin ajinabi kaa ah baad kun katay.marka labaad diinta islaamaka ma o gala inay gabar nikaaxsato iyadoon walidkeed ama waligeeda ogayn. laakiin waridka waa u sheegi kartaa inaad jecashay inad wilkan guursatid. waxaa caadi haka xishoon.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Sunday, October 01, 2000 - 10:36 am
comments to canab
walaal arini waa siday canab kuugu sheegtay ee ha kasi waayin(ha gafin).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Sunday, October 01, 2000 - 10:36 am
i mean as khadija said.sorry.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Sunday, October 01, 2000 - 07:29 pm
Holly Falafel Get a Campus chief.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ilhan

Sunday, October 01, 2000 - 11:57 pm
I think canab sis you have seen to much Indian film.
First of all I don't think you're 18, and the guys is only 19, you guys don't need love yet come on if you can't wait then get married.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wanaagsane

Tuesday, October 03, 2000 - 01:31 am
Sister Canab!

waxaay ila tahay anigu inaad tahay gabar aad u asturan. qofka baniaadamka ahna qalad wuu sameeyaa, xubina waa jiraa , sheeydhanku wuu soo jeedaa.

Waxaan qofka baniaadamku uu leeyahay "aalad2 ama hormono dhalinaya inuu jirkiisa sameeyo, waxaaysan maskaxda dooneynin. qalbiga iyo maskaxdana mar-mar buu qilaaf dhexmaraa. Marka don't feel guilty...ask the almight for forgivness and carry on with your life... ninka walaalka ahna is guursada/nikaaxsada, oo marka aad aragtaane (wax laidin ka celinayo) ma xeerada salkeeeda? lol
anyway my dear sister, dembi dhaaf ilaahey weydiso, kuna dadaal inaad guurka u fikiritid oo caruurnimada yaay ku qaadanin, take your time...

Dhunkasho, ama galmo darteed looma dhinto ama laguma janno tago , laakin waa naar tagaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

waraf/wiil

Tuesday, October 03, 2000 - 04:44 am
marka hore salaan marka labaadna aad baad u mahadsantahay marka sadexaadna waxaa kugu waajib ah inaad xasuusnaato rabigii ku keenay kuna sameeyay adoon jirin abaayo maanta waa aduun barina waa adi iyo qabri iyo lakulanka eebahaa sidaas ogow mide kale hadey sidan daacad kaa tahay wuxuu ilaahay baneeyay naftu qofkay rabto in xalaal lagu raadiyo mana qabo hadaad wanaagsan tahay wanaag doona tahyna inay waalid kaa kuu diidi karaan wixii rabi baneeyay marka arintaada u bandhig waalidkaa haday ku yeelaan kulana gartaan jacelyka waa alxamdu lilaahi hadii laguu diidana ninkaasna uusan ceeb lahayn bulshadiisana ka mid yahay diinta ayaa kuu ogol inaad ku hor mehersato hortooda intaas ayaan kugula talin lahaa abaayo lagama xishoodo waxay nafto doonayso

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.